Kulamadii Awliyada Jacaylka: Afar aroos iyo aas (2) – Khadar Cabdi Indhayare

KHADAR

Saaxiibbada qaaliga ahaw, waxan ku faraxsanahay in aan halkan idinku soo dhaweeyo maanta; wadaad yarahii waxa uu bilaabay in uu adeego. ‘ Ku soo dhawaada kiniisadayada malintan layaabka leh caruus Angus iyo caruusada Laura!

Laakiin, Charless waxa uu eegyaa hareeraha, waxa uu layaabanyahay waxa uu ku samayn lahaa fargalka! Marka uu eego yarta koofiyada madaw, wax uu ku fikiraa wax kale, waayo waxay leedahay soo jiidasho. Mardanbe waxa uu ogaaday in ay dhici karto dhibi. Qofkaastan haatan waa heesayaa. In uu saaxiibkii waxa u sheego ayuu rabaa, lakiin waa bilaa nasiib. Mardanbe, Matthew ayaa soo eegay. Charless na waxa uu tilmaamay fargalkiisa, iyadoo foolkiisa laga dheehanayo dhibkiisa. Matthew waa uu fahmay dhibkiisa. ‘ fadlan I caawi!’ waxa hoos u yidhi Charles, isgoo dareenkiisa ku cabiray dibnihiisa.

Matthew waxa uu la faqay Gareth, lakiin Gareth waxa uu kor u qaaday gacmahiisa si uu u muujiyo in aanu fargal xidhanayn. Qofna fargashi ma wadan. Charless, waxa uu dhax dabaalanayaa dhib weyn! Heesihina waxay ku dhawyihiin gabaabsi. Waxa heesaysa si cod dheer ah Scarlett, lakiin ma cod tolmoona.  Waxa ka dhabqisay Maththew. ‘ Scarlett! Matthew ayaa la xanshaashaqday. Waana isku daygeedii ugu danbeeyay. Way dhoolo caddaysasay, waxaanay ku soo noqotay Charless. Markan wadaada yaruhu waxa uu bilaabay in uu akhriyo kalamadiihiisi adeega, Matthewa na waxay u ruxadya madaxeeda  Charless  – haa imika wax bay soo heleen!

‘ Inyar baan soo noqonayaa!’ waxa yidhi Charless, waxaanu ku yidhi caruuska, kaasoo u eekaa mid dareensan.

Wadaad yarahu hadalkiisa ayuu sii wataa: miyaad u ballan qaadasyaa in aad jeceshahay iyada….?’ Xilligana Charless waa uu soo degayay si uu ula kulmo Matthew.  Angus, caruuska ayaa leh ‘ haa waan yeeli.’

Matthew waxabay u gacan galisay    Charless, Charless na si layaab leh buu u fiiriyay wixii ay Matthew u gacan gelisay. ‘ Waa wixii ugu fiicanaa ee aan karaayay; ay ay kula faqday. Charless haatan waxa uu ku soo laabtay xagga hore ee kiniisada. ‘ Miyaad haysaa fargeshigii?’ waxa weydiiyay wadaad yarihii. Waa yaabay markii uu arkay fargalkii sidoo kale. Angus waxa uu far geshigii u xidhay caruusadii, waxa uu u eekaa mid weyn oo midab widhwidhaya leh oo lagu midabeeyay wadne cinjir ah.

Intii ay lamaanuhu ka heesayeen xagga danbe, iaygoo macagyadooda ku hadaaqaya, aroosada walaasheed iyo saxiibkeeda ayaa xagga hore yimi, ayagoo wata Giitaar, si ay u qaadan hees. Hees qaraam ah bay ku dhufteen. Gareth ayaa madax gacanta saaray isagoo iska dhigaya mid isku buuqsan. Qofkaste waxa uu isu tusay in uu maantay maqlay wixii uga xumaa ee noloshiisa. Mardanbe waxa la gaadhay xilligii laga tegi lahaa kiniisada. Markii ay baxayeen arooska, aroosada iyo martiduba dhamaan waxay u eekaayeen kuwo farxsan.

Qof waliba wuu dhoolo cadaynayay,waanu kaftamayay. Charles waxa uu la booday haweenadii koofiyada madoobayd , waxanay istaageen dibada. ‘ taasi waa koofiyad sallaxan.’ Ayuu yidhi.

