Antikhiriistoos (3): Namruud iyo Nebi Ibraahiim

Ibliis

Antikhiriistoos (3): Namruud iyo Nebi Ibraahiim .
Qalinkii: Axmed Khaalid Mustafe.
Turjumid: Cali Ileeye
_________________ Qaybtii 3aad.
Markii uu Saahaak ama Namruud heshiiska la galay Ibliis, ee uu baray sirta maajiga, waa kii aabbihii Kuush dilay, ee kursigii dhaxlay. Saahaak waxa uu bilaabay in uu xukunkiisa dhidibada u aaso, oo dhulka boqortooyadii Baabilna uu balaadhiyo.

Dagaallo hor leh ayaa uu bilaabay Saahaak, isla markii uu kursiga salka dhigayba. Inkasta oo la taliye sare Oonsi uu aroos ahaa haddana durbaankii dagaalka ayaa hurdada ka kiciyay. Isaga oo kaliya jiif looma diidin balse gabadhiisiina waa ay la diyaar garowday; faras yaqaan Samiiraamis. Samiiraamis waxa ay ahayd fardofuul jiitay, waxa aanay dagaalladii ka dhigtay wacdaro, aanay raggu samayn; guuto dhan ayaa ay kaligeed hoggaaminaysay. Quruxdeedii hore ayaa ay hoggaamintu qurux ugu kordhisay; waxa ay lahayd qurux ay indhuhu u qushuucayaan, qurux ragga oo dhami u carrab laalaadiyeen. Waxa ay leedahay laba indhood oo waaweyn, iyo baadad timo madow oo cufan leh. Indhaheeda waxa laga akhrisanayay kaaha cabqariyadda iyo in ay tahay taliye imbiraadooriyad seeska u dhigi kara.

Dagaalkii ugu horreeyay waxa ay muujisay Samiiraamis maskaxbadnaan iyo xeelad-dagaal oo xadhkaha goostay. Xeelad burburisay boqortooyadii Bakteeriya, ee dhufayska adkayd. Warkii Samiiraamis waxa uu gaadhay boqor Namruud, kaas oo la fajacay sida ay gabadh dagaal yahani wacdarahan u dhigi karto. Waa uu u yeedhay si uu u abaal mariyo, waxaana dhacay kulankii ugu horreeyay ee Namruud iyo Samiiraamis dhex mara.

Boqor Namruud waxa uu ahaa mid fadhiya carshigiisa, isaga oo hadal kulul kula hadlaya la taliyayaashiisa, sida uu mar walba sameeyo; la taliyaasha waxa ka mid ahaa Oonsi, xaajiga Samiiraamis. Si kedis ah ayaa ay u soo gashay Samiiraamis; iyada oo wadata quruxdeedii, kalsoonideedii iyo tamarteediiba. Markii ay Namruud aragtay wadnaha ayaa garaacay, si aanay hore isugu arag. Qalbigeeda ayaa ay su’aashay ma waxa aad ka cabsanaysaa boqorka ugu weyn dhulka? Waa ay is diidsiiyay naxdintii, iyadu ma aha nooca u ruxma haddii ay qof madax ah arkaan. Markaa waxa uu Namruud canaananayay mid ka mid ah la taliyayaashiisa. Markii uu arkay qoftan soo gashay si dareen leh ayaa uu u eegay, fadhigii ayaa uuna ka kacay. Markii uu kacayay waxa uu is weydiinayay maxaa aad u kacaysaa? waayo, isagu ma aha dadka u kaca qof u soo galay. Indhaha ayaa ay isku dhufteen, cid kale in ay jirtana maa aad moodayn sida ay isugu maqnaayeen.

Waxa meeshii soo galay daymo kale, oo cadhaysan, oo waxa dhacaya diiddan. Oonsi ninkii Samiiraamis ayaa aan ku faraxsanayn sid ay wax u socdaan.
Haddana waxa meeshii soo galay indho kale oo nacdalan, indhihii shaydaanka ee Luusifar.

