Antikhiriistoos (2) Taliyaha ileyska tan iyo maalinkii la abuuray nuurka

Fooqa Baabil

Antikhiriistoos (2) Taliyaha ileyska tan iyo maalinkii la abuuray nuurka – ( 2500 Ciise Hortii – 2000 C.H.) 
————————Qaybtii 2aad.
Faca Cusub waxa uu markii ugu horreysay baahinayaa sheekada ‘Antikhiriistoos’ oo ah sheeko laga mamnuucay waddamo badan, si aan loo ogaan sirta ay faafinayso. Waxa ay sheekadani daaha kaaga faydi doontaa siro iyo dhacdooyin aanay culimadu kuu sheegin, ama ay siyaasiyiintu kaa sheeleen. Kooxaha sida dadban u maamula adduunka ee ku amar ku taagleeya, ajandayaashooda dunida Islaamka iyo sidii ay u rideen khilaafada Islaamka, loolanka sharka iyo khayrku sidii uu u soo bilaabmay iyo halka uu maanta marayo. 4000 oo sanno ka hor, Namruud iyo Nabi Ibraahiim ayaa ay sheekadani ka soo bilaabmaysaa, waxa aanay ku dhammaanaysaa mustaqbalka –Dajaal Cawar iyo Nabi Ciise. Sheekadan waxa qoray Axmed Khaalid Mustafa oo ah qoraa masri ah. Dhacdooyinka, magacyada iyo magaalooyinka ku jiraaba waa kuwo run ah.

Sida ay wax u socdaan dunida iyo halka loo socdo ayaa aad fahmi doontaa marka aad sheekadan akhridid. Dhacdooyinka dunida waxa aad ka istaagi doontaa xagal qumman, oo aad wax badan arkayso.
*** Waxa Turjumay: Cali Ileeye.

“Heestan waxa aan u qaadi doonaa Ilaahay, marka uu yimaaddo badbaadiyaha weyni … Inantan aan waxbagalabsan, ee werwersan, ee quruxda badan kaalay oo xoree.’’
Waa hees Baabili ah oo guun ah , cod waayeel ah oo Baabili ah ayaa uu ku qaadayay; madaxana waa uu ruxayay dheelid. Waxa uu lahaa cod halaasiya oo macaan, balse shanqadha ku gedaamani ma ay ahayn mid la jaanqaadaysa codkiisa wacan. Waxa uu ka dul heesayay ci’da adhiga beer daaqaya; adhiga waxa uu ugu lulayay ushiisa –oo waa uu faraxsanaa. Oo ma waxa jira qof lugaynaya deegaankan ashqaraarka ah, oo aan faraxsanayn. Waxa aynu joognaa boqortooyadii Caashuur ee hore, meel u dhow magaalada Baabil; magaaladii ugu weynayd ee ay arkaan jin iyo insi taariikhda; adhiilaha heesayaana waa oday Iishma.

“Marka uu yimaaddo badbaadiyaha weyni, dhabtii waa aad xoroobi doontaa.’’

Afar kun oo sanno ka hor dhulku wuu ka duwanaa dhulkan, cirkuna waa uu ka geddisnaa cirkan. Haddii uu Iishma eego barkadda uu ag socdo, waxa uu arkayay illaa salkeeda oo dhan, waxa uu arkayay kalluunka ku jira iyo xayaabada ku samaysantay; sidii qof eegaya shinbiro cirka maraya oo kale. Afar kun oo sanno ka hor wax kastaa waxa uu ahaa wax hufan, oo nadiif ah. Waxa uu rabay Iishma in uu yara nasto, waxa uu u kacay dhanka geed uu cuntada hoos dhigtay; markii uu geedkii u dhowaaday waxa uu arkay cuntadiisii oo daboolkii laga qaaday, waanu yaabay.

Tuugtan fuqarada ahi weligood ilbaxi maayaan. Haddii ay cunto I weydiistaan waa aan siin lahaa, balse waxa ay doorbidayaan xatooyada. Naftoodu dawarsiga waa ay nacaysaa, xatooyadana waa ku raalli. Iishma wuu yaabay markii uu si wacan weelkii cuntada eegay. Inkasta oo weelku fur la’yahay haddana caanihii iyo cuntadiiba waa sidoodii. Caano-fadhigii ayaa waxyar laga qaadqaatay, caanihiina wax aan badnayn ayaa laga dhamay; wax yar oo aan oon iyo gaajo midna tirayn. Waa uu fadhiistay duq Iishma, waa uu cabbay oo waa uu cunay, hadhkii geedkana waa uu ku nastay. Ka dib waxa uu go’aansaday in uu barkadda ku maydho, sidii ay samayn jireen dhammaan adhijirtii boqortooyooyinkii hore. Dharkii inta uu iska wada bixiyay ayuu biyihii ku dhaadhacay.

