Bulshadii Buktay! – Niciima Xasan Xuseen

Niciima Xasan Xuseen

Xanuunnada ku dhaca jirka iyo inta sare ee looga jeedo aadanaha waxaa
ka xun oo ka halis badan cudurrada dilaaga ah ee dadka uga dhaca uurka
iyo qalbiga.Taasoo dadka ku keenta waxyaallo ba’an oo aan laga soo kabsan karin
oo ummadda u horseeddo inay wiiqqanto awooddooda muruq iyo maskaxba.

Ummadda Soomaaliyeed waxaa ku habsaday mid kamid ah musiibooyinka ugu
xun ee ummadi ku dhacdo taasoo ka dhigtay mid naafa ah oo aan hiigsan
karin halka ay gaareen Ummadaha kale. Waxaa ku dhacay cudur dilaa ah
oo kala jebiyay cudiddoodii oo xumeeyey xiriirkii caafimaad ee ay
bulshada ku dhaqaaqi laheyd kuna sameyn laheyd waxqabad la taaban karo
iyo manfac lagu naaloodo.

Cudurkaasi waxa uu isku hor gudbay tiirarkii nolosha asaaska ubahaa
sida: Sinnaata, Caddaaladda iyo Waxqeybsi ku dhisay aqoon iyo waayo
aragnimo.Cudurkaan daran wuxuu lafaha iyo dhuuxaba ka galay inta badan ee
mujtamaca hadduusan iyagoo dhanba saameyn, xitaa ma aysan ka fakan
dadkii bulshada hormuudka u ahaa oo laga sugayay isbeddel iyo inay kor
u qaadaan wacyiga dadka oo waxaaba la dhihi karaa in Qabyaaladdu sii
xoogeysato iyagaaba u sabab ah.

Xanuunkaas ay bulsha la dhimaneyao lana kori la’dahay waa QABYAALAD!

Waa maxay QABYAALAD?
Qabyaaladi waa tan kugu dhaliso Isir naceyb iyo heyb-sooc aad kula
dhaqaaqdo dadka kugu xeeran, kuuna tusta qofka aadmiga ah ee kula
siman inaad ka Laandheersan tahay, oo aad ka ab iyo isir wanaagsan
tahay. Waa tan ku siiso Xaq aadan laheyn iyo xoolo aadan tacab iyo tammar
midna ku bixin.Waa tan ku gaarsiisa maqaam iyo mansab aadan u qalmin oo kaaga
hiilliso dadkii mudnaa meesha aad ku faaneyso. Marna waa mid ku tusisa Caddaaladda haddiii reerkaagu dulman yihiin, kaana indha saabto Caddaalad darrada marka reerkaagu gardarran yahay.

Muuqaallada kala duwan iyo saameynta foosha xun ee ay Qabyaaladda ku
reebtay dadka Soomaaliyeed waa mid laga dharagsan yahay oo aan
marqaati u baahneyn balse laga meer meerayo in la abbaaro dawadeeda
iyo sida looga bixi karo.

Diinta Islaamka iyo halka ay iska taagtay Qabyaaladda

Maadaama ay Diintu usoo degtay inay ka shaqeyso danaha dadka iyo wixii
horseedi lahaa liibaantoida adduun iyo midda aakhiro, haddana waxay la
dagaallantay waxyaabaha foosha xun ee bini aadamka u keeni karo kala
qeybsanaan iyo qoqob, Waxaana ugu weyn waxyaabaha ay la dagaallantay Qabyaaladda.
Ummadii jaahiliga aheyd ee ay qabyaaladda ragaadisay wuxuu Eebbe kula
hadlay Aayado dhowr ah oo ka digaayo heyb-sooca, Aayadahaasi haba ku
wajahnaadaan markaas Ummaddii Carbeed ee waagaas la bukyay xanuunka
Qabyaaladda haddaan Axkaamta Diinta waa mid guud oo daweyneyso Ummad
kastoo ka cabaneyso Xanuunkan oo kale. Wuxuuna Alle tilmaamay in dadku wada siman yihiin oo Isir qura
wadaagaan kuna abtirsadaan Nebi Aadan. Keliya waxa lagu kala sarreeyana ay tahay Alle ka cabsi iyo Camal
wanaagsan oo uu ruuxa qaddimto. Sidoo kale Nebiga NNKH isagana wuxuu ku tilmaamay Axaadiith dhawr ah
in Qabyaaladdu tahay qurun mudan in laga fogaado.

Iyadooo sidaas ay Diinta Islaamka uga digtay Qabyaaladda haddana
tilmaantay saameynteeda iyo raadka xun ay leedahay haddana Ummadda
Soomaaliyeed qeybo badan oo kamid ah ma aysan weeleyn Nusuustaas,
waxaana u sabab ah in ay ka fogaadeen ku dhaqanka diinta iyo meel
marinta amarradeeda.

Ugu dambeyn si loo helo bulsho ka fayaw cudurkaa halista ah kana bad
qabta xanuunada ku dhaca uurka iyo qalbiga, akhristow adiguba iskuday
inaad noqoto qof aysan u cuntamin xuquuq uu ku helay reernimo iyo
mansab uu marooqsaday.

December 2017
Naciima Xasan Xuseen
Naciimaxasan93@gmail.com

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here