***

Inyar ka dibba waxa aad daawanaysaa Oonsi oo ka sii shalwanaya qalcaddii weynayd ee Baabil. Namruud ayaa khaarajiyay, si uu u guursado Samiiraamis. Si dheel dheel aha ayaa uu Namruud u sii eegaayay Oonsi dhimashadiisa. Markiiba waxa uu la aqal galay Namruud Samiiraamis, waxaana loo dhigay aroos ay la ruxmatay dhammaan boqortooyadii Baabil.Waxaa la dhigay xaflado aan hore iyo danbeeto midna loo arag, saddex cisho oo xidhiidha ayaa uu dabbaaldeggu socday; haddiyado badan ayaa dadka oo dhan loo qaybiyay oo dhar iyo xalwad ba leh. Waxa kulmay dayaxa iyo cadceedda sida ay sheeko-baraleydu sheegto: cadceeddu waa ilaaha iftiinka oo ay ku sheegeen Namruud dayaxuna waa ayaanka quruxda Samiiraamis.

Awooddii Namruud waa ay laba-jibbaarantay, markii ay Samiiraamis xikmad iyo xeelladeediiba kula soo biirtay. Maskaxbadnaantii dagaalka ayaa la midowday qallaylkii, qooqii iyo sixirkii Namruud. Boqortooyadii Namruud waxa ay ku duushay dhammaan boqortooyooyinkii ku hareeraysnaa oo dhan, illaa uu Namruud noqday boqorka toddobada gobolba (adduunka). Intaas uun kuma uu joogsan ee waxa uu damcay awood dheeraad ah. Waxa uu doonay in uu cirka ku duulo. Waxa uu soo ururiyay lix boqol oo kun oo qof, oo uu ka soo kaxeeyay dhammaan boqortooyooyinkiisii toddobada gobol ba. Waxa uu amray in ay dhisaan fooq cirka ku dhereran, oo aanu qofku gaadhay dushiisa illaa uu sannad socdo. Waa dabaq daruuraha in badan dhaafaya. Dhabtii waa ay bilaabeen injinneerada iyo shaqaalihii dhismaha fooqaas, illaa jinka ayaa ka qayb qaatay dhismihiisa. Dhawr sanno ayaa lagu dhisay fooq weyn, waxaanu noqday fajicisadii ugu horreeyay ee toddobada fajac ee adduunka; waa fooqa Baabil. Fooqaasi waxa uu ahaa qasriga Namruud iyo carshigiisa dhulka.
***
Maalin maalmaha ka mid ah Namruud waxa uu ku jiifay dhabta xaaskiisa Samiiraamis, waa uu hurday, iyaduna gacanteeda ayaa ay ku salaaxaysay timihiisa, dhibirsanaan aanay hore u lahaan jirin. Namruud se arrin kale ayaa ku furnaa markaa, waxa uu ku jiray riyo cajiiba. Waxa uu arkayay fardo-fuul faraskiisa fuushan oo hawada duulaya, qorrax ka soo baxa. Isna waxa uu is arkay isaga oo sammada duulay, oo la diriraya ninkaa kale ee faraska fuushan. Waxa uu arkay ninkii faraska fuushanaa oo meeshii ka tagay, iyo meere iftiimaya oo meeshii ka soo muuqda. Waxa uu eegay kobtii uu islahaa kula dagaalan fardo-fuulka, ee uu markii hore joogay, waxa uu arkay se cadceed meeshii joogta. Cadceeddi waa ay baaba’day oo meerihii kale ayaa meeshii fadhiistay ee iftiinka badnaa. Mar kale ayaa uu meeshii eegay waxa aanu arkay fardo-fuulkii oo meeshii meeraha taagan, oo u soo socda dhankiisa. Waxa uu u soo kacay ninkii faraska fuushanaa dhulka, waxa aanu isaga oo farashkii fuushan soo weeraray Namruud. Namruud wuu qayliyay oo waa uu ka sasay hurdadii. Waxa uu arkay Samiiraamis oo eegaysa, garabkiisana gacmaha saartay oo dejinaysa .

