Baahideyda iyo buugaagtaan akhristo – Salmaan Siyaad ‘Sal-murtiyeed’

Sal-murtiyeed

“Anfariir markuu dhaco
Kaan eersanaayiyo
Abbaanduulahay noqo!”
Aadan Xasan Aadan (Beleloo). Saabxidh 28.

Muddooyinkii u danbeeyey murug iyo madax xanuun ayaa maankaygu la ciirciirayey; sidaasoy ahayd waxa aan ku mashquulsanaa maare u helidda labadan xanuun, illayn labaduba waa xanuun e’ oo haddii ay isku kaa biirsadaanna hawsheeda ayey leedahaye.

Sida aad adba samayn lahayd waxa aad ka fikiri lahayd: maxaa kugu sababay? sideebaad u xakamaysaa oo aad uga lib keentaa? habkeebaad raacdaa ha ahaado hab fudud ama se mid adag? yaad la tashataa oo kaa caawin karta, suurta galinteeddanna leh? marka ay intaasiba kugu kulanto ficilkooda ayaad samayn lahayd illayn kaar u adkaysan mayside.

Labadaba waxa igu kala beeray guuldarro i gaadhay oo mashaqadaa isku buuqa ah I galisay iyo natiijada ka dhalatay oo ahayd mid unnugyada maanka kurbo iyo kadeed miidhanna ku beertay. Haddaba, iyada oo ay halkaa ila marayso waxa gacantayda si kedis ah u soo galay buug ka hadalaya waxa aan ku sugnaa ama xaaladayda. Waxa aan kala furay buuggii; xoogaa marka aan akhriyey waxa aan dareemay farxad, fudayd iyo fir-fircooni dheeraad ah. Si aayar-aayar ah ayaa wixii I haystayba iyo kaarkiiba aan ka nafisay oo waxa laga guulaystay murugtii iyo waxay wadatayba. Calankoodii hoos ayuu tagay, halka ay farxaddii iyo fudaydka koodii la taagay.

Waxa uu igu amray inaanan hanashada riyaaqa iyo rayraynta nafsadeed meel kale ka raadin ee ay gudahayga ku jirto. Wuxuu ii tilmaamay in guuldarrada laftigeedu guusha ii keeni karto. Sida oo kale waxa aan ka akhristay inaan nolosha wax weyn oo aan ku tanaado oo kaliya aanan sugin, luminna wax kastoo yar oo qiimo leh. hab u fikirka aan ku waajahayo hab usocodka meertada nolosha inuu ii aahaado mid ii diiwaansan. Taasi waxa ay iga  caawin kartaa inaan xog ka heli karo xilli kasta oo aan xaaladdaa xaaladdeeda aan ku jiro. noloshu waa bogog la soo rogrogayo aan ahaado mid wadciga la jaanqaadaya kana ciyaaraya doorkiisa kaga aadan mar kasta iyo meel kastaba.

Markii intaa iyo inkalaba la i faray maskaxdiina ay ka faaruqday murugadii; waxa aan dareemay farxad saa’id ah, inyar ka dibna waxa aan helay xal dabiiciya oo ay maskaxdaydu abuurayso. Waxa aan raadsaday qalin aan ku qoro xalka murugada, guuldarrada iyo madax-xanuunka i daashaday. Markii aan dajiyey shaxdii aan ugu baddali lahaa farxad iyo guul, waxa aan u hawl galay fulinteeda iyo ficilkeedii; miridho iyo maalmo ka dibna, waxa aan haleelay guul aan ku rajo waynaa oo i ilowsiisay calool-xumo iyo ciil i daashaday.

Bal eeg sida uu qalinka iyo qoraalkuba baahidaydii iyo baylahdaydii u xalliyeen!!! Intaa oo kaliya maahee, sidoo kale waxa ay si xeeladaysan iila xalliyaan oo ay igula taliyaan tabab aan ku xalliyo amuurahayga, xataa haddii aan ku guuldarraysto oo waxa aan doonayaba aan waayo. U ma arko dhib, guuldarradaas iyo waayidda aan waayey waxaan doonayay, illayn waxa aan ahay nin uu daweeyey dhakhtare. Waxaan arkaa waxa i khalday ee sababta u ah inaan guuldaraysto, oo aanan hore u aqoon imikana aan bartay, inay ii tahay faa’iido, se aanay jab iyo lib seegid  igu ahayn; waliba iyagoo I tusinaya jidka aan mari karo hawl kastana si dadban igala qayb qaadanaayey.

Xaaladaha ad-adag iyo waayahaba waxaan u miciinsaday buug iyo qalin oo noqday garbahayga aan ku duulo ee gaarka ah. Mar kastaba, waxa aan dareemaa in ay kaabayaal ii yihiin kobciyanayaanna himiladayda, hawlgalkayga iyo hoggaansanaantayda RABBI(Rabbi). Waxay kordhiyeen fikirkayga, ficilkayga iyo fir-fircoonidayda. Waxa aan ogaaday in ay dhisayaan qofnimadayda, qarankayga iyo qaaradaha dunida oo dhan.

