Antikhiriistoos (4) : Soo deg ‘Inaana’ (900 C.H.)

Faynuus

Antikhiriistoos (4) : Soo deg ‘Inaana’ (900 C.H.)
Sheekada labada malag ee Haaruud iyo Maaruud.
****Qaybtii 4aad.

Waxa aan filayaa in aad ka heshay dheeshii waraaqaha ee aynu ciyaaraynay, weli meel bilow ah ayaa aynu maraynaa. Kooxda ku xigtaa waa lix waraaqood iyaguna. Aan hore kuu tuso inta aanu xiisuhu kaa dhammaan:

Waraaqda koowaad: waa waraaqda rooxaan gubanaysa, waxa ka muuqda madaxyo shaydaan oo dab ka dhex holcaya.
Waraaqda Labaad: waa waraaq tii hore u eeg, waxa ka muuqda qalfoofka madaxyo gubanaya.
Waraaqda saddexaad: waa waraaqda naag sixirooley ah, waxa ka muuqda gabadh sixirroole ah oo qurux badan.
Waraaqda afraad: waa waraaqda malaa’igta, waxa ka muuqda baal cad, oo astaan u ah malagyada.
Waraaqda shanaad: waa waraaqda ka-been-abuurka mucjisooyinka,waxa ka muuqda shaxan goobooyin afar gees ah oo madow iyo caddaan ah, ma kasayo waxa looga jeedo.
Waraaqda u danbaysaa: waa warqadda tafaafulka rogan, waxa ka muuqda sawirka sixirroole qaab daran.

Si wanaagsan ayaa aynu waraaqaha u habaynay, oo isku xigta, imika waxa la gaadhay markii aan kuu sheegi lahaa sirta 2aad iyo sheekada 2aad.
***

Ku soo dhawow Baabil mar kale; dhulkii nacdalnaa. Waxa aynu joognaa xilli ka danbeeyay casrigii Namruud. Haku wareerin muuqaalka hortaada ka muuqda, ha u baqan quruxleydan waa’ Inaana’ oo dhulka iyo cirkaba ka nacdalan. Ha qariibsan ninkan go’a xidhan waa Haasaadh, ninka ugu khatarsan sixiroolayaasha Baabil ee casrigan. Inta aanan muuqaalka idiin wada sawirin xog keliya waa in aad ogaataa; sixirroolahan waxa lagu naanaysaa Maansaaro, af Baabilina waxa ay ku noqonaysaa Nakroomaansar, Nakroomaansarna waxa ay la macne tahay … la soco sheekada si aad u fahanto.

Ninkii waxa uu dhex istaagay goobooyin, waxa aanu xidhnaa go’ dheer oo cas, liidad madmadow oo dhaadheerina ay ku yaallaan. Waxa uu xidhnaa dhar wadaad caan ah, waxa uu akhriyay ducooyin iyo tafaaful uu cod dheer ku akhriyayo. Mar sare ayaa uu u hadlayay marna hoos ayaa uu u dhigayay hadalka. Gacmaha marna kor ayaa uu u taagayay marna hoos ayaa uu u dhigayay. Inta uu goobooyinkii ka dhex baxay ayaa uu u kacay dhanka Inaananadii nacdalnayd, timaheedii ayaa uu qabtay quruxda badnaa ka dibna waxa uu sameeyay wax la yaab leh. Waxa uu ku cadaadiyay madaxeedii marmarka dhulka, kolba dhinac ayaanu dhulka ugu xarriiqay madaxeedii, meelo gaar ah ayaanu ku xoqayay. Ninkani waa uu garanayaa waxa uu samaynayo. Adigu ma garan kartid waxa uu samaynayo, illaa uu dhammeeyay hawshii uu waday, madaxii Inaanana meel fog ayaa uu ku tuuray. Ninkani wax baa uu qorayay! Qalinkiisu waxa uu ahaa madaxa Inaana , khadkiisuna waxa uu ahaa dhiiggeeda. Hal xaraf ka fahmi maysid waxa uu qoray, maxaa yeelay, waxa uu ku qoray far Baabili duug ah, xarfaha luuqadani waa kuwo cabsi leh.

Waxa uu bilaabay in uu kor u akhriyo tafaaful sixir ah:
– Ii kaalay, ii kaalay. Iiga imo meerahaagii nacdalnaa ee wareegsanaa, soo deg Inaana. Tii ay dibnaheeda u foorarsadeen qabkii ragga iyo madaxoogiba’eey, ii kaalay, ii kaalay. Tii ay qalbiyadu aragtideeda la kibir jabeeneey ii kaalay.