Waxa ay Samiiraamis soo ururisay dadkii ugu aqoonta badnaa Baabil, si ay ugu fasiraan riyada Namruud. Waa ay ka baqanayeen in ay runta farta ka saaraan, oo ay u sheegaan waxa ay riyadu ku saabsan tahay. Ugu danbayntii waxa ay isku raaceen in ay dhabta u sheegaan Namruud. Waxa ay ku yidhaahdeen waxa dhulkan ku dhalanaya wiil, wax badan ayaa aanu burburin doonaa wiilkaasi.

Wuu cadhooday Namruud cadho argagax leh. Waxa uu amray in la dilo dhammaan wiilasha dhalanaya toddobada gobolba. Ciidankiisu waxa ay gaaf-wareegi jireen guryaha, carruurtana waa ay layn jireen. Maalmahaas waxa dhashay Nabi Ibraahiim, hooyadii ayaana ka qarisay ciidankii Namruud. Illaa uu weynaad oo uu qaangaadhay. Reer Baabil waxa ay ahaayeen kuwo caabuda meerayaasha iyo dayaxa; Cadceeddu waa ilaahooda weyn waana boqor Namruud, dayaxuna waa ilaahooda yar waana Samiiraamis. Namruudkan la caabudaa isagu shaydaanka ayuu hoos tagi jiray.

Waxa uu ahaa Namruud maalmahaa mid kibray oo qooqay. Gacan bir iyo dab ah ayuu ku maamulayay bulshada. Nabi Ibraahiim waxa uu bilaabay in uu dadka ugu yeedho dacwadda, oo ku wacdiyo Ilaah qudha ayaa jira, ee iska dhaafa waxa kan aad caabudaysaan. Waxa uu u sheegay in meerayaasha iyo sanamyadu ay yihiin wax aan dhib iyo dheef toona qofka u soo jiidahayn. Waxa dhacday sheekadii caanka ahayd ciiddii gu’ga. Waa ciiddii uu Nabi Ibraahiim burburiyay sanamyadii Baabil, ee yaallay macbadka Oor; halkaas oo uu faashkii sudhay qoorta sanamkii ugu weynaa, oo loo yaqaannay Mardookh. Markii ay dadkii ciiddii ka soo noqdeen waxa ay arkeen dhammaan sanamyadii ay caabudayeen oo la burburiyay, marka mid laga reebo; kaasina waa Mardookhii weynaa, kaas oo ka mudhay sanamyadii kale, sheeddana laga soo arkayay isaga oo faash garabka u sudhan yahay. Dadkii waa ay buuqeen, oo xanaaq ayaa ay isla oogsadeen. Waxa ay xasuusteen cadhadii uu Ibraahiim u qabay sanamyadooda, waa aanay u yeedheen, si ay wax u weydiiyaa. Waxa uu ugu jawaabay weydiintii caan baxday ee ahayd:

– Waxa burburiyay sanamkaa weyn, ee isaga weydiiya haddii uu hadli karayo.

Waa ay gadoodeen dadkii, waxa aanay warkii gaadhsiiyeen ilaahooda Namruud. Waxa dhex martay Namruud iyo Nabi Ibraahim doodda adag ee caanka ah:

– Waa ayo Ilaaha aad caabudaysaa Ibraahimoow?
-Waa Ilaaha wax dila waxna nooleeya.
_Anba wax waa aan dilaa, waxna waa aan nooleeyaa. Ka aan rabo cunaha ayaa aan qabtaa oo waa aan dilaa, ka aan raba waa aan iska sii daayaa oo waa aan nooleeyaa.
-Ilaahay cadceedda bari ayuu ka soo bixiyaa, ee bal adigu galbeed ka soo saar.

