Inantii Jalaaludiin – Abshir Umal

Umal

Markaasay qoraxdu badhtanka soo istaagtay, falaadhaha ay bixinayso ee sidda teelteelka marba u daadegaya ayaad waxaad mooddaa sidii qof xiiqayoo hiinraagaya, inay fadhiisatay oo ay jilbaha dhigatay baa la moodaa sidii inaysan soconaynba cadceeddu, waa duhur se xiligga lagu jiraayi waa jilaal. Dadka badidoodii hadh bay ka gallaan milicda dhacaysa iyo kulaylka dheeraadka ah ee ay maanta qoraxdu la soo baxday, sidii inay cartamayso oo ay doobinayo. Jalaaludiin, gurigiisa ayuu ka soo baxay barqaddii oo ilays iyo iftaan baaxadlaa ka muuqda wejigiisa, markuu xoogaa kuu jiro waxaad moodaysaa inuu sixin ku soo dhaashtay, sida wejigiisu u widhwidhayo, marba dhabadda ayuu qof la istaagayaa, waa la nabdaadinayaa, saguna markiisuu dadka wadada ka gudbaya salaamayaa, farxad iyo rayrayn baa ka muuqata, marka qofka meel aysan gacanta isla gaadhi karin uu ka salaamaaba xabadka intuu gacanta saaro ayuu madaxana ha u raariciyaa, sidii saga oo leh ”Sadrigiyo maankaa ku sallaamay”.