Wax badan ayaa uu akhriyay haddana, illaa uu dab ka kacay xarriiq goobo ah. Waxa uu holaca ka dhex arkayay madaxyo shaydaan, madaxyo shaydaan oo uu gubayo dabka baxayaa, ee tafaafulku kiciyay. Madaxyada dhexdooda madax ayaa ka soo muuqday, oo haddana qarsoomay. Waa madaxii Inaana, ama sidaas ayaa loo sawiray isaga. Waxa aan hubaa in uu ninkani qalbi adag yahay, madaxyada shaydaanka oo la sheego in ay argagax leeyihiin, heerka argagaxooda oo gaadhsiisan in madaxii bilnaa ee Inaana ee ka soo dhex muuqday uu is dooriyay. Dabkii waa uu bakhtiyay haddana meel kale ayaa uu ka oogmay. Waxa uu ka kacay dab madaxii go’naa ee Inaana ee dhulka yaallay.

Waxa kan aynu arkaynaa ma uu ahayn dab, ee waxa uu ahaa khayaal uu shaydaanku u muujinayo indhaha Haasaadh. Waxa ay u muuqataa in wax kasta oo uu samaynayay ay u guulaysteen, waxa timi gabadha ay quruxda ka amaahdaan dhammaan dumarka adduunku; waxa timi Inaana. Roomaanku waxa ay u yaqaannaan Faynuus, Giriiggu waxa ay ugu yeedhaan Afroodet, Carabtii hore waa ay caabudi jireen iyaga oo u yaqaannay Laata. Waxa timi Cushtaar sidii ay reer Baabil u yaqaanneen; waxa timi ilaahaddii quruxda [sida dadkii hore ku sheegeen] waxa ay xidhnayd dharkii ugu wacnaa, iyo dhabankii ugu bilnaa.

Waxa ay timi iyadda oo aad mooddo jeegaan nuurisay qolkii madoobaa oo dhan. Waxa uu la ashqaraaray ilbidhiqsiyo Haasaadh weynaanta quruxda hortiisa ka muuqata. Inta uu is adkeeyay ayaa uu ku yidhi:
– Inaana boqorad yahay, iiga sheekee warka labadii sixiroole ee Cusaasiil iyo Shamhaasi, iiga sheekee socdaalkaagii boqranaa Inaana.

Faynuus waxa ay ku soo eegtay indhaheedii quruxda badnaa, iyada oo la moodo in ay yasayso, waxa aanay tidhi:
– Ma ay ahayn laba sixiroole, magacyadooduna kuwa aad sheegtay ma ay ahayn; midkood waxa la odhan jiray Haaruud midka kalena Maaruud. Socdaalkaygi muu ahayn mid boqran, ee waxa uu ahaa mid nacdalan.

Wejiga Haasaadh waxa laga dareemayay yaab, waxa aanu yidhi:
– Waa aan ku tuugayaa boqoradda quruxdaay, iiga warran wax kasta oo aad aragtay iyo qaabkii ay u dhaceen.

Faynuus waxa ay u soo dhaqaaqday dhanka goobooyinkii dhulka, hab maamuus boqortooyo leh, maradii weynday ayaa ay iska fayday , waa aanay fadhiisatay, ka dibna sheekadii ayaa ay biloowday. Faynuus waxa ay tidhi:

Waxa i soo diray sixiroolayaashii Oorook, waxa aanay ii soo direen magaalada Baabil. Waa aad kasaysaa weynaanta magaalada Oorook iyo sida ay hormood ugu ahayd cilmiga sixirka. Waa markii ugu horreysay ee aan ka soo baxo magaaladayda Oorook, waana markii ugu danbaysay sidoo kale. Sheekadu waxa ay ahayd waxa soo gaadhay waaweynka sixirroolayaashii Oorook, in ay jiraan laba sixirroole oo ka wareeriyay dadkii Baabil, oo sixirroolayaashii kale oo dhan jebiyay. Midkood waxa la yidhaahdaa Cusaasiil ka kalena Shamhaasi. Waxa nalagu yidhi labadan sixirroole waxa ay dadka barayaan sixirka si bilaasha ah. Qofka ay baraanna waxa ay farayaan in ay dunida sii gaadhsiiyaan sixirka, oo ay faafiyaan; waa sida naloo sheegaye.