Isaga oo Iishma maydhanaya, haddana kolba waxa uu eegayay dharkiisa si aan u kas ahayn. Si kedisa waxa geedkii u hoos degay koox shinbiro xamaam ah, oo qurux badan. Cuntadii ayaa ay dul tageen. Xamaamkii waxa uu bilaabay in uu caano-fadhigii goosgoosto, caanihiina ay kiishadda ka buuxsadaan. Waxa uu ahaa muuqaal yaab leh. Waa ay duuleen shinbirihii, waxa aanay aadeen meel aan aad u durugsanayn. Inyar ka dib haddana waa ay soo noqdeen shinbirihii, cuntadii ayaa ay ku dageen, afka ayaa ayna ka buuxsadeen cuntadii, ka dibna waa ay duuleen. Waxa uu ka soo baxay Iishma barkaddii, maryihiisii Baabiliga ah ahaa ayaa uu gashaday. Xaggii geedka uma uu kicin ee waxa uu aaday meeshii uu xamaamku u duulayay, ee uu ka soo noqonay kolba. Waxa uu arkay wax ay indhihiisii la waaweynaadeen yaab iyo anfariir dartii. Waxa uu meeshii ugu tagay gabadh yar oo sagaal jir ah. Indhihiisu weligii ma ay arag wax la qurux ah. Taas lama uu yaabin, waxa uu la fajacay in uu xamaamku inanta yar ku hareeraysnaa, oo ay quudinayeen caano iyo cunto.

Gabadha yari waxa ay ahayd mid qoslaysa, oo gacmaha dhaqdhaqaajinaysa iyada oo faraxsan. Markii uu Iishma u soo dhawaaday waa ay qososhay qosol soornaanteedu uu ka ilmaysiiyay Iishma. Caqliga Baabili adhijir ah, waxan uu arkayaa waxa uu la ahaa wax khayaali ah, oo sheeko baraley ah. Iishma kor ayaa uu u qaaday yartii, shimbirihiina hawada ayaa ay u duuleen iyaga oo ku wareegaya, oo la dhacsan si aanu fasiri karin Iishma. Iishma waxa uu eegay indhaheedii quruxda badnaa; waa markii ugu horreysay ee uu arko baadad sidaa u qurux badan. Waxa uu go’aansaday Iishma in uu inanta yar qaato oo uu korsado. Waxa uu go’aansaday in uu u bixiyo magac ay dabeecaddii meeshu ku ilhaamisay. Waxa uu u bixiyay “Tii xamaamku jeclaa’’ , magacu marka af Baabili loogu dhawaaqo waxa uu ahaa mid caadi ah, waxa uu noqonayay Baabili ahaan “Samiiraamis”.

“ Marka uu yimaaddo badbaadiyaha weyni … Iyo inantan aan waxba galabsan ee werwersan, ee quruxda badan, kaalay oo xoree hadda.’’

Waa dabbaaldeggii weynaa ee Baabil. Marka uu bandhig iyo dabbaaldeg ka jiro Baabil waxa sii boqol jibbaarma quruxdeedii hore, ee indhaha u raaaxee. Marka ay kulmaan buuraha cagaaran, bananka , webiyada qulqulaya iyo qasriyada marmarka caddaanka ah iyo ka buluugga ah lagu dhisay; iyo sawirrada farshaxanka ah ee gidaarrada lagu xardhay. Marka waxaas oo dhan ay sii bilaan carruurta cirka ku sii daynaysa caleenta sacfaraanka, fardaha dheelaya iyo dadka xidhan dharkoodii ugu bilicsamaa taariikhda; marka waxaas oo dhan aad aragto ayaa aad garanaysaa in ay dhacdo weyni jirto. Marka aad aragto sacfaraankii oo dhulka oo dhan qariyay, ayaa aad garanaysaa in uu cunug u dhashay boqor “Kuush’’ iyo boqorad “Oodaag’’ , weliba cunug wiil ah, waayo, bandhiggan lama sameeyeen haddii uu cunuggu gabadh yahay.

