Hooyo meeday? – Maxamed Jeyte

Magaceygu waa Cali, waxan joogaa jarmalka. Kahor inta aanan kasoo hayaamin dhulkii hooyo, waxaan ka shaqeyn jiray dawaar. Shaqada waxaan bilaabay kolkii aan waayay minxo waxbarsho oo dalka dibdaddiisa ah.

Caadiyanba, ardayga kaalinta koowaad ka gala imtixaanka dugsiga sare waxaa lagu abaalmarin jiray waxbarasho dibadda ah. laakin, anigu maan helin.  Booskaygii ruux kale baa lagu abaalmariyay. Haa, wiil wasiir dhalay weeye. Isagu aqoon kuma helin,laakin aabihii baa wasiir ahaa markaa, sidaa weeye, qaabka uu ku helay. Anigu intii aan dugsiga sare dhiganayey aad baan u daali jiray si aan lambar wan u noqdo oo waxbarsho bilaash ah u helo, maadaama aabbahay uusan noolayn, hooyadeyna suuqa kasoo xamaasho si ay u dhiciso nololshayna.

Markii aan ka quustay minxadii, waxa aan bilaabay  barashada dawaarka, bil kadibna shaqo baan helay, inkastoo aysan isu dhigmin khidmadda lay siiyo iyo shaqada aan qabto, hadana waan ku qanacsanaa shaqadeyda.

 

Subax kasta baan u kalahaa shaqada, qorrax dhiciina waan kasoo laabtaa. Marka aan guriga kusoo laabto, hooyo aad bay iigu faraxdaa, aad bay ii dhiiri galisaa. Maalinta aan imaado iyadoo guriga ka maqan aad baan u naxaa! Waayo, hooyadey noloshayda marna igama maqanaan 24 saac oo isku xigta.

 

Galab aniga oo shaqada ka soo rawxay baan gurigii oo cidlo ah imid, hooyo  may joogin.  Inan dariskaa ah baan weydiiyay.

  • Walal hooyadey ma aragtay?
  • Haa, wiilow. Hooyadaa, aniga bay farriin iigu kaa dhaaftay. Ay-Cambaro-aw LIbaax, oo gabadh ka dhimatay bay tacsi u aaday, waana soo laabanee, ha ka walwalin saacadahaan way na soo heysaa!

Marka aan maqlo inan geeriyootay aad baan uga naxaa, waxaan soo xasuustaa walaashey Dahabo-dhiirran.  Abbaayo Dahabo wey geeriyootay. Ma dhimane  waa la dilay! Maalin iyada oo kasoo rawaxday jamaacadda bay bas soo raacday. Baskii baa lagu joojiyay  bar isbaaro tiilay.  Rag hubaysan baa halkaa joogay.

Wadidihii gaariga bay lacag waydiisteen, isna wuu siiyay, waysa saluugeen. Amar bay ku bixyeen in uusan gaarigu dhaqaaqi Karin, darawalkii baska wuu ka dhaga adaygay amarkaas, wuu dhaqaajiyay gaarigii. BUM. Rasaas bay huwiyeen gaarigii. Dhaawac iyo dhimasho baa ka dhashay. Abbaayo dahabo-dhiiran, dadkii ku geeriyooday bay kamid noqotay.

Hooyo oo suuqa joogto baa loo sheegay geerida Dahabo, naxdin bay la suuxday. Waayo, Dahabo aad bay u jecleed. Aniga markii la iisheegay sida ay wax u dhaceen sara-jooga baan ka dhacay naxdin aawadeed. Isma lahayn naxdin taas  ka wayn baa ku soomari doonta!

 

Taasi se waa beenowday, tu ka daran baa isoo martay. Dhacdooyinka aan dhaayaha u roonay deegaanka way ku badnaayeen.  1-dii feebaraayo, maalin la halmaami karo mahayn! Haa, anigu ma hilmaamin, mana hilmaami doono.

Waxay ahayd gabal dhicii wali se, maqrib lama gaarin. Waqtiga aan dawaarka kasoo laabto  badanaa toos baan xaafadda u abaaraa si aan hooyo howsha guriga ula kaalmeeyo. Maalin kaase waan dib dhacay. Wixii idaahiyay ma xasuusto laakiin, nus saac baan ka dib dhacay waqtigii aan horay guriga tagi jiray. Illayn qadarta eebbe, waa mid qoran! Allaha na uumay cilmi badanaa oo awood badnaa!