Waxa ay ujeeddadaydu ahayd in aan labadaa sixiroole sixirka ka soo barto, oo aan ogaado waxa ay dadka barayaan iyo waxa ay ka qariyeen ba. Adigu waa aad ogtahay in aanu jirin nin –boqor ha noqdo ama sixirroole eh, ha yaraado ama ha weynaado e, oo hor istaagi kara sixirkayga gaarka, sixirkayga dheddignimo iyo quruxdayda. Hadalka oo kooban waxa aan ahaa qofkii ugu habboonaa ee hawshan geli lahaa. Waxa la i faray in aan soo qoro wax kasta oo aan barto oo aan soo gaadhsiiyo sixirrooleyda Oorook.

Dhibtu waxa ay ka taagnayd in sixirka labadan sixirroole uu buriyay ama ka badiyay dhammaan sixirkii yaalay magaalada Baabil, oo waa ay furfureen sixir kasta. Labadooduba la yaab ayaa ay lahaayeen. Waxa jiray noocyo sixirka ka mid ah oo ay yaqaanneen reer Baabil oo ay waaweynka sixirroolayaasha Oorook fahmi waayeen, in ay furaan iska daaye. Waxa ka mid ahaa sixirka looxa. Waa loox lagu sawiray dhammaan webiyada mara Baabil. Haddii uu qof ka mid ah reer Baabil ka hor yimaaddo talada sixirroolayaasha, waxa ay irbad ku mudi jireen sawirka webiyada, ka dibna waxa istaagi jiray webiga caadiga ah, ama waa uu fatahi jirey oo dadka ayaa uu qarqin jiray. Waxa ka mid ahaa sixirka muraayadda. Qof ka uu ka maqan yahay qof ku qaaliyi waxa uu u iman jiray sixirroolayaasha Baabil, marka uu siiyo waxa ay ka dalbadaan, ka dib muraayadda ayaa ay ka tusi jireen xaalka uu ku sugan yahay qofkii ka maqnaa. Labadan sixirroole ee cusubi waxaas oo dhan waa ay buriyeen iyo wax ka badan ba.

Alla qurux badnaydaa Baabil. Inkasta oo aan hawl u socday haddana waxa qasab ahayd in aan soo arko fooqa Baabil ee weyn iyo beereheeda laadlaada. Inkasta oo labadan goobood aan loo ogollayn in ay booqdaan cid aan ahayn reerka boqortooyada Caashuur, laakiin waa aad iska garanaysaa xidhiidhka aniga iyo boqorrada naga dhexeeya. Waxa aad xusuusataa boqorkii ugu danbeeyay ee aan booqdo in uu lugayha ku hoos rukuucay, waxa kale oo aan hubaa in labadan boqor ay i hoos fadhiisan doonaan oo ay lugaha iga dhunkan doonaan markooda. Waxa aan hubaa in ay i bari doonaan dhammaan sixirkii ay barteen illaa markii ay ahaayeen carruurta.

Markii aan dadka weydiiyay warka Cusaasiil iyo Shamhaasi wax la yaable ayaa la iiga sheegayay. Waxa la igu yidhi waxa ay joogaan hog ku yaalla buuraha ku teedsan Baabil, hoggaasna waxa booqda ama taga dad badan oo reer Baabil ah. Qofka hoggan taga waxa lagu imtixaamaa imtixaan yaab leh, haddii uu qofku ku fashilmana waa la eryayaa. Qofka ka gudba imtixaankan hogga ayuu joogayaa muddo sanad ah, oo aanu dibadda u soo baxayn. Marka uu dhammaysto qofku sannadkaa waxa uu ka soo baxayaa isaga oo ku xeeldheer fanka iyo cilmiga sixirka, isaga oo ka aqoon badan dhammaan sixirroolayaasha Baabil, ama kuwa deegaannada kale. Sixirroolena kuuma sixri karo sida loo sixro dadka caadiga ah.

Afaafka hogga lama furi jirin maalin keliyaata mooyaane sannadkii, sannadka ayaamaha kale oo dhan waa ay xidhnaan jirtay, ma ay furi karayn dadka ugu awoodda badani. Maalintii godka la furayay waa ay soo dhowaatay, waxa aan ahaa mid nasiib leh. Waxa ii kaxeeyay dhanka godka adhiile la ashqaraaray qurruxdayda, oo faraskiisa igu qaaday, hoggiina waa uu i geeyay.

– Waa kan, waxa aynu soo gaadhnay godkii quruxleyeey. Ma garanayo waxa ku qasbaya boqorad boqoradaha insiga ka mid ah in ay gasho hog.
– Shaqadaada ma aha adhiiloow, halkan igu sug, haddii aanan soo noqonna gurigaagii iska qabo.
– Cimigayga oo dhan waa aan ku sugi karayaa boqoraddaydaay, guryahayguba adiga gadaashaa waxa ay noqonayaan xabaalo.

