Ina Baar Tima-casuusli iyo Boon Xirsi! – Cabdixakiin Marayare

Marayare

Sheekada Ina Baar tima-casuusli waa sheeko jirtey oo Boon Xirsi dhawr tixood ka curiyey, sannadihii uu noolaana warbaahinta ka sheegay.
Boon Xirsi Noloshiisii fanka iyo suugaanta ka horreysey wuxu ahaa Hudheelle goobaha cuntada ee Hargeysa ka hawlgala. Waa xilliyadaas kolkii uu xidhiidh jacayl la sameeyey Inanta magacan aynnu u bixinayno ee Hargeysa ka guuraysa una wareegaysa dhankaas iyo Jabbuuti. Waa uun isla markii ugu horreysey ee Boon Xirsi ogaadey halabuurkiisa tixeed.
Xuseen Xirsi Caddib “Boon Xirsi” inuu shaqada Hudheelka aad yar ka tago una wareego shaqadan fanka ee uu ku dambeeyey si yar kuma aanay iman. Niyad wanaaggii dadka Sooomaaliyeed kusoo dhaweeyeen Askartii Hoggaanka dalka timid ayuu dadkiisa kala saf noqday oo waxu ammaanay Kacaankii Oktoobar oo beryahaas carcartiisa qabey,guud ahaan qofkasta oo Soomaaliyeedna u rixinayey.Bal aynnu in kooban kasoo qaadano ereyo maanseed oo Boon Xirsi u noqday shaqo qoris.Waxu yidhi:

“Marku taliye fiicani
Tolliimo kacaaniyo
Maskax toosan kugu wado
Tabaabushaha hoggaankiyo
Halku tuhiyo awrkiyo
Tusmadaad ka garataa,
Haddaan taasi noo dhalan
Abaartii la tabar gabay
Kamaanaan tisqaadeen!”…
Maansadan aynu ugu wanqalayno Ina Baar Tima-casuusli ayuu Jabbuuti udirayaa Boon Xirsi,isagoo Bisaddiisa faraya! Qofayntu waa heshiis aan qorrayn oo maansayahanka Soomaalida iyo dadkiisa ka dhexeeya oo la isla ogol yahay in waxwalba farriin tixeed lagu la hadli karo! Boon waxu la hadlayaa oo farriin jacayl u dhiibayaa Bisad Hudheelka la joogi jirtay. Waa sidii Guuguulihii Ismaaciil Mire amma Shimbirkii Hadraawi amma Dameerkii Cabdi-Qays amma Fiintii Cabdi Xuseen Amma Goodkii Aadan Tarabbi Jaamac! Waa afmaldaha oo figta ugu korreysa ka fanta inta magaca Suugaani kulmiyo.
Waxu yidhi:

Bisadyahay rabbaysani
Ee barabara iyo
Baalu ay casuusyiin
Waataan beryaha qaar
Bogga iyo qanjaha iyo
Beerka ku siin jirey
Eed barwaaqo naaxdee
Ruuxa baylka kugu shuba
Budka aan la kori jirey
Waxase Boon ku leeyay
Ma biddaa abaaloo
Waxan aan u baahnahay
Ba`e ma ila qabataa?
Adigaan Bileys iyo
Jaandaaran* ba`an iyo
Birta lagu hordhigahayn
Camal baalal haadeed
Bureeqadii Rasuulkiyo(CSW)
Sidii Boqor usii soco
Bas Xunbuliga* sii raac
Ina Baar Timacasuusli
Boqol waad ku garataa
U beexaami sheekada
Ninkan uu barriinsaday
Uu baniga laabtiyo
Biixiyaha u kicitimay
Jacaylkuna ku badanyahay
Ee Bulida uu dhigay
Waxad tidhaa amma baro
Amma ha Baran
Wuu kuu buseelee!
Adiguna u baanoo
Bisad xeebta joogtoo
Ku barbaartay maadayn?
Biloo lagu su`aalaa
Burmuyeelka dabadeed
Baabiyaagii* noo dhiib!
Balaasmiinig maad arag
Boodhkooda maad gelin
Illayn waad bakhtiyeysaa!
*Jaandaaran – Ciidamada Ammaanka ee Jabbuuti oo Faransiisku sameeyey
*Xunbuli – waa Xaafad Magaalada Jabbuuti ka mid ah.Bas Xunbuliguna mooyi in xilliyadan loo yaqaanney Baabuurta Hargeysa ka ambabaxda ee Jabbuuti aadda.
*Baabiyaa – waa erey Faransiis ah oo la micne ah aqoonsi|Sharci.
Fiiro Gaar ah:

Qoraalkan koobani waxu kamid ahaa qoraallo aan noloshii Boon Xirsi ka qoray sannadkii 2016 oo uu Boon Xirsi godgalay. Sannadkaa isla bishan oo kale ayuu dunidan ka tagay Xuseen Xirsi Caddib oo ahaa aftahan murti badan oo dadkiisu aad umajeeran jireen.Ilaahay ha unaxariisto.

W|Qalinkii, Cabdixakiin M. Maxamuud “Marayare”
dheellitire@hotmail.com

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here