Kalsoonida Nafta – Cabdiqani Galaydh

Cabdiqani Galaydh


“Furaha ugu muhiimsan ee guushu waa kalsoonida nafta…”

_Arther Ashe

Shimbir daallan ayaa ku degtey laan si ay ugu nasato. Shimbirtii waa ay nasatay
iyada oo indheheedu ku raaxaysanaan muuqaalka bilicsan ee geedka qaybihiisa ka
la geddisan sida caleemaha iyo ubaxyada, kagana gabbanaysa xayawaanada kale ee
khatarta leh. Iyada oo xaaladi halkaa marayso, ayaa waxaa soo dhacday dabayl
xoog badan oo ruxday laantii shimbirtu saarnayd ilaa laantii u muuqatay in
badhkeed jabayo. Balse shimbirtii ka ma welwelin dhibaato kaga timaadda laantu
haddii ay jabto, waayo waxa ay rumaysnayd labo xaqiiqo oo muhiim ah. Xaqiiqada
koowaad, haddii laantu jabto in ay sii noolaan doonto, waayo waxa ay leedahay
labo baal oo ay awooddo in ay ku duusho. Xaqiiqada labaad, sidoo kale in ay jiraan
laamo kale oo badan ayna ku sii nasan karto haddii ba tani jabto. Shimbirtii waxa
ay ku sii fadhiday laantii iyada oo aan ka cabsanayn in laantu jabto, sababtoo ah
aamminaaddu ma aha laanta ee waa baalasheeda, sidaa daraadeed rumaysnow
naftaada kana guulayso caqabadaha ku soo food saaraya. Sheekadan waxa ay inoo
sheegaysaa wax badan oo ku saabsan kalsoonida iyo geesinimada. Waxa aynu
awood u leenahay wax ka badan inta aynu xaqiiqsan nahay nolol-
maalmeedkeenna.

Kalsoonidu waa aamminaadda ama rumaysnaanta in aad leedahay awood aad hawl
ku fulin karto, haa awood aad ku fulin karto hawl adiga oo iska illaawaya hawshan
hore uma aad qaban. Kalsoonidu waa tiirka ugu muhiimsan ee qofka ka caawiya in
uu guul gaadho, waa na furaha keliya ee lagu furan karo qufulka ku jabsan hilinka
guusha. Kalsoonidu waa adiga oo qira awoodaha tiro-beelka ee Allaah kugu
mannaystay una kaca sidii aad uga faa`iidaysan lahayd awoodahaa kugu aasan.

Kalsoonidu waxa ay naftaada siisaa awood ka badan ka aad ka hesho ilaha kale,
taas oo kuu fududaysa in aad guul gaadho. Kalsoonidu waa shidaalka ugu
muhiimsan ee nafta dhaqaajiya una jiheeya dhanka barwaaqada iyo badhaadhaha.
Kalsoonidu waa adiga oo adiga metela, waa adiga oo garowsada awoodaha kugu
ladhan ee aad buur walba ku kala jeexi karto. Kalsoonidu ma aha heerka
waxbarasho, dhaqaale, ama xil ee aad haysato, balse waa adiga oo ku kalsoonaada
awoodaha adiga laftaada ku gu dhaaban. Haddii aad naftaada u aqoonsato una qirto
in ay tahay haldoorka nafaha, nafta keliya ee adiga ku meteli karta, nafta ka
dhabayn karta hiyiga laabtaada ka hugmaya, iyo nafta aad dhaliilaheeda sixi karto
waxaad cagta ku haysaa hilinkii kuu horseedi lahaa guusha aad haybinayso, waayo
waxa aad ku kalsoon tahay awoodaha iyo kartida Allaah kugu mannaystay.
Kalsoonidu waxay tirtirtaa oo daaqadda ka lalisaa cabsida aad ka qabto
guuldarrada, sababtoo ah haddii aad naftaada ku kalsoon tahay waxa aad kalsooni
bKalsoonida nafta ama in qofku naftiisa iyo awoodaha ku duugan ku kalsoonaado
waa qodob la`aantii aan qofna horumar iyo guul haansan karin, waayo kalsoonidu
waxay ku siisaa dhiirrigelin, xushmayn naftaada ka imaanaysa oo naftaada ku
socota iyo in aad ku dhegganaato yoolkaaga. Kalsoonidu waa wax naftaada ku jira,
sidaas daraadeed kama cabsanaysid in aad mahlako dani kuu gu jirto dhex jibaaxdo
iyo in aad iskuday cusub samayso toonna. Kalsoonida naftu waxa ay aas-aas
muhiim ah oo aan la ga fursanayn u tahay guusha qofka, waana tayada qofka ee
keenta in dadku naftooda u maqsuudaan marka ay isku arkaan. Marka aad
kalsoonida nafta hanato ma oggolaanaysid fikradaha iyo hadalka dadka kale in uu
ku saameeyo, waayo adiga ayaa naftaada metela iskama na dhex daawanaysid
maanka dadka kale ee kugu xeeran.