Waa kan wiilkii xooshka ku jira, ee ay hareero tuban yihiin ummulisooyinki, kuwaas oo habeenno badan u soo jeeday daryeelka hooyada, inta ay ka ummulaysay. Ku soo dhowaw xoolka oo fiiri cunugga. Marka aad u soo dhowaato waxa aad maqli doontaa weedho badan oo ammaan ah, ‘’ Indhihiisu qurxoonaa.’’ ‘‘Waa cunuggii ugu cajiibsanaa ee aan arko,’’ . Weedhahaasi waxa ay kugu riixayaan in aad u dhowaato oo aaad eegto. Waa kan hortaada yaalla! Madax yar iyo indho fiiqfiiqan ayaa ay quruxdiisu koobsatay. Waxa jira wax ku werwer gelinaya. Sida ay ummulisooyinku u hareer tuban yihiin cunugga, ee ay u hareero daadsan tahay caleenta sacfaraanku; waxa jira wax kale oo aad arkayso. Ma aha walxo, balse waa shayaadiin. Haa, waa shayaadiin. Waxa ay u dhoolla-caddeynayaan si fajac ah oo ay isla garanayaan, wax aanad fahmayn ayaa aanay akhriyayeen.
Inkasta oo ay cunugga ag yaaleen shandado gacanta lagu sameeyay oo xirsi xidh ku jiro iyo toon eryaysa rooxaanta xun.Haddana waa ay joogeen. Waxa ay ummulisooyinku gacmaha marsadeen sacfaraan, fooddana waxa ay u mariyeen boqorad Oodaag, si shaydaanka looga ilaaliyo cunugga, haddana waa ay joogeen.

Dadki waa ay wada aamuseen, waxaana hadlay sheekhii weynaa ama Hoomeelkii sida ay reer Baabil u yaqaanneen. Waxa uu yidhi sheekhu:

– Maanta waxa ii sharaf ah, aadamahana u sharaf ah, dhulka oo idilna u sharaf ah dhalashada wiilka lab ee qaadan doona nagaca boqorka weyn ee Kuush. Wiilkan boqran oo uu qoyska boqortooyadu gartay in ay u bixiyaan ‘Saahaak’.

Dadkii farxad ayaa ay isla oogsadeen qaylo, balse magaca Saahaak ma uu ahayn mid wata macno la jeclaado. Magacu waxa uu af Baabili ku noqonayaa, ‘‘ Maskii qaniinyada darnaa’’. Markii magaca maska la soo hadal qaaday, waxa la maqlayay qosolka shayaadiinta, miciyahoodana waxa ka soo baxayay foodhi shaydaan oo farxadeed.

***

Adhi jirihii Iishma waxa uu eegay wejiga dabacsan, ee dheddignimada la hurda, ee la moodo in ay tahay hadiyad sammada keligii looga soo diray; waa dheemmantan yar ee uu u bixiyay Samiiraamis. Waa adhijire yar oo maalinta inteeda badan qatan. Hoyga ay u qalanto dheemmantan yari ma aha guryaha duugga ah dhexdooda, waxa la hubaa in ay Ilaahyadu u kaydiyeen quruxdeeda goob kale oo bilan. Waxa ku soo dhacday maskaxda Iishma fikrad weyn oo ku saabsan Samiiraamis.

Berri waxa la qabanayaa bandhig-suuqeedka weyn ee Naynawa, kaas oo ku beegan xilliga guurka, ee sannad kasta lagu qabto Baabil. Halkan waxa isugu yimaadda doobabka iyo gashaantimaha ka kala yimi dhammaan gobollada boqortooyada weyn ee Caashuur; si uu mid kastaa uga raadsado lammaane ku habboon. Odayaashu waxa ay iibsadaan hablaha yaryar, si ay ugu guuriyaan wiilashooda marka ay waaweynaadaan. Waxa uu eegay labadii indhood ee Samiiraamis ee qurxoonaa, waxaanu goostay in uu berri Naynawa geeyo. Iishma waxa uu ku qaaday Samiiraamis tunka, waxa aanu aaday suuqii Naynawa. Haddii ay maalin uun quruxi hadli lahayd waxa ay ku dhawaaqi lahayd, ‘‘ Naynawa!’’.

Iishma waxa uu xidhay dharkiisii ugu wacnaa, laakiin waxa uu u muuqday dawarsade, marka loo eego dadka jooga suuqan ay ku tartamayaan nin kasta oo qaab lihi iyo gabadh kasta oo qurux badan. Waa ay qoslaysaa Samiiraamis qosol soo jiidasho leh, oo ku dhaliyay qof kasta oo arkay weyddiinta, ‘‘ Waa maxay dawarsadahan luulka gacanta ku sitaa?’’

