Kulamadii Awliyada Jacaylka: Afar aroos iyo aas (1) – Khadar Cabdi Indhayare

KHADAR

Cutubka koobaad: Arooskii Koobaad

“Waxa laggu martiqaaday arooska Angus and Laura oo dhici doona 1, May, goobtuna waa kinisada looyaqaan St john’s church, stoke clandon, somerst”

 

Waa maalintii xafalada arooska Laura iyo Angus. Ninka loo yaqaan Charles na waa milxiiska arooska. Milxiisku waxa uu daryeelaa caruuska, waxaanu siiyaa fargashiga arooska. Milxiisku, inta badan waxa uu ka hortagaa kiniisada caruuska, lakiin Charles waa nin aan wakhtiga ilaalin. Illaa hadana muusan kicin! Goor-sheegtuna waxay si xoogan uga dul aleeminaysaa sariirtiisa meel u dhaw. Gacanta ayuu la tiigsaday goor-sheegta si uu u damiyo, hurdadana u sii wato.waanu iska sii hurdaa illaa hadda!.

Xaflada aroosku waxay ka dhacysaa galbeedka magaalada London, goobtaas oo qaadanaysa illaa laba saac marka gaadhi la qaato, lagana eego dhanka iyo kobta uu Charles ku noolyahay. Qaar asxabtiisak akamid ahina way diyar garoobeen. Waxaana ay u muuqataa in ay ka hortagan kobta xaflada Charles. Tom iyo walaashii Fiona way kaceen,waanay is diyaarinyaaan. Walaalahani waxay ka soo jeedan reer hodan ah, oo hanti badan. Waa dad isu lid ah xaga abuurka iyo dhaqankaba: Fiona waa gabar dheer o oil qabatin leh, halka Tom uu yahay ruux qabaw oo farxaan ah, mana maskax badna!

Tom waa calooshiisa la ciyaar, imikana waxa buu cunayaa, quraac badan ayuu cunayaa, halka walaashii ay diyaarinayso dharkii ay xidhan lahayd. Ugu danbayntii, Fiona waxay xidhatay dhar isku jog ah. Waxa ay hada bilawday in ay soo daadegto, iyadoo u socota xaga qolka cuntada. Gabarta shaqalaha u ahi, waxay hadda siisay koob buna ah oo aan caano lahyn. Degdesiimo ay ay u cabaysaa bunka wayna fadhiyaan. Waa maalina sabti ah, cidhiidhiga wadaduna maanta ma badan, waayo waa fasax maanta, in ay dib u dhacaana ma badana.

Jiho kale ay ay u kaceen, waxay u yeedheen Gareth iyo Matthew, kuwas oo kunool guri farshaxan toosan leh. Matthew waa ruux qoyan, laakiin waa ruux naxriis badan, waa qof furfuran, waa reer Scotland, da’a aahna waa sodan jir. Ninka Gareth, waa ruux buuran, da’a ahaana waa illaa 45 jir. Waa coomay cirroobay dhanka madaxa, laakiin gadhkiisu weli waa madaw. Waxa uu jecel yahy in uu xidho dhar bilicsan oo hubsan, lakiin caddaatu ah. Waxa uu jecelyahay kaftanka, waa ruuxa yara edeb xun. Gareth iyo matthew, waa lammaano nololeed  saxiib ah. Habsan! Adigu habsan baad tahay! Ayuu ku qayliyay, isagoo goorsheegtiisa eegaya. Laakiin Fiona iyo Tom way yaqaaniin Gareth, manay dareen qaadan.

Iyagu habsan maahin sida Charles oo weli hurada!. Ugu danbyntii qorraxdiibaa soo baxday oo ifka ku fidisay Charles oo weli hurda, illaa ay faladhaha qorraxdu ay qolka hurdada ugu soo galeen. Waxa uu soo qabsaday goor sheegtii oo saarnady miis u dhaw, waanu damiyay, isagoo fiirinya!

Illahayoow!’ buu yidhi. Waanu kacay haatan.

