Dawankii Rejada! – Khadar Cabdi Indha-yare

KHADAR

Guuleed yare waa wiil 24 jir ah, noloshisa inteeda badan waxa uu ku dhammaystay waxbarasho, kal hore uun bay ahayd markii uu ka soo faraxashay waxabarashadiisa qaybteedii hore, waxa uu haatan ku nool yahay wadankeenna, waana rajo gabay haatan, isagoo muddo sannad iyo badh ah ka sii maqan waxabrasahda heerka koobaad ee jaamacada. Ma helin waxa sahqo ah mudadaadas. Aabihii ma noolayn amintan oo waxa kaacaakuf ku soo korisay hooyadii Batuula. Fikir iyo isla hadal ayaa ku gadaaman wiilkan yar, hore uma fahmin waxa ka qaldan,mana faallo yara oo waxa uu si fiican uga war qabaa duruufta ay la noolyihiin kumanaanka la da’da ah ee sidiisa soo afmeeray waxabarashada heerka koobaad!. Waxa uu muddo badan rajo aan kala go’lahayn ku qabay wadankiisa, mana ahayn kuwa ku mamay ama u han-qal taaga suudalka dhalinteena habaabiyay, waxa uu ba ka waanin jiray kuwa ay isku da’da yihiin ee hiyi kacsan, yurubna indhaha la raacraacaaya. Guuleed yare maahin nin dhoohan, waa warac rag ka soo baxa ah, geesi la mahadiyo oo illaahay ku manaystay hal-adayg iyo karti. Ma dadaal yara oo marnaba dhankiisa kama seexan, lakiin illaa hadda waxa fursada ahi uma muuqato. “ Haa, waxabaa is bedeli, berribay sidan dhaami iyo waa la doogi ayaa uu isugu sheekeeyaa”.
Batuula ayaa dhawr jeer ku tidhi “ Hooyo, Guuleedaw, waddankeena oday baa ka shaqeeyee maad oday hebel………… “ Gadh-weyne” ka xaysatid, nin aan gadh-wadeen lahayni waxba ma helee. Soomaaliduna waxay tidhaa “ Gadh ba gadh baa la tusaaye”. Guuleed yare hadalada noocan ah in badan dheg uma dhigin oo waxa uu aaminsanaa shaqada karti iyo aqoon baa lagu helaa, lakiin oday iyo weji waxaba ka ma taro. Inta uu sidan qabay waxa shaqooyin badan helay kuwo ay isku da; yihiin, xagga aqoontana uu isagu kaga roonyahay. Waa yaabe waxa uu canaan hor leh kala kulmaa markay ay sidani dhacdo hooyo Batuula iyo haweenka jeerka oo ku canaanta in uu madax adag yahay oo uu haddii uu oday ka xaysan lahaa ay hawshiisu mar hore dhammaan lahayd. Guhaad dheer ka dibna waxa uu isku qanciyaa waxa iman maalin garsoor iman doono. Waxa uu haatan ku rajo qabaa in uu mar uun arki doono iyadoo xul iyo xulasho aqoon ku salaysan la samayn doono!.

Waxa uu dhawroba isbedel khayr qaba, waxa soo maray todoba sanno oo yididiilo beel ah. Todoba uu ku misaalay kuwii duulkii nebi Yuusuf boqorkiisu ku riyooday “ Todoba adag” “ Sabcun shidaad” kii duul kaas lagu asqeeyay. Waa halkan halka uu rajo beelku kaga sii dhacay, waxa uu ka shakiyay helitaanka caddaalad mar danbe geyiga soo caga dhigta. Waa quus haatan xaalado qaraw iyo isku buuq maalin iyo habeen kala go’ lahayn baa soo food saaray. Waa soo liicay oo waxa isku canaantay haddii aad maalntii horeba aw hebel …….” Gadh-weyne” gacanta saran lahayd waad guulaysan lahayd. “ Marna qaddar ka alle lama dhaafo” ayaa uu isgu jawaabaa!