“Siimaa” ilaaliyaha fardaha boqorku, waxa uu marayay suuqa si uu fardo cusub boqorka ugu iibiyo . Ishiisu waxa ay ku dhacday wajigii Samiiraamis. Siimaa waxa uu illaabay fardihii, waxa uu illaabay boqorkii, wax kastana waa uu hilmaamay; kaliya waxa uu xasuustay in uu madhalays ahaa. Mar kale ayaa uu eegay cunugtii; timo bunni ah oo dahab la moodo ayaa ay lahayd. Sidee ayuu bunnigu dahab u noqdaa?! Ma sharrixi kartid ilaa aad timaha yartan aragtid. Laba indhood oo soo koobaya macnaha dheddiginnimada oo dhan , dibno curdin ah … Siimaaa wax kasta faraha ayuu ka qaaday, waxaanu u kacay dhanka adhijirihii gaboobay iIshma. Iishma Waxa uu si feejigan u eegay dharkii Siimaa ee boqortooyada, cunugtiina waxa ay u dhoollacaddaysay Siimaa si yaab leh. Waxa garaacay wadnaha, oo ay ka soo fuqday gororkii u danbeeyay ee aabbennimo ah. Waa ay ku carartay oo legga ayaa ay ka gashay, sare ayaa uu u qaaday isaga oo faraxsan. Waxa uu jeebka ka soo saaray kiish lacag dahab ah , oo uu rabay inuu fardaha ugu qaalisan ugu iibiyo boqorka. Iishma waxa uu eegay kiishkii oo hunguriga ayaa ka soo dhacay, ka dibna waxa uu dhunkaday gacantii Siimaa, waanu iska dhaqaaqay isagoo ku heesaya :

“Marka uu yimaaddo badbaadiyihii waynaa, waad xoroobi doontaa runtii”

***
Waxa ay ahayd madal wayn oo wareegsan, oo uu ku xardhan yahay marmar cad iyo mid dahabi ah; waxa ku xardhanaa sawirrad Baabiliga ah ee ujeedaysan. Badhtanka madasha waxa ku taallay tuumbo biyaha ka soo qaadaysa webiga, oo si khayaali ah kor ugu tuuraysa. Ma rumaysan kartid in sidan ashqaraarka ah loo farsameeyay biyo-dhaca ka hor afar kun oo sannadood .

Indhaha ka qarso waxan oo hablo qaaqaawan ah ee jiif jiifa ama kuwan taag taagan , ee ku hareeraysan wiilka quruxda badan ee dhexdooda fadhiya .Eeg xoogga, quruxda iyo ragannimada wiilkan; eeg bilicda deegaanka iyo sixirka dhismaha reer Baabil ee ku hareeraysan . Waxa aad ku jirtaa qasri ka mid ah qasriyada boqortooyadii Baabil. Wiilkan quruxda badan waa Saahaak inankii boqor Kuush, oo boqol sanno laga joogo dhalashadiisa! Ha yaabin, da’da dadku berigaa waxa ay u dhexayn jirtay shan boqol iyo kun sanno .

Waa adigan kolba indhaha la raacaya bilicdan ashqaraarka ah. Goobta dalxiis ee ugu bilicsan Haawaay waa wax foolxun marka madashan loo eego. Indhahaagii waxa ay qabteen wax kaa dhabqiyay quruxdii aad la dhaygagsanayd ; waxa aad aragtay duq gaboobay oo faalig hayo , dhammaan ilkuhuna ka daateen, gadhkiisana waxa ku yaalla dhawr miiq oo timo ah, oo u dhaadheer oo si layaab leh oo foolxun. Waxa uu xidhan yahay cabbaayad madow oo jeex jeexan, isaga oo dhutinaya ayuu ku soo dhawaanayaa madasha; waxa uu koray odaygii duqa ahaa masrixii marmarka ahaa. Dummarkii qaaqaawanaa ayaa si quudhsi ah u soo eegay, indhaha ayuu yar yareeyay Saahaak; oo si deggan ayuu u eegay duqii. Isaga oo ku dheel dheelaya ayuu ku yidhi:

– Maansuukhyahaw cadh-dhada qabaa sidee ayaad halkan usoo gashay ?