‘ Waad mahadsantay , waxaan u soo gatay si gaar ah.’ Ay ay tiri iyadoo dhoolo caddaynaysa. Waxa uu maqlay dhawaqeeda, waxaanu gartay in ay Marykan ka timi.

Imika waa xilligii la geli lahaa sawiradii arooska. Nin sawirle ah baa hagaajinaya aroosada, arooska iyo ehelada si ay u galaan sawiro kooxaysan. Ilamo yar ayaa ka xanaajiyay, kadib markii uu isku dayay in uu ku dhuunto taashak aroosada oo isagu ku ciyaari rabay, halka kuwa kale aanay sidaa rabin. Imika Charless iyo saxiibadii waxay heleen qolyo ay la wadaagan kafatnka. Halkan waxa jooga Matthew and Gareth, waxa kaloo jooga Fiona iyo Tom iyo waliba Scarllett. Waxa kaloo halkan jooga Charless walaalkii, David, waana dhagoole, waxa ay kuwada xidhiidhaan sumadaha dhigaal ee faraha la  isticmaalo. Waxa kaloo meesha jooga Bernard, kasoo ah saxiibka ugu fiican ee uu leeyahay Tom. Tom na wuu jecelyahay, lakiin mahin ruux diiran. Tom iyo saxiibkii Bernard waxay ku faraxsanyihiin arooska. ‘ Waxa aan filayaa in ay wanaagsnayd, way fiicanayd.’ Ayuu yidhi Tom. ‘Aadigu se maxd u malaynaysa?’

‘ Alla way fiicanayd, haa way fiicnayd.’ Ayuu ku jawaabay Bernard. Scarlett.’ Waxay tidhi Garethaw, ‘ waa maxay dharkan layaabka le ee aad ku soo labisatay!’ Soosali marka la joogo kiniisada kiristaanka, iyo hurdi mararka kale. Sida aroosyada macnahooda oo kale, sidaa ma kula tahay?’ ‘ haa, sidaasi waa sax; Scarlett baa sidaa tidhi, yaan sidaa ogayn, ‘ cidna sidaas ma ogtahay.’  Waxay ku tidhi Charless. ‘ waa ayo qofkaas koofiyada madaw wataa?’ dhamaantoodna waxay eegeen iyada. Waxay taagnayd meel aan ka dheerayn, waxay la hadlaysay qof ayaydiis. ‘ Magaceeda waxa layidhaa Carrie.’ Ay ay tidhi Fiona. ‘ Waa ay filsanthay.’ ayuu yidhi Charless. ‘ Waa gabadh xun!’ Ay ay tiri Fiona. ‘ Iyadu waa Maraykan. Waxay ka shaqaysaa meesha loo yaqaan Vogue, joornaal dharka xayaysiiya. Hadda waxay ku nooshahay Maraykan, wayna la tagaysaa quruxdeeda iyo soo jiidashadeeda dhawaan, ee iska ilaw iyada, Charless. Fiona, arintu ka run maaha illaa xad.  ‘ waxa fiican baad ii sheegtay.; ayuu yifhi Charless, lakiin yaa yaqaan tan. ‘ mahadsanid.’

Arooskii iyo aroosadii waxay ka tageen martidii, waxaanay raaceen gaadhigoodii. Waxay u eekaayeen kuwo faraxsan. Dadkuna way u sacabinayeen intii gaadhigu dhaqaaqayay. ‘ Saxa.’ Ayuu yidhi Gareth. ‘ imika waa xiligii soo dhaweynta.

