Asalka Afkaarteenna Iyo Kala Duwanaanta – Maxammed Cabdillaahi Ibraahin

Dr Maxammed Cabdillaahi

Maxaa keena in aan xogta isku khilaafno ? Sidee ayaa ay ku abuurmaan fikradaheenu ? sidee ayaa uu ula dhaqmaa qofku labo xogood oo is diiddan ama u soo kala horreeyay ? sidee ayaa ay kala duwanaanta xogtu u keeni kartaa in qudha la iska jaro (dil) ?! kaalinta nafsadeed ee xogtu leedahay …

Qofku marka uu dhasho heerkiisa garasho iyo xogta maankiisa ku jirta nooca ay tahay waa la isku khilaafaa falsafad ahaan ; ma xaashi cad oo dhan baa mise xog uu qabo ayaa uu la soo dhashaa ?! idinku daalin maayo doodda dheer ee laga qabo ee midda aniga ila saxsan ayaan idin la wadaagi ka dibna horey ugu socon qodobkeenan .

Qofku marka uu dhasho waa xaashi madhan maankiisu , waxa ku jira oo kaliya xogta abuureed ama dhalan ee muhiimka u ah shaqada jidhka iyo nolosha (biological instincts) sida in uu naaska hooyadii jaqo waana mid ay ka siman yihiin noolaha oo dhan ee aan ku xidhnayn garaadka baraadka leh (conscious mind) ama ba fikirka wax kala sooca (judgemental thinking) , sidaa awgeed qof kasta waxa uu dhashaa isaga oo saafi ah oo aan lahayn rumeyn , dhaqan iyo aqoon midna ! halkan qolooyin ayaa isku qabsada sida loo macneynayo xaaladdan ; ma talan muslimiintu waxa ay yidhaahdaan ‘qof walba waxa uu dhashaa isaga oo muslim ah’ iyaga oo ka duulaya xadiis sheegaya in ‘qof walba oo dhasha lagu dhalo fitrada ka dibna waalidkiisu yahuudiyeeyaan ama kiristaaneeyaan ama ba majuuseeyaan’ dhinaca kale mulxidiinta ilaah diidka ah waxa ay ku doodaan in qof kasta uu dhasho isaga oo mulxid ah oo aan diin iyo ilaah aqoon ka dibna waalidkiisu diin iyo ilaah baraan ! runtii labada dhanba wax baa laga sixi karaa oo waa mid e mulxidku waa qof aragti iyo goaan taban (negative) ka leh diimaha iyo ilaahay sidaa awgeed suuro gal ma aha in qof dhashay oo aan goaan iyo garasho lahayn mulxid lagu sheego , dhanka kale muslimiintu in ay isku macneeyaan ‘fitro’ iyo ‘islaam’ waxa ay u baahan tahay in lagu yar noqdo , sida ay aniga ila tahayna ‘fitro’ waxa laga wadaa ‘saafi’ halka islaamka laga la xidhiidhiyeyna waa in uu fitradaa saafiga ah toos u hagayo oo uu si quman u anbaqaadayo , aayadda sheegaysa in beri hore eebbe dadka marag galiyey oo ay qireen eebbenimadiisa ma qeexayso in ay tahay xog maanka qofka dhasha ku jirta , mooyi in ay qariisooyinka (instincts) ku jirto oo lagu macneyn karo janjeedhka ilaah raadin ee basharku la gooni yahay se in qofka dhashaa saafi yahay oo aanu wax xog ah oo xataa eebbe la xidhiidha la soo dhalan isaga oo maanka ku haya waxa laga heli karaa isla islaamka oo qofka dhashay ama yar ma noqdeen xillaawe aan waxba la weydiin !