Xaq baa uu u leeyahay adhiiluhu in uu hadalkaa yidhaahdo iyo wax ka badan ba, waxa uu siday Faynuus lafteedii, inaga daa isaga hadda. Muuqaalka godku muu ahayn mid wax badan laga dheehan karo, waxa uu ahaa dalool yar oo buur ku yaalla. Rag iyo dummar badan ayaa hor taagnaa godka, anna waa aan la istaagay illaa ay labadii sixirroole noo soo baxeen. Alla hoogaygee maxaa aan u arkay! Waa markii ugu horreysay ee aan arko bashar iga qurux badan. Mid muu ahayn ee laba ayaa ay ahaayeen, dummar ma ay ahayn ee laba nin ayaa ay ahaayeen. Waa markii ugu horreysay ee qalbigu sidan ii garaaco. Goorma ayaa ay raggu waxa kan oo qurux ah la soo baxeen, illaa goorma ayaa ay ragannimadu sidan u xoogganayd. Waxa aan mooday in ay hawshaydii fashilantay. Markasta oo aan labadan nin eego waa aan illaabayay wixii aan u imi meeshaba.

Waxa aan hoggii la galay labadii sixirroole ee quruxda badnaa, wixii aan ku arkay godka dhexdiisu waxa uu igu riday af-kalaqaad. Ugu horreynta si aan kuugu sifeeyo wixii aan arkay, maskaxda ka saar sawirka aad godadka ka haysato oo dhan, ee kuu muujinaya daloolo yar yar oo madow. Godkani waxa uu ahaa mid balaadhan sida qasriga. saqafkiisi waxa uu ahaa mid aad uga fog madaxyadayada. Waxa hortayda ka muuqday webi agtayda ka bilaabmaya oo ku dhammaanaya hirka fog. Waxa ka soo durdurayay biyo macaan. Gidaarradu waxa aad moodaysay in ay si kale yihiin. Ma ay ahayn kuwo sallaxyo ah, ee waxa ay lahaayeen daldalool yar oo badan, waxa aad moodaysay marka aad ka fog tahay in la sharraxay. Tani waxa ay ahayd sawirkii koowaad ee ay ishaydu qabtaan.

Labadii nin ayaa na kexeeyay,waxa aanay na dul geeyeen wabigii socday. Waxa ay naga dalbadeen codsi yaab leh. Waxa aan filayaa in uu kani yahay imtixaankii ay sheegayeen. Qof kasta waxa ay ka codsadeen inuu candhuuf ku tufo saddex jeer webiga. Qof qof ayaa ay nooga codsadeen arrinkaa. Waxa ay yidhaahdeen waa imtixaan ay ku kala ogaanayaan sixirroolaha iyo qofka aan sixir hore u soo baran.

Qofka saddexaad ayaa aan ahaa ee safka taagan. Ninkii safka ugu horreeyay ayaa saddex jeer ku tufay webigigii, waxa aan eegay biyihii in ay wax isbeddelaan. Waxa aan arkay xarriiq buluug ah oo biyaha raacaya, mar labaadkii iyo mar saddexaadkii uu ku tufay ba xarriiqaa buluugga ah ayaa aan arkay. Mid ka mid ah labadii sixirroole ee quruxda badnaa ayaa u soo dhowaaday , waxa aanu ka codsaday raggii la shaqaynayay mid ka mid ah in uu geeyo hog kale. Ninkii labaad ayaa biyihii candhuuf ku tufay. Waxa aan arkay xarriiq cas oo biyihii raacaya, mar labaadkii iyo mar saddexaadkii ba xarriiqaa cas ayaa aan arkay. Labadadii sixirroole ee quruxda badnaa ayaa ku yidhi iyaga oo canaananaya:

– Halkan loogu ma talogelin dadkii sixirka meel kale ku soo bartay.

Nin ayaa u saaray bannaanka. Imika waxa la gaadhay markaygii, waa aan fahmay imtixaanka oo waa aan dhoollacaddeeyay, maxaa yeelay meel kale anigu kuma aan soo baran sixirka. Saddex jeer ayaa aan candhuuf ku tufay webigii, xarriiq buluug ah ayaana biyihii raacay. Mid ka mid ah raggii ayaa ii kaxeeyay dhanka dhagax weyn oo aan hadda magacisii illaabay.