Martidii waxay u socdeen xagga beerta, si ay soo dhaweyn ula kulmaan. Waa ay quruxsantay meeshu ,lakiin Tom waxa uu maray meel dhooqo leh. ‘ cidna sidan ma samaysay sidoo kale?’ sidaas buu weydiiyay, isagoo eegaya kabihiisa. ‘ haa dabcan!’ sidaas bay tidhi Fiona . ‘ kaliya walaalkay ayaa sidan fala. ‘ hagaag .’ayuuu yidhi Tom, ‘ waxa laga yaabaa in aan jaceylkaygii halkan ha helo.’ Gabadh wanaagsan ayaa laga yaabaa in ay bartan joogto! Ma jeceli in aan ku xumeeyo nasiibkayga ur xun!’. Waxa uu joojiyay in uu nadiifiyo kabaihiisa, dadkuna waxay u socdeen xagga guriga. Caruusada iyo caruuska  iyo qoyskoodu way taagan yihiin dibada saf ahaan. Qofkastaaba waxa uu lulayaa gacamihiisa, waxayna u hanbalyaynayaan ayagoo sii baxaya. ‘ garmaayo waxaan idhaa,’ sidaas bay tidhi Fiona. ‘ waa fudayd, waxad tidhaa ‘’ waa inaad sarysaan’’’ Mattehew ayaa sidaa kula talisay. ‘ taasi waa waxa ay dadku leeyihiin’.

‘ Wanaag, maya!’ ayay tidhi Fiona. Waxay u socdeen xagga safka. ‘ waa inaad u hanweynaataa inantaada.’ Sidaas bay tidhi Fiona ayadoo gacan qaadaysa caruusada aabaheed. Soo dhaweynta waxa loogu talagalay teendho weyn oo farshaxan ah, taas oo laga dul dhisay doog qaybta hore ee guriga. Waxa meesha ka buuxay ubaxyo, waana meel quruxsan. Martidu waa kuwo soo jiidasho leh. Waa meel raaxo badan, lakiin maahin mid qani ah. Dhamaan raggu waxay xidhanyihiin suudh wada madaw, dhamaan dumarkuna waxay xidhan yihiin isku jog ubaxyo ka buuxan. Imika waxa bilaabmay cabbitaan ay diyaariyeen mudalabyadu. Xagga danbe ee teendhada waxa diyaar ku ah koox rabta in ay cayaaraan. Charless, waxa uu haatan dhex muquuratay cidhiidhiga isagoo daydayaya Carrie, lakiin ugu danbayntii markii uu arkay waxa ay la hdalysay nin qaabsan. ‘ jiirkaas! Ayuu yidhi Charless. Waanu iska noqday xaggaas iyo dhankii cabitaanka, waxa uu qac ka siiyay laba koob oo khamri ah. Markii uu dib u fiiriyay, waxa uu arkay ayadoo kali ah. Cabbitaan buu u fudiyay ayda. ‘ Alla – haa!’ ayuu si furfuran u yidhi. ‘ Ma rabtaa mid ka mid ah kuwan. “ Mahadsanid” .’ Carrie ayaa sidaa ku jawaabtay.

Charless waxa uu rabaa in uu si qoto dheer ula hadlo ayada, laakiin kama fikiri karo waxa uu yidhaa. ‘ Ax ………………….Ax’ –

Xaaladu haatan way ka sii yaabinaysaa labadodaba. Intii aanu hadlin, waxna odhan waxa ku soo biiray nin kale. Ninkani waa John, waa sideed iyo sodon jir, lakiin se waxa uu dhaqmaa sida dadka waaweyn ee lixdan jirka ah, waa nin qadiim ah. ‘ hadal,  “Charlessow” ,’ sidaas buu yidhi. ‘ Ah, haa walaal John, side tahay?  Tani waa………………..’  Carrie ayaa u jawaabtay oo tidhi Carrie. ‘ waan ku faraxsanahay in aan adiga kula kulamay. Magacaygu waa John.’ Dhamaan waxay aamuseen kob yar – kuma ayaa hadli ugu horayntii? Charless ayaa go’aansaday in uu noqdo qofka ugu hor hadla. ‘ Hadaba waa sidee xaalada saxiibadaa?’ ‘ Iyadu maahin saaxiiibaday imika,’ ayuu ugu jawaabay si dabacsan. ‘Ax, walaal – waa hagaag, ha cadhoon! Waxaan maqlay in ay weli doonayso ninka layidhaa Toby de Lisle! Waxa ay u baahnatahay laba nin, taas ma ogtahay!’  ‘ Hadda waa xaaskaygii,’ John ayaa sidaa ku jawaabay, si aad u dabacsan.

 

Lasoco qaybaha danbe

Khadar Cabdi indhayre

Tell: 0634514108

Saadaal4514108@hotmail.com

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here