Charles, waa saddex iyo sodan jir, waa ruux qurux san, laakiin waa habsan weligii. Waxa uu ka soo booday hurdada, waxaau u socday dhanka qolka ay hurday Scarlett. Sar bay wada degenyihiin Charles iyo Scarlett. Waa saaxiibo, laakiin isma jecla. Qolkeedu waa mid is dhex daadsan, waxaana meel kaste yaala dhar filiqsan. Waxa uu kor u qaaday goorsheegteedi casayd , oo wax uu saaray sankeeda . indhahay kala furtay iyadoo lulaysan.

‘Alla  xumaa’.

Scarett, waa gabadh shan iyo labaatan jira ah, waa ruux fiican, waa asalka reer London. Kamanay iman reer ladan!.

Way degdegeen, si ay u diyaar garooban, waxanay u dhaqaajiyeen dhanka gaadhiga iyagoo sita dhar aan habsnayn oo qadiima ah. Gaadhiga waxa iska leh Charles, waana mid gaboobay. Eginekuna ma daarmmin.

‘illaahayaw! Alla xumaa!’ Charles baa sidaa yidhi, sax waxa habboon in aan kaaga qaadnao.’

‘Ma kayga? Sidaas waxa tiri Scarlett. ‘Laakiin waxa uu jiraa meel qaadan rabta illa saacad!’

Charles waa dhaqaajiyay gaadhigeedii si xawli dhanka wadada, wuu la daalaadhacaayay. Gadhigu waa mid xoog u yar, mid cas leh,waana mid duugoobay of daxal leh. Igiinkii , waxa uu u dhawaaqay sid xun oo buuq ah. Scarlett, gadhigeedu waa mid daycan oo daryeel qabin.

‘ waddadee baynu rabna?’ ay ay weydiisay Charles. Scarlett waxay haysaa map, lakiin si fiican umay eegin weli. Imika si fiicin bay u eegaysaa, waxaanay ka yara baxeen wadada.

‘waxan filayaa  ma aha B359; Charles baa sidaa yidhi markii uu arkay calaamada ka danbaysa. Scarlett waxay heshay meeshii saxda ahayd amrkay eegtay mapkii. ‘ waa B359; sidaas bay si kalsooni leh u tidhi.

‘ hagaag!’ buu yidhi Charles. Si lama filaan ah buu adinka u saaray biriiga, waxaanu bilaabay inuu dhaqaajiyo gaariga, isagoo ku laaban raba wadad. Halkan waxa jira gaadhi weyn oo si dheeraynaysa u soo daba socda. Shilbay u dhawyihiin in ay galaan. Charless , waxa uu si lama filaan ah gaadhiga uga saaray wadad. ‘allah, xumaa!’ ayuu marlabad yidhi.

 

Waxay ahayd maalin qorrax leh, may dheerayn markii ay soo gaadheen kiniisada yar oo kutaal meel miyaga ah oo nabdoon. Jalasyada kiniisada ayaa dhawaaqayeen, dadkii kaloo dhami na way fadhiyeen kiniisada dhexdeeda. Charles iyo scarlett waxay ka soo degeen gaadhiga. Charles, weli ma labisan si fiican, sidoo kale scarlett waa lamid. Si degdeg ah bay u xidhanayaan dharkoodii arooska. Charles waxa uu iska xidhay suudh iska qaabkii hore ah, halka ay Scarlett ay xidhanayso siku joog hurdi bacad ah. Waxa kaloo xidhanatay gacmo gashi basali ah iyo koofiyad aad u hurdi ah. Charless, waxa uu isku dayayaa inuu kacaawiyo dhar xidhashada Scarlett. Siibada danbe way istaagtay oo xidhmi weyday.

‘ ish,ish,xumaa!’ ayuu leeyahay Charles, isagoo riixiya siibada.

‘ alla xumaa!’ sidaas waxa tiri Scarlett. Waxa ay isku dayaysaa in ay tayga charless toosiso.