Iyada oo kalsoonida naftu muhiimad sidaa u weyn agteenna ka leedahay, haddana
ma aha wax dadka badidoodu ku dhashaan, balse way dhiseen oo barbaariyeen
kadib na ku tanaadeen. Waxa aad dhisi kartaa kalsooni nafeed awood badan dad
badanna kuu gu riyaaqaan adiga oo beddelaya habka aad u fekeraysid iyo
aragtidaada nolosha ku aaddan, islamarkaana aad daaqadda ka laliso fikradihii hore
ee kaa hortaagnaa in aad kalsoonida naftaada hanato. Haddaba weydiinta
warcelinta inooga baahan ayaa ah habka loo dhisi karo kalsooni nafeed oo qofka u
jiidi karta dhanka guusha? Dabcan jawaabta aad iga filaysaa waxay noqon kartaa
mid gaaban oo aan dhawr eray ku soo ururiyo, balse way ka duwanaan doontaa.
Ma jiraan dhaqamo la isku raacsan yahay oo haddii aad samayso 100% aad gacanta
ku dhigayso kalsoonida aad tooshka weyn ku baadi goobaysid, balse waxaa jira
arrimo ama dhaqamo ay khuburada iyo dadka horumarinta Aadamaha ku tegey

sheegaan oo doorbidaan samayntooda si kalsooni nafeed oo heersare ah loo
gaadho. Si ay kuugu fududaato in aad kalsoonida naftaada dhisto waxa aynu
halkan ku soo qaadan doonnaa, shan tallaabo oo ay muhiim tahay in aad qaaddo,
waxa ayna kala yihiin sidan:

1. Dib u milicso guulahaagii hore
In aad garato oo xasuusnaato guulihii aad gaadhay iyo hadafyadii aad hanatay
waxay shidaal ku sii shubaysaa kalsoonida nafta ee aad u hamuun qabto in aad
maalin maalmaha ka mid ah ku tookhdo, si aad maalinkaa u gaadho waa in aad
naftaada u qirtaa guulihii ay hore u gaadhay. Haddii aad waayo-arag ku tahay
guuldarrada iyo farxad la`aanta nolosha, ugu yaraan waxaa jira guulo aad gaadhay
haba yaraadeen e. Guulahaasi wax ba yeyna weynaan, sida in aad kaalin fiican
dugsiga ama jaamacadda ka gasho, dallacsiin shaqo, deris wanaagsan iyo in aad
dabbaasha barato, balse muhiimaddu waa in aad naftaada dareensiisaa oo ka
dhaadhicisaa in kuwani ba yihiin himilooyin aad ka midho dhalisay oo aad guul ka
gaadhay. In aad ka fekerto oo garato guulaha aad hanatay waxay xaqiijinaysaa in
aad waayo-arag ku tahay guusha islamarkaa na aanad keliya ku koobnayn
guuldarrooyinka. Arrintani waxay ku dhaxalsiinaysaa in aad xiisayso oo u riyaaqdo
noloshaada, naftana aad ku casuumto kalsooni nafeed oo isla naftaada ka soo
go`day.