Xogtu dadka waxa ay ka soo gashaa dareemeyaasha ; waxa qofku xog hayo oo dhan waa kuwo uu maqlay ama arkay ama uriyey ama dhadhamiyey ama taabtay (jidh ahaan) ; qof loo waxyooday laftiisa intan mid ka mid ah ayuun bay xogtu ku soo gashay !
Marka aad yar tahay waxa aad timid deegaan xog buuxa ama ba waxa aad dhex timid xog waayo deegaankuba waa xog ; markaas ayaanay xogtu ku burqataa maankaaga , ma lihid shaandheeye diyaarsan oo xogta qaldan iyo midda quman ka la haadiya se xogahan laftooda ayaad isku shaandheysaa tusaale ahaan marka ugu horreysa ee aad aragto bisad/mukulaal aanay kaaga horreyn wax aad ku tusaaleyso kama baqatid ; waxa kaliya ee maankaaga galay waa xog xusuusta ku kaydisay noolehan muuqaalkiisa iyo waxa aad ka aragto , hadii bisaddu ku xagato ama kugu sameyso wax ku xasuusiya dhacdo cabsi leh oo ku soo martay waxa maankaaga gasha xog kale oo ah in bisadddu halis tahay oo aad ka baqato , hadii ay bisaddu kugu soo noqnoqoto iyada oo ka madhan in ay wax ku yeesho waxa mar kale ku gasha xog ah in bisaddu aanay halis badan lahayn oo aad la noolaan karto ; halkan xogaha kala duwan iyaga ayaad isku haadisay oo aad isku saxday .
Tusaale kale isla bisadda oo ku cabsi galisay hadii qof guriga ku la joogaa kaa celiyo waxa aad kaydisaa kaalintaa qofkani ku lahaa halistaa aad ka baxsatay , mar kale oo aan lagu la joogin hadii ay isla halistii timaad waxa aad tabtaa kaalintii qofka halkaana waxa aad ka kaydisaa xog ah in cidladu halis tahay , hal qof hadii aad la qabsatay kaligii ayaa aad ku xidhiidhisaa hadii qofaf kale isla kaalintaa kuu galaan waxa aad xogtii hore ku toosisaa in aad dad uun uga baahan tahay cidlada ee qof gaar ahi sidiisa muhiim u ahayn , hadii adigu aad sameyso wax keena in halista ku hortaalay kaa baydho waxa aad heshaa xog kale oo ah in aad adigu halistan furdaamin karto adiga oo yareeya baahida wehelka ; waxan oo xogo ah waa tusaaleyaal sida ay maankeena u gasho xogta aan rumeynno iyo sida aan xogaha iyaga isugu saxno ee aynaan u lahayn xog halbeeg ah oo aan la soo dhalannay waana tusaale fudud se ay la xeer yihiin dhamaan xogaha oo dhan .

Deegaanka aad ku dhalato waxa ka buuxa xogahaasi kugu soo burqanaya waxa ka mid ah xogaha ay dadka aad ku dhex dhalatay maankooda ku kaydiyeen oo ay kuu laqbeynayaan iyaga oo siyaabo badan kaaga dhaadhicinaya , xog kasta oo lagu siiyo marka hore waa ku la run hadii aanad helin xog kale oo wax ka badasha ama beenisa , xog kasta oo lagu gu celceliyo waa ay kugu xidideysataa , xog kasta oo aad kuugu xidideysataa waxa ay yeelataa saameyn nafsi ah oo ka muuqata hab dhaqankaaga , xogaha qaarkood ayaa gaadha heer aanay xog kale sixi karin ; waa marka ay yeeshaan jirrid adag iyo xidid dheer oo aad nafsad ahaan ugu dhagto ! waxa xusid mudan xog kasta marka hore caqliga ayaa ay martaa , marka laga tago xogta dhalanka ah (biological instincts) ee aan caqli u baahnayn , waa xogta bakteeriyaduba yeelan karto e , se hadii xogtaasi wax badala waydo ama wax kale lagu xoojiyo sida cabsi galin badan waxa ay yeelataa kaalin nafsadeed oo halkii ay bilowgii ka ahayd mid caqlaani ah imika waxa ay noqotaa mid nafsaani oo qofku rumeysnaan karo si kasta oo uu u helo xog beeninaysa ; tusaale ahaan qof aya ka baqda digaagga , yaraantiisii ayaa digaag ama wax u la eekaaday si xun u cabsi galiyey cabsidaa oo muddo dheer xusuustiisa ku jirtay wax saxa oo lid ku ahna aanu helin jeer oo ay noqotay xog nafsi ah oo laga yaabo qofka oo weynaaday oo xitaa ilaaway dhacdadii ay ka raacday hadana wali uu ka baqdo digaagga ; xogta caqlaaniga ah ee isaga oo weyn u sheegaysa in aanu digaaggu halis ku ahayni wax ba ka ma badasho habdhaqankiisa waayo xogta hore ayaa ku dhex luntay xusuustiisa o yeelatay hab nafsi ah , waa xog nafsaani ah imika ; waa waxa aan ugu yeedhno Phobia !

Xogaha uu qofku hayo waxa uu ku dhisaa noloshiisa iyo hanaankeeda , sidiisaba basharku waa faylasuuf raadiya xog oo suaalo is weydiiya hadii aanu jawaabo helinna noloshiisa raali kama noqon karo , si kale maankiisa madhan ee uu la dhashay hadii aanu xog is waafaqsan ku gurin daganaansho ma dareemi karo , waa sababta uu xogaha isugu saxo , hadii ay xog yeelatay kaalin nafsaani ahna waxa uu isku waafajiyaa si nafsaani ah oo waxa laga yaabaa in uu cabudhiyo qaybta garaadka ee naqdiska si uu xogaha is diiddan uga ilaaliyo in ay abuureen qalalaase nafsi ah .
Qasab ma aha in dadka xog kaliya wada gasho oo ilaha xogtu waa ay kala gedisnaan karaan , isku xilli in ay xog wada gashaana waa kala duwanaan kartaa isku si in ay xog u gashaana waa kala duwanaan kartaa oo hal xog oo mar ina wada gashay ayaa waxa kala duwi kara xogo kala duwan oo hore inoo gu sii kala jiray oo xidhiidh la leh ama ba xog inoo kala dambeysay , xogta maankaaga fadhiisatay hadii mid kale oo la mawduuc ah timaaddo waxa ay xoojisaa xogtaa hore ee fadhiday ama ay wax ka badashaa habkii ay u fadhiday ama gabigeedaba waa ay bara bixisaa ama xogta hore ayaa midda cusub intaa ku sameysa oo soo dhaweysa , wax ka badasha ama irridda ka xidhata (rejection) ; intaasibana waxa ay ku xidhan tahay heerka is waafaq ama is diid ee labada xogood ka dhexeeya , sida ay u kala xoog badan yihiin ama sida ay ugu kala taageero badan yihiin xogaha kale ee qofku hayso iyo sida ay nafsadda u kala saameeyaan oo badanka xogta hore ku saameyn badan tahay !

