Antikhiriistoos: Taliyaha Dahsoon (1)

Faca Cusub waxa uu markii ugu horreysay baahinayaa sheekada ‘Antikhiriistoos’ oo ah sheeko laga mamnuucay waddamo badan, si aan loo ogaan sirta ay faafinayso.  Waxa ay sheekadani daaha kaaga faydi doontaa siro iyo dhacdooyin aanay culimadu kuu sheegin, ama ay siyaasiyiintu kaa sheeleen. Kooxaha sida dadban u maamula adduunka ee ku amar ku taagleeya, ajandayaashooda dunida Islaamka iyo sidii ay u rideen khilaafada Islaamka, loolanka sharka iyo khayrku sidii uu u soo bilaabmay iyo halka uu maanta marayo. 4000 oo sanno ka hor, Namruud iyo Nabi Ibraahiim ayaa ay sheekadani ka soo bilaabmaysaa, waxa aanay ku dhammaanaysaa  mustaqbalka –Dajaal Cawar iyo Nabi Ciise. Sheekadan waxa qoray Axmed Khaalid Mustafa oo ah qoraa masri ah. Dhacdooyinka, magacyada iyo magaalooyinka ku jiraaba waa kuwo run ah.

Sida ay wax u socdaan dunida  iyo halka loo socdo ayaa aad fahmi doontaa marka aad sheekadan akhridid. Dhacdooyinka  dunida  waxa aad ka istaagi doontaa xagal qumman, oo  aad wax badan arkayso.

*** Waxa Turjumay: Cali Ileeye.

Ugu danbayntii waa aynu isku kaliyaysannay, aniga iyo adigu. Gooni ayaa aan kuula baxay, oo waa aan ku hantiyay. Indhahaaga ayaa aan hantiyay markasta oo aad weedhahayga eegto, ama aad akhrido qormadayda. Waa markii ugu danbaysay ee aad sheeko aan leeyahay akhrido noloshaada, maxaa yeelay, geeri ayaa aan qarka u saaranahay. Nolosha waxa iiga hadhay saacado kooban, oo aanan tiradooda kasayn; waxa keliya ee aan hubo ayaa ah in ay yar yihiin. Haddana, iyaga oo yar, waa ay ku filan yihiin in aan ku waraabiyo xogta aan rabo.

Inta aanan kuu bilaabin, waxa aan ku leeyahay akhri buuggan oo gub! Waxa ay isku deyi doonaan in ay kaga takhalusaan isaga iyo ciddii akhridaba. Sidaa ayaa ay ku sameeyeen dhammaan buugaagtii la mid ka ahayd kan. Ha cabsan, keliya maanka ku hay erayadayda. Haddii ay ku dilaan ka dib markii aad ogaatay xogtaydan ; waxa aad dhiman doontaa adiga oo raali ah. Yaa raba in uu dhinto isaga oo faraxsan casrigan? Ha baqan saaxiib.

Yaan ahay? Xaggeen ka imi? Sidee? Waa weydiimo aan hubo in ay dhammaantood kaa dhex guuxayaan. Waxa laga yaabaa in aad rabto in aad buuggan tuurto, oo aan nolol-maalmeedkaaga iska sii wadato, laakiin, waxa aan kuu hubaa; ma jiro farqi u dhexeeya –iyaga agtooda, qofka buuggan akhriya, iyo ka soo gata ee iskaga tuura guddaafadda ugu dhowi. Iyagu dhammaan waa ay dabarjarayaan. Qofka akhriyaa se fursad badbaado ayaa uu haystaa. Sidaa ha ii soo eegin! Waa run aniga ayaa qoray buuggan, laakiin, mayd socda ayaa aan ahay. Qolkayga ayaa ay igu soo jebin doonaan, adduunka ayaa aanay iga tirtiri doonaan, sidii oo aanan weligayba iman.

Ha igu mashquulin sharraxa iyo hadal madhan, aan hore kuugu bilaabo xogta. Maxaa yeelay, inooma uu hadhin waqti aynu luminno labadeenuba. Sheekadan wax badan ayaa aad ku ogaan doontaa, wax badan ayaa aad diidi doontaa, wax badan ayaa aad la yaabi doontaa, wax badan ayaa aad necbaysan doontaa; balse, aan hal wax kuu sheego: been kuuma sheegi doono. Waxa aan farta kaa saari doonaa run aanay weligeed cid kale kuu sheegin. Waxa aan kuu faydi doonaa siro aanay habboonayn in qof kula mid ah loo sheego. Haddii aan been kuu sheegayo ima ay dileen, ee waa ay I abaal marin lahaayeen, oo waa ay I waynayn lahaayeen; sida dadka kaleba ay y sooraan.

Waa aan garanayaa qof caajislow ah ayaa aad tahay, ama akhriska ma jeclid; ama akhriska waa aad jeceshahay balse ma xiisaysid buugaagta aanay ku xardhanayn magacyada qorayaasha waaweyni. Sidaa darteed, si aad buuggan u akhrido gebigiisaba, waxa aan kuu hindisay ciyaar aynu labadeennu dheelayno, cid kale inalama ciyaari doonto.

