Falanqaynta buugga ‘Ku Dhaqaaq Isbeddel’ – Ibraahim Xuseen Daa’uud ‘Masxaf’

Isbeddel ayaynu maqalnaa se marka aynu hoos ugu sii dhaadhacno isma weydiino muxuu yahay isbeddelku? Waxa u baahan in aan iska beddelaa waa maxay? Ma dharka iyo hu’ga aan xidhanahay baa? Ma cuntada iyo ceeshkaan cuno ayay tahay in aan iska beddelo? Muxuu yahay waxa ay tahay in aan iska beddelo si aan isbeddel ula yimaado?

Isbeddel waxa uu qofku isku samayn karaa kolka uu garanayo ujeedka uu nolosha ka damacsan yahay. Waa kolka uu yaqaano halka uu ka yimi iyo halka uu ku socdo. Waa kolka uu mala’awaali karo caqabadaha ka hor iman kara. Haa. Waa qof garanaya waxa uu hiigsanayo iyo jidka uu u mari doono waxa kaga horreeya. Isbeddelku waxa uu ka billaabmaa qofka mana aha wax samada ka soo dhaca oo laylatul khadar ah ee waa awood qofka gudihiisa ka timaada. Ilaahay SWT waxa uu qur’aankiisa ku yidhi: “Alle qowmna ma beddelo illaa iyagu ay beddelaan waxa naftoodu ku sugan tahay.” Waana kii lahaa hal-abuur Cabdiqaadir-Qalinle:

 

“[…] Daliilkay ku taalaa

Illaa ay is doorshaan

Rabbi qoom ma doorshee

Dullinimadu waa maxay?”

Haddaba, dhiganahani ‘Ku dhaqaaq isbeddel’ waxa uu mawduuciisu daaran yahay dhiirrigelin. Waxa uu taabanayaa qodobo nolosheena laga ma maarmaan u ah. Nolosha in aad hadaf yeelato, in aad naftaada ku kalsoonaato, in aad aqoonsato awoodahaaga, in aad ku noolaato farxad, in aad ka dheeraato walbahaarka iyo werwerka, iwm. Ma soo koobi karo qodobada buuggani taabanayo ee nolosheenu u baahan tahay. Buuggani uma dhigna hab qaab-cutubeed ee qaab qodobo ah ayuu u dhigan yahay. Haddaba, aan ka xuso qodobada aan is leeyahay waa ugu muhiimsan yihiin:

  1. Degsashada hadafyo iyo himilooyin kuu gaar ah

Adduunyadani waa iska maalmo. Waa mid ay tahay in aad raad kaga tagto halkii aad iskaga dhex noolaan lahayd. In aad hadafyo iyo himilooyin kuu gaar ah oo aad xaqiijiso dejisato waa muhiim illaa xad. Waayo? Taasi waxa ay kuu sahlaysaa in ay noloshaadu macno kuu samayso. Waxa aad noqonaysaa ruux saacadihiisa iyo maalmaha uu noolyahay si fiican uga faa’ideysta waxna uga qabsada. Haddaba, ma tahay ruux hadaf leh? Ma tahay ruux himilooyinka uu leeyahay indhihiisu aroortii waxa ugu horreeya ee ay arkaan yihiin, habeenkiina waxa ugu danbeeya ee ay sii akhriyaan noqdaan? Ha akhrin qodobka xiga adoo weydiintaa si dhab ah naftaada uga warceliyo mooyee.

  1. Ma jiro qof kula mid ahi

Waa mid ka mid ah falsadaha ugu waaweyn ee kalsoonida nafta lagu dhiso. In aad isku aragto nolosha in aad jaadgooni ku tahay oo abuur kula mid ahi aanay ka jirini waa kalsooni halkii u danbaysay. In aanad naftaada cid kale nolosheeda iyo sida ay u nooshahay isku halbeeggini waa kalsooni. Waa kii fanaanku ku heesayay isaga oo ina dareensiinaya in aynaan ka deyrin nolosha aynu haysano, mid kale oo qof kale haystana u hanqal taagin waana kii ina lahaa:

 

“[…] Haw deyrin abidkaa

Nolol aad la deris tahay

Ha u doodin abidkaa

Tu kaloo ku dayasho ah”

