Aqoonta Gorfaynta (4) – Cabdiqani Cabdillaahi Aadan

Cabdiqani Cabdillaahi Aadan

Hadda ba, waxqabadka qorani, sidii aynnu hore u soo xusnay ba, waxa uu noqon karaa buug, sheeko, maqaal, riwaayad, filin iyo qaybaha maansada la curiyo iyo wixii la halmaala ee kale; waxa aynnu se isku gaar yeelaynaa gorfaynta waxqabadka qoran, gaar ahaan buugaagta.

Gorfayntu muhiimad side ah bay u lee dahay buugaagta?

Gorfayntu, guud ahaan aqoonta iyo gaar ahaan ba waxqabadka qoran ee buugaagta muhiimad baa ay u lee dahay, waa na agab aqooneed muhiimaddiisa leh. Gorfayntu wehel bay u tahay buugaagta iyo dhammaan ba waxqabadka qoran, mar na, waa beegaal la ga daawan karo horumarka iyo muhiimadda uu lee yahay buug daabacani.

Spink, Robins iyo Schamber (1998) baadhitaannada ay ku sameeyeen mawduucan waxa ay dhigeen aragtiyo sii balballaadhinaya fekraddii Garvey iyo Griffith (1971) ee tilmaamaysay waxa ay u gu yeedheen “xidhiidhaqooneed – Scholary Communication” aragtidani waxa ay ina tusinaysaa in aqoonyahanku u wada xidhiidho hab ka duwan hababka kale ee dadku u wada sheekaysto. Xidhiidh aqooneed wax la yidhaahdo baa aqoonyahanka dhexmara baa ay yidhaahdeen. Kooxdani na (Spink, Robins iyo Schamber) waxa ay xidhiidh aqooneed aqoonyahanka dhexmara ku kordhiyeen gorfaynta buugaagta.

Noocyada Gorfaynta Buugaagta

Inta badan gorfaynta waxqabadka qoran ee buugaagta ee la sameeyaa waa saddex: Gorfayn qofeed, Sookoobid, iyo Gorfayn aqooneed.

Gorfayn-qofeeddu (Opinion Review) waa gorfaynta uu qofku ku gaaryeelo aragtidiisa qofeed ee ku saabsan buugga uu akhriyay. Waxa uu ku soo bandhigayaa meelaha cajabiyay iyo meelaha uu saluugay. Qofka gorfayntan samaynayaa, ma baalmari karo shuruudihii gorfeeyaha u yaallay marnaba.

Sookoobidda (Summary Review) waxa sameeya badanaa joornaallada. Waa gorfayn kooban oo loo gu talogalay uun in ay akhristayaasha ka caawiso in ay akhriyaan buugga ama ay iska dhaafaan. Summary review-ga waxa la daabacaa, inta badan, maalmaha u gu horreeya ee buuggu soo baxo.

Gorfayn-aqooneed (Scholary Review) waa gorfaynta gorfaynaha baa aan odhan karaa. Waxa sameeyaa aqoonyahanka u aqoonta leh buugga daabacani mawduuca uu ka hadlayo. Si xeeldheer oo ballaadhan baa gorfaynta loo gag a warramaa buug daabacan ama dheh ba loo gu lafoguraa. Gorfayntan aqoonyahanka sameeyaa waxa ay awood u lee yihiin in ay gunaanadka gorfayntooda buugga ku talobixyaan “Uma qalmo in la akhriyo” . Gorfaynta, waxa loo daabacaa hab buug oo buug baa ba la ga dhigaa, ama waxa la gu daabacaa magasinnada iyo joornaallada aqoonta.

Sidee buug loo gorfeeyaa?

Gorfaynta buugaagta marka la samaynayo, saddex rukun baa asal ah in la ga abbaaro:

· Qaabka uu u qoran yahay (Style): rukunkan waxa la gu gorfeeyaa habka iyo hannaanka buuggu u qoran yahay, u daabacan yahay ama ba u kala dhigdhigan yahay. Waxa gorfeeyuhu ay tahay in uu ku soo bandhigo rukunkan dhexdiisa, haddii ba ay jiraan, dhaliilaha qoraal ee buuggu lee yahay ama kuwa dhanka daabacadda ah ama ba kuwa dhanka habqoraalka ah ba.

· Waxa ku qoran (content): waxa Iyana rukunkan la gu gorfeeyaa, buugga mawduuca ku qoran, habka uu u ga hadlay, u qoray ama ba u falanqeeyay. Dhaliilaha mawduuca buuggu sida uu u ga hadlay ku jira baa la gu caddeeyaa, wixii bogaadin iyo ammaan buugga la gu ammaanayo baa iyada na rukunkan la gu dhigi karaa. Waxa ay tahay in uu si weyn rukunka u gu lafoguro gorfeeyuhu mawduuca buugga.

· Muhiimaddiisa (merit): waxa la gu gorfeeyaa rukunkan farriimaha uu xanbaarsan yahay buuggu iyo sidoo kale miisaankiisa baahiyeed ee uu bulshada u yeelan karo.

Cabdiqani Cabdillaahi Aadan
Email: abdiqaniaden010@gmail.com
Kampala Uganda.

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here