Weerar Fikir Mise Hoobad Han? – Axmed Ibraahin Cawaale

Weerar Fikir

Ilbaxnimooyinka adduunku waa isla falgalaan, ishodmiyaan (haddii ay tahay dhaqaale, aqoon, iyo dhaqan), isxaalufiyaan (oo bulshooyin dhan mid kale liqdaa dhaqankoodii iyo kheyraadkoodii),  isgerbiyaan oo tartamaan.  Marbana tii isu dhigta horyaalnimo ayaa shiikhisa kuwa kale, isla markaana falaggeeda lagu meeraa.

Haddaba nusqarnigii ugu dambeeyay, waxa soo noqnoqonayay raadeynta aadka u ballaadhan ee ilbaxnimada reer Galbeedku ku yeelatay Caalamka Islaamka.  Haddii marar badan oo ah xilliyadii Islaamku bandiiradda u siday ilbaxnimooyinka caalamka ka jiray ay reer Yurub ogsoonaayeen sarraynta xadaaraddaas soo shaqaynaysay ammin ku dhow shan boqol oo gu’, maanta   ‘durkii  ama xaggii kale ayaa la innoogu rogay!’  Sababaha dhaliyay hoos-u-dhaca ilbaxnimadii caalamka Islaamka waa badan yihiin, halkanna kagama boqan karno.  Se mid ka mid ah raadadkii ka dhashay hoobadkaas ilbaxnimo ayaa ah in loo sibir saaro waxa  la yidhaahdo Weeraka Fikriga (Intellectual Invasion).    Waxana lagu qeexaa isku-deyga ay dawladii ku rabto in ay mid kale ku qabsato ama ku saamayso si ay ugu jeediso jiho gaar ah. Waxana la sheegaa in Weerarka Fikir uu ka halis badan yahay ka millateri, maxaa yeelay kan hore waxa uu abbaarayaa wadnaha iyo maanka ummadda.

Waxa se jira marar ay hoosaynta han, dhagaxowgu, iyo dib-u-dhacu ummad ku keeno in ay iskood ‘u jabaan col hortii!’   Taas waxa aan uga jeedaa, inta uu Caalamka Muslimiintu yeelay Weerarkaas Fikir, waxa jira in le’eg oo uu yeelay dareenka hoosayntaas han iyo wax-soo-saar la’aanta maan iyo muruq (tiknoolaji).

Buug aan hadda akhrintiisa gacanta ku hayo oo magaciisa la yidhaahdo White Mughals, oo uu qoray William Dalrymple, ayaa waxa iiga soo dhex baxay in aan bulsho u dhiman keliya weerar fikir oo dibedda kaga yimaadda uun, bal se ogaanshaha dareenka hoosayneed in uu jabka ummaddaas ka qayb qaato.

Buuggu waxa uu ka sheekaynayaa ammintii u dhexaysay qarniyadii 18aad ilaa 19aad, dalka Hindiya oo ay u shaqo tagtay Shirkadda la yidhaahdo British East India Company oo ka wakiil ahayd  Dawladda Ingiriiska, isla markaana aanay ka madhnayn gumaysasho,  kootona ku haysatay ama xidhatay ganacsigii Hindiya iyo dhulal kale oo ka sii bariyeysan.  Shirkaddaas waxa ay u shaqaynaysay qaab dawlad oo kale waxana ay lahayd ciidankeedii.  Xilligaas se waxa dalka Hindiya ka talinayay dawladdii Islaamka ahayd ee Maquuliyiinta.  Bilowgii xilliyadaas dawladdaasi waxa uu heerkeeda ilbaxnimo marayay meeshiisii ugu sarreeyay.

Ingiriiskii meesha tegay waxa ay markiiba indhaha ku kala qaadeen sarraynta ilbaxnimo ee Muslimiintii dalkaas xukumaysay.  Si tartiibtartiib ah waxa u dhacday in ay ku ashqaraaraan ilbaxnimadaas oo ugu horrayn ay isu dhiibaan, qaataanna arrimo badan oo dhaqandhaqaale iyo diineed.

Waxa dhacday in ay qaarkood la baxeen magacyo Muslim ah, xidheen dharkii Muslimiinta, qaarkood Islaameen oo weliba u badheedheen in da’weyni buuryada lagaga jaro! Qaar kale shiishaddii cabbaan, qaarna midhihii geedka betalka la yidhaahdo ee marka la calaashado afka caseeya ay cunaan. Iyo.. iyo..

Ha yeeshee, hoos-u-dhacii  ilbaxnimadii Muslimiinta, iyo kor-u-soo-kacii tartiibtartiibta ahaa ee tii Ingiriis ayaa maalinba ta ka dambaysa u soo shaacbaxaysay, isbeddelna ku samaynaysay kaalmihii ay bulsho ku ahaanaysay  ‘bixiye’, ta kale ahaanaysay ‘qaate’.

Dhammaadkii qarnigii 19aad, waxa ay noqotay in Muslimiintii ay iyana maraan tubtii uu Ingiriisku  soo maray markii ay tageen Hindiya:  Dharkii reer galbeedka xidhaan, cunnadii iyo cabbitaankii reer Galbeedka qabatimaan, waxbarashadoodii doorbidaan, fikirkoodii maanka u siidaayaan, …   ha ka ba qaban…!

Haddii 200 oo gu’ sarreeye noqday hooseeye, ma suurayn karnaa saansaanka dalalka Islaamka, sannadka 2138  (ama laba boqol oo gu’ oo kasoo bilaabma markii la riday Khilaafadii Islaamka?)

W/Q  Axmed Ibraahin Cawaale
aiawaleh@gmail.com

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here