Faaruuq iyo Kiimiyaa iminkay soo galeen, daal iyo diifa xoog leh agaa wejigooda ka muuqatay, salaaddii arooryo intaan ubadku kicin ayay ayay tuuladay yaalleen ka soo jarmaadeen Kiimiyaa iyo Faaruuq. Kiimiyaa dameertii ay wateen ayay koreysay marka ay marayaan dhulka cariska ah ee dameertu socon karto, marka ay buuraha soo gaadhaan way ka degaysay oo way dhinac lugaynasay. Faaruuq nin haddal badan ma aha, waa Kiimiyaa aabaheed, sidaa si lamida Kiimiya iyadda qudheedaa aamus badan oo hooyadeed Afadiikaa ayay ka yabaashay bay ku soocan tahay, yaraanteedii sidaasay ahayd, oo dhallaankay isku da’da ahaayeen gaar bay ka ahayd, dhaqan aan horey tuuladooda loogu arag bay lahayd. Aabbaheed Faaruuq, waa nin daal badan, wejigiisa hadh iyo habeen ka muuqdo markaad aragtidba, intaa wuu fekereyaa, lama yaqaano cidda uu la haysto. Intay dhabada ku soo jireen, dhowr jeer oo hillaaddii laba saacadood u kala dhaxayso ayay kiimiyaa aabaheed Faaruuq waydiisay ”Quuniyaa waa meel sidee u eg..?” Faaruuq fikir buu ku maqnaa markay waydiinayso Kiimiyaa su’aashaa, dhawaaq ahaan wuu maqlayay se isma lahayn waa Kiimiyaa qofka wax ku waydiinayaa, cabbaar markay socdeen ayuu ku hababaray inay Kiimiyaa ahayd qofkii wax waydiiyay, ”Yaa! Ya!, maxaad tidhi… haah… Quuniyaa waa magaalo sadex geesooda, waa ilays, xer baddan oo cilmiga iyo aqoonta sidii il biyo macaan leh loogu arooraa joogta, oo ay bariisin u tahay”  Ka dib markuu ku hambabararay Kiimiya ayuu sidaa ugu jawaab celiyay, kiimiyaa markuu intaa Faaruuq ku yidhi ayay madax ruxday yadoo ku xanshaashaqaysa, ”Hii.. haa” Degganaan aamus iyo xasilooni baaxad wayn baa labadoodiiba saamaysay, muddo dheer oo ay jidka ku soo jireen ayaan midna mid la hadlin. Intaan qoraxdu kululaan, ayay magaalada soo galeen, durbadadiiba kiniisaday afka iskaga soo shubeen. Faaruuq afrta geesoodna indhaha yuu ku galaa bixiyay, xoogaa markay kadinka kiniisadda taagnaayeen ayaa waxaa hortiisa mudh ka soo tidhi inan qurux badan oo garbasaar yar iyo dirac khafiif ah xidhan, silis wayn oo carrabkiisu iskubtalaab afka hore u yara balaadhan ay ku sawirantahay ayaa laabteeda ka lushay. Faaruuq ayaa ka wareystay gabdhihii kiniisadda la keeni jirey si ay wax u bartaan. Inantii markiiba waxay ugu jawaabtay, ”Way dhammaatay howshaasi, islaantii u xil saarnayd arintaasna halkan waa laga wareejiyay oo meel kale agaa loo wareejiyay sidaa daraaddeed howshaasi way af jarantay. ” Faaruuq talo ayaa ku cadaatay oo aad buu u niyad jabay, derbi u dhowr ayuu cuksaday, sagoo aad u niyad jabsan tiiraanyo iyo ciilalyow na ka muuqdo ayuu wejiga Kiimiya ee dhalaalaya jaleecay, cod hoose oo gariir leh baa ka soo baxaya: ”Ma noqonaysid, anigaa kuu ballan qaadayaa tuuladii kuma noqonaysid” Kiimiyaa Kerestuum ayaa in baddan uga sheekeeyay Quuniya iyo ilbaxnimada guunka ah ee taalla, wada noolaanshaha, nolosha macaan ee dadkaQuuniya ku nooli ay haystaan. Dhidid waawayn ayaa mar qudh shalalax ka soo yidhi Faaruuq, kor buu u soo yar hinqaday, dameertay wateen iyo alabaatoodiiba banaanka Kaniisadday kaga yimaadeen, dhankeedii bay u soo dhaqaaqeen, markay Kiimiya lugtii u danbaysay ay albaabka kaniisada kala soo baxday o ay dibadda qumaati u soo dhigtay, ayaa Faaruuq dhankaa midig ee iridda kiniisada u yara baydhay, waxaa uu salka la doondoonay meel uu fadhiisto oo uu salka dhigo. Markuu labo tallaabo oo kala danbaysa middiiba in talaabo kale oo dheerada u dhaxaysana la moodo, ayaa Jalaaludiin oo baqashiisii saaran gacanta lalminaya oo dad sheedaa kiniisadda dhinaceeda bidix ah salaamayaa ku soo beegmay Faaruuq. Dadkii waddada marayey ayaa mar keliyaa cod sare oo awood leh ugu dhawaaqay Jalaaludiin ”Mawlaannaa” Faaruuq taako kale ma qaadin, ma shalay ahayd mise dorraad, ninkii daalka iyo caloolxumada la cabaadayayba maaha, intuu si heegan leh u istaagay ayuu dhafoorka gacmaha saaray sidii qof ilays ka tan badani uu indhaha ka hayo, oo wax eegaya. Waxa uu la yaabay ninkan baqasha saaran ee sida degganaanta leh dadka u wada salaamaya, naxariista iyo xasilooniduna ka muuqato. Jalaaludiin waxa uu ka soo degay baqashii uu saarnaa, dhowr tallaabo oo aan sanqadh lahayn ayuu dhankii Kiimiyaa iyo Faaruuq u soo qaaday. Markii uu la sinnaa ayuu isha ku dhuftay Kiiimiya faaruuq oo garab taaggan kiimiyaa ayuu Jalaaludiin si xeel dheer oo dhugmo leh u eeggay, in yar buu hakaday oo tallaabo danbe ma qaadin, dib buu u yar degay oo wuxuu isla simay isagoo ku leh ”Inanta ma kiniisaddaad u soo kaxaysay” Faaruuq ayaa cod xabeeb leh oo goo go’aya ku yidho, ” Haa. ” Jaalaaludiin, oo weji widhwidhiya ku eeggaya Kiimiya ayaa waxa uu ku yidhi ”Ka warran hadaad aniga gurigayga ii raacdid” Faaruuq indhuhuu mar qudha kor u taagay, aad buu ula yaabban yahay kalsoonida uu Jalaaludiin u muujiyay, way ka degi la’dahay siduu ku ogaaday inay ku soo guul dareystay inay Kiimiyaa kiniisada wax ka barato. Kiimiya sidey magaaladda barqadii u soo galeen ba juuq may odhan, indhahaasay kala socotay waxa dhacaya oo dhan, dhaqan iyo la qabsi ayay yadda iyo Faaruuq aamuskaa faraha badani la noqday, midna dareen kama qabo waxa ka kale u aamusanyahay. Indho cadcad oo wiilkoodu midabka ciida oo kale ah leeyahay ayay si kedisa ugu eegtay kiimiyaa Jalaaludiin, bishimahay dhaqaajisay, in hadasho oo wax tidhaahdo ayay damacday, haddana way ka noqotay oo aamuskeedii bay iska sii muquurtay. Faaruuq oo cabbaaradan ba jahwareersanaa ayaa cod gabbasho iyo baqdin leh ku yidhi ”Waa caadi” Jalaaludiin, ayaa soo jaleecay Faaruuq ”Waa yahay, gurigayga ayagnu tegaynaa. ” Gurigii Jalaaludiin ayay soo gaadheen, iridda hore ee guriga waxa taagnayd Kiiraa oo ah xaaska Jalaaludiin, soo dhawayn ayay u muujidsy Faaruuq iyo Kiimiyaa, daarada ayay u soo tallaabeen, Jalaaludiin oo cod hoose oo deggan kula hadlaya Kiimiyaa Faaruuqna maqlayo ayaa ku yidhi ”Maxaad ka qabtaa haddii laguugu yeedho, inantii jalaaludiin” Kiimiya oo si debecsan u eegaysa Jalaaludiin ayaa ku tidhi, ”Haa, waxba ka kama qabo. Taasi waa suldaan wallad, waa inankayga curad” Calaau-diin oo albaabka ka soo galaya ayuu isha ku dhuftay ”Callaa’udiin saguna waa inankayga labbaad” erey danbe intuusan odhan ayuu Jalaal albaabka ka baxay, isagga oo ku sii xertiisii iyo goloyaashoodii. Jalaaludiin waa faqiih, cilmiga fiqhiga ku talax taggay, waa hoggaamiye xer dhan hogaamiye u ah sagga uun ku daba faysha. Jalaalu-diin, waa nin deggan oo fahan qoto dheer Eebbe ku galaday, hiyi kac iyo qab ma le, xasillooni uu dadka kale oo dhan kaga sheeganyahay ayaa maanshaysay.

