Markuu Maanku Gabbado, Caaddifaddaa Hadasha (1) – Cabdirisaaq Sandheere

Brain

Amminta lagu jiro abaarowga fekerka, maanku wuu gabbadaa, baddelkiisana waxaa hadasha caaddifadda. Waxaa madaxbannaanaada qalinka, waxaana baddelkiisa ahaada hadalka la falkiyey. Marya aloolkaa hadla, waxaana saaxadda laga waayaa waxgaradkii. Waxaa meesha yimaadda kii waalnaa si uu u qoro wuxuu doonno, bilaa manhaj, iyo bilaa feker. Fekerku waa shaqo, jaahilkuna fekrad la’aan ayuu wax qorayaa, balse ma wanaajinayo shaqadii maanka, wuxuunna daranyeynayaa halbeeggii maanka ee minqiyaaska/ miisaanka  u noqonayey fekerrada, dadka iyo qaddiyadaha.

Amminta lagu jiro abaarowga fekerka, maan kuna gabbado, hadalkuna hakado, balse waxma-garadku (jaahilku) wuxuu yidhaa uu hayo─ oo uu qorayo bilaa manhaj. Wuxuu moodayaa caalamkii abaarowga fekradda, qoraalkana wuxuu moodayaa in qalinka uun  warqadda la duldhigayo. Sidoo kale wuxuu malaynayaa in la is kaga qorayo sidii la doono, wixii la doonana la qorayo iyada oo aan la raaceyn manhajka cilmi [ee u dejisan] habqoraalka.

Amminta lagu jiro abaarowga fekerka, caqligu wuu tagaa si bilaa soo noqosho ah. Caaddifad baanna timaadda si ay u tidhaahdo waxa ay doonto, halkaney haddaba kaaga bilaabmasaa in aad dib u noqoto! Fekerkuna uu caddeynayaa in uu isdhiibay! Halkannuu ku dhammaanayaa doorkii maanku, iyo doorkii iswayddiinta manhajaysnayd. Doorkii isweyddiinta uu qofku ku doonayey in uu wax baadho. Halkannuu maanku ku noqonayaa bilaa door. Doorku maaha kaliya u fekerridda sida caadiga ah, balse, waa raadinta wixii kaa maqan.

Amminta lagu jiro abaarowga fekerka, fekeriddu way wareegasaa, baaadhidda dhabtuna waxa ay noqonasaa dhibaato. Qaar innaga mid ahi waxa ay raadinayaan wanaagga, waxayna ka sheekaynayaan waxa joogga hadda, dabadeed dadka ku odhani: Tani ma dhabaa, hooy! Axmaqeey ammin beena oo wanaagsan!!

Waxaa innagu jira dad qori karaya af Carabiga, iyaga oo aan garaneyn tiirarkiisa. Waxaa  kale oo dadka ku jira kuwo qori karaya iyaga oo aan garaneyn aqoontii ku hadalkii─ oo qoraya bilaa hadlid la’aan. Waxaa jira dad meelaha falsafadda ku taga bilaa diyaargarow, oo aan garaneyn falsafaddii Aristotle ee jiritaanka, oo aan akhriyin noloshii Plato, kamanay jawaabin. Markii uu dareenkiisa qorayey naftiisu waxa ay aheyd mid saami fekereed la socota.

Amminta lagu jiro abaarowga fekerka, dadka qaar waxa ay booqdaan dhacdooyinka dad kale, waxa ayna kasoo xadaan xogo iyaga oo aan sheegin dadkii lahaa, xatooyaduna waa xaaraan. Markay aqoon tahayna way kasii khatar badantahay [xatooyadu], immisaad akhridey boggag aragtiyo qofeed ah─ oo aan la sheegin in uu hebel leeyahay?! Taasi waa balaayo, ammintan lagu jiro abaarowga fekerka!

In badan ayaan ka faa’ideystay fekerrada dadka qaar, balse waxa aan u isticmaaley xogo  wax natiijo ah oo iga soo gaadhey ma jirto, laakiin, natiijooyinka iga soo gaadhey intii aan akhriyey fekerkaa, dadaalkeyga qof ahaaneedna [ku lifaaqay], waa kuwo cadcad oo bilaa iswayddiin ah. Allah mahad leh; wuxuu iga badbaadiyey abaarowga fekerka.

Marka uu fekerku abaaroobo, loollanku wuxuu  iska beddelaa caalamka fekerka wuxuunna isku baddelaa caalamka qofka. Amminta uu fekerku abaaroobo, ee qofku aannu haysan xog,  wuxuu caannimo ka raadiyanayaa beegsiga shakhsiyadda qofka . Dadkana wuxuu ka sheegayaa waxayna odhan. Balse waxa ay illowsanyihiin in ammintan ay ka sheegayaan qofka wuxuunna odhan in    lasoo hor dhigi doono. Waxaynnu noolnahay ammin ay warbaahintu shaqeyso.

