Kulamadii Awliyada Jacaylka: Afar aroos iyo aas (3) – Khadar Cabdi Indhayare

KHADAR

Xaaladu imika waa ka sii yaab badantay sidii hore. Saxa , sax! Sidaas buu yidhi Charless, raaxo la’aan. ‘ Ma idiin hanbalyayn kara? Waxa caruur ahi ma jiraan illa hadda? Waad taqaan ubadka, waxas oo dhan ma taqaan? Maya? Alla, fiican, wakhti ku filana ayaa jira, sidaas miyaanay ahayn? ‘ Iga raali noqo,’ay ay tidhi Carrie, waanay yaabtay. Wayna iska dhaqaajisay.

Charless, waxa uu naftiisa u shaagay in uu doqon ahaa markii uu ku hadlayay kalmadahaas doqonimada ah, Carrie na ma y tagteen hadaanad sidaa odhan, John na ma damqadeen. Waxa uu bilaabay in uu madaxa geed ku garaaco. Imika waxa uu isku dayayaa in uu lahadlo gabdh da’a weyn oo dhaafaysay. Waxa ay u alaysay nacas.

Fiona waxa ay heshay nin layidhaa Gerald, waxay rabtaa in ay lahadasho. Waxa uu u eegyahay ruux iska qabaw, laakiin waa ruux layableh, waxa uu xidhan yahay suudh madaw iyo koofiyad madaw iyana. ‘ xaalka kawran?’ ay ay weydiisay.

‘ Waxa aan rabaa in aan barto sida wadaad yare loo noqdo.’ Ayuu ugu jawaabay. ‘ Hagaag, fiican.’ Ay ay tidhi fiona. ‘ aroosyada ma tagtaa?’ ‘ Maya , weli, laakiin waan tagi dhawaan, haa dabcan. ‘ Waxa laga yaabaa in ay igu adkaato, waan kuu sheegi karaa!’ sidaas buu yidhi iasagoo qoslaya.

‘ Haa, waxay u eegtahay sida marka ugu horaysa ee uu ruuxu galmo sameeyo, sidaas mmiyaanay ahayn?’ ay ay tidhi Fiona. Gerald, haatan waa uu sii yabsanyahy.’ Ax – fiican , sidaas baan filayaa –‘. ‘ Sidaa uma sii xuma,’ay ay ku sii hadashy Fiona.  Gerald ma uusan jawaabin gabi ahanba.

David ayaa haatan yimi si uu ula hadlo Charless, walaalkii. Charless waxa uu yaqaan luuqada faraha, ee dhagoolayaasha si fiican, waxaanu kula xidhiidhaa walaalkii David illaa caruurnimadoodii. ‘ sidee tahay ? David ayaa sidaa ku weydiiyay walaalkii. ‘ Ma xasuusataa  berigii aan ku ciyaari jirnay mashiinkii doontii aabo, ee aan lugta ka jabay’.

‘ haa, si fiican, taasi way xumayd.’

Qof ayaa soo eegayay David, gabdh quruxsan oo timo dheer oo midab cas leh. Waxay xidhan tahay koofiyad hurdi ah. Magaceedana waxa layidhaa Serena.  Waxa ay faraha ku soo fiiqaysaa David. ‘ waa kuma wiilka halkaa tagan ee xidhan suudhka danbasiga a?’ ay ay weydiisay  Matthew. ‘ magaciisa waxa layidhaa David’ waxa ku jawaabay Matthew. ‘ Waa kuyar oo soo jiidasho leh, sidaas miyaanay ahyn?’ ayay tidhi.’ ‘Anba sidaas baan is idhaa in badan.’

‘ Oo maxay gacamahooda sidaa ugu isticmaalaya?’ ay ay weydiisay.

‘ Waxaba  ma maqlo, waa dhaqoole,’ ayaa uu yidhi Matthew. ‘ AX, waa aduunyo!’. Aamus kadib, lakiin waa ruux soo jiidasho leh’. Waxa ku sii hadlay Matthew.