Duqii waxa uu ku eegay laba indhood oo kaah iyo kalsooni iska keen ahi ku ladhanyihiin. Cod u eeg ka abeesada ayuu ku yidhi:
– Anoo laangadhaynaya ayaa aan soo dulmaray maansuukhyo cadh-dho qaba oo badan, oo xidhan koofiyado qosol leh, oo u taagan oo u taagan sidii qodin la tiiriyay. Waxa ay ilaalinayaan wax ay ku sheegeen inanka Kuush ee wayn . Waxa aan u soo galay meesha si aaan u arko inanka Kuush ee la sheegayo; mise waxa aan arkay hacoo hablo iskaga dhex jira, oo aan hub iyo seef midna sidan .

Dadkii waa ay naxeen, gaadhkiina Saahaak ayaa ay ku wareegeen. Saahaak inta uu booday oo uu leeb ka qaatay mid ilaalada ka mid ah, ayuu wadnaha ka geliyay odaygii. Odaygii wuu dhacay, Saahaakna waxa uu yidhi isaga oo cadheysan :
– Raqdan u tuura libaaxyada, hilibkan xun ka raalli ahaada dhaha, ee aanu maanta idin siinnay .

Gaadhkii raqdii oo la moodo inay beri hore tawaftay, inta ay qaadeen ayaa ay ku dhex tureen xeradii libaaxyada; libaaxyadiina iyaga oo gaajaysan ayaa ay cad cad u kala goosteen raqdii.

Saahaak isaga oo cadhaysan oo hiiftaamaya, ayuu qasrigii dhex qaaday. Cid kasta oo ka soo hor baxda waa uu huruufayay, gaadhkiina waxa uu ku canaantay side ayaa uu duqani u soo galay qasriga. Qolkiisii ayuu galay Saahaak.

– Maan garanayn in aad magac leedahay inankii Kuush ee waynaayoow!

Saahaak waxa uu eegay goobta codku ka imanayo, isaga oo yaabban. Waxa uu arkay nin ilko la’a, oo toban miiq oo timo ah gadhkiisa ku hadheen, oo xidhan cabbaayad madow oo jeex jeexan; codkiisana la moodayay codka abeesada.
***

***
Mar kale waxa aynu dhex joognaa Baabil, balse waa aynu ka fognahay qasriyadii boqortooyada. waxa aynu joognaa koonaha magaalada; xaafadaha danyarta. Waxa meesha maraya nin xidhan maryo boqortooyo, oo fuushan faras suunnaari ah, oo ay ku hareeraysan yihiin rag maryo isku eeg xidhan oo fardo isu eeg wata. Kani waa Oonsi la taliyaha boqorka, magaalada ayuu gaaf wareegayay isaga oo hoggaaminaya raxan madax ah, si uu dadka uu gaadhsiiyo amarrada boqorka ee aan dhammaan. Dadku waa ay ku xoonsanayeen iyagoo oo werwersan dhanna raagsanaya .

Dadkii xoonsanaa ee aamusnaa ayaa ku war helay shanqadha faras meel fog ka soo ordaya. Dadkii si yaab leh ayaa ay u eegeen, weftigii boqorkuna si cadho leh. Yaabkii waxa uu isu rogay amakaag , cadhadiina fajiciso; qofka faraska madow ku taagan ee sida dagaalyahanka u eryayaa maaha nin balse waa Samiiraamis:

– Ma wax badan ayaa I dhaafay?

Si maad iyo kalsooni leh ayaa ay u tidhi, oo aanay cid kale ku dhicin inay tidhaahdo .

Eeg waftigii boqorka, u fiirso Oonsi waxa ka dhacday cumaamaddii, indhihiisuna galka ayaa ay ka baxeen. Waxa uu la ashqaraaray dheddignimada, debecsanaanta iyo quruxda inantan faraska wadata. Siimaa ayaa ku canaantay Samiiraamis sida ay faraska u eryaysay iyo sida ay kulanka waftiga uga soo daahday. Balse Oonsi ayaa waftigii ku amray in ay socdaan, oo ay iska tagaan. Kolanyadii waa ay dhaqaaqday, Samiiraamisna faraskii ayaa ay ku boodday, laakiin waxaa soo jeediyay codka Siimaa :

– Shamiiraam! Kaalay soo deg oo dhunko gacanta la taliyaha boqorka, oo ii dhaaf dheh gefka aan galay, imaatinkaagu waxa uu dhabqiyay hadalkiisa e .