Namruud waa la jebiyay dooddii, wax uu yidhaahdana waa uu garan waayay. Waxa uu amray in Ibraahiim la dilo, dil u dhigma gabbood-falka uu ilaahyada ku sameeyay oo kale. Waxa uu faray in la shido oog dab ah, oo Ibraahiim lagu rido. Reer Baabil bil dhan ayaa ay dabkii shidayeen, iyaga oo xaabo ku guraya. Dabkii ay shideen magaalada oo dhan ayaa uu ifiyay dabo illaa dacal. Iyaga oo wadhfiye (Maanjaniiq) adeegsanaya ayaa ay Ibraahiim ku tuureen dabkii. Maalmo iyo habeenno ayaa ay iska daawanayeen dabkii illaa uu ka demay. Ka dib waa ay ku soo yaaceen dabkii si ay u arkaan danbaska ninkii ilaahyadooda burburiyay. Waxa ay arkeen isaga oo iska taagan oo aan midhkaa qabin, xarriiqyarina aanu soo gaadhin.

Namruud wuu cadhooday cadho weyn, laakiin wuu qarsanayay cadhada, markan. Cadhadu waxa ay ku wajahnayd xulafadiisii iyo gargaarihiisa, ugu ballan qaaday tamarta iyo awoodda; waxa uu u cadhooday Luusifar.

***

Waxa soo socda ee uu sameeyay Namruud waxa uu ahaa mid yaableh, waxa uu ahaa mid amakaag ku ah inuu qof bashar ahi sameeyo. Namruudba waxa loogu bixiyay ficilkan ayuu ahaa. Namruud waxa uu tagay buurtii Danbaawandi, gaar ahaanna godkii uu kula kulmi jiray Luusifar si uu sixirka u baro:

– Meeday awooddii dhammayska tirnayd ee aad sheegaysay. Sidee baa uu dab holcayaa u gubi waayay jidhka qof lafo iyo hilib ah?
– Maxaa yeelay waa shaydaan ila mid ah, aniga.
-Dhabtii? Ma waxa aad ka waddaa shaydaan adiga kaa weyn? oo soo annaga garanayna Ibraahiim iyo aabbihiisii dhagax-qoraha ahaa ee Aasara.
– Waajib ma aha in aad ogaato wax kasta oo aan garanayo. Aniga iyo adigu waxa aynu nahay uun xulafo keliyaata, oo aan anigu taliyaha ahay, halka aan joogo adigu ma soo gaadhu kartid. Ugu danbayna waxa aad tahay uun bashar kaaja , oo gaajoonaya oo dhimanaya.
– Meeday awooddii? Waxa aan koray sammada u saraysa oo fooqaygu gaadhayo oo ma aan helin, waxaa aan u daadegay halka ugu hooseysa oo ah godkan aan kuugu imi oo ma aan helin.
– Awooddu waa in aad tahay boqorka toddobada gobol. Ma jiro qof aan magacaaga maqal oo aan kaa cabsanayni, marka uu magacaaga maqlo. Qoysas dhan oo jin ah ayaa kuu adeega.
– Dhammaantood illaa mid qudhaata… Ibraahiim. Waa maxay waxa uu haysto ee aanan anigu haysan ama aanad adigu haysan?
– Waa faqiir, oo waxba ma haysto. Xeelad ayuun buu isticmaaalayaa, xeeladduna waa tii dabka ka badbaadisay.
– Waxa aad tahay beenaale. Waxa aad tahay dulli. Waxa aan kuu sheegayaa in aan ku dili doono oo aan kidif kidif kuu jarjari doono marka aan awooddaa helo.

Namruud waxa uu ka fallaagoobay garabkiisii Luusifar, hore waxa uu uga fallaagoobay aabbihii oo waa uu dilay. Illaahay ayaa uu ka fallaagoobay oo waa uu ka gaaloobay; waxa uu ka fallaagoobay sanamyadii iyo meerayaashii tolkii caabudayeen, oo maba uu danayn jirin. Waxa uu ka fallaagoobay xeerarkii, hiddihii iyo dhaqamadii, ka dib markii uu kibray ee uu ku qooqay dhulka. Intaas oo dhan ka dib waxa uu ka fallaagoobay kii sixirkaba baray; Ibliis ayaa uu ka fallaagoobay. Namruud waxa ay ka timi tamarud ama fallaago; Saahaakna waxa uu ahaa aabbaha fallaagada inta taariikhdu xustay.