Imika, aabaha aroosada ayaa dadka u sheegaya in cashadii ay diyaar tahay. Waxa uu ka codsaday in ay tagaan xagga teendhada, fadhiistaana. Dhamaantood waxay heleyaan si ay u fadhiistaan miisan diyaar ah. John, waxa uu ag fadhiisaty haweenaydiisa,lakiin ma faraxsana sidii hore, ee ahaayeen,imika waxa uu garanyaa ninka layidhaa Toby de Lisle. Carrie waxay ag fadhiisatay ninka layidhaa George, oo ah ruux aan fidsanayn, caajisna ah, kaasoo akhrinayay qayb Bilble ka ka mid ah sis are xafaladii arooska. Scarlett waxa ay la fadhiisatay ruux qalaad, afkaanay ka dhunkatay. ‘ magacaygu waa Scarlett!’ ii ogolaw in aan caibtaan badan  ku siiyo – waxaan kaa helay saaxiibtinom!’

Charless, isagoo milixiis ah, waa in uu fadhiistaa xaga sare ee miiska, qoyskana la fadhiistaa. Waxa uu dhinac fadhiisatay oday weyn, kaas oo u eekaa mid cadhaysan. ‘ side tahay, magacaygu waa Charless.’ ‘ Ha nacasoobin!’ odaygii weynaa baa sidaa yidhi isagoo cadhysan. Charless sawkii waa hore dhintay, illaa labatan sano ka hor! ‘ Fican, laga yaabaa in uu yahay mid kale.’ ‘ Ma  taas baad ii sheegaysaa, in aanan garanayn walaalkaygii?’ Charless waxa uu u maleeyay in odaygu waalan yahay. ‘ Maya,may, dabcan maya,’ Charless baa sidaa yidi, si degdeg ah, waxaanu rabaa in aanu sii wadin wada hadal danbe.

Cashadii baa diyaar ah imika, qof wilibana waxa uu bilaabay in uu cunteeyo. Laura, aroosadu way faraxsanatahay, waxa ay la qoslaysaa lana hadlaysaa cid kaste oo u dhaw. Xattaa odaygeeda, Angus ayaa hataan dhoolo caddaynaya si aan looga baran. Halkan, England, waa dhaqan in milixiisku u hadal yidhaa, waana xilligii uu Charless  hadli lahaa. Waxa uu ku garaacay malqacadiisa koobkiisii, dadka oo dhami waxay joojiyeen cuntadii iyo hadalkiiba! Charless, haatan waan naxsanyahay.

‘ Mudanayal iyo marwooyin, waan ka xumay in aan idinka joojiyay hadlkiinii iyo cuntadiiniba, lakiin hadalo kooban ayaan rabaa in aan idhaa. Tani waa markii labaad ee aan noqday milxiis. Waxan qabaa in aan si fiican waxa u qabtay arinkaygii hore. Fiican, arooska iyo aroosaduba waa ay ila hadlayaan! Nasiib darro, ayagu islama hadlayaan.

‘ lakiin dadku waxay yidhaahdaan, danbiile mahin. Haa, hadalkayga ayaan sidaa ku idhi;  aroosku, ha la  seexdo inanta yare ee ay Paul walaalaha yihiin.. Paul na arintaas way ogayd. Lakiin waa ay yara yaabtay markii ay maqashay in hadan la seexan rabo hooyadeed. Lakiin anigu arintan ka maan fekerin in ay waxyeelasso arooska cusub, dhab ahaan, kamaan fekerinba!

Dadka badankoodi waxay la daateen qosol ay ku qoslayaa kaftanka, Carrie ayaa ku jirta dadk, qaar baa sacabada tumayay, inyar baa caadigoodii iska ahaa. ‘ Haa, dabcan, halkan waxa aan u joogaa in aaka hadlo Angus, waxna idnka qarin maayo, miyuu wax idinka qarinaya? Hagaag, tasi waa waxa aan rabay in aan idhaa ugu horayn……’ dadku ilaa hadda way qoslayaan, in uu Charless noqday mid shidan haatan. ‘ waxaan jeclahay in aan idhaa sidaa; aad baan uga fikiraa dadka  sidaa isu guursada, sida Angus iyo Laura. Guurkuna waa tilaabo weyn oo la qaado, waanan ogahay inaan anigu ku dhicin. Lakiin, waa layaab in ay aygu awoodeen. Imika, aan ku noqdo Angus iyo adhigaas!’

Dhamaan dadku way qosleen, weyna sacabiyeen, Charlessna waxa uu ka codsaday in ay kor u qaadaan weelkooda iskana cabaan Angus iyo Laura.

