Xusuus-qorkii Axmed-daad – Axmed Nuur Xirsi

Axmed Dhowe

Waxay ahayd 2002dii waa Axmed-daad oo ah wiil 6 jir ah waxa uu ku noolaa miyiga bariga fog magaalona kama dhowayn, waa meel badwaynta Hindiya u dhow waxaa u dhowayd tuulo yar oo la yiraahdo Qundheed, waa gobollada bari ee soomaaliya dhulka haatan loo yaqaan puntland gaar ahaan meel udhaxaysa labada gobol, gobolka Karkaar iyo Gobolka nugaal.
Waxa ay degenaayeen meel jeex ah hareeraha waxaa ka xiga qarar xaraaro ah togag waawayn dhanka koonfurta ayaa waxaa ka ahaa labo dooxo oo waawayn oo lakala yiraahdo Shiraar iyo Mooqaal, waa dhul daaqsimeed aad u balaaran xoolahana lagu foofiyo waa sanad barwaaqo.

Axmed-daad waxa uu la noolaa aabbihiis Warfaa hooyadiis iyo afar caruura oo walaalihiisa, waa xoolo dhaqato deegaankoodii uga soo fogaadey si ay xoolohooda ula raadiyaan meel doog leh abaartana ugala fogaadaan.
Axmed-daad waa nin lagu haleeyo ariga awrtana soo dheelma hadii laga maarmi waayo.

Warfaa waa nin xoog maal ah oo dhalinyaro ah, Warfaa wuxuu ku fekeray inuu caruurtiisa ka badbaadiyo jahliga iyo rafaadka miyiga yaalla una wareejiyo magaalka oo aad uga fogaa si ay wax ugu bartaan.
Waxa ay la noqotey inuu hooyada iyo caruurta inta yar yar magaalada usii wareejiyo Axmed-daad iyo walaalkiis Warsamena ay xoolaha lasoo kaxeeyaan oo ay kusoo noqdaan deegaankii u dhowaa magaalada.

Waxaa subaxnimo safar galay hooyada Axmed-daad iyo caruurta intii yar yarayd waxaana xeradii ku keliyeystay Axmed-daad aabbihiis Warfaa iyo walaalkiis Warsame oo curadka reerka ahaa, waxay u dhaqmayeen sida Geeljire oo kale waxay seexanayeen ardaa ay soo ooteen, labo dhucay ahna biyaa ugu jiray lac iyo koore, weel ay cunada ku cunaan iyo raashinkoodii iyo waliba agab lagama maarmaan u ahaa markaas.

Waa hayjad cidla ah qofka waxaa noole ugu dhow waa dugaag iyo xoolahaa la dhaqanayo majiro wax dhaqaaqa oo kale Axmed-daad waa cudud muhiima maadaama ay yihiin sadex qof, qof walba wuxuu qabanayaa shaqo muhiim ah.
Warfaa wuxuu go’aan ku gaarey inuu soo raro xoolaha oo ay usoo dhowaadaan magaalada, kolka ay geeddiga tahayna xoolaha waa in la waraab geeyaa inta aan la kaxayn.
Subaxdii danbe Warfaa iyo Warsame waxay aroorsheen xoolihii Axmed-daad waxaa looga tagay labo qaalin oo ay rukuubsanayeen, maqashii iyo waliba inuu agabka waardiye ka hayo.
Ceelka loo aroor tegayo waxaa la yiraahdaa Xir iyo xargo dheere waa ka fogyahay meesha ay Axmed-daad deganyihiin dhanka bari ayuu kaga beeganyahay wuxuuna kulaalayaa badwaynta Hindiya.