***

– Sayid Saahaak, waxa ina soo gaadhay cunta-kariyihii cusbaa, ka dib markii aad eriday kii hore.
-Soo daa ha soo galee. Horena hadalka ha u dhammeeyo.

Namruud waxa uu ahaa mid la gorfeynaya arrin la taliyaashiisa qaar ka mid ah, markii u dareemay shanqadha kabaha qof soo socda. Wuu eegay, ka dibna waxa u sawirmay qof uu garanayo, oo loogu sheegay cunto-kariye. Oday duq ah, oo laangadhe ah, oo ilka la’, oo xidhan cabbaayad madow oo jeexjeexan. Waa duq dhoolla-caddeynaya si dheeldhel ah. Duqii ayaa ku yidhi cod xanshaashaqa:
– Waxa aan u imid taliye in aan kuu kariyo cuntada ugu macaan ee gacmahaygu sameeyaan.

Waxa uu duqii u soo dhawaaday Namruud isaga oo sida dabaq dahab ah oo cunto ku jirto. Waxa uu ku yidhi Namruud isaga oo ka boodsan:
– Uma baahni in aan arko waxa aad siddid. Waan ku diiday adiga.

Wuu dhoolla-caddeeyay duqii waxaana muuqday ilkihiisii teelteelka ahaa, oo foolxun. Waxaanu yidhi:
– Iga raalli ahow taliye. Ii ogolow in aan garabka kaa dhunkado, aniga oo ixtiraam kuu muujinaya.

Odaygii waa uu soo dhowaaday illaa uu dhulka madaxa saaray lugihiisa hoostiisa. Ka dib wuu kacay oo waxa uu dhunkaday garabka midig ee Namruud iyo ka bidix. Ka dib wuu iska baxay, oo wuu iska tagay.

-Maxaa aad u diidday taliye, wuu cunto macaanaaye.

Namruud uma uu jawaabin, waxa uu ahaa mid tash ku furan yahay. Luusifar habkan ma raalli gelin ayuu uga jeeday mise wax kale, mooji. Namruud waa uu kacay waxa aanu toos u aaday qolkiisii, ay joogtay xaaskiisa Samiiraamis, oo uu u tagi jiray markasta oo dhib qabsato. Maskaxdeedda iyo xeelad badnaanteedu waxa ay la miisaan tahay buurta Danbaawandi oo dahab ah iyo wax la mid ah. Markii uu u galay Namruud qolka, waxa uu arkay Samiiraamis oo shanlaynaysa timaheedda dahabka ah ee bunniga ah . Markiiba waxa uu dareemay Namruud garbaha oo xanuunaya, iyo lafihiisa oo la moodo in ay kala baxayaan. Wuu qayliyay Namruud oo dhulka ayaa uu ku dhacay. Samiiraamis ayaa aragtay, oo ku soo carartay. Ka dib waa ay istaagtay iyada oo ka fajacsan waallida horteeda ka socota.

Garbihii waaweynaa ee Namruud waxa ka soo baxay laba mas oo madmadow oo foolxun. Marna cunaha ayaa ay iskaga marayeen marna garbaha; marna dharkiisa ayaa ay dhex galayeen. Waa laba mas oo aan dabo lahayn. Labadii mas waa ay carteen, oo fiiftameen, miciyaha ayaa aanay isla dhacayeen. Wax dhaqdhaqaaq ah ma ay samayan Namruud iyo Samiiraamis, maxaa yeelay, labaduba waa ay suuxeen. Fiifta masaska ayuun baa laga maqlayay qolka oo dhan

***
Luusifar waxa uu farriin u soo diray Namruud , waxa uu u soo qoray:
” Quudi caloolaha qatan markasta. Haddii ay waayaan wax ay cunaan, madaxaaga ayaa ay quudan doonaan.”