2. Ka feker hibooyinka iyo awoodaha ku gu duugan
Waa maxay sababta aad naftaada ugu qancisanaysid in uusan Eebbe (S.W.C) ku
siin hibooyin kuu gaar ah iyo awoodo aad guul ku gaadho? Allaah (S.W.C) waa

caddaalad iyo murti badane, naf walba waxa uu lasoo saaray hibooyin iyo awoodo
ay gaar u leedahay oo nafaha kale kaga horrayso. Hibada iyo awooddu kuma
xidhna dhalasho ama xaalad gooni ah, balse waa deeq Allaah (S.W.C)
addoomihiisa ku bantookhay oo nafna nafta kale la hibo iyo karti ma aha,
naftaaduna waa mid ka mid ah nafahaas waxaana marag-ma- doonto ah in Eebbe
kugu ladhay awood iyo hibo aad dadka kale dheer tahay, laga se yaabee in aanad
tab loo adeegsado aqoon, waana ta aan rabo in aan kula qaybsado sidii aad u baran
lahayd una horumarin lahayd adeegsiga hibooyinka iyo awoodaha kugu duugan. Si
aad u garato hibooyinka iyo awoodaha (talents and abilities) aad leedahay waxa
aad dejisataa waqti aad kaga fekerayso sidii aad u aqoonsan lahayd
barwaaqooyinkaa laguugu deeqay balse aad adeegsi la`aantooda la ildaran tahay.
Ka feker oo garowso hibooyinkaaga iyo awoodahaaga, kadibna samayso habkii
aad u isticmaali lahayd una horumarin lahayd. Naftaada marna ha ugu sheekayn in
aanad awoodo lahayn balse ku dudubi oo ka dhaadhici in aad leedahay hibooyin
iyo awoodo aad dadka kale kaga hormarsan tahay, si aad u isticmaasho keliya
waxaad u baahan tahay in aad ogaato oo aqoonsato kadibna ugu samayn lahayd
adeegsi iyo horumarin joogto ah.

3. Horumari hab-dhaqanka togan
Naftaada ka nadiifi erayada iyo aragtiyaha taban ee had iyo goor weerarka aan kala
joogsiga lahayn kugu haya, ha u debecsanaan kana feejignoow in ay si sahlan kugu
soo galaan, waayo haddii aad u oggolaato erayada tabani in ay maankaaga ku dhex
xarragoodaan, maskaxdaadana ka helaan salli iyo sariir ay ku hurdo bogtaan,
waxaad iska soo xidhay kadin walba oo kuu fududayn lahaa in aad guul gaadho,
islamarkaana aad hanato kalsoonida nafteed ee aad sida aadka ah ugu oomman

tahay. Intii aad diiradda saari lahayd oo aad rejayn lahayd in aad khasaari doonto,
dadaal samee si aad maankaaga ugu diido in aragtiyo tabani soo galaan. Diiradda-
saar dhaayaha iyo maanka oo wada jirana haka qaadin aragtiyaha togan ee
kalsoonida naftaada dhisaya, waxaanad rejaysaa in dadaalkaagaa midho aad
mahadiso ka soo go`i doonaan. Dabcan, arrin sahal ah iyo wax dhayal looga
adkaan karo ma aha aragtiyaha iyo odhaahyada taban ee maskaxdaada buux
dhaafiyey, balse waxaa ballan ah haddii aad si cad u diiddo oo codka qayaxan (vito
power) ee naftaada aad isla naftaada u adeegsato in aad isbeddel weyn ku raxlayn
doontid.

4. Ha canjilin dadka kale
Marmarka qaarkood waxa aynu isku daynaa in aynu canjilno oo iska yeelyeelno
sida dadka kale u dhaqmaan, iskudaygaas kadib warcelinta maankaaga kusoo shaac
noqonaysa waxaad ka helaysaa in aanad gebi ahaan ba ahayn qofkii aad jilaysay.
Sababta oo ah tagtadiinnu (taariikhdiinu) waa kala tagsan tahay, qaab-dhismeedka
jidhkiinnu waa uu kala duwan yahay, habka aad u fekeraysaan wuu kala duwan
yahay, sidoo kale ma garan kartid wax badan oo ku saabsan hummaagga ay dunida
ka haystaan. Haddii aad tamartaada iyo awooddaada ku lumiso ku dayashada iyo
iska yeelyeelka qof aan adiga ahayn, iyo haddii aad goor walba u dagaalanto sidii
aad qofkaas uga heli lahayd in uu shaambadda kuugu dhufto in aad iska yeel-
yeeshay, keliya jawaabta aad kala kulmi doontaa waa kalsoonida naftaada oo
yaraata.
Marka aad naftaada naf kale barbar-dhigto waxaad cagta saaraysaa waddada
guuldarrada iyo kalsooni darrada, sidoo kale waxa aad dareemaysaa in aad
dembiile naftiisa liiday tahay, taasina waxay god dheer ku shalwinaysaa

kalsoonidii naftaadu isla naftaada ka heli lahayd. Haddaba marba haddii ay sidaa
tahay, maxaa kuu diiday in aad dejisato hadafyo iyo yoolal kalsoonida naftaada
xoojinaya, toobiyaha guushana cagta kuu saari kara?