Waa ay ka soo boodday Samiiraamis faraskii, waxa ay u dhaqaaqday dhanka Oonsi iyadoo si dheddignimo ah u fiirinaysa. Jooggeeda iyo jamaalkeeda ayaa gilgilay, waxaana la moodayay inuu isagu u cudur daaranayo iyada .

Samiiraamis waxa ay soo fidisay gacanteedii quruxda badnayd gacantiisii ayaa ayna salaanatay.Inta uu gacanteedii soo dhuftay, oo uu isagu dhunkaday ayuu si hoose ugu yidhi:

– Marwo Shamiiraam inaad aqbasho inaan ku guursado, waa dariiqa kaliya ee qalbigaygu kugu saamaxayo .

Samiiraamis waxa ay eegtay Siima, kaa soo u eegaya sida aabeheed oo kale; wuu dhoollacaddeeyay waanu dhiirrigeliyay. Ka dib waxa ay eegtay Oonsi; waa nin awood leh oo xil wayn ka haya boqortooyada, qalbigeedu wuu aamusay caqligeedu se wuu waafaqay. Samiiraamis habeenkii xigay ba waxa ay ahayd gabadhii Oonsi, la taliyaha sare ee boqor Kuushka weyn: boqorka boqortooyada Baabil oo dhan .

***

Saahaak wuu anfariiray markii uu eegay meesha codka abeesadu ka soo baxayay. Waxa uu arkay odaygii duqda ahaa, wuu weeraray waxa aanu isku dayay in uu dilo. Gacanta ayaa uu is yidhi odayga ku dhufo , oo hawo ayaa uu feedhay. Waxa uu soo qaaday faynuuskii qolka dhex yaallay, oo xaggii odayga ayaa uu ku tuuray, balse waxa ay indhihiisu qabteen faynuuskii oo jidhkii odayga ka dhex baxaya.

Wax uu sameeyoo ayaa uu garan waayay Saahaak, odaygii ayaa se talo ku dhaqaaqay. Waxa uu soo qaaday faynuuskii, Saahaakna waxa uu arkay duqii faynuuska siday oo saddex qof noqday, ka dibna toban qof noqday. Tiradii odaygu waa ay is labanlaabtay ilaa qaar ka mid ahi hawada duuleen .

Dhammaantood waxa ay siteen nal ama faynuus; mar kaliya ayaa ay faynuuskii ku soo wada tuureen dhankii Saahaak. Markii uu is yidhi ka baxso dhulka ayaa uu ku dhacay. Qolkii wuu ololey Saahaakna wuu garan waayay si uu u baxsado. Odaygii waxa uu ku soo dhawaaday Saahaak, caqliga ayaa uu ka qabsaday oo waxa uu doono ayaa uu ku akhriyay. Konton duq halka ay ka ahaayeen waxa ay noqdeen oday kaliyaata, waxaana uu soo dul istaagay Saahaak. Cod xanshaashaqa oo ka abeesada oo kale ah ayuu ku yidhi:

– Naftaada fikir ha ku wareerin ina Kuushow, iskama kay dhicin kartide .

Saahaak oo fajacsan ayaa yidhi :
– Yaad … yaa aad tahay adigu?

Odaygii aya ku yidhi si aayar ah:
– Waxa aan ahay Luusifar (Ibliis ): taliyaha ilayska tan iyo maalinkii la abuuray nuurka.

Faynuuskii iyo ilayskii baxayay ayaa mar qudha wada damay Luusifarna hadalkiisii ayuu sii watay :
– Waxa aad tahay mid la doortay ina Kuushaw , waxa ku doortay nuurkayga iyo aragtidayda; aniga dartay waxa aad noqon doontaa ka ugu awood badan dhulka, aniga ayaa ku bari doona sirta maajiga (sixir), aniga ayaa kuu gacangelin doona waxa dhulka ku sugan oo dhan: jin insi iyo hantiba .

Saahaak ayaa doonay inuu hadlo, balse Luusifar ayaa hadalka sii watay:
– Cid aan adiga ahayni kuma habboona inay dunida ku amar ku taaglayso, cid aan adiga ahayn kuma habboona inay laxahan hoggaamiso. Adiga cid aan ahayn kuma habboona inay barato sirta maajiga. Haddaad rabto inaad taliskaaga sii liicayaa xoojiso, oo aad waxaas oo awooda hesho iyo in ka badan oo aan wali kuu sheegin; iigu kaalay buurtaa Danbaawandi. Carruurta halkaa joogtana weydii Luusifar iyaga ayaa ii kaa keeni doonee.