Guuleed yare, rajo beelku waxa uu ku riday in uu isku daro liiska da’yarta u xidhxidhay suudalka iyo in ay tahriibaan. “ aqoonyahankii tahriibay” waa adiga ayuu isagu hal celiyaa oo waxa uu weli leeyahay damiir nool. Naxnax iyo beyr badan kadib waxa uu go’aan cad ku gaadhay in uu haajiro oo caddaalada raadiyo intay doontaba ha joogtee! Waxa uu safar u xidh xidhay raadinta caddaalada iyo helitaanka meel aqoontu shaqayso. Waxa uu ku fikiraa helida dhalasho kale, waxa uu si hoose u hiifaa dhalashadiisa iyo cidda uu ka dhashay. “ Soomaali anigu waan ka baxay” baa hal hays u noqotay. Waxa uu caataw kaga dhacay dhanka fikirka iyo maskaxda. Guuleed, ubaxeenii waxa baratay haatan waa hayaan, waxa uu la han yahay kuwii waa hore nolosha ka dhacay ee suudalay markii ay nolosha ka quusteen. Weli se isagu waa caddaalada raadis iyo rajo beegsi.

Afar bilood oo doorasho iyo ololaheed lagu jiray, waxa dansanaa tooshkiisa nolosha, waxa uu dhex heehaabayay mawjada rajo beel ah. Go’aankiisa kama danbaysta ahina waxa uu ka dhur sugayay amase ku xidhnaa doorashada. Waxa uu islahaa marka hawlahani dhan u dhacaan aad toobiyaha jeexatid. Ololaha, dabaal dega iyo damdamtu midna macno uma samaynayn. Waxa uu isku lahaa “ Marna ka la doortaa waxba keeni maayo oo waxa uu ku dheeli doonaa gegidii hore ee ku salaysnayd qaraabo kiila, oday wadeenka iyo yaa ku yaqaan oo aad daba joogtaa. Waa xilli noloshu horjoogayaal yeelatay. cid kastaba cid bay ku daba fayshaa, waxa qoran giraam qarsoodi ah oo ay leeyihiin kiish weyntu…… waxaba ha ku daalin ayaa uu hadlkii ku soo xidhay”.

Rajo beelkaas ka diba, waxa ay soo gaadhay 21/11/2017, waa maalintii natiijada lagu dhawaaqay. Guuleed yare waxa uu iskaga jiraa noloshiisii qaska badnayd iyo rafaad kii qarawgu u dheeraa. “ Waxa aan caddaalada ugu shaqayn doonaa dhammaan kuwii I doortay iyo kuwa aan ii coddayn, qofna la dulmiyimaayo, sharcigaa sarrayn iyo ………” yaab! “Halkani waa halkee hooyo?” Ayaa uu hooyadii ku yidhi isagoo dhabarka u jiifa, hadalka uu qudhana maqalaya. Waxay ugu jawaabtay “Waa hadalkii madaxweynaha la doortay ee Muuse Biixi Cabdi”. Waa uu soo kacay oo dhegaystay khudbada uu madaxweynuhu u jeedinayay u ololayaashisa dhamman daafaha dalka. Haddalo badheedh ah oo fara badan baa halkan uga soo muuqday. Waxa uu mooday in uu maalin riyo ku jiro, waa se xaqiiq oo waxay ahyd tobaneeyo cisho ka hor marka ay sidani dhacday. Soo miiraw cusub ayaa illaa toban cisho galay Guuleed, waxa ku soo noqotay rajadii uu qabay 10 sano ka hor. Muddo afar cisho uun laga joogo waxa uu furay heeryadii suudalka iyo is biimaynta. Waxa uu neef dhaw ku soo eegay, ur dareen lehna uu ku aadiyay haddalada madaxweyne Muuse Biixi. Waxa uu filayaa in uu garsoorkii soo laabto, mar uun aqoon iyo xirfad laga dhigo miisaanka doorashda hawlaha qarankeena. Waxa u muuqda ifafaale neecaw qaboobi ku dheehantay. Noloshiisu waa rogaal celis. Waxa uu hataan dhawrayaa waxa xiga hadalka madaxweyne Muuse!

Fiiro gaar ah
Haddii ay siyaasda madaxweyne Muuse Biixi baajiso hayaanka xaq-soor raadinta ah ee Guuleed yare waa la xusi doonaa haddii kalena waa rajadii lagu khasaaray!
Khamiis
Khaddar Cabdi Indha-yare
Saadaal 4514108@hotmail.com
14/12/2017

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here