Subaxnimada goor hore ayey u diyaar garoobeen safar dheer waxayna Axmed-daad kala dardaarmeen hantidii looga tegey mood iyo noolba waxayna maqnaanayaan maalinta inta badan.
Axmed-daad waxay talo ku cadaatay markii ay ahayd barqadii markii awrtii ka fogaatey maqashiina uu kusoo weeraray Gorgor aad uwayn.
Waa nin yar talo mahayo waxay la noqotey inuu maqasha agjoogo dugaaga ku meeraysanaya ee xitaa isaga hawaysan karana ka dhiciyo, awrtii waxay afka saartay dhanka galbeed isagu aad buu u rafaadsanaa wax uu sameeyana garan maayo.
Mardanbe oo gabal dhac ah ayaa waxaa yimi xoolihii oo wabax ah iyo ragii wadayba.

Waxaa markiiba baadidoon loogu dhaqaaqay awrtii luntay oo Warfaa doonay, odaygu wuu daalanaa oo markaas buu xoolaha waraabkooda kasoo istaagay haseyeeshee cid uu kuhaleeyo oo kale magaranayo.
Goor fiidkii ah ayuu soo dheelmay awrtii oo uu kasoo kaxeeyay meel galbeedka kaga beegan jeexyo aad uga fog oo ka rogan dooxada ay afkeeda degenaayeen.
Casho ay boobsiis ku samaystay ayay kala tuureen, aroortii waxaa sugaya safar aad u dheer oo maalintaas oo dhan qaadanaya.
Fiidkiiba way seexdeen si ay isugu diyaariyaan safar dheer Warfaana wuxuu u sheegay in berrito safar dheer sugayo ayna isku diyaariyaan.

Goor aroor hore ah ayey awrtii rarka ku boobeen waa waaberka wali geed iyo qof lama kala saari karo markii ay jaanta qaadeen.
Safar xilligaa bilowday ayey muddo badan kujireen goor barqankii ah abbaare 11:30am ayey geed wayn harkiisa degeen xoolaha kob cagaar badan ayey ku weeciyeen awrtana rarkii kama dhigine hogaanka ayey u laabeen.
Iyana halkaasay xoogaa bariis ah ku karsadeen,
Waxyar kadibna qadadii ayaa laga fara dhaqday nin waliba dhengadiisuu la kacey xoolihii ayaa lagu dhaqaaqay mid foorya mid caag u gaaraca dabadaa lagaga dhacay safarku ma dhowa meesha gabalku ugu dhaco ayey u hoyan doonaan.
Waxay qar jibaaxaan waxay jeex ka dhacaan waxay taag ubaxaan goor gabalku dumay ayey xaraar aad u dheer oo tog la yiraahdo xoor kuyaal kasoo degeen.
Waa dhul aad u qurux badan dhirta kala jaadka ka ah ee Axmed-daad xasuustiisa ka go’i wayday waxaa kamid ah geedka hareeriga la yiraahdo, waa jaad dhirta kamid ah oo aad uqurux badan wuxuu aad ugu badnaa togga.
Toggu waa mid balaaran dhanka bari waxaa ka ah xaraar aad udheer oo aad mooddo mastarad la taagay qofka kadegaya dhib ayey ku tahay dhanka galbeedkana taag gaaban oo marba marka ka danbaysa sii gaabanaya ayaa ka ah.

Waxay heleen xero jabad ah oo togga bartankiisa ku taal Warfaa waa nin hawlkar ah waa nin go’aan adag oo ragannimo iyo karti udheertahay.
Waa rag karoone ninka loo yaqaan wuxuu markiiba guntiga u dhuujistay ooddida xerada si ay habeenkaas ugu dhaxaan.
Habeenkaa qodax dhirindhir ah oo dhumuc leh ayaa Warfaa gacanta ka gashay calaacasha bartankeeda ayey fariisatay waa meel hawsha iyo jabku bad kuyahay.
Habeenkii halkaas ayey baryeen Axmed-daad ruuxiisu wuxuu ahaa nin yar waxaa weheliyay walaalkii Warsame oo ah nin firfircooni ad adayg iyo hawlkarnimo udhashay.