Odaygii hawada ayaa uu ku baaba’ay, sidii oo aanu hore u jirinba. Saahaakna waxa uu ka tagay isaga oo yaabban, yaab noloshiisa oo dhan beddeli doona maalmaha soo socda.

***
Waa buurta Danbaawandi, habeen gudcur ah oo dem ah. Wiil qurux badan ayaa fananaya buurta waddo dhagax ah, isaga oo raadinaya carruur tilmaanta. Oo waa ayo carruurta xilligan meesha joogtaa? Waa madow, gacmihiisana ma arko, waxa uu maqlayaa uun shanqadha kabihiisa. Marba marka ka danbaysa waxa u muuqanaya hadh dad la moodo, oo isku beegaya dhagaxaanta. Saahaak waa uu u qaadan la’yahay, cod dheer ayuu ku qayliyay:
– Odayahaw duqda ahi ku mee, waa I kan waan joogaa Danbaawandi ye?

Wax jawaab ah muu helin aan ka ahayn danab-kaca codkiisa ee buurtu ku soo celisay. Waxa uu mar kaliya dareemay in aanu keligii ahayn, ee la weheliyo. Waxbaa la socda oo mar jaanta la qaadaya. Wuu naxay Saahaak oo hareeraha ayuu eegay ; dhinac kasta waxa uu ku arkay indho dhalaalaya : hortiisa, hareertiisa iyo gadaashiisa waa indho. Muu baqan Saahaak ee wuu qayliyay isagoo canaananaya :
– Mee Luusifar, mee kii isku sheegayay amiirka nuurku?

Markuu intaa yidhi ayaa ay is tuseen, waxa ay ahaayeen boqol carruur ah. Si kakan ayaa ay u soo eegayeen . Dhar madow ayaa ay xidhaanaayeen, timo madow oo dhaadheer ayaa ay lahaayeen . Inta ay isku soo urureen iyaga oo aan hadlin ayaa ay xagga woqooyi u dhaqaaqeen. Saahaak waa uu raacay isaga oo yaabban. Waxa ay geeyeen god buurta ku yaallay, ka dibna laba saf ayaa u istaageen , waddana waa ay u banneeyeen. Saahaak inta uu eegay ayaa uu dhex maray , godkii ayaa aanu galay .

Sidii ballantu ahayd Luusifar waa sii sugayay. Muu ahayn duq , curyaanna muu ahayn, balse, waxa uu ahaa Luusifar; timaan kale ma laha oo aan ahayn inuu yahay Luusifar! Kursi weyn ayaa uu ku fadhiyay, madow ayaana ku hareeraysnaa; inkasta oo ay ka ag shidnaayeen laba faynuus oo nuur yar bixinayaa.

Xoogaa cabsi ah ayaa gashay qalbiga Saahaak. Noolaha hortiisa fadhiyaa ma aha insi , inkasta oo uu muuqaal dad leeyahay haddana wejigiisa caadi uuma uu muuqan. Tani ma aha gacan bashar, kuwani ma aha faro bashar, ciddiyahani ma aha kuwo dad; waa maxay noolahani tolow ? ma Illaahay oo carshigii fadhiyaa! caqligiisa Baabiliga ah ee abaaday ma soo saari karo inuu labo tallaabo u jiro shaydaankii Luusifar, ma uu garanayn inuu hor taagan yahay Ibliis laftiisii.

***

Wax kastaa si qunyar ah ayaa ay usoo muuqdeen, wejigii madowgu hadheeyay hadda waa la arki karaa, Saahaak imika yaabkii wuu ka baxay. Luusifarka la sheegayaa waxa uu lahaa timo dhaadheer oo dhulka taabanaya , timahaasi wajiga oo dhan ayaa ka qariyeen, mana garanaysid inaad hor taagantay iyo inaad daba taagantay. Luusifar ayaa si deggan u yidhi :

– Waxa aan kaa doortay Saahaakow ragga dunida jooga oo dhan. In kasta oo aad nolol baashaal ah ku jirto, haddana waxa aad leedahay qalbi dhintay oo aan jixin jixin; qalbi geesi ah iyo ruux keenodiid ah.

wuu fir-ka-naxay Saahaak oo dhidid ayaa dhafoorka yaacay , waxaana uu la amakaagsan yahay cidda hor fadhidaa waxa ay tahay. waxa uu si hoose ugu yidhi:
– Maxaa aad igu dooratay ?