5. Digtoonow marka aad naftaada la hadlaysid
Akhristoow hadimaysid in aad naftaada la sheekaysato oo la xanshashaqdo, waayo
waxa aad mar walba ka fekeraysaa xaaladaha kugu xeeran iyo habkii aad ku soo
dabi lahayd nolol ka rejo iyo farxad badan ta aad hadda gacanta ku hayso. Haddaba
si aad aragtiyaha naftaada ku socda uga dhigto kuwo kuu jiheeya dhanka togan
waxaa muhiim ah in aad mar walba naftaada kula hadasho erayo togan oo rajo
gelin kara hankaaga adiga oo usoo jeeda oo ku baraarugsan waxa maankaagu isla
gedgediyayo. Sida laga hayo Lisa M. Hayes, ahow qof baraarugsan oo soo jeeda
kolka uu naftiisa la hadlayo, waayo waxa aad dhegeysanaysaa waxa aad ku
hadlaysid. Tusaale ahaan, haddii labo qof la weydiiyo in ay arrin samayn karaan oo
midba sidan ku jawaabo;
Qofka koowaad; uma malaynayo in aan arrinkaa samayn karo, Waan
guuldarraysanayaa, badanaa xaalad xun baan ku suganahay, ma hubo in aan
samayn doono, waxaa laga yaabaa in aanan hore u samayn, iwm.
Qofka labaadna; waan samayn karaa, waan guulaysan doonaa, waan ku han
weynahay naftayda, waan ku kalsoonahay naftayda, guusha waan haleeli doonaa
haba fogaatee, iwm.
Labadan qof kee ayaad filaysaa in uu yoolkiisa hanan doono? Jawaabta caad inaga
ma saarna oo waynu u jeednaa labada qof ka hankiisa maalin uun la bootayn

doona, taasna waxaa sababay farriimaha togan ee uu qofkaasi naftiisa u dirayo,
falcelinta ka soo noqon doontana waxay noqon doontaa in qofku arko oo garto
awoodihiisa iyo fursadaha u bannaan ee buuxintoodu lama huraanka tahay, rejada
keliya ee uu leeyahay na waa in uu guulaysto. Haddaba si aad taas u hesho jooji
fekraha taban ee aad maankaaga ku celcelinayso, iska fur xadhkaha iyo
xaddidaadaha aan runta ahayn ee aad naftaada ku soo xeertay, hanoqon doqontii
xadhkihii lagu xidhi lahaa suxullada ku sidatey. Dabar-jar oo nabaad-guuri
aragtiyaha taban adigoo booskooda ku beddelaya aragtiyo iyo odhaaho togan oo
nafta kolsooni ku abuura. Ku celcelinta badan ee nafta lagu celceliyo farriimaha
togan, waxay korisaa oo tarmisaa kalsoonida nafta.
Haddii aad shantaas tallaabo qaaddo, oo mid walba sida ugu hufan ee ugu
dhammaystiran aad u samaysid waxaa hubaal ah in aad meel sare ka gaadhi
doontid kalsoonida nafta, kalsoonida nafta oo aad meel sare ka gaadhaana, waxa ay
kuu fududaynaysaa in aad si cabsi la`aan ah yoolkaaga u baacsato. Sidaas awgeed,
kalsoonida nafta oo la tarmiyaa, waxa ay kordhinaysaa heerka guul gaadhista ee
qofka, waana albaabka laga galo hanashada yoolka iyo hanka uu qofi leeyahay.
Tarmi oo kordhi kalsoonida naftaadu si aad guul u haansato.

Qalinkii Cabdiqani M. Cabdi (Cabdiqani Galaydh)
Email: Cabdiqanigalaydh@gmail.com

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here