Xusuustii Qadhaadhayd! – Mahdi Waaberi

Mahdi Waaberi

Casar liiq ay qorraxda baalla dhulka dhigatay ayay ahay oo ay u diyaargarowday in ay godkeedii u hoyato. Ma faraxsana ma na murugeysana, ma uu xanuusaneyn mana uusan caafimaad qabin, ma uu yaqaan waxa wanaagsan ee uu hadda qaban karo. Xumaan in uu ku kacana wuu ka cabsanayaa. Alle ka cabsi kama aha, wuuna baqayaa. Marar hore oo badan ayuu is ku la sheekeystay ” Noloshan dheeraad ayaad ku tahay, dhulkana culeys, waayahaan is daba maraya iyo nasiibkan dheefaha qurxoon qeybinayana dhib weyn ayaad ku tahay. Fuley liita oo aan dhiirraneyn, go’aan xun iyo mid qurxoon toonna aan qaadan karin ayaad tahay. Maxaad u nooshahay..?”

Ma uusan aqoon noloshiisan macnaheeda! Isaga qudhiisuna isma uu yaqaan. Waxa uu se hubay in uu lumay! tagtadiisa in uu ku dhex lumay, sannado ka hor in uu lumay. Xabbad sigaar ah uu farahiisa marba dhinac ugu geddinayey ayuu dibnihiisa ku qabtay, jeebabkiisa gacmaha ayuu ku salaaxay oo leetarad gaaban oo foolxun oo dakharro badani ku yaallaan ayuu kala soo baxay, sigaarkii ayuu dabka qabadsiiyey. Si xoog ah ayuu u jiiday, xaraarad sanbabadiisa ku dhex dhuumaalaysaneysay ayuu barteeda qiiqii ku gaaray oo uu ku dilay. Mid kale, madaxa iyo maskaxda ku falaadaysayna wuu soo qaarajiyey. Dhidid baa hal mar fax ka soo yiri wajigiisa. Kulleetiga shaatigiisa ayuu gadaal u tuuray, ” heh..Aah…!!” ayuu neeftuur iyo qeylo is la socota afka u kala qaaday. Cabbaar buu fiirshay midkii sigaarka ahaa oo ku dhagygagay ayuu haddana qosol ku dhuftay. Qosol aan ka la joogsi lahayn ayuu dhoollahacaddeeyey. Cabbaar markii uu qoslayeyna illin kulul baa dhabannadiisii murugooyinku abaareeyeen taraaraxday. Illintaas ayaa murugo xusuustiisa gelisay isaga oo iskula hadlaya: ” Dhextaal baad taahay, miskiin ay maalmuhu iyo maqaadiir ku cayaarayaan uun baad tahay, waa lagu sitaa.. Waxa ku sita na is kama dhigi kartid. Maxaa laguu caddibayaa? Xasilloonida iyo farxadda ka muuqata dadka maxaa adiga kuu diiday oo kaa horjoogsaday…? Xaggee ku fiican tahay? Xaggeed se, ku degaysaa oo aad ku farxaysaa?” Su’aalahaan ayuu is ku harqiyey isaga oo ilmeenaya, qalbigiisana ciriiri iyo xanuun dareemaya

Waxa uu aaminsana in uusan meelna ku fiicanayn. Dharaar iyo habeenna col ayuu la ahaa, dayaxa iyo qorraxdana cadho xun ayuu u hayey, xiddigaha na aad buu u necbaa. Waqtiga dadka xun fursadaha siiyey dadka wanaagsanna qadiyey aad buu u dhibsan jiray. Xilli roobaadka qarqaryada masaakiinta lama tusi karin. Kuleyl marka uu jira na isaga oo dhan baa is nici jiray oo is dhibsan jiray. Meel u fiican ma aysan jirin! Dunidaan foosha xun in laga furto oo maalin uun sidaan wax is ka beddeli doonaan wuu ku fekeri jiray. Hadda se uu xabaddaas sigaarka ah marna uu nuugayo marna uu ka nasanayo. Waa uu rejo dhigay, quusta gidaarradeeda ayuu hoos harsadaa.