Haddaba, sida ay waayaha iyo wakhtiyada jiraa u turjumeen taaganta una falanqeyeen, timaadadana u saadaaliyaan ayaa waxay igu dardaareen in aan wax ka qoro, dadkana ka haqab tiro dhan kasta oo ay xogo uga baahdaan. Waad I fahmaysaa baan u malaynayaa in la ila dardaarmay oo la i yidhi “bulshada ugu adeeg qalinkaaga” sidaa darteed, illayn waxaan ahay nin  xil la saaraye (marlayba qofka caqli uu wax ku garto lihi waajibaad  waa saaran yahaye adkaynna wey ka tahay),  wixii la ii diray waan fulinayaa iyadoo waliba aanan la warwarsanayn waxa iga hor iman doona.

Waayo, waxaan haystaa xogo xaqiiqo ah oo xulan kuna kaabi karo qoraalladayda. Sidoo kale, waxa aan ku fikiraa quruxintooda , casriyayntooda iyo kordhintoodaba , anigoo tayadoodiyo tiradoodaba isku dheelitiraya.

Maskaxdayda gudaheeda halkii saac ee kastaba waxa ay qortaa, hal maqaal ama mawduuc nololeed, Halka ay bilkasta ay soo saarto hal buug ,sanad kastana ay furto goob wax akhris (Labareeri). guuxa iyo goolaaftanka dhexdeeda ka taagan goor kastana, mar haddii aanu ahayn shuqul kale waa ii damaashaad iyo dabaaldeg, waxa gacmaha iyo xubnaha ay khusaysaba laga sugaa fulintooda (waxa aynu ku fikirno qabashadeeda iyo gaadhisteedaba masuul idinka ayaa ka ah ee ha hagranina).

Qalinkayga khadkiisu waxa uu tufayaa murtidii Boobe Yuusuf Ducaale, Mahadhadii iyo mucdii M.M.Kastam, haybadda iyo hanaanka qoraal ee Rashiid-Gadhweyn, muunadda iyo miisaannaanta Siciid Jaamac Xuseen, cilmi baadhistii Axmed Ibraahin Cawaale, xeeldheerida afeed iyo sheeko xikmadeeddii Ibraahin-Hawd, maaddii Jamaal Cali Xuusen, , aftahanimadii qoraal ee Axmed-Deeq, xogta iyo xal raadiska Cabdicasiis Sheekh Ibraahin, daraasayntii xikmadaha dunida ee Cabdicasiis-Guudcadde, milgihii iyo maamuuskii gobeed ee Xamda Maxamed Xuseen, Hibaddii qoraal ee Muna Axmed, xiisaynta qoraalka ee Nada Yuusuf, digniintii damqasho iyo dareenkii damiireed ee Ladna Rashiid iyo dhammaan halbowlayaasha idin dhadhansiiya macaanka qoraalka .

Haddaba, maqaalkani waa curadkayga danbarkiisii u horreeyay. Idinkuna waxa aad u sheegi doontaan guridanbayskayga iyo halka aan ku afmeero. Qalinka iyo qoraalkuba waa laba aad ku xallin karto xaalad kasta oo ay noloshu leedahay; si toosa iyo si dadbanba. Waa daawo qarsoon iyo dhakhtar daawo kuu qoraya; dawadaas oo aan laba-kaclayn keenayn (SIDE EFECTS). Sidaa awgeed, waa halkii Hadraawi ee (sunto fara ku hayntooda). Maqaalkan oo gebogabo ii tagan ayaa waxa gacantayda soo galay buugga uu qoray Abwaan Yaxye Yeebaash ee (HAL-ADAYG). Aniga oo ku gudajira akhrinta buuggan, ayaan waxaan kala dhex baxay maanso aad ii xiisa galisay; iyadoo ii noqotay kobcin iyo kaalmayn aan buugta horeba uga haystay ee ila dhuux erayadan :

“qalinkaa tusmada dhiga
kula tiirsha qayrkaa
kugu tuura meel shishe
hadba qaabka teebkiyo
sida loo taxayaa
dadku uu ku kala tagay” (Yaxye Yeebaash, Maansadii ‘’TALO’’ 24.04.2010).

Cidina ma dafiri karto qiimaha qoraalku uu leeyahay Bulshadeenna waxa laga sugayaa in ay qoraalka iyo akhriskaba ay kor u qadaan; taasina ay hirgasho. qaacido ay tahay inay ku dhaqano madaama aynu aadmi nahay, wax taransi diyaar u nahay, hor u socod rajadeen tahay, dib u socod dhibkeen yahay   (Ama buug ahow ama buug ku tiirsanow). Waxaan ku soo afmeerayaa ducadan ayeeyday I bartay, iyadoo inbadan ku ducaysansa – Ilaahay danbigeeda ha dhaafo, Rabbi ha u naxariisto’e – aan arkay, (ALLOW ADAY TAADA NOQOTAAYE HA KHASAARIN TACABKAYGA).

 

 

13-december-2013.
Qalinkii : Salmaan Siyaad Cismaan “Sal-murtiyeed”
Email:Salmurtiyeed07@gmail.com

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here