Kolka aad naftaada barbardhig ugu samayso sida ay ahaan jirtey iyo sida ay maanta tahay waa kalsooni heerkeeda u sarreeya. Isweydii naftaadu shalay halkii ay taagnayd iyo halka ay maanta taagan tahay farqiga u dhaxeeya. Murtimaalku waa kii lahaa: “Qofka keli ah ee ay tahay in aad ka wanaagsanaato, ximiso, la tartanto oo aad ka badiso, iska reebtid, isla jeerkaasna si kasta uga fiicnaataa waa qofkii aad shalay ahayd”

  1. Waxyaabaha kuu diidi kara in aad adeegsato awoodahaaga

Waxa jira waxyaabo kuu diidi kara in aad adeegsato awoodaha Alle kugu galaday. Waxyaabahaas waxa ka mid ah:

3.1. CUDURDAARASHO

Haddii aad rabto in si dhab ah u adeegsato awoodaha Rabbi kugu galaday jooji cudurdaarashada naftaadu kuu samaynayso. In aad is aaminsiisid iska na dhaadhiciso in aanay naftaadu waxaa iyo waxaa qaban karini waa cudurdaar nafeed. Naftaydu waxaa ma awoodo waa cudurdaar. Waan daalanahay, waa laygu weyn yahay, shaqadaa igu badnayd, waan tan iyo tan, hudhuu-hudhuu, iwm.

3.2. RAALI AHAANSHO LA’AAN

Waxa jira dad aan ku qancin noloshooda iyo sida uu Alle u abuuray. Dadka qaar ayaanay qancin midabka, qaabka iyo dabeecada Alle u abuuray. Waxa ay raadiyaan qof kale wax ay ku arkeen. Waxa uu doonayaa hebel sida uu u nool yahay in uu u noolaado. Kuma qanacsana sida uu Alle u dooray. Inta uu Alle ugu deeqayna uguma mahadnaqo.

3.3. DHACDOOYIN HORE

Waxa jira dadka qaarkood oo ay saameyso dhacdooyin hore u soo maray. Wax samee ayuu is odhanayaa dabeeto waxa uu xasuusanayaa waxyaabo hore uga soo maray. Kolkan oo kale waxa ay talo iskugu soo ururaysaa: “Wixii hore kuugu dhacay ha kuu noqdaan cibro qaadasho iyo in ay kuu tahay cashar aad ka baratay nolosha. Mustaqbalkaaga si fiican u samayso hore na u soco”

3.4. SAAMAYN BANNAANKA AH

Tani waxa ay noqon kartaa mid xagga asxaabtaada ama waalidkaaga kaaga timaada. Dabeeto kuu suuragelin weyda in aad hore u socoto oo aad wax qabsato. Tani xalkeedu waa in aad marwalba ahaato qof feejigan. Si aad iska ilaaliso saameynta dibadana waa kugu waajib in aad samaysato jadwal aad ku dhaqanto iyo hadafyo aad nolosha xaqiijiso oo aad dejisato.

3.5. SIDA AAD NAFTAADA U QIIMEYSAA INTA AY LEEG TAHAY

Sida aad naftaada u qiimeyso ee u aragtaa waa ta go’aaminaysa in aad isticmaasho awoodahaaga iyo in kale. Haddii aad tahay qof aan aqoonsanayn awoodaha balaadhan ee Alle ugu deeqay waxa arrinkaagu yahay ‘Col hortii jabayeey’  ee sidaa ula soco.

  1. Isku kalsoonow

Kalsoonidu naftu waxa ay ka mid tahay tiirarka qofku u baahan yahay si uu xaqiijiyo yoolasha iyo himilooyinka uu hiigsinayo. Kalsooni la’aan way adagtahay in ay wax badan si kuugu suuragalaan. Kalsoonidu naftu waa in aad dareento deggenaan, firfircooni iyo farxad dheeri ah kolka aad hawl qabanayso.

