Dugsigii Dhallaanimo – Jimcaale M Xamari

Jimcaale M Xamari

Waa goor casar liiq ah. Cadceedda oo aad mooddo in ay inteedii ka wayntahay, kana iftiin iyo kulayl yartahay ayaa u sii dhawaanaysa godkeedii. Falaadhaheeda ayaa indha-daraandarinayaa qof kasta jihada galbeed u jihaysta. Waa marka qofka uu hadhkiisu ka dheer yahay in ka badan laba jeer. Waxa aan jooggaa meel aqalka duleedkiisa ah. Awrr kayn aqalka aan ka durugsanayn daaqaysa ayaa aan soo dab dabrayaa, si aannay u xero-ka-waydaaran. Waa shaqo intii aan reerka imid ba aan qabanayay.

Waxa ii yimid wiil aanu saaxiibo isku da’ iyo isku kacan ah ahayn oo hadda wakhtiga iyo waayaha noloshu na kala reebeen oo na kala irdheeyeen, meelo kala durigsanna nagu kala tuureen.

Waxa uu ii sheeggay in aroos ka jirro meel Sudda Waab-Qurux la yidhaahdo oo markaas bari quman naga ga beegan, waxaanu ku balanay in uu aqalka igu soo maro, maadaama oo aqalkayagu jihada arooska ka xigo kooda. Degdeg ayaan casho, iyo dhar xidhasho u galay. Kadibna meel banaanka ah ayaa uu ka soo foodhyay markii shaacu madoobaaday. Anigoo goorahaaba u dheg taagayay dhawaqa saaxiibkay ayaa si dhakhso ah u soo baxay. Is raacnay, hablo aannu dhexda iska sii helnayna isku lug darnay oo la sii haasawnay.

Arooskii la gaadh, waa gaaf si qurux badan loo bilay. Dadab dhanka bari u jeeda oo aqal laba daryaale ah ka barbar binaysan ayaanu ku soo wareegnay. Markiiba waxa ishayadu qabatay dadka oo jiibta iyo jaanta isla helay, gabdhaha dhankayaga midig fadhiya iyo wiilasha dhanka bidix fadhiya ee sawaxankoodu durba na qaaday.

Badhtankooda waxa ka soo muuqda caruuskii iyo caruusaddii iyo labadoodii minxiis oo dadka ka sareeya. Waxa hor taagan shaqsi aan si dhab ah u garanayo, isaga ayaa xidhiidhiye ama askari ka ah arooska oo hadba intuu hees qaaddo wiil ama gabadh madaxa bakoorad ka saaraya oo soo kicinaya, waa adeerkay, aabahay walaalkii ka yar; Yuusuf Cali Xamari. Adeero Yuusuf, Hargaysa ayaanu iska raacnay oo aqal ayaanu wada joognaa, balse arooska uun baanu ku kulanee islamaanu ogayn tagistiisa.

Waannu soo dhaqaaqnay oo anaga oo yara qajilsan dadkii dhex marnay, gacantana qaadnay labadii loo martida ahaa iyo minxiisiintoodiiba, arooska ayaa laga bilaabaa, aroosadda ayaa lagu xigsiiyaa, minxiiska ayaa ku xiga, minxiiisaddana waa lagu soo gabagabeeyaa.

Markaanu salaanay ayuu adeerkay dhegta ii saaray ha fogaan waan ku kicinayaaye. Hayaay!
Ma yeeline meel aanu iga arkayn ayaan galay, marar badan ayaan arkay isagoo bakooradda wareejinaya oo ila daydayaya, indhahana intuu gacantiisa dulsaaray dadka iga dhex fiirinaya. Garay in aan ka dhuuntay.

Mar dambe oo aan is leeyahay ku iloow ayuun buu kor ugu dhawaaqay, “Waxa halkan looga yeedhayaa Jimcaale Maxamed Cali.” Naxdin waynaa, miyaan aroos horeba ka heesay, sow anigoo aan da’ la isku kiciyo gaadhin miiga kama iman intaan ku noqdayna may yarayn.

Waan is gaabiyay, mar labaad ayuu se ku celiyay. Gabdhihii arooska fadhiyay ayaa hees yar oo aan iloobay oo qofka soo kici waaya lagu canaanto qaadday, waan is adkeeyay oo meel halkaas ah oo guluc ah ka soo kacay.