Xamse waxa uu ku dhex barbaaray qoys dabaqada dhexe noloshoodu tahay, fikir ahaanna aan meelna lagu tirin. Yaraanka guriga ayuu ahaa oo qoyska oo dhan ku indhokuushaan, wuu koray, wuu kaalinqaaday oo wax barashadii aasaasiga ahayd ayuu dhammeeyey. Marxalado ka la duwan oo gogolxaar u ahaa noloshiisaan maantay ayuu soo maray. Marka uu xasuusanayo noloshiisii hore aad buu mar ugu riyaaqaa marna wuu ka qabandhacyoodaa oo candhuuf lacnad ah ayuu hareertiisa ku tufaa. Waxaa se, ugu muhiimsan noloshiisii hore fikiradihii ka la duwanaa ee uu soo maray; mar suufi xag jir ah ayuu soo ahaa. Mar kale, wahhaabi xag jir ah oo aad u dhaliilo badan, marar badanna hooyadii doodo badan la galay. Mar na cilmaani ku jeesjeesa tiirarka Islaamka uu ku dhisan yahay oo caqliga doorbida ayuu ahaa. Ugu danbeyn haddadaan la taagan yahayna intaas ma aha! Mid na colaad gaar ah uma uu hayo. Se, fikrado is ku tagay iyo casharro waayuhu ay bareen ayaa dhaqaajiya. Marar baddana waxa uu is ku la sheekeystay in waddada saxan ka soo bilaabanto dadkii wanaagsanaa ee saddexdii qarni ee uu Nabigu ammaanay noolaa, ku na dhammaato kuwii raacay kuwaas waddadooda. Sidaas ayaa u sabab ah in uu aad u jeclaado – isaga oo xaalddaan dibjirnimo ku nool wadaad beri hore oo noolaa oo la yiraahdo Ibnul Qayim.

Maalin Axadeed oo ay cadceeddu farxad la soo toostay, roob tiix ahna uu da’ayo oo ay noloshu raacaysanayso, dabayl qabowna ay socoto ayuu ka soo baxay gurigoodii. Waxa uu is lahaa meheradda kuu dhow koob kafee ah ka soo cab, caajiskaan baas sida uu kaaga kaco. Wuxuu soo dhex maray waddo cidhiidhi ah oo buuq badan, baabuurtuna sanka isku haysto oo hoon iyo qaylo ka baxayso. Qiiqa baabuurtaa ka baxayso ayaa hawadii nadiifta ahaydna wasakhaynaya. Wuu soo gaaray makhaayaddii, dad badan oo badankooda ay is yaqaanneen ayaa tubnaa. Kursi maran oo keligii meel koone ah yaalla ayuu salka dhigay. Cabbaar waxa uu fadhiyaba oo shaarbihiisa jiidjiidaba ayuu maqlay codka hoos u guunaasaya iyo gacanta qoyan ee garabkiisa taabatay. Gadaal buu jalleecay oo salaantii ka qaaday gacanta duqowday. Nin aad u basaasaysan oo dhirbaaxooyinka waayuhu ku yaallaan dhafoorkiisa weeye. Inta uu is yar furfuray ayuu dhoollacddeeyey oo kursi hareertiisa yaallay u soo jiiday. Shaah iyo quraac ba wuu dalbay oo iyaga oo aan wada hadal ayay wada quraacdeen. Markii ay quraacdii dhammaysteen ayuu odaygii soo jalleecay Xamse. Isaga oo koob shaah ah oo qiiqa ka baxayso gacanta bidix ku haya ayuu odaygii
Xamse ku yiri hadallo weli culaya dhigihiisa. Hadallo raad ku reebay oo uu san weligiis illaawayn, farxad iyo dhibaato hadallo u soo jiiday. Hadallo noloshiisii ka wareejiyey jihadeeda oo ka dhigay bilaa mid jiho ah. Hadallo meel dheer kaga qoran laabtiisa

