Habar Iyo Halhays Maanso – Cali Ileeye

Cali Ileeye

Waa magaalada Hargeysa badhtankeeda, hooyo da’ ah ayaa waddada ka tallaabaysa aroor hore, si kedisa ayuu tagsi Dukhaan ahi is-goyska ugaga soo boodayaa; inta ay isku naxaan iyada iyo darawalku, ayaa ay islaantu turuska gaadhiga gacmahii ay saartay iyo biriigii uu hakiyay wiilku isku beegmayaan. Kaddib inta ay xaggaa iskaga dhaqaado ayaa ay odhanaysaa, ”Hooyo kuwan yaryari –Dukhaanka, waxa ay kuwacan yihiin waaba layska qaban karayaa.” Sidaaas ayaa ay waligeedba sheeko-habreeddu u ahayd wax maad iyo murti ka buuxdo, oo aan laga xiiso-goynin. Haddaba sirtaa dhadhanka iyaga oo fahmay hal-abuurka shin-u-dhaladka ahi, ayaa ay hawraartooda ku subkeen sheeko-dhaqameed laga soo minguuriyay sooyaalkeenna hodanka ah.
Bal gobol yar aan ka soo jeexo badweyntaa halhaysyada noqday ee habraha la xidhiidha tix ahaan.

1-

Waa nin xil ummaddeed dhabarka loo saaray, markii qasriga madaxtooyada la fadhiisiyay ee muruqiyo maskaxba lagu tageeray, ayuu maanlaawahaasi is-moodsiiyay in uu sareedada tan ku helay xoog, ama ay tahay xoolo uu adooggii ka dhaxlay. Hadraawi oo nafarkaa garaad-xumadiisa la yaabban ayaa ku mataalay, sidii dhillawyahankii geedkii abaarta ka baxay , ee saxariirka lagu koriyay dhakada iskaga maray, oo aan wadhaaba isagu hayn ee jiilaalka man iyo ubaxa bixiyay. Maya Qoorcasaha wuu ka sii shisheeyaa ee waxa uu Hadraawi is waydiinayaa:

Mise wuxu ka dhiganyahay
Habartii mar dhooftee
Doonidu la dhacantee
Badda dheeligeediyo
Dhaxantiyo dabaylaha
Dhawawalan ka qaadee
Iyadooy dhaqaaliyo
Nafba kala dhaqaaqeen
Kadib dhowr ayaamood
Salka dhigatay ciiddee
#Dhuloow kaama kaco tidhi. ‘’Dhahar – Hadraawi’’

2-

Dharaaha qaayabeelka iyo jiilaalka garashada ayaa aynu wali ku jirnaaye, Cabdi Iidaan ayaa silsiladii Deelley la yaabay, hal-abuurkii sida indha-la’aanta ah ula saftay taliskii Siyaad Barre, kuwaas oo indhaha ka qarsaday dhibaatada iyo waxyeellada baahsan ee nidaamkaasi dadka iyo dalka kuhayay, iyo waliba baahida bulsho ee kob walba laga qayliyay. Nimankaa waxa uu ‘’Hanqadh’’ ku sifeeyay dibigii beerta ku xidhnaa ee wartuna u buuxday cawskana saddexda galin loo dhigayay, maya ee malaha waaba sidii ayuu yidhi:

Habartii docdeediyo
Degalkay ku noolayd
Daruuruhu ku hooreen
Dadka wada hel mooddoo
Daad-wararac bay tidhi
Waase dumare yeelkeed .

Cabdi Iidaan Faarax .

3-

Badweynta siyaasadda, dulucda ayaa ila gashay ee dhanaankeeda ma jecliye, bal aynu maaxdii arrimaha bulshada iyo maadda dhadhamino. Cabdi Muxumed Amiin iyo sheeko maad iyo mahadho reebtay ayaa aynu imikana soo qaadan, nuxurkeeda adiga aayaa aan kuu dhaafay:

Wiil qooqay baa bari
Gabadh qoys korsanayeen
Isagoon u amarqabin
Oonqaaddi loo geyn
Xoog kaga qalqaashaday,
Qaylay ku jiiddoo
‘’Quman hooyadeeyeey
Ninka iga qabay tidhi’’

Habartii na qaaray
Qolqolkeeda ku ogayd
Qabadsiisay laba jeer
Yartu way u qalantoo
Baruurteedi qaarbuu
Bishimaha ka qoystee
Intuu qaarka kala kacay
Islaantii ku qalam yidhi

Iyadoo qiyaastii
Qaabkeedi mooday
Qiirootay inantii
kaga qaad markay tidhi
Qosol habarti laga reeb
‘’Hooyo qaali luuleey
Anaa qalad sameeyee
Qoodha lama dilay tidhi’’

Qamuunyootay inantii
Qawl waxa ka soo baxay
‘’Ilayn qaawintaydiyo
Qalashada waraabaha
Qayladaan miciin biday
Iigama aad qabanine
Adigaa hunguri qabay
Qooq ku soo waday’’ Cabdi Muxumed Amiin.

4-
Hadraawi oo aynu ku bilawnay qormada, bal aynu laftiisa ku soo xidhno. Maansadii‘’Hambaaber’’farshaxankeedii haddaan hormo ka soo qaato, wuxu yidhi:

Hawraar iyo sheeko
Haween laga reebay
Beraa habar guurtey
Hayaan raraygeeda
Culaab iyo haamo
Waxay hilif saartay
Haldhaa kici waayey,
Hiyeeyda gadhjiidka
Markuu hollan waayey
Ayey hindiskeeda
Halaanhal ku keentay
Midaan kolkan haabka
Markaa lagu haynin!

Waxay tidhi “Hoogey
Hayaay Cabdi-Qaadir
Hareer qabo awrka”
Markuu hayinkeedi
Hagaag isu taagey
Ayey tidhi ”haakah”

Hebloo gabanteed ah
Hilowna basteeda
Malaa u hanweynna
Karaamadan hiirta
Ku soo hormanaysa
Hilmaanina weydey
Wadaadka hoggiisa
Kasoo hangallaystay
Siduu ugu hiishey
Ayaa tidhi “hooyo
Muxuu horta sheekhu
Inoo yahay haybta”?

Waxaytidhi “heedhe
Hibooy ratigeennu
Markuu hinqan waayo
Ayaan huriwaaga
Haleel cuskadaaye
Habeen ma wadaagno
Haddaan magaciisa
Dantaydu higgaadin
Ma soo hadal qaado” — Hadraawi

Waxa Markii ugu horeysay lagu baahiyay Wargeyska Geeska Afrika.
Cali Ileeye.

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here