Markii ay dhamaadeen cashadii iyo hadaldii, haatan waxa bilaabmay qoob ka ciyaar. Kooxdii baa tumaysa, arooska iyo aroosaduna waa labad qof ee ugu horeeya ee sagxada iman raba si ay ciyaaraan! Laura way faraxsantay, si hufana way u ciyaari rabtaa, halka Angus uu ciyaar guracan dheelayo. Waxa laga yaabaa in aanu weli maqal musiga  loo yaqaan Pop. Scarlett iyo Tom na way wada ciyaaranyaan hadda. Labadooduba waa xarfaan xaga qoob ka ciyaarka! Scalett waxay u ciyaartay si yara mutaxan,Tom na si aan haboonayn, lakiin labadooduba way is cajabiyeen! Gareth, waxa uu u ciyaarayaa sidii waxa waalan. ‘ Mar alle markii uu arkay matthew,Careth oo ciyaaraya waxa uu tusiyay Charless ‘ waxan ku fikaray, “ alla dadka yaa laaya”.  Noloshiiba lunaty!. Lakiin Chrless,  ma u dhaadhacsan waxa uu Matthew ka hadlaayo mana danaynaayo. Waxa uu eegayaa Carrie, mar kastuu eegana waxa uu arkayaa iyadooo nin kale la jaasaysa.

‘ Way quruxsanaty, miyanay ahy?’ Matthew ayaa arintaas Charless  ogaysiiyay isagoo iyada ku maqan. ‘ ma jacayl baa?’

Laga yaabaa in ay run tahay,lakiin Charless waa yaabay, waanu ogaaday in uu sidaa leeyhay. ‘ allah,illaahay wanagsanaa, waxay jeceshahay ninkaa aya haatan la jaasayso! Isku cayaalo iskuul baanu ahayn, magaciisa waan xauusan karaa!  Lakiin, haddii uu nin gabadh kula kulamay arooska – ma waxa jira rag kale oo gabdha weydiinaya in ay dibada ula baxaan mar kale? Isla maalintii uun, sidaas baan u jeedaa?’ ‘ haddii ay jiraan.’ Ay ay tidhi Matthew, ‘ ayagu Ingriis maahin,’ ‘ Run ahaan! Ayuu yidhi Charless. ‘ Waxan u jeedaa illa saddex todobaad bay iga qaadatay in aan u sheegaa,’

Waxay ku dhawaatay sagaal kii habeenimo, way soo madoobaanaysaa,arooska iyo aroosaduna waxay diyaar u yihiin in aya tagaan.Laura, waxa badan bay cabaysaa hadda, waxaanay si xamaasad leh u shuminaysaa inaabtigeed, oonay aad u aqoon. ‘ waad taqaan. In aan ku jeclay, Jean,sidaa miyadan ogayn?’ sidas ayay weydiisay, iyadoo ooyaysa. Waxa ay gacmaheedii saartay wiilkii, jean. ‘ waan ku jeclay, waan ku jeclay, aad weliba. Waligay kulama kulmin hadda ka hor, lakiin waan idin jeclay labdiinaba, sidaas baan ahay.’

‘ ha warwarin,’ waxa yidhi Angus, saygeeda cusub. ‘ hadda way cabtay. Hagaag, waxa laga yaabaa in inyada amma anigu aan dib ku dhex jiro!’

Waxa ay ku noqdeen teendhadii, Lydia, oo gabadh yar oo milxiisad ahayd arooska dhexdiisa, ayaa fadhida iyadoo dhabanka iyo dhafoorka isa saartay. Waxay u eekayd mid niyad jabsan. Illaa hadda waxay xidhan tahay dherkii milxiisnimada,madaxeedna waxa ku daadsan ubaxyo. ‘ side waxa u socdaan,Lydia?  Bernard ayaa sidaa weydiiyay.

‘ Alla xumaa. Xumaa ,’ waxa cabanaysa Lydia. ‘Alla qaali. Waa maxay dhibku?