Si cadho leh ayaa uu Luusifar ugu jawaabay Saahaak, codkiisa ayaana laga dareemayay inuu xanaaqay, waxa uu yidhi :
– Waxa aan kuu doortay si aad dadka u hantido, si aad u noqoto basharkii u horreeyay ee la baro sirta maajiga.

Inta uu aamusay ayuu Luusifar yidhi :
– Waa inaan qalbigaaga imtixaamo, sirta maajiga ee wayni haddii cid qaldan u gacan gasho qofkaasi hore ayuu ka dhimanayaa.

weedha imtixaan waxa ay dhimbiil dab ah ku ahayd nafta Saahaak, waxaanu yidhi:
– Waa maxay maajigan aad ku soo cel celinaysaa, waa maxay imtixaanka aad I marinaysaa ?

luusifar ayaa hadalkii boobay oo yidhi:
– Waa inaad I aragto oo aanad fir-ka-nixin, haddii aan wajigayga ku tuso oo aan inyar oo naxdina ishaada ka dareemo, markaba waan ku dilayaa. Haddii aad I aragto oo aanad nixinna sirta maajigu waa garabkaaga, oo adduunka ayaa laguu soo laabi doonaa, noolaha oo dhamina waa ay ku hoggaansami doonaan.

Wax badan ayaa uu aamusnaa Saahaak, ka dibna waxa uu yidhi:
– I tus wajigaaga waayahaye kanoow?

Si degdeg ah ayaa ay timihii uga leexdeen wejiga Luusifar , oo si toos ah u fadhiistay, wejigana ku soo dhaweeyay Saahaak.

Waxa uu ahaa Saahaak mid ilbidhiqsigaas daawanaya wejiga ugu foolxun ifka; waa wejiga ibliis e . Dhafoorka ayaa dhididay , wadnaha ayaa garaacay , ka dibna waxa uu yidhi :
– Wexee nacdalan ayaa aad tahay adigu?

Luusifar ayaa hadlay, foolxumadiisiina waa ay sii laba jibbaarantay. Waxa uu yidhi
– Waxa aan ahay shaydaan rajiim ah (La fogeeyay).

Kani waxa uu ahaa kulankii ugu horreeyay ee jin iyo insi dhex mara , waxaanu ka dhacay Baabil, xaddaaraddii ugu horreysay ee dad sameeyay duufaankii Nuux ka dib.

Saahaak habeen kasta waxa uu booqan jiray godkaas. Luusifar waxa uu baray Saahaak sirta maajiga.Maaji waxa ay la macno tahay afka reer Baabil Sixirka.

Saahaak waxa uu ahaa sixiroolihii ugu horreeyay ee dhulka kor socda. Taariikhdu waxa ay Saahaak ku naanaystay magac caan ah oo kiisii caadiga ahaa qariyay, waxa loo yaqaannaa Saahaak taariikh ahaa Namruud; boqor Namruud. Markii dhawr jeer ay ka soo wareegtey kulankii Saahaak iyo shaydaanka waxa uu Saahaak shirqoolay aabbihi Kuush; waxa uu u qoday hog dheer oo ay ka soo jeedaan konton waran, oo caleen lagu daday. Kaasi waxa uu ahaa shirqoolkii ugu horreeyay ee taarikhda qof loo dhigo; waxa uu ahaa dabinkii dilay boqor Kuush. Shirqoolkaasi waxa uu Saahaak u sahlay inuu boqor noqdo, oo uu aabbihii dhaxlo. Waxa uu saahaak noqday boqorkii ugu waallida iyo dhiig daadinta badnaa abid.

Inaad noqoto boqor kelitalis ah waa la fahmi karaa, balse, inaad noqoto boqor digtaytar ah oo sallid ah, oo dhiigya cab ah, oo haddana sixiroole ah, oo faajir ah; waa shay aan weli adduunka soo marin. Namruud waxaas oo dhan ayaa uu ahaa .
Waxa uu ahaa qofkii ugu horreeyay ee taaj madaxa saarta, fikradda taajka laftigeeda waxa uu ka soo xaday boqorrada jinka. Waxa uu sameystay taaj wayn oo dahab ah iyo fargal wayn oo dahab .

Taariikhdu waxa ay xustaa inuu namruud yidhi markii uu madaxa taajka saartay:

– Waxa aanu nahay annagu boqorrada ifka, ee hantiyay waxa yaal adduunka.

Weedha ‘annagu’ illaa hadda waa la garan la’ayahay cidda uu ula jeeday.

Dhammaadka qaybtii 2aad.

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here