Ninkii La Muslimiyay! – Cabdixakiin Marayare

Marayare

Nin aanu saaxiib ahaan jirnay baa beri gabadh iska jeclaaday!Waa markii aan ogaadey in aragti keliya qof lagu jeclaan karo.Cilmi-Boodhari ba saw Hodan markaliya oo ay Moofadiisii timid ma jeclaan?Kolkan uu Saaxiibkay Inanta iska jeclaanayo labaatan sakan oo keliya ayuu arkay waligii ba.Magaceeda,Gurigeeda iyo qoftan ay tahay midna wakhti uu ku weydiiyo ma uu haysan.Hortiisa ayay martay. Waxa ayna isaga la ahayd biligta Hillaaca oo kale.Iyada oo lafyoonaysa oo dirac Wil ah oo ka yara dheer gacanta bidix ku ururinaysa ayay dhaaftay.Isna sidii ay dab|koronto ku dhagtay buu noqday oo indhihiisu waxa ay ku qalaleen inanta jidhkeeda ruxmaya sidii Laamolawshaha.Naasaheeda rucubta ah ee dar Ilaahay usoo fiiqmay iyo indheheeda kuwa Deeerada u eeg baa Saaxiibkay Cabdi qalbigisa ku qoray xuruuf la akhriyi karo haddii la rabo.Ilbidhiqsigii udambeeyey ee uu aragtideeda arko inta ay dib u soo jalleecday bay dhoollacaddaysey!Deetana, waxa ay ku libidhay Magaalada samxadda baabuurta iyo dadku isdhaafdhaafayaan.Dhoollacaddayntan dambe ee ay ku macasaalamasey ayaa jacaylka Cabdi hayaa ka bilaabmay.Dharaartan uu Cabdi inanta iska jeclaaaday waxa ay kow ka ahayd kun iyo afar boqol iyo lixdan maalmood oo aan la garan karin waayaha ay soo sidaan.

Cabdi,oo aannu inta badan habeynkii usoo wada hoyan jirnay guri yar oo aannu waddan qurbe ah ka wada kiraysanay ayaan ugu imi isagoo qofkale aan mooday kolkii hore.Waayo,waxu ahaa dadka marwalba iska faraxsan ee kaftama.Intii aan aqaanney qofnimadiisana sidan uu caawa yahay ma aanan arag.Farxaddiisii oo laba saddex jeer oo kale labalaabmatay bay ahayd.Qofku kolka uu aad ufaraxsan yahay waxa laga gartaa wejigiisa iyo hadalkiisa.Qosol kalgacal lagu daray ayuu salaantii aan anigu lahaa ku maroorsaday.
Bilowgii sida bushaarada leh ee uu salaanta iiga qaaday baa I hakisay.Aniga oo isleh aad weydiisid kheyrka caawa soo kordhay ayuu isagu iigu bushaareeyey inuu galabta Laylatulkhadar arkay!Inantii dunidan ugu quruxda badnayd baan galabta arkay ayuu hadalkiisa ku soo ururriyey!Anna kolkiiba tilifoon baa la iiga baaqay oo sheekadiisa aad uma sii dhagaysan.

Maalmo badan iyo bilo ka dambeeyeyba saaxiibkay inantaa aannu aqoon buu ka sheekayn jirey kana fikiri jirey.Anigana waxu igala tashaday sida uu ku heli karo!Anigu nin soo yara waalanaya ayaaban marar badan uga shakiyey.Waxa aanan kula taliyey inuu dheeldheelka iyo khayaalka naftiisa ka daayo.

Maalin kale oo qiyaastii lix bilood kaddib aragtidii koowaad ee Cabdi iyo Inantii ayuu sida uu iisheegay Dukaan laga alaabaysto kula kulmay inantii uu jiif iyo joogba u diidday ee naftiisa yari u xuduundantay.

Guriga ay deggan tahay,Teelfoonkeeda iyo sheekadeeda oo dhan isagoo haysta oo aad u riyaaqsan,una faraxsan ayaan maalin kale arkay Cabdi oo aanan muddo is-arag.Waayo,markan waannu kala guurray oo muddo bil ah maanu wada oollin gurigii yaraa ee noo wada kiraysnaa,Anigaa ka guuray oo xaafad kale aaday.Aad buu iigu celceliyey inanta quruxdeeda iyo sida ay u eegtahay iyo halka ay ku nooshahay.