‘ Waxa ay ii balan qaadeen in lay galmoon doono,’ ay ay tidhi Lydia. Qof walbana sidaas buu igu yidhi.  “ haddiiba aad tahay milxiisad, waa laguu galmoon,” sidaas bay igu yidhaahdeen. “ dhamaan ragga oo dhan baa ku raba. Iska waabi dhamaantood.” Laakiin taasi miyayna dhicin?’  maya, ma dhicin, cidna iima soo dhawaan. ‘ Hagaag,  isoo eeg……,’ ayuu yidhi Bernard , isagoo yara khajilsan,’ waxan u jeedaa, haddii aad rabto anigaa sidaa yeeli lahaa. ‘ Ha nacasoobin, Bernard. ‘ anigu ma ahi qof warwarsan!’ ayay ugu jawaabtay Lydia si weliba diiran. ‘ maya, amy, dabcan maya, waan ka xumay sidaas baan mooday – ‘ Bernard ayaa sidaa ku jaawaby si dhakhso ah.

Markii ay aroosadii iyo arooskii u diyaar garobeen in ay fuualan gadhigoodii, Laura waxay bilawday in ay qubto xidhmooyinkeedii ubaxa ahaa martida dhexdeeda. Qofka ubaxa qabsadaana waa ruuxa labaad ee gurrsan raba labadan kadib. Waa sida dadku aaminsanyihiin. Scarlett, waxay taagaysaa gacmaheeda si ay u qabsato, lakiin way la wayday. Fiona way baxaysaa. Lydia, waa ruuxa kaliya ee qabsaday ubixii!

Gadhaiga waxa ku wareejisnan xasaw yar oo lagu xidhay, waxyaabo xun xuna waa lagu qoray. Tani waa dhaqan Ingiriis xilliga aroosyada. Markii ay Angus iyo Laura ay furayeen albaabka, wan cad oo weyn ayaa soo booday, kaas oo xidhan beel luqunta ugu jira. Qofkastaana wuu qoslay. Dhamaan dadku way isluxeen waxayna ku qayliyeen nabad galyo. Si farxad lehna waxa u baxayay  labada aroos. Waxay u baxyeen bishii dhabqooda Charless, waa cadhysan yahay, fikirayayna intii uu ku soo laabanayay teendhadii!.  Kooxduan waxy ku heessyeen ‘ jacyl baa ina wada qariyay, dhinac kastena wuu inaga maray.  Si layaab leh, isaga warkaasi run ulama eeka. Mar danbe, saxiibadiis waxay bilaabeen in ay sameeyaan isku beegoodii habeenimo. ‘ caawa xagee joogaysaan, Charles baa sidaa yidhi.’ Isagoo Tom  lahadlaya.   ‘ Aniga iyo Scarleett, ayaa soo muquuranaya, calashaan doonta nasiibka? Sidaas oo kale. ‘ Oo miyaynaan dhaman halakan joogayn? ‘ Hagaag, may, qorshihii wuu is bedelay. Dhammaan waxy usoo noqonayaan xagayga, qasrigayaga!  Nansy’s, ayaa halkan ku sugan, sidaa waad ogtee, shaqaalahayaga da’ada weyn ee aanu jecelnahay. Iyadu waxa noo karinaysaa waxoogaa salool ah iyo beed marka aanu halkan nimadno, waxa kale oo aanu ciyaari karnaa waxyar oo dheel ah. ‘  Miyaad awoodaa in aad timado?’

‘ Haa, fiican, waad mahdsantahay ‘  Oo halkaa miyay Scarlett qolku leedahay?’ ‘ Haa, dabcan, waxaanu helnay  137 qol dhab a haantii.’  Qasriga Tom, waa qalcada reerkooda sidoo kale, lakiin, maahin guriga kaliya ee ay  ku leeyihiin London. ‘  Tomaw, adigu maxad tahay ruuxa ugu qanisan London? ‘ alla, maya, waxaan filayaa in aanu nahay kuwo todobaad xaga liiska. ‘ Hagaag. Boqorada ayaa kalinta koobad ah, ninkaas Richard Brason na si fiican buu wax u wadaa, marka la eego dhanka miisigiisa iyo diyaaradiisa!  ‘ Hagaag, waan ku faraxsany in aad timid.waan tagi doonaa si  aan Scarlett u sheego!

Si lama filaan ah, Carrie ayaa Charless usoo dhinac istaagtay. ‘ iska warran, isagoo yaaban buu sidaa yidhi Charless. ‘ waxa aan is lahaa wey tagtayna.’ ‘  Maya, may illaa hadda. Anba waan yaabanahay – xagee baad caawa joogaysaa?

 

Lasoco qaybaha danbe

Khadar Cabdi indhayre
Jooga HARGEYSA, Somaliland
Tell: 0634514108
Saadaal4514108@hotmail.com

 

 

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here