Aroornimadii ayey ka hayaameen safarkani kii hore waa ka duwanyahay waa safar hawl, daal iyo dacdarro badan ka muuqato Axmed-daad ruuxiisu wuxuu la ildaranyahay xanuunka Qiixdheerta la yiraahdo oo uu had iyo goor la qufaco.
Laysuma hojiyo oo hawsha haysata ayaa ka badan rafaadka shakhsiga ah ee Axmed-daad, Warfaa ruuxiisa waxaa ka muuqda daal oo ay udheertahay qodaxda dheer ee gacanta kaga jirta.

Maqasha yar yar ee aan soconkarin cidlada ayaa looga tagayey Axmed-daad iyo walaalkiis Warsame waxay aad uga naxayeen waxaraha yaryar ee cidlada looga tegayo ee dugaaga weheshanaya.
Socod aad udheer ayey kujireen maalinta badankeed goor harka duhur ah ayey geed harkiis fadhiisteen Warfaa wuxuu qaatey caagad afar qaad ah si uu biyo ugasoo qaato reero bidhaantoodu u muuqato.

Biyihii ayuu u keenay way ku oontirteen oo qado ka karsadeen.
Markiiba waa lasara kacey maalinta labaad safarkoodii wuu soo dhowaadey oo way kasoo dhamaadeen qararkii iyo buurihii badda balse wali waa bariga fog dhulka ay marayaan.
Goor gabal gaab ah ayey awrtii furteen rarkiina ka dhigeen waxay lasoo derseen degsiimooyin ay is garanayaan Warfaa qaarna ay qaraabo yihiin.
Habeenkii halkii ayey u hoydeen iyagoo niyadsami ka muuqato safarkii hawsha badnaa dhulkii abaarta ahaa iyo socodkii dheeraana waxay filanayeen inay ka raysteen.

Muddo ayey deegaankaa ku barwaqaysnaayeen kadibna waxaa soomartay abaar gaagmareebta ah oo deegaankaas oo dhan caan ka ahayd waxaa la oranjiray Kartoomaley, Axmed-daad iyo walaalkii Warsame waxay usoojoogeen abaartii waqtiga dheerayd waliba waqtiga badankiis labadooda oo qura ayaa haynjiray xoolaha,
Waxaa lasoo deristay rafaad aad u badan xanuuno iyo dayac caruurnimo.
Labadii qaalinba waxaa dishay abaartii adhiga ruuxiisu waa madhay waxyar maahane. Waayo danbe ayaa eebbe raxmad ku qaboojiyay deegaano kale asii aan ahayn deegaankii ay markaa degenaayeen.

Habeenkii danbe ayaa Warfaa gaari keenay si uu ugu qaado Axmed-daad iyo walaalkii Warfaa gaarigu waa iskarogo waxaa lasocday walaalkii Qaasim.
Layaab waxaa noqotey markii Axmed-daad gaarigii ka cararay ee uu duurka xulay haseyeeshee walaalkii Warfaa oo ahaa nin dirac ah ayaa soo qabtay oo ucaqli celiyey.
Axmed-daad waxay la noqotey inuu gaarigu uu yahay bahal wayn aroornimadii ayay gaarigii ku guureen waxay yimaadeen deegaan barwaaqaysan oo aad u cagaaran roobna maasheeyay.
Ariga iyo dadkuba aad bay uliiteen macaluul, xanuuno iyo tabardarriba way haysay, ugu danbayn dhawr todobaad gudohood adhigii waa dhogor cadaadey waana kasoo kabsaday rafaadkii abaarta haseyeeshee Axmed-daad isagu wuxuu noqday jirroole waxayna noqotey sababtii uu magaalada kugalay halkaas oo uu waxbarasho ka bilaabey.
Hadda Axmed-daad waa arday jaamacadeed.

Dhamaad
Qalinkii Axmed Nuur Xersi

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here