Gaadhi weyn oo farsan ayaa dabdooda soo socda.  Aroosadii baa imanaysa. Waxay ka soo degtay gaadhi, iyadoo qabta dirays carfoon, oo mid cad leh. Mid kamida milxiisadaheeda ayaa caawinaysa. Labaduba waxay haystaan xidhmooyin ubax ah.

‘Oh, maya! Charles baa sidaas yidhi, waxanay bilabeen in ay u cararaan dhanka kiniisada. Way dhoolacadeeyeen, ruxeen aroosada intii ay weydaranayeen.

Kiniisada waxa ka buuxay ubaxyo, dhamaan dumarka xafladuna waxay wada xidhnaayeen koofiyado soo jiidasho leh. Charles iyo scarlett waxay eegeen hareeraha, ugu danbyntiina waxay heleen meeshoodii, ayagoo arkay asxaabtoodii; Fiona, Tom, Gareth iyo Matthew. Ayagay u tageen.

Fiona waxay tidhi charlessaw ‘ waxa jira nooc salaam ah oo aad ku mutaysatay habsankaaga.’

Mahadsanid; ayuu ku jawaabay Charles. ‘waa in aan xoog u shaqeeyaa, sidaa waad ogtay .’

Scarlett , waxay la fadhiisatay ayaga. Lakiin charless ubax soosali ah buu ku xidhaybadhanka hoose ee koodhkiisa, waxaanu dhex socday kiniisada isagoo ku socoda Angus, caruuska caawa, kaas oo sugayay isaga is cadho leh, waayo waxa uu u ahaa milxiis.

‘waan ka xumay, ka xumay,’ waxa yidhi charless. ‘cudurdaar ma leh, waan ogay taas .Waan is dili haddii aad rabto.

‘dhibi ma jirto,’waxa yidhi Angus. ‘ haddi aad imanweydo Tom baa halkaaga geli lahaa.’

‘ Waad mahdsantay Tom – waxaad tahay kala dhaqaaq! Waa maxay timaha sida xun aad u goostay! Charles baa sidaa kula kaftamay.

‘ fargeshigii maad soo ilaabin, miyaad soo ilawday?’ sidaas waxa weydiiyay Angus. Milxiisku, badiyaaba waxa uu fargeshiga u galiyaa aroosk.

‘ maya, maya,maya dabcan,’ charless waxa uu taabtay jeebadiisa si aanu is ogayn. Si hoose ayuu naftiisa ula hadlay. Tolow, fargelikii mee? Mar aanu soo eegayn Angus, waxa uu ka baadhay jeebkiisa, lakiin dhamaan jeebaduhu waa ay madhyihiin.

‘ oh illaahaw! gurigii buu kaga yimi fargesgigii.

Waxoogaa kadib, gabadh filsan oo xidhan koofiyad madaw oo weyn iyo jakeed cusub aya soo dhexmartay kiniisada.

Charless iyo dhawr kamida martidu waxay eegayeen iyada.

‘ Late!’ ayuu yidhi charless. ‘ anigu waan necebahay dadka habsanka badan! Waan necebahay.’

Tani waxay ka qoslisay Angus, imikana waxa uu u eegyahay mid caadi ah.

Imika waxa bilaabmay muusikadii arooska. ‘halkan ina mariya! Waxa sidaas yidhi charless, halka uu Angus eegayo haweenaydiisa caruusada ah, taas oo soo dul socota rooga, xaggiisan u soo socota. Laura, waxay gacanta haystaa aabaheed, waxayna xidhantahay dhar qaali ah, dhar mid cad leh oo aroos. Waxay leedahay laba duamr milxiiasado ah oo da’a yar iyo mid weyn, waxa jirta da’a yar oo layidhaa Lydia. ‘ Oh, miyaanay qurux samayn!’waxa sidaas tidhi Scarlett. ‘waad indho la’day; waxa tidhi Fiona . ‘ waxay u eegtahay keeg weyn oo cad.

 

Lasoco qaybaha danbe

Khadar Cabdi indhayre

Tell: 0634514108

Saadaal4514108@hotmail.com

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here