Afarreydii Cabdi-Malaw – Ibraahin Xuseen Daa’uud ‘Masxaf’

Cabdi Malaw

Waa Cabdi Faarax Caateeye oo loo garan ogaa Cabdi-Mallow. Waxa uu ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamadii dowladii Maxamed Siyaad Barre. Waxa kale oo uu marxuumku ahaa hal-abuur ku caana maadda iyo majaajilada, kaftanka iyo haasawaha, sheekada iyo ka qoslinta dadka ba. Cabdi-Malaw waxa uu ahaa nin kaftan badan oo ay dadku isugu mid yihiin una kala soocnayn. Waxa kale oo la xusaa in meesha uu soo istaago dadku sheeko iyo qosol maad leh aanay ka xiiso go’i jirin.

Hal-muceed suugaaneedka Cabdi-Malaw inkasta oo ay afarrey u badnaayeen haddana, ka Ibraahin ahaan ururin dhawr jeer ah oo aan ka sameeyay afarreyda Cabdi-Malaw ayaan jeclaystay qaab-qoraal ahaan in aan u kaydiyo. Waa ururin aan ka ururiyay bar-bulsheedka faysbuugga. Intii aan ka gaadhay aan idinka la wadaago ee akhris qurxoon.

1. Dhaaxay fogos xumi faraha i jartee
Haddaan fuulay gaadhi foodhi leh.

2. Sidii bahalkii Biriishka ka dhacay
Baraarugay goor la soo baxay
Birtiyo jiidhay labada Baabuur
Ilaahay ballankii barqaan Kacay.

3. Ninkii badsada labada bagaf
Bartaa basadaa bannaanata.

4. Hablaha mida muuqa wacaniyo
Nin Mooto wataa intaanu i marin
Magaalada maan iskaga tego.

5. Dukaanyoow Sonkortiyo Sabiibta gadaa
Saciyo Wayshu maysku sixirbaa?

6. Baqayo reer magaala baa na bartoo
Biliyo laba wuu na booqanayee
Baraarkeena naaxay waan u baqayaa.

7. Kolayba dhintayoo dhulkii u dhacee
Ha dhuuxaan lafahayga dhaadheer.

8. Intaan Weysha yar waraabinayay
Sacii Weynaa maygu Weyraxay.

9. Intaan waqlihiyo wareerkani dhicin,
Wajaale wanaagsanaydee.

10. Cibaadaysaan cindiga ku hayee
Daniba waygu celin ciyaaraha

11. Haddaanan geedyahaw ku googayn
Haddaanan gunta hoose kaa goyn
Haddaanan guran gaydhe kaa baxay
Waa haddaanan gob ahayne hay garan.

12. Daasadda dhuxushaan dab nool ku arkoo
Dhookheygu dixduu u soo dhacey.

13. Dumbuluq iyo Daami mooyee
Dadkii kale wuu dagaalamay.

14. Waa kuwaa waylihi wareegaayee
Ma raggii wadi jiru wakhtigu gabay?!

15. Nin caqaarta hayaan ku caashaqine

Cad baa kugu yaal caqiibo leh.

16. Adigiyo hooyadaa ba waan ka helee
Hannaanka ma hiddaa u leediin?!

17. Goorma dooxii Herer dekedo yeesho
Dunbuluq laga raacay doonida.

18. Waxaygii carmal iyo caqaar siistee
Miyaan cawryi cawlahaa kacay.

19.Golosow Dhego-weyne kala dhimatee
Ha dhuuman dhabarkoo ku soo jeedee
Ku dhimatee Herer iskaga dhoof!

20. Inanta hooyadeed hadhuudhka tuntaa
Hufidda iyo haadiskay barataa.

22. Bariis mid cuntaan ka badin waynee
Mid biirka cabtana maxay baray?!.

23. Hablo kaa wacan baa wadada marayee
Ha weecweecin jidhkaaga weyda ah.

24. Adoo yara maqan hadday maaleen
Magowgu candhadii ka madhan maayee
Maxaa ka micnaa miskiinyahaw?!

25. Wixii Ina Caalin cagagsadey
Ayuu Cabdi-Malow ka caymaday.

26. Gaajada ka bax baan guntiga u xidhee
Ma haddaan galay geerashkeedii!

27. Markuu toorigaygu toosnaayeen
Hablaha toban toban u layn jiray
Taadaa soo kale waan la tiigsan jiree
Inaan taag dareeyay baad tuhuntay

Tolaay iga qari talaabada eey.

28. Intaan dhiilliyo dhibtani iman
Dhammuhu dhar wanaagsanaayee.

29. Sidii baan u rudhaa sanyare dhaha
Sariir u hurdaa sanyare dhaha
Sabiib u cunaa sanyare dhaha.

30. Ri’ magaalo waligeed
kay wada raboobeen
Maba raali galisee
Rabaso orgac joogeey
Dabada u ruxaysaa!.

31. Hadday dibjiraan dugaag ma cunee
Halay daayo dumarka waaweyn.

32. Isteelka horaa indhaha gubayee
Intaada dambaa istaahila.

33. Allaha ku abuurey eed ma lahee
Indhihii ku arkaa ayaan daran.

34. Waa kuwaa Waylihii wareegga bartee
Ma raggii wadhfin jiraa wadkii galay?!

35. Qardhoo hodanaan ka qaylinayee
Ma haddaan galay Qaaba-qawseyn.

36. Ninkii dalmaraa dad nool ba arkee
Dashiishena dooxo wada nimi.

37. Hablaha wanlawayn wanaagga dushaa
Iyo isma ba laha weelka hoosyaal.

38. Tufaaxiyo liinta taataaboo
Tamaandhada hoose haw tagin.

39. Adaa dhiisalada dhaqaajin jiree
Xaggee dhoojka laga istaadhaa?

40. Nafaan seexanayn salaada horteed
Silcaysa sideen idhaaahdaa?

41. Gabdhana maahee guntiinadan
Hilbana maahee labada harag.

42. Haddii Cabdi-Malaw ciyaarta ka hadhay
Ayaa cuni cawlahaa kacay?

43. Ninkii naag cas caashaq uu ka hayoow
Bal ciir dhiga caynaday noqon

44. Markaan manka iyo magoolka jeclaa
Geedkii midha le ba markaan ku marnaa
Miyaad ka maqnayd magaalada?

F.G: Waxaa xusid mudan inaan afarreydan badankeeda ka ururiyay bar-bulsheedka faysbuugga oo marar kala duwan lagu baafiyay Cabdi-Malaw iyo hal-haysyada uu ka tegay. Si gaar ah waa jiraan asxaab aan u mahadcelinayo oo ay ka mid yihiin: Maxamed Cali Bile, Cali-Ileeye, Maxamed-Haykal, Cabdiraxmaan-Shandaqiiqo iyo Khadar-Jinni oo aad iigu dhiirrigeliyay kaydinta suugaantani Cabdi-Malaw iyo ururinteeda. Sawirkani waa mid aan ka soo xigtay bogga bar-bulsheedka faysbuugga ee Maxamed Cali Bile.

Waxa ururiyay : Ibraahim Xuseen Daa’uud ‘Masxaf’

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here