Xilligaa laga soo bilaabo caado cusub ayuu Namruud la soo baxay. Gacanyarayaashii waxa uu amray in ay laba madax oo dad u keenaan subax kasta. Waxa uu ogaaday in aanay labadan abeeso madax dad mooyee wax kale cunayn, weliba madaxa carruurta; waayo, marar badan ayaa ay masasku diideen madaxa dadka waaweyn. Gacanyarayaashii , maalin kasta magaalada ayaa ay ku kallihi jireen laba madax ayaa aanay u keeni jireen. Cidna ma ay fahmin waxa uu Namruud labada madax ku suubbinayo. Cid kasta oo ka hor timaadda amarkanna qoorta ayaa uu u dheerayn jiray Namruud. Cidna ma ay garan cabbaayaddan madow ee uu Namruud imika mar kasta xidho, cidna kama ay fahmin waxa kan ka hoos dhaqdhaqaaqaya cabbaayadda, qofna kuma uu dhiirran in uu weydiiyo Namruud.

Marar badan waxa uu isku dayay Namruud in uu gawraco labada abeeso. Markasta oo uu gawraco garabkiisa ayuun baa ay laba cusub ka soo bixi jireen. Samiiraamis hadalkii ayaa ku gudhay, wax ay samayso waa ay garan wayday oo ay ku badbaabiso ninkeeda. Dhakhtarro ayaa ay uga keentay dhammaan toddobadii gobol ba; dhakhtar kastaana waa uu ku guul darraystay in uu tirtiro labada abeeso. Markasta oo uu dhakhtar ogaado sirta labada abeeso ee Namruud ku maran waa la dili jiray.

Waxa maagalada dhinaca kale ka degganaa nin tummaal ah oo la yidhaahdo Kaawe, waxa wejigiisa ka muuqatay tamar xooggan. Murugo badan ayaa uu qabay, maxaa yeelay, gacanyarayaashii Namruud ayaa u yimid oo laba carruur ah ka qashay; oo Namruud u geeyay. Kaawe waxa uu ahaa tummaal muslin ah, oo raacsan diinta Nabi Ibraahiim. Waxa uu dhex lugayn jiray dadka dhibban, ee dulman, ee carruurtooda madaxa laga guray. Wuu dhex dagay oo waxa uu ku abuuray kacdoon lagaga soo horjeedo Namruud iyo taliskiisa. Guri guri, xaafad xaafad iyo tuulo tuulo ayaa uu u gaadhay warkii kacdoonku. Waxa uu soo ururiyay Kaawe –oo ka amar qaadanayay, ummad badan oo cadho u qabta Namruud.

Si kedis ah ayaa uu Kaawe u soo galay fooqii Baabil. Namruud ayaa soo daayay isaga oo moodaya inuu yahay tummaal soo bandhigaya waxa uu gacantiisa ku farsameeyay. Waxa uu ku yidhi Kaawe, lahjad adag isaga oo kula hadlaya, oo aanu Namruud u baran:
– Boqorkii Baabil, Caashuur iyo weynaheediiyoow, islaam aad nabad gashide, oo aan taliskaaga kuu daynee.
– Oo ma waxa jira Ilaah aan aniga ahayn kanoow?
– Ilaaha dhulka iyo sammooyinka ayaa jira.
– Ma sidii Ibraahiim ayaa aad u hadlaysaa?!
-Ibraahiim waa nebi Ilaahey soo diray, dacwaddiisana waa aanu rumaynay annagu. Adigana waxa aanu kuugu yeedhaynaa in aan Ilaahay keligii caabuddo, oo aanad u shirki yeelin. Haddaad diiddana waa aanu kula dagaalami.
– Waar miyaa aad waalateen? Anigu waxa aan ahay Saahaak, weynihii Baabil, Caashuur iyo gobollada toddobada ah. Soo ururiya ciidankiinna saddex cisho, anna aan soo kaxaysto huwantayda. Dhulkaba waa aan idinka tirtiri doonaa, oo raadkiinnaba waa la waayi doonaa.