Mar aan xaafadii ku sii socday wali se,aanan gaarin baa waxaan maqlay dhawaq aanan I farxad galin, igu ma cusbayn oo horay buu habiino hurdo iiga toosiyay. Dhaw…   waa madfac! lugihii baa inatay isku duubmeen dhulka ka dhaqaaqi waayeen. Afkii baa laba taako noqday oo hadli waayay. Alla awood badnaa wuxu.  iisaanka uu ku dhacay sidee buu noqon haddiiba anigii ka fogaa sidaan ii waxyeeleeyay!

Laba daqiiqo dabadeed, halkii ban ka toosay socdaalkiina waan sii watay. Qiiq iyo uuro baa ka muuqata meel hortayda ah. Ambalaas baa xufta igu martay. Dad ooynayay baa iga horyimid. Socodkii baan boobsiiyay si aan meesha mashaqada ka dhacaday u gaaro, markiiba wiil aan waji aqaan baa iga soo hormuuqday. Su’aal baan ku boobay. “ Cabdiyow, xagee bay wax ka dhaceen?”. “ xagee wax ka dhaceen iyo saacaan baa!..” yaah…!

“Waar xaafadaadii baan madaafiic daran-doori ah ku dhaceen …”.

Yaah… xaafadadii…. Alla hooyo ma nooshahay. Alla hooyo ma nooshahay.

Oradkii aan halkaa ka qaaday ugama ma neefin ilaa aan dul joogsaday gurigaynii oo aad moodid xaabo dab la qabad siiyay. Waan qarracmay! Sidii qof waalan oo kale baan hadalo iska daba tixay..

..Hooygii dunyaye, hooya meeday.  Hooygii dunyaye, hooya meeday!

Maydadka tuban hareerahayga waxaa iiga sii darnaa dad naf ku jirtay dhaawac daran se  ahaa oo cabaad koodu uu kusii murjinayo. Dadka ma garan karo, waxaan se  ku qiyaasay, jaarkii.  Waxaase ku darsanaa dad kale oo socoto ahaa. Anigoo dhan aan u socda garan weysan baa halmar gacan qof I qabay. Waa abti Axmadeey. Hadal aan fahmi waayay buu I yidhi, uma se jawaabin. Markale ayuu se intuu ku leetiga I qabatay yidhi:

  • Waryaa, hooyadaa ma aragatay?
  • …. I.iih.
  • Caliyow, hadal, Hooyadaa ma aragtay?
  • Ma arkin..

Intii aanan jawaabta u dhamayn buu dhanka bari iiga rooray, anna sidii wax hurdo kasoo toosay oo kale baan indha jijibiyay dhanka kale u cararay. Labad talaabo markii aan qaaday baan ku fay. Intaan booday baan haddana orday, markale baan ku dul dhacay, laba qof oo mid  mayd yahay kan kalana naf aan qumayn ku jirto. Waxa uu ku qaylinaayay. “ ar ibadbaadiyooy…..”. intaan booday baan u dhaqaaqay meel ay dad ka qaylinaayeen, inta aanan gaarin baa arkay gacan meel taal. Waa gacan aan aqaan. Alla waa hooyo macaanto gacanteedii!…. alla hooyaday way dhimatay..

Qeylo iyo boohin baa isku daray, gacantii ula fakaday halkii aan abti ku maleeynayay. Alla, abtiyoww, hooyo waa dhimatay, waan tan.. hadalkaa markii aan lahaay baa ogaal iigu dan baysay. Maalintii xigtay baan soo miirsaday anigoo xaafadda abti la igu haayo. Maalmo kadib ayaase la iisheegay in aan waashay oo la xirxiray! Ilaah baa mahad leh aan waali dhab ah iiga dhigin.

Laba asbuuc kadib geeridii hooyaday, waxaa habiin ceshihii masjidka dhexdiisa lagu toogtay abti  Axmedeey.  Sababta loo dilay iyo cidda dishay alle mooyee  cid kale ma oga.  Maalintaas kadib wax baa igu abuurmay. Dharaartii feker baa iga bixi waayay, habiinkiina hurdo baa iga soo dhici weyday. Naftaydii baa ii diiday I aan ku noolaado mee lagu dilay  abaayaday Dahabo-dhiirran, iyo abtigay Axmadey. Meeshii madfac ku kala jarjaray  hooyaday. Meel dhalin yarada filkayga ahi iigu caynayaan haybta reerka  aan kasoo jeedo. Intaas iyo kuwa kale ba waxay igu qasbeen I aan kasoo socdaalo dhulkii hooyo.

Maxamed jeyte
maxamedjeyte@gmail.com
Muqdisho – Soomaaliya

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here