Quudhsiga umay dhalan – Khadar Cabdi Indha-yare

KHADAR

In badan oo ka mid ah taariikh nololeedka, ee qayb ka mid ah bulshadeena, waxa haysta xad- gudubyo nafeed iyo kuwo nololeed. Quudhsiga shakhsiyeed iyo kan qawmiyadeedba, waxay ahaayeen aafo ku habsatay dhibanayaashaas geyiga inala degen. Qaantaas uu geyigu inoo sheegan doono maalin maalmaha ka mid ah iyo tun jilayca beeshaasi waxa uu soo gabaabsiyi maalin aan sidaa u dheerayn. Gumaysigan, faquuqa ku salaysani maahin mid uu aadamuhu u dhasho lakiin, waa mid laga dhaxlo meertada nolosha, taas oo ku timaada awood maroorsi iyo xaq darro. Hadhsashada dallada, in aadamuhu yahay mid kaaraamo lehi, maahin waxa dadka qaar ku lifaaqan, halka kuwo kale ay u baahan yihiin in ay doontaan!

Sida ku cad taariikhda aadamaha, waxa hubaal ah, in dad badan oo sharaf ku suntanaa waa hore, ay marar kale noqdeen kuwo la liido, lana tun jilaycsado. Halka kuwo kale oo waa hore quudhsi la noolaa ay mar danbe noqdeen ku sarreeya. Inagoo ka dhimbiil qaadanayna taariikhda basharka, oo ay ku xardhan yihiin baalal dahabi ah, oo farta inoogu godaya waxa aan rabno in aan nidhaahno.
Haddaba, dhibaatada ay qabaan, waa mid leh mug iyo baxaad, waxaanay inta badan la xidhiidhaa, xidhiidhka bulshada dhexdeeda ah, hadday tahay xag guur iyo xaq degal wadaaga. Bulshadeenu waxa ay inta badan u muujisaa dareen damqasho oo heer sarreeya, gaar ahaan aminata faquuqaasi uu keeno dhibtaato jidheed iyo mid sharafeed. Bulshadaydu illaa hadda may san qaadin tilaabooyin wax ku ool ah iyo olole hor leh oo lagu dabar jarayo bah soocaas. In badan, waxgaradkeenu arintaa waa ka hadlay, haddi ay tahay culimo, cuqaal iyo sugaan yahankuba, laakiin, dadaaladaasi ma hor joogsan dhibkii ay umadani qabtay.
Beer nugayl iyo calaalcal joogto ahi maahin waxa dhibkan lagaga baaqsan karo,laakiin, sida aniga ii muuqata waxa dhibkan lagu xakamayn karaal laba arin mid uun;

1. Horta xuquuqda lunsani sida kaliya ee ku soo noqon kartaa waa halgan ay joogteeyaan dhibanayaasheedu, mana aha wax la isu hibeeyo, ee wax la huraa dedaal badan. Markaa beeshaas anigu waxaan u soo jeedin lahaa in ay joogteeyaan halganka ka dhanka ah xad-gudubkaas, laakiin se halgankaasi waa in ay nabadu inta badan base u ahaataa, kana dheeraadaan waxa nabada gadaafayn raba. Nabad la’aantu waa hadhaca ay hooska ka dayato caddaalad darrado, xuquuqaha lunsana waa meesha sii adkaysa, meel dheerna ka tuurta. Markaa halgan nabadaysan ayaa looga baahan yahay beeshaas.

2.Sida cad, beeshaasi inaga dhexdeena ayay ku yasanyihiin, laakiin maaha waxa ku calaamadsan oo aduunku kuwada yaqiinsado, sidaa darteed, marka runta lagu soo dhawaado inaga ayaa gabooye ka dhignay ee maahin in ay wax kale inagaga duwan yihiin. Haddaba, beelaha gabooye waxay degaan degalo badan, kuwaas oo markastaba la degan kuwo iyagu sharaf is bidaya, sababayna in iyaga la quudhsado, dhib iyo aflagaadona ku haya had iyo jeer. Si aan u rumayno calaalkeena aan u muujino marka la takoor, lana quudhaado, waa in aan maantaba jebinaa teedka caqligeena fadhiya, ee ku salaysan geyaan, tusaale ahaana reer soomaliland waa beelo sideed ah oo waaweyn(waa inta beesha dhex loo yaqaane, waana kuwa ugu quudhasiga badane) waa in shir la isku dhaarsadaa in beel waliba 100 wiil oo gabooye ah u dhistaa 100 haween ah oo aji ah sida iyagu ay sheegtaan. Waa in 100 haween ah oo gabooye ah loo dhisaa 100 nin oo aji ah kuwaas oo haan walba leh.

Isku dhafkaasi waxa uu meesha ka saari baahida loo qabo in guur wadaag la noqdo sida inaga dhexdeena, waxa kale oo meesha ka bixi is eegidan lawada eegayo marka inan iyo inan gabooye ahi ay is calmadaan, hoostana laga odhanayo walee reer hebel ceeboobe mar haddii gabadhoodii ay nin gabooye ah u dhiseen.Marka xaafad walba ay galaan lamaane isku sidkan oo guur wadaag laga yeelay, waxa meesha ka bixi erayga ” isma geyno” oo ah teedka xuuqda maqan iyo meesha u asalka ah.
Haddii aynu sidaa yeelno waxa soo bixi in beeshaasi noqoto dad inanala siman , oo magaca gabooye uun loo yaqaan, sida inaba reer hebel iyo reer hebel isugu naqaano. Run innagama aha calaacalku inta aan sidaa u dhaqmayno, hal ku dheguna inoo yahay” isma geyno”. Si aan uga baxno dhibkan aan damqashada ku muujinay, waa in siyaasi, culimo, ganacsade, guurti iyo wax garadkeenuba hawshaas inagu bilawnaa.
Haddii aan sidaas yeelno waxa rumoobi waxa aan muujino marka dareen takoor lagula kaco beeshan.
Ugu dambayntii waxaan leeyahay; ku kaaje ayaan nin u aqaan, car waataase yaa ku dhaca in sidaa uu yeelo, halganka quudhsi diidkana calanka u qaada.
Ramadaan mubarak
Illahay xaqqa ha ina waafejiyo dhamaanteenba.

Khadar Cabdi Indha-yare
31/05/2017
Galab Ramadaan ay tahay 5
Tell: +2520634514108
Khadar Cabdi Indhayare

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here