Kaawe waxa uu saddex cisho ku soo ururiyay kooxo cadhaysan, Namruudna ciidankiisii ayaa uu isu keenay. Namruud isaga ayaa ciidankiisa soo horkacay, waxaana la socotay xaaskiisa fardo-fuulka ah ee Samiiraamis. Ciidanka Namruud waxa ay in badan ku soo labalaabmayeen kooxaha Kaawe. Labadii ciidan ban cidlo ah ayaa ay iska hor yimaaddeen. Kaawe iyo ciidankiisu waxa ay eegayaan weynida iyo badnida ciidanka Namruud, iyo sida ay u hubaysan yihiin. Naftooda marka ay eegaanna waa ay isla yaabayeen yaridooda iyo hub yaraantooda. Si quudhsi leh ayaa ay Namruud iyo Samiiraamis u eegeen ciidanka Kaawe. Ciidanka Namruud waxa ay rabeen in ay cagta mariyaan ciidankan yar ee hor taagan, oo ay burburiyaan. Dhinaca cadceed ka soo baxa waxa ka soo muuqda wax.

Awooddii uu in badan raadiyay Namruud ee uu waayay, waxa ay maanta goosatay in ay wax tusto; awoodda Ilaahay ee ah abuuraha cirka iyo dhulka iyo waynahooda. Si kedis ah oo aan wargelini jirin waxa ay dhammaan ciidamadi arkeen ciidan kale oo dhinaca bari ka soo socda, ciidan sammada ka yimi. Ciidan badnidiisa cadceeddii qariyay, waa ciidan kaneeco ah.

Markii hore cidna ma ay fahmin waxa socda. Maxaa ay rabtaa kaneecadan cadceeddii qarisay. Waxyar ka dibba ciiddankii kaneecadu waxa uu soo gaadhay meel laga arki karo. Wuu fir-ka-naxay Namruud, cirka ayaanu eegay, isaga oo isku dayaya inuu fahmo waxa socda. Kaneecadi hoos ayaa ay u soo dagtay iyada oo ku dhex dhacday ciidankii Namruud. Waa ay isku dhexyaaceen ciidankii Namruud, iyaga oo mid kastaa isku dayayo in uu baxsado. Kaneecadani ma ay ahayn mid caadiya, waxa uu ahaa nooc kaneeco ah oo aanu dhulku hore u arag xataa casrigii Dhaynasoorta. Waa nooc bahal ah, waxa uu qaniinyo ku dhammeeyay cadkii ciidanka Namruud. Hilibkoodii dhulka ayuu wadhnaa, isaga oo dhiig ka qulqulayo. Namruud iyo xaaskiisu waxa ay isku dayayeen in ay meesha ka baxsadaan, oo aanay kaneecadu soo gaadhin. Namruud ayaa cirka eegay, kadibna waxa uu yidhi:

– Yaa aad tahay kan awoodda lehoow? Halkeed joogtaa? Ma shaydaan ayaa aad tahay?

Waa ay ordayeen isaga iyo xaaskiisu kaneeco badan ayaana eryanaysay. Waxa ay u muuqatay in uu faraskoodu ka dheeraynayo kaneecada, balse, hal xabbad oo kaneeco ah ayaa soo gaadhay; wax cajiiba ayaa aanay samaysay. Waxa ay ka gashay sanka, oo maskaxda ayaa ay fadhiisatay. Namruud waxa uu waayay dheellitirkii oo waa u dhici gaadhay, se waxa soo qabatay Samiiraamis, oo faraskeeda ku soo wareejisay. Waa ay oroday ilaa ay kaneecadii kale ka dheeraysay, waxaanay galeen fooqii Baabil. Albaabadii ayaa ay soo xidhay.

***

Waxa lagu jabiyay Namruud dagaalkan jab weyn. Ciidankisii uu horkacayay dhammaantood waa ay go’een. Waxa u soo hadhay ciidan yar oo qasriga Baabil ilaaliya. Ciidankii Kaawe markii ay arkeen mucjisadaa Eebbe ayaa ay dhammaantood u sujuudeen, iyaga oo u mahad naqaya. Ciddii aan muslim hore u ahayn waa ay islaameen. Kaawe calankii ayaa uu kor u qaaday waxa aanu ciidankii ku hoggaamiyay dhanka qasriga Baabil, halkaas oo ahayd qasriga Namruud ee carshigu u yaallo.