Wakhtigu wuu iska socdaa.Aniga iyo Cabdi dhawrkii toddobaadba mar baannu Magaalada ku kulannaa oo Kafeega wada cabnaa.Kolka aannu is aragno ba Inantii uu jeclaaday ayuu warkeeda ii horreysiiyaa iina dambeysiiyaa.Ereyada iyo sida uu iigu sheekaynayo ayaan ka rumaystay inuu inantaa jecel yahay.

Maalmo dambe oo sannaddo ah ayuu Cabdi ibaray saaxiibaddii.Waan ku farxay inaan dadka bartay inantii saaxiibkay naftiisa yar cadaabta ku shidday.
Maalin kale ayaan Cabdi gurigiisa ugu imid annakoo ballansan.Hees Xasan Aadan qaaday oo ereyadani kamid yihiin buu dhagaysanayey.Heesdu aad bay u dallacnayd cod ahaan oo dadka dibbadda guriga jooga ayaa maqli karayey:
Ma sannadkii afraad baa
Saaka caashaqeenni
Inan yahay soconayaa
Oo salaan kolay tahay
Isla seggan nahay talo
Innagoo si wada jecel?!

Waxa aan weydiiyey su`aal ereyada heestu sheegayaan oo ahayd:
-Waar ma sannadkii afraad baa jacaylkiinu gaadhay?
-Cabdi – haa saaxiib waa sannadkii afaraad.
Wakhtigu muxuu ordayaa?!Cabdi waxu ii sheegay inay arrin kale timid oo jacaylkiisii lasoo ka la dhexgalay!Bilowgii waan ka naxay hadalkaa iyo dareenka Cabdi isla daqiiqaddaa wejigiisa ka muuqday!

Galabkale ayaa teelfoon la iiga soo sheegay in Cabdi Cisbitaalka ugu weyn Magaalada inuu yaallo oo dhawr casho ba bukay.Si degdeg ah ayaan Gaadiidka Dadweynaha u beegsaday oo ku booqday Cisbitaalka isagoo jiifa oo faleebooyin jidhkiisa ku socdaan.Kolkaa aan u tagay waxa la joogay Dhakhtarkii xanuunkiisa qaabbilsanaa.Waxa aan weydiiyey xanuunkan Cabdi haya?Waxu ii sheegay nafaqodarro iyo tabardarro jidheed!Ma ahan xanuun aan Cabdi ka filayey.Arrintaa Dakhtarku sheegay waxa aan ka gartay sida Cabdi isku beddelay ee jidhkiisu u fagmay.Sida runta ahna cudurka Cabdi hayaa ma ahan kan Dhakhtarku sheegay. Laakiin waa cudurka caanka ah ee Jacayl oo dadbadan laayey iyadoon la dhaadanayn.Xanuunkuna waa mid kasoo bilaabmay dharaartii koowaad ee Cabdi inanta arkayba sida uu ii sheegay markan dambe ee uu Cisbtitaalka yaallay.Maalmo badan oo kale ayaan Cabdi Cisbitaalka ku booqday isagoo xaaladdiisu liidato oo sii xumaanayso.Dhawr toddobaad kaddib guriga ayuu kusoo noqday isagoo xanuunsanaya.

Maanta Teelfoonkii Cabdi wuu dansan yahay.Waa dhawr dharaarood kaddib kolkii uu Cisbtaalka kasoo baxay.Maalintii xigtay oo aan raadiyeyna waxa la iisheegay inuu gurigiisii iyo Magaalada ba ka guuray.Yaab!Aad baan isku weydiiyey waxa Cabdi Magaalada ka raray isaga oo buka!Sidaas baanan muddo uga war hayn.Cabdi waxu dhawr sannadoodba kamid ahaa saaxiibbo badan oo aannu wakhtiyo soo wada marnay oo aanan iska warqabin.Dadkale oo aannu Cabdi isla garanayney marar aan ka waraystay iyaguna waxa ay iisheegeen ninkaasi Magaalada wuu joogaa,haddana ma aragno.Ma jacaylkii baa ninka sidaas u qariyey,illaa la arki ba waayo?!