Waxa ay fekerradii iska baddeleen caalamkii jujuubka, waxayna isku baddeleen caalamkii hantiwadaagga. Fekerradu waa shinbiro daaqa daaradda─oo gala guri kasta, waliba qolalkiisa bilaa amar. Balse, [dadka] qaar la nool aqoon ammintan abaarowga fekerka waxa ay u maleeyaan in dadku yihiin bilaa maan. Hadalkaa cagsigiisa ayey golahaa laftiisana ka yidhaahdaan. Taasina waa aafooyinka amminaha abaarowga fekerka!

Amminta abaarowga fekerka, qofku wuxuu ka fekeraa gudaha shabaga, wuxuunna waayaa shakhsiyaddiisii fekerka, mararka qaarna wuxuuba yeeshaa  feker qabiil, balse midab diineed [muujinaya]. Mararka qaarna wuxuu sheeganayaa fekerka urur diimeedkiisa, wuxuunna ka dhigayaa fekerkaa lama-taabtaan(muqaddas) ka mid ah lama-taabyada(muqaddasooyinka) diinta. Mararka qaarna wuxuu u galaa shabag faa’idada naftiisa dardeed. Balse wuxuu ku soo dabo dhuumanayaa dawladda ama xil. Kaasi ma laha fekerkiisii nafeed, waa isagiisii oo bilaa dadnimo ah.

Waa yaab! In qaar difaacaan salafiyada Sucuudiga  ammintan lagu jiro abaarowga fekerka─iyada oo hadalkeedii loobogey ku caddeysay in ay kasoo bilaabaso marxalad aynna noqoneyn. Wuu dhammaadey casrigii xidhiidhka fekerku, ma dareemayaan keli. Waa ugub, in qaar difaacaan kaligii taliyaha ammintan abaarowga fekerka, haddii uu xukunka  sii hayo kaligii taliyuhu dan baa ugu jirta kaliya isaga. Waa laga soo horjeedaa kaligii taliye kasta meel kasta [ha joogee]. Balse, ka kaligii taliye ku ah waddankiisa waa lama taabtaan. Taasina waxa ay ka mid tahay layaabada amminta abaarowga fekerka.

Ammintan abaarowga fekerka, qof ka mid ah mucaaradku wax ba kama qoro kakanaantan joogtada ah, balse waxa ay sugaan waxa uu ka qorey caalamku abaarowgan. Caalamkana wuu ka baxay dhibaatada fekerka. Waxa ay si badhax la’ u qoraan erayada kasoo fula isha qalloocda. Sabobtuna waa waqtigan ay noolyihiin wuu ka duwanyahay waqtigii uu noolaa saaxiibkii, uma jeedno labadooda xilli ayey kala duwanaa, balse waxa ay ku kala duwanaayeen labadooda feker.

 

Amminta lagu jiro abaarowga fekerka, dad badan qalinkii bay hakiyeen, maankiina wuu aamusay, fekerkiina wuu xasiley. Waqtigiina wuxuu noqdey mid wuxuun la sugayo, maahee ammin kooma caadiya uun la galey. Waxa aad la yaabasaa waxa ay dadka qaar qorayaan, gaar ahaan kuwa leh afka uu ku jiro (D) ee gobolkan Geeska Afrika, si gaara D. Jabbuuti.

Qaladka  higgaad ahaaneed iyo yeedhis ahaaneed ee aan la is barbardhigin, iyo maqnaanshaha xogihii dhabta ahaa ee xaaladaha ay ku suganyihiin waddamadoodu [ayna si saxa uga warrameyn], waxa ay ku tusi naysaa in aboorowgii fekereed meel sare gaadhay! Macluumaad saxa kama heystaan; saboolnimada, xannuunnada, iyo gaajada waddamadooda. Waxa ay xogo kasoo qaadanayaan adeegyada lagu xidhiidho [Internet] kuwaa oo la galiyey waa’ hore.

Ammintan lagu jiro abaarowga fekerka, aqoonyahanku ma sido farriin, ka wax baranayina ujeeddo malaha aan ka aheyn dhuunmar, qofkuna qaayosoor kuma laha waddankiisa!

Ammintan lagu jiro abaarowga fekerka, xorriyaddi waxa ay noqotey cuqubo, addoonnimaddiina gallad. Waxa aad arkasaa [dad] saf dheer horjoogo xafiis wasiir, iyaga oo sugaya in la yidhaa:‘‘soo gala ama iska socda’’, waa jaad ka mid ah addoonnimada ammintan lagu jiro abaarowga fekerka. Waxa aan  yaabay markii aan ogaadey in qofku wuxuu hoos [Sir] u leeyahay, uuna kor[sare] u yidhaahdeen. Sabobta oo ah waxa meesha ka maqan xorriyadii, ammintan lagu jiro abaarowga fekerka. [……..]

La soco qeybta 2aad…………..

 

W/Q: Sh. Cabdiraxmaan Bahiir (2017).

W/T: Cabdirisaaq Sandheere (2017).

 

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here