Namruud xaalladiisu waa ay ka soo daraysay. Kaneecadii sanka ka gashay, maskaxda ayaa ay fadhiisatay. Markasta oo ay dhaqdhaqaaqdo Namruud waa lagu kacayay, mana uu nafisayn illaa kab wejiga lagala dhaco. Samiiraamis waxa ay eegaysay ninkeeda oo kab lala dhacayo, waana ay ooyaysay. Waxa ay rabtay in ay nafteeda ku furato, haddii ay suurto gal tahay. Waxa ay xil iska saartay in ay quudiso labadii mas ee garabka ka saarnaa. Waa ay la yaabbanayd waxa Namruud ku dhacay, masas garbaha ka saaran iyo kaneeco madax kaga jirta. Waxa uu ka fallaagoobay awood aanu wax tamar ah u hayn, cid kalena aanay iska caabbin karin, balse waxa uu ahaa keenadiid fallaago ah.

Ciidankii Kaawe waxa ay hareereeyeen qasrigii Baabil. Hadhaadiga ciidankii Namruud dufaac adag ayaa ay galeen, oo qasrigii waa loogu geli waayay. Go’doomintii waxa ay socotay afartan cisho. Cidna ma ay ogayn waxa ka dhex socda qasriga Baabil. Indhaha Namruud waxa ay ahaayeen kuwo casaaday, wejigiisuna waxa uu casaaday sidii kab loogala dhacayay. Si kedis ah ayaa loo jebiyay afaafkii qasriga Baabil. Kaawe gudaha ayuu soo galay isaga oo ciidankiisii hoggaaminayay. Cidna ma ay joojin karayn Kaawe tummaal, waayo, waxa uu u socday aargoosi. Namruud waxa uu qashay labadiisii cunug, maanta isna isaga ayuu ka goosanaya.

***
Waa buurta Danbaawandi, habeen gudcur ah oo magangooyo ah. Waxa uu Kaawe garaacayay tiirar biro ah oo uu dhulka ku qotominayay. Namruud waxa uu jiifay dhulka isaga oo xidhxidhan. Codkii labada abeeso ayaa baxayay, oo dhegaha dadka tirayay. Kaawe ayaa eegay oo Namruud ku yidhi, isaga oo ku dheeldheelaya:
– Maxaa aad iigu sheegi weyday in laba abeeso kugu lammaan yihiin, waa aan kuu cudurdaari lahaaye.

Namruud eray qudha ma uu soo celin, ee waxa uu ka qaylinayay xakame uu Kaawe afka kaga xidhay.Waxa uu la barooranayay dhaqdhaqaaqa kaneecada xanuunjinaysa. Kaawe hawshii tiir samayna waa uu dhammeeyay. Afar tiir ayaa uu Kaawe lugaha iyo gacmaha u sudhay Namruud. Namruud tiirarkii ayaa uu ka soo laalaaday, dadkuna waa ay daawanayeen. Labadii mas ayaa cadcad madaxiisii u kala goostay, iyaga oo gaajoonaya. Kaawe isaga oo sii socda ayuu ku yidhi:
– Igu salaan ninkii lahaa labadaa mas. Iyaga ayaa madaxaaga soor ka dhigan doona, ee aniga ma aha.

Waxa ku soo xoomay raqdii Namruud carruur timo dhaadheer, oo indhahoodu dhalaalayaan. Labadii mas waxa ay cuneen xubnihii uugu danbeeyay ee cadkii Namruud, illaa ay ka soo baxday madaxiisa kaneeco u duushay meeshii ay ka timi. Sidaa ayaa ay taariikhdu u laabtay boggii ugu danbeeyay ee nin ku qooqay dhulka, oo ku kibray; dhammaadkiisu waxa uu dhigmayay heerka qooqiisa. Waa boqor Namruud.

Waxa turjumay: Cali Ileeye

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here