Waa ciyaarta waraaqaha. Ma aha waraaqda turubka ama kuwa taaroodka, balse, waa waraaqo cayn kale ah, nooc nacdalan. Sida ugu habboon ee loo ciyaaraa waa in la isku xigsiiyo , haddii aad is weydaariso waxa ay noqonayaan waraaqo bilaa qiimo ah. Haddii se aad si hagaagsan oo isku xigta u habayso – sida aynu labadeennu yeeli doonno; waxa kuu furmi doona afaafka siro aan weligaa laguu sheegin, cidna aanay kuu sheegi doonin. Waa siro khatar ah, oo la dilayo cid kasta oo fahanta, lana gubayo cid kasta oo barata ama dadka barta.

Waxa aan hortaada ku tuuri doonaa 13 kooxood oo waraaqo ah. Koox kastaa dhacdo ayaa ay warinaysaa, waxa aanay daaha ka faydaysaa sir aan la ogolayn in aad ogaato. Waa ay ku dabageli doonaan, waayo, sirtii ayaa aad garatay.

Waxa aad tahay caajisloow , oo waa aan ku fahmay; haddaba sheeko kasta oo ka mid ah 13 kaa sheeko waxa aan kuugu soo gudbin doonaa hab ka duwan tii ka horreysay. Ma aragtaa sida aan kuu daryeelayo, sidaa waxa aan u sameynayaa waayo nolosha waqti yar ayaa iiga hadhay, mana rabo in aan hal ilbidhiqsi ka lumiyo caqligaaga baxsan ee aan soo jeedin. Inta labada sheeko u dhaxaysa waa aad iska bixi kartaa, waayo, waa aan yara dhurmi doonaa. In kasta oo ay tahay dhurmid faa’ido leh, haddana haddii aad yara baashaalayso halkan ku baashaal, oo sheekooyinka haka jeedsan.

Mar kasta oo aynu tallaabo hore u qaadno ciyaarta, naftayda ayaa aan ku bari doonaa, xagga aan ka imid ayaa aad ogaan doontaaa,sida aan kugu soo gaadhay ayaa aad ogaan doontaa; waxa aad garan doontaa cidda ku dilaysa eek u gubi doonta, marka ay I gubaan ee ay I dilaan aniga iyo sida aad uga badbaadi karto. Imika waxa aan kuu sheegayaa uun magacayga. Waxa aan ahay Boobi Faraank. Waa aan dareemayaa in aad garatay in aan Maraykan ahay, waa dhab taasi.

Ugu danbayntii inta aanan bilaabin waxa aan ku xasuusinayaa arrin muhiim. Ha u malayn in ay suurto-gal tahay in aad buuggan hal mar ku akhrido, meel deggan hal fadhi. Ugu yaraan waa in aad dhammayso buuggan 13 jeer, si aad u dhuuxdo xogta uu xanbaarsan yahay.

Aynu bilawno in aynu ciyaarno dheesheennii , oo aan gadaal magaceeda kaaga sheegi doon; hadda waxa kugu filan in aad ogaato in ay tahay ciyaar waraaqeed: waraaqo nacdalan. Hortayda fadhiiso adiga oo deggan. Eeg kooxda koowaad ee waraaqaha, taas oo aan ku soo hordhigi doonoo qaab habaysan miiskaaga. Waa aan kasayaa in nalka daciifka ah ee qolkaygu uu madax-xannuun kugu ridayo, laakiin dhib ma laha. Waa qasab, ee aan bilawno hadda.

Waxa aan hortaada dhigay saddex waraaqood oo rogan. Mid mid ayaa aan kuu tusi doonaa, iyaga oo isku xiga; hannaanka ay sheekooyinku isugu xigaan. Sheekada koowaad  ayaana ugu horreysa. Waxa aan ku qeexayaa sirta koowaad. Ila soco.

Waraaqdka koowaad waa sawirka shaydaan rajiim ah (la fogeeyay), oo laba gees leh, aad baanu u cadhaysan yahay.

Waraaqda labaad waa waraaqda sixirka. Sixirka dhulka, waxaana ka muuqda ilays ka soo baxaya gunta hoose ee dhulka, oo burburinaya dhagaxaanta ku hareeraysan.

Waraaqda saddexaad waa waraaqda sixirka hawada. Waxa ka muuqda nin sixiroole ah oo tafaaful hawada ku tufaya.

Waraaqda afraad waa waraaqda awoodda dhammayska tiran. Waxa ka muuqda nin feedh u duuban yahay oo xoog weyn, oo xidhan fargal weyn oo dahabiya.

Waraaqda shanaad waxa ka muuqda sawirka sannamyo , oo aad mooddo in midkood la burburiyay.

Waraaqda lixaad ee ugu danbaysaa waa madaraq (dubbe). Waxa ka muuqda sawirka nin xoog weyn,  tummaal ah, oo gacanta ku haya madaraq weyn oo si xaasidnimo ah u walcinaya.

Haddii aad illowdo sawiradan iyo waraaqahan, hortaada ayaa ay iman doonaan hadda marka aan sheekada koowaad kuu akhriyo iyo sirta koowaad.

***

Qaybta 2aad:

Antikhiriistoos:  Taliyaha Ileyska, tan iyo maalinkii la abuuray nuurka (2). ( 2500 Ciise Hortii – 2000 C.H.)

La soco qaybaha danbe.

Waxa Turjumay: Cali Ileeye

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here