Waydiintii Aabbahay – Samatar Xaaji Maquuste

Su'aal

Waxaan ku dhashay burbur, ma aanan helin daryeel caafimaad, ma aanan helin daryeel waxbarasho, waxaa la igeeyay dugsiga quraanka anigoo yar, muddo markaan dhiganayay, waxaa la i qoray fasalka kowaad ee iskuulka, waxaan u baahday buugaag, qallimaan, dhar, biilka dugsiga (Fees school) iyo kan aniga ahaantayda igu baxaya, iyadoo intaas ii sii dheeryihiin cunnadaydii, iyo waliba haduu ila soo darso xanuun la tacaalidaydii; intasoo dhan dowlad iima qaban, waxaa ii qabtay waalidkay NNKH (Naxariis iyo nabad-galyo korkooda ha ahaatee).

Waan soo gaaray dugsigaygii dhexe, waxaan ku garaadsaday iyadoo dalka qalalaaso siyasadeed ka jiraan, si fiican uma xasuusto, balse maankayga kama bixin iyadoo la mudahaaradayo, erayada lagu dhawaaqayana ay kamid yihiin, “Doolar qaate dooni-mayno iyo erayo lamid ah”, ma aanan garanayn ammintaas cidda loola jeedo.
Waxaa iga sasin jiray habeenada qaar xabadaha dhacaya saqda habeennimo, mararka dugsiga nala kasoo fasaxo waxaan ku leexan jirnay meelaha buuq iyo sawaxanku ka jiraan (Ciyaalnimo waa col laga soo koray’e), mar walba hooyaday way ii diidi jirtay, wayna iiga diggi jirtay inaan aado meelaha caynkaas ah.

Waxaan maalin indhahayga ku arkay, qof dhaawac ah oo gaariyool lagu wado, isla markaana loola cararayo dhankaas iyo hosbitalka, waa maalintii iigu darnayd dhallaannimadayda; markaan arkay dhiigii ka baxayay qofkaas, waxaan galay jawi kale, maalintaas ma aanan cunin wax baad ah, mar walbana waxaa la i hor keenayay qofkii oo aan biyo is marin.

Waxaan Aabahy waydiiyay, “Aabe, waagad aniga ila ayniga ahayd, ma sidan ayuu ahaa dalkeenu ?”
Wuxuu iigu warceliyay, “Maya aabo, anigu waagaan adiga kula ayniga ahaa, waxaa dalka ka jirtay dowlad xoogan, nabad iyo barwaaqo ayaan ku noolayn, waxyaabaha nolosha asaasiga u ah(basic life) waxaa noo qabtay dowladda sida waxbarashadeena iyo daryeelkeena caafimaad’ba, amnigeena Eebbe ka sokoow, waxaa sugi jiray ciidamadeena dalka, askariga iyo ardayguba dadka dhexdooda sharaf ayay ku lahayeen, balse maanta dowlad ma jirto, dowladeeniina innaga ayaa gacmaheena ku duminay, dadkii mucaaradka ahaa waxay is dheheen, mar uun aan dummino dowlada ee la isma waydiin, maxaa ka dambayn doonna!?”.

Hadalkaas wali laabtayda kama bixin, maanta waan dhameeyay waxbarashadaydii dugsiyeed, waxaanna ahay arday jaamacadeed, wax badan way ii kala furmeen, subaxyo badanna cadceedu way iisoo baxday, waxaan akhriyay dhiganayaal badan ee sooyaalka Soomaliyeed, dhaqan iyo afba ka hadlaya, walina waan waddaa waana u hamuun qabaa wax walba oo barashadooda iga caawinaya, sidoo kale dhulkayga, baddayda iyo hawadaydaba. Baahida ugu badan ee iga haysata afka, dhaqanka, hiddaha iyo sooyaalka Soomaaliyeed waxaan dareemay markaan garan waayay badka dhulkayga, baddayda iyo waliba gobolada uu dalkaygu ka kooban yahay, balse aan xafiday badka Sucuudiga, baxrayn iyo caalamka carbeed inta la isku yiraahdo, sababtuna waxay ahayd; inaan helin manhaj Soomaliyeed, balse aan dugsigaygii kusoo qaatay manhajyo laga soo min-guuriyay dhulalka carbeed (Hanagu soo gaaraan deeq waxbarasho amase si kalaba’e), walina dalkaygu ma helin wixii ka dambeeyay burburkii manhaj Soomaliyeed, waxaa ilaa hadda socda dhallan rog aad u ballaaran oo looga faa’idaysanayo dowlad la’aanta.

Isku soo wada duuboo, intaan usoo joogay dowlad la doorto, dowlada kaliya ee dadka Soomaliyeed rajo galisay, iskuna wada raaceen waxay ahayd, dowladii shacbiga ee inoo dhalatay, 8-Febraayo sannadan aynu ku jirno, uuna majaraha dalka u qabtay Madaxwayne Farmaajo.

Waa iftiin inoo baxay kadib rubuc qarni aan burbur, dil, boob, dhac iyo dowlad la’aan kusoo jirnay, maanta waxaan arkaa dowlad curdin ah oo u baahan in la garab istaago, waxaan leenahay cadow isugu jira; cadaan iyo madow, gaalo iyo muslinba. Sidoo kale cadowga ugu xun waa kan nala diirka ah, nala afka ah, nala diinta sheegta ee hadana boqnaha na gooya oo shisheeye kal-kaalka ah.

Ugu dambeyn, ma rabo inaan ugu warceliyo wiilkayga, isla jawaabta uu aabahay i siiyay oo kale, balse inta aan neefsanayo waxaan garab istaagnaanayaa dowladaan ugubka ah, waxaan garab istaagayaa madaxdayda, waxaan ku taageerayaa wixii san, waxaanna si asluubaysan ugu bandhigayaa wixii taban.

FG- Qofka madaxda ah shalay buu yimi, berrina wuu tagayaa, ee yaanan mar labaad dowlada inoo dhalatay, gacmaheena ku dumin.

MAHADSANIDIIN.

W/Q: Samatar Mohamed X. Maquuste.

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here