4.1. Faa’iidooyinka kalsoonida nafta:

-Waxa aad dareemaysaa xaalad deggenaansho ah oo aad ku qaadato go’aanno waxtar leh

-Waxa aad awoodaysaa xallinta mashaakilo taagan

-Waxa aad dareemaysaa farxad iyo firfircooni dheeri ah

-Waxa aad samaynaysaa guulo fara badan oo noloshaada khuseeya

-Waxa aad awoodaysaa in aad shaqadaada u gudato si xilkasnimo iyo garasho ku dheehan tahay

4.2. Maxaa keeni kara kalsoonid darrada nafta:

-In aad ka fekerto waxyaabo aan wanaagsanayn oo hore kuugu dhacay. Markasta oo aad soo xasuusatana kuu diida qabashada iyo ku dhaqaaqida wax cusub oo aad samayso.

-Cabsi iyo werwer ku haysta

-Aqoonsi la’aan kaa haysata awoodahaaga shakhsiyadeed ee aad haysato kuuna bannaan.

 

Qiso ku saabsan kalsoonida nafta

Kalsoonida nafta marka laga sheekaynayo dhacdooyinka la soo qaato tani Cabdillaahi Binu Subeyr ayaa ka mid ah. Cabdillaahi Binu Subeyr iyo dhallinyar kale oo ay wada ciyaarayeen ayaa maalin uu ku soo baxay amiirkii muslimiintu. Waa Cumar Binu Khadaab oo la wada garanayo oo jidka uu maro shayadiintu ka carari jireen. Dhallinyartii Cabdillaahi Binu Subeyr ay wada ciyaarayeen waa wada yaaceen kolkii ay arkeen Cumar Binu Khadaab. Cabdillaahi Binu Subeyr isagu weli waa taagan yahay mana uu dhaqaaqin naf naxnaxsanina kuma jirto. Cumar Binu Khadaab ayaa ku soo dhawaaday weydiiyayna sababta uu carari waayay ee uu uga hadhay asxaabtiisaa carartay. Subeyr waxa uu ku warceliyay hadal macnihiisu ahaa: “Wadadu cidhiidhi maaha oo kuu waasicin maayo. Mana samaynin shay aan kaaga cabsado [ sababta oo ah khalad galay ogahayna ayaa jirin]”.  Runtii marka aad u fiirsato qisadani Cabdillaahi Binu Subeyr waxa aad ka garan karaysaa heerka kalsoonida naftiisu maraysay iyo sida uu ugu kalsoonaa. Waa wax aad u adag in qof kaa weyn weliba ah amiirkii muslimiinta in hadalkaas oo kale uu ku yidhaahdo wiil dhallinyar ah oo intaa leegi. Kaliya, Cabdillaahi Binu Subeyr waxa uu aaminsanaa in aanu wax qalad ah samaynin oo uu haysto xujo cad. Halka carruurtii kale ee ay wada ciyaarayeen wada carareen iyaga oo aan garanayn sababta ay u yaaceen.

  1. Degso wakhti aad ku fekerto

Fekerku waa waxa ina tusa cidda aynu nahay iyo waxa aynu samayno sida ay noqdaan. Aqoonyahan Mubaarak-Hadi ayaa waxa uu lahaa: “[…] Nolosha qofka waxa haga, samaan iyo xumaan ba waxa qaabeeya hadba sida uu u fekerayo. Haddaad doonayso innaad noloshaada u horseeddo isbeddel dhab ah; marka hore beddel hab-fekerkaaga oo balaadhi adduun-araggaaga, deedna kobci kasmadaada oo ku hubee cilmi sugan iyo caqiido saxan.”

Saaxiib ku soo booqda sida aad u xushmayso una soo dhaweyso ee qolka qurxoon u fadhiisiso sharaabkana ugu keento; tolow nafaheenu may ka liitaan mise waa bay ka mudan yihiin? Waxa hubaal ah nafteenu in ay cid kasta inooga mudan tahay. Naftaada in aad u samayso wakhti gaar ah oo aad wada sheekaysataan kana dhageysato waxa maskaxdeeda ka guuxaya iyo waxa ay damacsan tahay waa muhiim illaa xad. Marna ba yaanay dhicin adi iyo naftaadu in aad wakhti aad ku wada sheekaysataan isku weydaan. Taasi hadday dhacdo ogow adi iyo naftaadu in aad kala luntaan ayay u dhawdahaye.

