Jacayl Afka Dhaafi Waayay (Maanso) – Ladane Cabdi Xasan

Jacayl

Curiyaha: Ladane Cabdi Xasan.
Dulucda: Jacayl.
Godka : Sabaale (Saar2)
Xarafraac: Alifley.

Qalbiga ugubkee insaanku
Ilwaadka inuu jeclaado
Waqii waa lagu ogaaye
Indhaha sahamiya ilayska
Anoo oogada ka saaray
Xilkii dookhayga aasan
ayaanku halkuu ku yaalo
Markaan aayaha u doonay
Waxaan eegtoon jeclaaday
Iftiin badan gaalkacyoo dhan
Sidii oog aan daciifin
Abuurta ku nuurinaysay.

Is qaad-qaad baan la heesay
Marbaan farxadii la ooyay
Nasiibkaygaan amaanay
Aduunkaygaan qiyaasay
Ishaaro cad baan hilaadshay
Udbihi noloshaan habeeyay
Hilaac onkodlaan dareemay .

Ogaysiisyaan la booday
Marbaan afogaal casuumay
Marbaan ururtaa u yeeray
Aroortaydaa dhalaashay
Aqoontaydaa iskaabtay
ag joogeedaan jeclaystay
Wadada ollog baan ahaanay
Iskoolka mid baan ahaanay
Israaca hal baan ahaanay
Aqalka deris baan ahaanay
Xurmana asal baan ahaanay
Jaceylkuna wey abraaray
Itaalkayguu haleelay
Wadnaha odofuu ku jeeray
Awaalsana wuu abuuray
Afeeftuse waa ardaaye
Iskayga waxaan ilaaway
Asuulbuu caashaq laaye
Inaan arinkayga sheegto.

Afkaagu hadduu ku ciilo
Marbaan dhaxal oday gabtaaye
Asluubta yartii la siiyay
Akhlaaqda yartii la saaray
Xishood tii lagu arsaaqay
Ekaansho waxaan ku sheego
Haddeer eray kuma aqaane
Quruxda anshaxii hagoogtay
Dhal-awliyo oo ducaysan
Ayay ani ila aheyde
Haddaan imtixaanki muuqa
Cosobta ashqaraarkan beertay
Qoraxda tar-tankii ag geeyay
Iyadu boqol bey istaagtay
Cadceeduna ebar ma dhaafin.

Nasiibkuse wuu ordaaye
Wuxuu idankii sameeyay
Haddaan ubucdeeda feydo
Aflaamta ninkii yaqaana
Labada loof wacan abuurta
Is doon-doonkooda hoose
Wuxuu ay soo maraaba
Ayaamo markuu taxnaado
Iswaaga jilliinku keenay
Ayuu aktarkii dhibtooday
Atirishada soo helaaye
Atoore anoo ismooday
Gadaal ka aroosi doona
Ayuu eendhigi ahaaday
Af-kala qaad aan la yaabay
Hungana araxdaan ku qaatay.

Ilduufka waxaa u liita
Dantaa kaad ku ajashaaye
Maraan iidaydi seegay
Isweydaarkuna adeegay
Ujeedkaygiina laalmay
Ayaan xaajada ogaaday
Inaan unugeeda leexshay .

Haddana talo fara ka ooshay
Waheey uur aan cadaynin
Uduga laabtiisa yaala
Ayuu ubixii dhadaaye
Ogaalka anoo ku heysta
Inuu olol beerka daaray
Istiilidna aan awoodin
Haddaan oran waayay sheego
Waxaan ooftaada yaala
Abaalkaygaa ahaaday
Inaan iridaa gabaaye
Jaceyl afka dhaafi waayay
Calool xumo waw astaane
Yartaan ugubkaba ka doortay
Anoo arkayay dhaqaaqday.

Waxa Curiyay: Ladane Cabdi Xasan.

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here