Sidaa ayaa aynu ugu kala duwanaannaa xogaha oo fikradaheenuna ku abuurmaan , sidaas ayaanan u la dhaqannaa xogaha kala duwan hadaba doorka nafsiga ah ee xogtu yeelato ayaa keena in uu qofku u dhaqmo sida ay u yeedhinayso ; tusaale ahaan xog maanka qofka fadhiisatay xili hore oo wadata cabsi lagu gadaamey (qaababka xogaha barroosinka loogu aaso waxa ka mid ah cabsi galinta lagu ladho) ama ba in badan qofku aanu helin xog wax ka badasho ka dibna uu ku dhisay hanaanka fikir ee noloshiisa oo dhan hadii mar dambe la keena ama ay timaaddo xog soo habsaantay oo beeninaysa ama sugnaanteeda suaal galinaysa waxa ay u badataa in qofku irridda ka xidhdho judha hore si uu u dhawro xogta kaalinta ku leh daganaanshihiisa nafsiga ah (psychological stability) haddii la isku dayo in irridda xoog lagu jabiyo oo waqti kooban gudihii lagu celceliyo xogtaa dambe waxa uu u dhaqmi karaa qaab nafsaani ah oo waxa dhici karta in uu isha xogtaasi ka imanayso ka takhaluso , hadii uu qof waday in uu qofkii dilo ama ciqaabo hadii aanu karinna ka fogaado , waxa iyana suurowda hadii uu tun jileycsanayo isha xogtan in uu marka horeba ka takhaluso , waxa iyana suurowda in hadii isha xogtu ka imanaysaa xooggan tahay isla markaana aayar aayar loo siiyo in uu dabco oo xadhkihii xogtii hore furfurmaan waa haddii ay xogtani ka hesho taageero xogaha qofka hore ugu jiray , waxa iyana dhici karta in xogtani wadato cabsi galin ka xoog badata cabsidii xogta hore la socotay oo markaa qofku middan dambe si nafsi ah u qabatimo sida qof aaminsanaa in gadhka oo la xiiraa yahay xaaraan ciqaab diineed leh hadii meesha uu ku nool yahay laga mamnuuco dadka gadhka leh isla markaana aanu helin meel uu uga badasho ama xeelad kale waxa ay u badan tahay in uu dib u eego xogtiisii hore waxaanay u dhawdahay in uu ka tanaasulo oo uu is aaminsiiyo in gadhka la xiiri karo ; si uu isku qabadsiiyo labo xogood oo mid walba ciqaab ku ladhnayd , hadana mar walba xogta awooddeeda iyo kaalinteeda nafsiga ah waa midda goaamisa waxa uu qofku yeelayo oo dadka qaar ayaa xog ay hayeen waxba laga ga badali karin -in xusuusta laga qaado mooyi e !

Kala duwanaanshaha tiro ama tayo ama ba qaab ee xogta ayaa ay ka dhalataa kala duwanaanshaha fikraddu qof walbana kaalin nafsi ah oo noloshiisu ku qotonto ayaa ay ugu jirtaa xogtiisu sow markaa ma aha in la isugu dulqaato kala duwanaanshaha fikirka oo la isaga tudho in qalalaase iyo qas maanka iyo nafsadda la iska ga furo ?!

Dee walaal ‘haa’ dheh !

Waa la ma huraan in xogaha dadku isu gudbaan sida ay xadaaradaha umaduhu isugu gudbaan oo labo qof oo meel wada jooga xog waa ay is dhaafsan se xogtaada hadii irridda laga soo xidhdho xoog ha ku galin ama ha ku daandaansan sidii xadaarad mid kale ku duushay oo ku sanduleysay ee waqtiga fursad sii oo tixgali qofka adiga oo qaabka aad fikraddiisa (xogtiisa) u naqdisaysaa ku xisaabtamayo nafsadda ay ku leedahay qofka xogtiisan aad naqdinaysaa .

Maxammed Cabdillaahi Ibraahin
Maxamedxirsi19@gmail.com
Hargeysa – Soomaaliland

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here