  1. Hadda samee

Si aad u noqoto qof isbeddel dhab ah la yimaada iyo horumar la taaban karo dhaqangeli oo caado ka dhigo aragtida ‘HADDA SAMEE’. Aragtidani waa mid ka mid ah aragtiyaha ay dad badani ku horumareen. Markasta oo maskaxdeenu fekerto waxa ay keentaa hal-abuur iyo aragtiyo cusub. Se dhibaatada ayaa ah wakhtigaa aynu hayno afkaarta iyo hal-abuurka cusub maskaxdeenuna firfircoon tahay waynaan ka faa’ideysan. Ma qiimeyno wakhtiga maskaxdeenu firfircoon tahay waxyaaba kale ayaynu na ku mashquulnaa. Shay ay ahayd in aynu hore ka qabano ayaynu dib u dhiganaa. Taasi dabeeto waxa ay sababtaa in aynu caado inoo noqoto aragtida ‘DIBU DHIGISTU’ oo lid ku ah aragtidaa hore ee ‘HADDA SAMEE’.  Ammintaa aad joogto laga billaabo ku dedaal go’aanna ku gaadh in aad joojiso dibu dhigista. Ogow haddii aad noqoto qof caado ka dhigta in aanu wax dibu dhigin in aad tahay qof horumarku u dhaw yahay. Maankana ku hay odhaahdii ahayd ‘Dibu dhigistu waa tuugga wakhtiga inaga xada’.

  1. Ammaanta iyo dhiirrigelinta naftaada

Marwalba oo ay naftaadu samayso shaqo wanaagsan ku ammaan naftaada waxa ay qabatay una mahadceli oo ku dheh: “Waxa aad tahay naf wanaagsan, waxa aad qabatay shaqo fiican iwm.” Taasi waxa ay sii dhiirrigelin doontaa in ay naftaadu sii bixiso dedaal dheeraad ah gaadhana horumar fara badan. Kolka aad aragto qof nolosha himilo uu lahaa xaqiijiyay sida oo kale guulo u soo hooyay naftiisa waad u hambalyaysaa. Ka soo qaad saaxiib kugu qaali ah ayaa jaamacad ka qalinjebiyay bal qiyaas dareenka farxadeed iyo hambalyada aad la wadaagto iyo dareenka dhiirrigelinta ah ee aad u hurto?  Haddaba, marka ay sidaa tahay naftaadu miyaanay mudnayn hambalyo, dhiirrigelin iyo ammaan ba in aad u hurto sida aad ugu hurayso asxaabtaada ba?

Sida oo kale waxyaabaha buuggu ka hadlayo waxa ka mid ah: rejada iyo malaha Alle laga malaysanayo oo la wanaajiyo, in aad wax akhrido oo aad la saaxiibto ayaa iyana ka mid ah, in aynu garano noloshu in ay daqiiqado kooban oo ay tahay in aynu ka faa’ideysano, in aynu ka faa’ideysano wakhtigeena, ku dedaalka in aad qurxiso sumcadda qofnimadaada, cadhadaada xaddidid oo maareyso, in aad aqoonsato oo aad garato mawhibooyinkaaga iyo waxa aad ku fiican tahay, ku dedaalka in aad koriso garaadkaaga iyo in aad soo bandhigto aragtiyahaaga, joogteynta hadalka wanaagsan iyo aamusnaanta, cafinta dadka iskana ilaalinta xantooda, iwm.

F.G: Buuggani ‘Ku Dhaqaaq Isbeddel’ waxa qortay Bahja Cali Maxamed. Bahji waa dhallinta ku kortay, ku barbaartay kuna dhaqan magaalada Muqdisho. Waxa ay Bahji gu’gii dhawaa ka qalinjebisay Jaamacada SIMAD ee magaalada Muqdisho. Buuggu waxa uu ka kooban yahay 71 bog waxaana daabacday madbacada SOMPRINT. Hambalyo aan la koobayn ayaan u dirayaa Bahja Cali Maxamed oo ah ruuxa qalinka u qaatay buuggani aan faallada idin kala wadaagay

Ibraahin Xuseen Daa’uud ‘Masxaf’
Masxaf2015@gmail.com
Muqdisho-Soomaaliya
Faca Cusub

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here