” Adeer macaan, Awoowe gacaliye noloshu waa caddaan iyo madow. Waqtiguna wuu xiimayaa, xawli buu ku socdaa. Mindiyo afeeysan ayuu afka iyo gacmaha ku sitaa waa hubaal in uu ku dhaawacayo oo ee ka gaashaamo. Jaceyl ku gaashaamo, dhufeys wayn qodo oo halkaas heeganka ka gal. Dhufeysku waa jaceyl, jaceyl ballaaran, jaceyl bilaa shuruud ah. Cafiska badi. Cid walba oo ku xumeysa cafi, caawi qof walba. Farxadda ka raadi masaakiinta dhoolacaddeyntooda, iyo gabdhaha qosolkooda, marka aad iska wayso jaceyl ogoow waad lumaysaa …. ”

Intaan marka uu marsiinayo hadalka ayuu hal mar booday oo uu kacay. Inta garabka ka dhirbaaxay ayuu si degdeg ah u kacay, gadaal ma uusan fiirin ee hore ayuu u socday, siduu u socday ayuu hal mar libdhay. Xamse meeshiisa ayuu ku qallalay oo wuu yaabbay. Illaa haddana wuu yaabban yahay dabcan.
Ninkii muuqaalkiisa iyo hadalkiisaba raad culus ayey ku reebeen. Noloshii uu darawalka ka ahaa ayuu hadda wixii ka danbeeyay gadaal ka fadhiisan doona. Waxyaalo uu been ku sheegi jiray ayaa si lama filaan ah ugu xoogeysanaya qalbigiisa.. ‘ Jaceyl, Jaceyl, Jaceyl ‘ ayaa sidii durbaan la tumayo uga dhex dhawaaqayey gudihiisa. ‘ Jaceyl bilaa shuruud ah!

Wuu ogaa oo caad kama saarneyn in uu qalbi jabay. In hankiisu bakhtiyey. In rajadii u baxaysa waa hore la
bakhtiiyey oo ubixii baxaayey abaarsaday. In uu aargoosi ama dhuumasho ku caafimaadayo. In noloshani qalbigii daacad ah dilayso oo dhaawacayso. In si kasta uu wax u jeclaado la jeclaaneyn. Sow tii uu waayey gabdhii uu jeclaaday ee uu ku duceysan jiray! Soo tay barqo ka dhaqaaqday! Soo tii uu walaalkiis ifka uu ugu jeclaa ka goostay oo uu Ustareeliya iska galay isna kaga dhaqaaqay dhaxanta iyo silica Kambaala ! Hadda keligiis sooma uu noola?! Waxa uu weheshado soo maaha cidlada?! Cidla ciirsi la’ sow ka ma uu dhex heesayo? Sidee waxa uu intaa is ku qancinayey uu hadlka ninkaas uskagaysan u burburin karaa?! Wixii aargudasho uu sameeyay miyuu ku qaldanaa?! Maalintii ay ka aamustay isna uu ka aamusay muxuu ula hadli waayay. Oo hadda qalad uu isagu galay miyuu ku waayey?! Ilaahayow!

Wuu dareen beelay, qalbigii ayaa ka guuray, in uu lumay ayuu yaqiinsaday! Xabbadii sigaarka oo ku raafadday farihiisa ayaa haashkii faraha ka gubay inta dhulka ku tuuray oo waliba si bilaa naxariis ah ugu sii tuntay. mugdigii galbeedka qariyey wajiga aaddiyay oo feker kale oo dheer ku dhex lumay. Isaga oo leetarad ii fooshaxumayd faraha ku cayaarsiinaya ayuu daqiiqadaa noloshiisii ku soo koobay. Waa isagaa sii tallaabaynaya ee daqiiqado kalena ka sii fikiri doona noloshiisa fooshaxumaatay.

Waxa Qoray: Mahdi Waaberi.

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here