CABDI OO MUSLIMAY!

Maanta Masaajid aanan weligay tagin oo aad uga fog halka aan ku noolahay ayaan u Salaad tagayaa.Sababtu waxa ay tahay Cabdi baa ka eedaama,mararna Iimaamka noqda Masjidkan.Sidaas baan u go`aansaday inaan Cabdi bal ka wardoono.Salaaddii tukannay oo dadkii kala dareere badankoodii.Dadka intii sunnaysanaysey ayuun baa isku soo hadhay.Anigu ma sunnaysanayo ee Cabdi oo hortayda ku tukanaya oo gadhweyn leh oo khamiis iyo cimaamad ba wata ayaan daawanayaa!Yaab waxa igu noqotay sida Cabdi isku beddelay muuqaal ahaan!Kolkii uu salaadihii sunnada ahaa tukaday ayaan ku dhawaaday si aan u bariidiyo.Saa waxu u ba muuqdaa nin aan i garanayn!Yaab anigii baa shakiyey oo is idhi malaha waa Walaalkii oo aanad aqoon oo Wadaad ah!Laakiin,arrintu sidan aan moodey ma ahan ee Shiikhani waa Cabdi oo diiddan inuu ila ba hadlo!Oo ma dembi baad ka gashay?!Mar dambe ayaannu dibbadda Masjidka ku wada hadallay oo uu iisheegay inuu toobad keenay?Oo saaxiib ma dhiig baad daadisay mise diinta ayaad ka baxday ayaan weydiiyey anoo aad u fajacsan?!Subxaanallaah…maya..maya..istaaqfurullaah… dhawrkaa erey buu marekeliya dudubiyey!Maya ee waxa aan ka toobad keenay dembigii weynaa ee aan berigii Cisbitaalka u galay ayuu haddana yidhi!Waxu raaciyey isagoo qof muslina ah inuu khuraafaad aaminay oo qof bani aadan ah dartii naftiisa u halaagey!Markaas baan fahmay saaxiibkay inuu ka muslimay jacaylkii berigii uu inanta u qaaday!Waxa kale oo yaab lahaa inuu Cabdi ii sheegay inaanu rabin cidkasta oo arrintaa la ogayd sida aniga oo kale!Inanta la garaye annakana maxaad nagu haysataa ayaan is idhi weydii.Haddana waxa aan maleeyey inuu noo arko uun dad lunsan oo uu kasoo dhex muslimay!Saaxiibkay Cabdi runtii maanta waa nin toobad keenay hadduu sidaas ku godgalo waxa soo hanuunisey inantii quruxda iyo kheyrkaba qabtay ee uu jeclaaday oo noloshiisii oo dhan afgembidey!Hablaha quruxda lihi waa kheyr qabooyin ragga muslimiya!Inantaa quruxdeeda iyo dhabankeeda xitaa nin Gaal ahi diintiisa wuu uga tanaasuli lahaa.Mid muslin ahina Diinta Islaamka ayuu uga firdhan lahaa!Laakiin,sawkan Shiikh Cabdi ba iisheegay inuu toobad keenay iminka!

Shiikh Cabdigan Muslimay iyo Cabdigii aannu saaxiibka ahayn ee inanta iska jeclaaday aad bay ukala duwan yihiin!Cabdi waxu ahaa nin yar oo faraxsan oo sheeko badan oo kaftan badan.Shiikh Cabdigan Muslimayna waa nin dunidaba u arka dhicis haraggii!Waa nin cadhaysan oo intii aan hortaagnaa wejigiisa waan hayn kari la`aa!Inta aan macasalaameeyey ayaan ka dhaqaaqay.Si kaste ba ninkan aannnu kala dhaqaaqnay ma ahayn Cabdigii aannu saaxiibka ahayn ee waa Shiikh Cabdigaa jacaylka ka toobad keenay!Jacayl qofka ka toobad keenay,nacayb buu usoo hanuunay oo u xerogalay miyaa?!Maya.Waa sida kale oo jacaylku waa sifo Gaalnimo ah sidan Shiikh Cabdi ina barayo!Hablayahow qurxooni na hanuunshaay!

W|Q – Cabdixakiin M. Maxamuud “Marayare”
Dheellitire@hotmail.com

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here