Maxkamadda arooska ayaa kiiskaygii loo gudbiyay, waxa la igu eedeeyay in aan soo kici waayay. Maxkamaddu saddex heesood iyo laba su’aalood ayay igu xukuntay.

Labadii su’aalood waxa ay kala ahaayeen:

1. Sheeg lixda tiir ee iimaanka?
2. Tuma ayaa ay ahayd nabi Muxammad NNKH hooyaddii?

Madaama oo aan wiil magaalada ka tagay malcaamadna ku jiray ahaa uma aan nasan labadii su’aalood. Saddexdii heesood ayay timid.

Intaan cabaar korka eegay oo xoog u neefsaday, bakooraddii la igu wareejiyayna lulay ayaan soo qabtay hees ay wadda qaadaan Cabdiqaadir Jubba iyo Khadra Daahir.

Nin haraad qaba oo
Hogol roob arkayoo
Hagradaan ahee (Aahaa)

Nin halbawluhu dhiig
Habayaan ahayoo
Wadnuu hawda hayee (Aahaa)

Waa lay heeloo
Waaba lay hayaa
Sida hawd magoolaad
Ii soo hirtaa

Heestan adeerkay Yuusuf ayaa aad u jeclaa, kuna celcelin jiray. Sababta aan u soo qabtayna waxa ay ahayd si uu iila qaado oo aannan ugu kaliyaysan. Heestan iyo mid kale oo isla Cabdiqaadir Juba qaado, Way helay Jacayloo, Yuusuf aad ayuu u jeclaa, mana uu gafi jirin.

Markaan heestaas dhameeyay ayaan intaan xaga haweenka u jeedsaday, naxdintiina iga ba’day oo aan jawiga masraxa la qabsaday hadana soo qabtay hees goobaha noocaas ah ku soo noqnoqon jirtay aniguna aan ka bartay. Waa heesta tidhaahda:

Ubaxoo dilaacaay,
Dawadii naftaydaay,
Haween taan ka doortaay.

Sida dayaxa nuuraay,
Habeen dadan hilaacaay,
Waqalkii daruurtaay.

Darmantaan jeclaayeey,
Heedhe waan ku dirayaa,
Degmadaan ku gaadhsiin,
Waa laguu dabaal degi,
Durbaan baa laguu tumi.

Heestan sida aan beryo dambe ogaaday waxa ereyadeeda leh Abwaan Xasan Qawdhan, codkiisa dahabiga ahna waxa ku luuqayn jiray Muuse Ismaaciil Qalinle. Labadoodaba Alle ha u naxariisto.

Heestan anigu waxa aan ka bartay oo ka xafiday nin Cabdi Indha-buur la yidhaahdo oo heestan si layaab leh uga ga luuqayn jiray aroosyada deegaanadaas ka dhaca oo uu mararka qaar xidhiidhiye ka noqon jiray.

Ka rog oo haddana saar.

Mar saddexaad ayaa anigoo jacaylka fanka iyo xamaasadda goluhu i gaadhay aan kor fiiriyay dhawr heesoodna kala doorasho galiyay. Waxa maankayga ku soo dhacday hees aan jeclaa oo ay wada qaaddaan Faadumo Cabdilaahi Kaahin – Maandeeq iyo Daa’uud Cali Masxaf. Waa heesta Daallo.

Marka diiggu uu ciyo,
Daakiraadda subaxii,
Duhurkiyo habeenkii,
Duullaan sidaan ahay.

Waxa lay dul keennaa,
Degmadaad ku nooshee,
Naftu waxay dareentaa,
Inagoo dalxiisoo,
Daallo aynu joognee.

Waan ku doonayaayoo,
Adigaba daraaddaa,
Dibnihii i daalleen.

Naftaa kuu diyaarree,
Dumar taan ka doortaay,
Hadmaan dadab galaynaa.

Markaan heesta saddexaad dhameeyay waxa aan bilaabay in aan fadhiisto, iskana dul guro go’yaal iyo alaabo kale oo la igu tuulay intaan masraxa taagnaa. Aniga oo hoosta ka doonaya in aan hees afraadna raaciyo ayaan masraxa ka degay oo meel dhaw fadhiistay, kana soo baxay meeshaan markii hore ku dhuumanayay.