Kiimiya, diif baddan ayaa ka muuqata, siday Quuniya u soo galeena biyo iyo wax kale toona afka ma saarin, bishimiihii baa jilifaystay. Kiiraa oo kaabad ku beegganKiimiyaa fadhida ayaa dhowr jeer isha marisay yada iyo Faaaruuq oo geed daaradda guriga ku yaalla jiridiisa ku fadhiya. Intay kor u kacday oo caliim oo ubadka Jalaaludiin u yar dhulka dhigtay ayay dhanka jikada u dhaqaaqday, weel ayay biyo ugu soo qaaday, Kiimiyaa ayay u dhiibtay markay cabtay oo dhuunta ku qoysay ayay Faaruuq u dhiibtay. Kiiraa caliim oo kaabada agteed fadhiya intay qabatay ayay intay kor u soo bidhay sinta saartay. Calaaudiin ayaa Kimiyaa oo daarada dhex fadhida u soo galay, intuu ag istaagay oo indho kulkulul ku eegay ayuu qolkiisa galay. Aad bay uga booday Kiimiyaa judhii koobaaday Calaa’udiin isha isku dhufteen, muuqiisa qallafsan ee mukurku ka muuqdo ayay ka biyo diiday. Markuu qolkiisa sii galayayna intuu soo eeggay oo candhuuf hortiisa ku tufay ayuu qolkiisa dalaq yidhi. Calaaudiin si kast ayuu u jixinjixin aabbihii wuu qadirayaa oo waa u dhago nugulyahay, inta uu aabihii arkayo inuu khalad yar gaysto laga ma yaabo. Sidda Suldaan nin deggan oo maskax furan ma aha, waa nin kulul oo wax walba inuu soo degdeg ku dhameeyo jecel.
Wuu soo raagay maalinkaa Jalaaludiin, xertiisa ayay dood baddan iyo sheekooyin baddan soo wada qaateen sidaas ayuu uga raagay maalinkaa xaafadda. Kadinka dhanka suuqa xiga ayuu ka soo galay Jalaaludiin, degenaanta iyo xasilloonida inuu isagu dhinaca ku wataad moodaysaa, meeshuu soo galaaba mar keliyaatay sidii meel cidlo ah oo codka shinbiraha mooyee aan codka kale ka baxayn noqonaysaa. Kiimiyaa berendedda fadhida, si baar lehna derbiga ugu tiirsab ayuu sii dhaafay Jalaaludiin, cidna lama hadlin, qolkiisuu galay. Sidaasi waa dhaqan uu Jalaaludiin leeyahay, qolkiisu ayuu saacaddo baddan oo kelinimo iyo degganaan xeel dheere ku geedeemantahay ku qaataa. Inta uusan waagu soo daalacin ayuu ka jaqaafiyaa Jalaaludiin oo uu dhankaa masaajidka iyo goloyaashii cilmiga ee isagga iyo xertiisu ay ku kulmi jireen aadaa.

Faaruuq, intaysan qoraxdu kululaan ayay Kiimiyaa isa sii maca salaameeyeen oo uu dhankaa iyo tuuladii uu Kiimiyaa ka keenay u kacay. Neecow macaan ayaa dhacaysa, cirkana daruur baa sidii inan yaroo qadhqadhaya laabta gashatay, qorox iyo milic la sheegaana ma jirto. Kiimiya oo shaal huruuda oo faraaryo leh xidhan oo sidii aabaheed Faaruuq u tegay daaradda taagan ayaa codka Kiiraa ka maqashay jikada, intay go’ii shaalkaa ay wadatay isku qaydaartay ayay dhanka Kiiraa iyo jikada u dhaqaaqday. Kiiraa saamayn iyo raad muuqday naxariista iyo kalgacaylka Jalaaludiin ku soocan yahay ku samaysay, ruux qurux badan ayay leedahay. Qalbi furan oo il naxariis sacabada kaga cabaya ayaa Alle qayb u siiyay. Barqadii intii hore dhan Kiimiyaa iyo Kiiraa jikaday iskaga sheekaysanayeen, Kiimiyaa ayaa waxay waydiisay Kiiraa aamuskan faraha baddan ee qolka Jalaaludiin ka muuqda iyo degganaantan uu jiidanyo had iyo jeeraale. Kiiraa, basal ayay jar jareysaa, mididayday basashii ku jarjareysay ayay isku jari gaadhay, intay madaxa kor u soo qaaday oo ay hoos iyo kor u ruxday ayay shaqadeedii iska wadatay. Dhowr daqiiqo ku dhawaad baa labadooda midba midka kale la hadlin, aamus ayay is waydaarsadeeen.

W/Q: Abshir Umal.

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here