Aroosku sidii ayuu ku sii socday, hadbana heeso iyo maansooyin dareen-taabad leh laga mariyay. Mar dambe oo dadku daaleen ayaan ku soo noqday kadib markii aan gabadh ka maagtay in ay soo kacdo aan ka furtay. Markan waa la ila saayiray oo hal hees ayaa la igu xukumay. Heesta Xasan Aadan Samatar ee Guban ayaan ku soo khatimay arooska.

Markii lay gabagabeeyay,
Markii gooni lay faquuqay,
Gayaankay miyaan ka qaabahay?

Aroosyada miiga ee dhaqanka soomaalidu inta ay madadaalo ahaayeen in ka badan waxa ay ahaayeen dugsiyo iyo jaamacaddo cilmi iyo aqoon la isku dhaafsado. Inta aan aqoon maadi iyo mid diini ka bartay qiyaas ma leh.

Arooskii waa laga dareeray, maadaamoo lagu raagayna ciyaartii ka dambayn jirtay lama qaban. Waa la kala tagay. Aniga iyo wiilkii aanu saaxiibka ahayn iyo dhalinyaro badan oo aanu jaar nahay arooskana iska helnay ayaa u soo jihaysanay dhiniicii galbeed ee aqalladu naga xigeen.

Markaanu in yar soconay ayaan arkay laba hablood oo jihada aanu u socono u socda aanay wax rag ahina wehelin. Wiilkii aanu saaxiibka ahayn ayaan hoos ula hadlay kadibna waanu ka baydhnay raggii aanu la soconay gabdhihii ayaananu la qabsanay.

Gabdhahani way na garanayaan, wiilkan saaxiibkay ahina wuu garanayaa anigu se garan maayo. Waanu isa soo raacnay oo soo sheekaysanay. Waanu kala baydhnay oo labadii gabdhood ayuu midkaayoba mid la baydhay. Inantu way i fahansan tahay in aan deegaanka ka raagay oo aannan aqalkiiba garanayn. Aniguna waan is adkaynayaa oo inanta ha ku ceeboobin ayaan is leeyahay.

Waxaanu soconaba waxaanu soo gaadhnay meelihii aan garanayay, markii ayay neefi iga soo booday oo aan idhi Allaa ku asturay. Miiggu waa meel dhaqanka iyo asluubta wanaagsan ee ummadnimo dadka kala hagto. Inantaas habeenimadka meesha cidla ciirsi la’da ah ila socota ee aan iga baqanayni waxa ay ogtahay in aannan ku dhicin in aan xataa jidhkeeda taabto. Qofka booskaas joogaa kama baqanayo in la xidho oo boolisba ma joogo meesha, cawaaqibka shaqsi ee ka soo gaadhi karaana uma cusla sida magaalada, balse waxa jirta qaab uu deegaanka iyo dadka u nooli u tarbiyeeyay ninkaas oo aannu xataa u malayn karin in uu gabadhaas dambi ka galo.

Gabadhii oo aan hadal iyo haasaawe mooyee wax kale na dhex marin ayaan aqalkoodii ku hubsaday. Markaasaan aniguna aqalkii oo aan ka fogayn tagay.

Waa beryaaba waayihiisa lehe, habeenkaasi waxa uu ahaa habeen aan marnaba ka tirmin xasuustayda, waxa uu ahaa habeen iiga soocan habeenada kale, waxa uu aha habeen caddo ah oo shan iyo tobnaad ama u dhaw ah, waxa uu aha habeen aan gabi ahaaantii a ku qaatay soo jeed iyo socod, aniga oo daal badan dareemaya gaajona ii dheer tahay ayaan ardaagaygii yaraa soo gaadhay. Markaasaan hurdo macaan galay, cadceed ayaa se i toosisay markay sagaalkii aroornimo ahayd, kadibna intaan quraacday ayaa aan geed hadhwayn oo aqalka ka baxsan caw hoos dhigtay hurdadaydiina halkii ka sii watay.

Alloow habeen ma ahaa.

Jimcaale M. Xamari
xamari32@gmail.com

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here