Waxa uu ahaa dhagax weyn, oo si baaxad leh u dhex taagan webiga. Waxa uu lahaa daldaloolo yaryar oo xaradh ah, waxa xagga sare ee dhagaxa lagu qoray weedh af Baabili ah; weedh odhanaysa: ” Qofka nagu fidnoobaa annaga naga mid ma aha, qofka nagu fidnoobaa wuu gaaloobay.” Waxba kama aan fahmin, aadna uma aan sii dhuuxin. Waxyaalaha cajiibka ah ee aan godkan ku arkay waxa ka mid ah qolal laga qoday gidaarrada; waxa aan dareemayay in aanay meeshani god ahayn, ee ay tahay tuulo yar oo cajiib ah. Xog kale oo iga maqnayd ayaa aan hadda ogaaday, oo aanan doqoniimadayda markii hore kuba xisaabtamin. Kama baxayno hoggan sannad dhammaystiran, albaabka hogguna ma furmayo sida dadka meesha joogaa ii sheegeen. Maxaa aanu cunaynaa? Cunto qalalan oo aan xumaanayn ayaa noo taallay sida Sabiibta iyo lawska oo wax badan laga keydiyay. Cabitaan waxa uu noo ahaa biyaha macaan ee webiga. Sidaas ayaa aan u fahmay waxa meesha ka socda, laakiin hawshii aan u imid weli waxba kama hirgelin, ma aan filayn waxa dhici doona. Labadii nin hal ilbidhiqsi wax ka badan ima ay soo eegi jirin, anigu waa aan garanayaa marka ay raggu i damci jireen; waa aan fahmi jiray xanshaashaqooda iyo xiisaha ay ii qabaan; laakiin labadan nin sidii oo aan gidaar ahayn ima ay danayn jirin ba. Lama abuurin nin Faynuus hor istaagay, lamana abuuri doono.

Maalin kasta oo i dhaafta aniga oo hogga ku jira, waxa aan dareemi jiray heerka ay leeg tahay hawsha i sugaysaa. Waxa aan ogaaday in sixirroolayaashii aanu u adeegi jirnay berigii hore in ay ahaayeen qaar liita, Haasaadhoow. Xayawaanka ayaa idinka wacan Haasaadhoow. Waxa aan ogaaday in ay awooddiina cajsi-gelinta aadamuhu aanay ahayn tamar idinka idinka timaadda, oo aanay mucjisana ahayn. Waa tamarta shaydaankii aad sharaftiina ka iibiseen. Waxa aan godka ku bartay macnaha mucjisada ee dhabta ah. Waxa aan ogaaday in meerayaasha toddobada ah, cadceedda iyo dayaxu ee ay na bari jireen sixirroolayaashu in aanu ka barakaysano oo aanu u caabudno, in ay ahaayeen xiddigo qudha, oo leh Ilaah keliya, kaasina waa Ilaahii Ibraahiim; Ibraahiim oo kale ayuun baana mucjiso samayn kara.

Waxa aan ogaaday in wax kasta oo aad samaynaysaan uu yahay huuhaa, wax kasta oo aad tidhaahdaanna uu yahay been. Waxa aan ogaaday in sixirroolayaashu ay yihiin kuwa ugu tamarta yar dadka, shayaadiintu ay yihiin kuwo aan awood badan lahayn. Waxa aan bartay tafaaful kasta oo sixirroole duco baabiinaysa. Waxa aan ogaaday in Cusaasiil iyo Shamhaasi ay yihiin magacyo xun xun oo ay sixirroolayaashu ka faafiyeen labadan quruxda badan. Magacoodu waxa uu ahaa mid qalaad oo qurux badan, midkood waxa lagu magacaabi jiray Haaruud ka kalena Maaruud.

” Cidna ma barayaan, illaa ay ku yidhaahdaan annagu waxa aanu nahay fidno ee ha gaaloobin”

Labadan saaxir [Sida lagu dacaayadeeyo] boqortooto iyo talis qofna ma ay siinayn, dahab iyo maarna cid ma ay siinayn. Qofka ay wax baraan waxa uu godka ka soo baxayay isga oo xirsi-xidhan oo aanu sixirroole waxba ka qaadi karin, maxaa yeelay waxa uu ogaanayaa dhabta. Anigu waqtigaa aan meesha ku jiray waxa aan go’aansaday in aan laba kulansiiyo: in aan dhabta ogaado, si aanu sixirroole awood iigu adeegsan, iyo in aan xidho dahabka iyo maartaba! Taasina ma suurto galayso illaa an hawshayda dhammaysto, oo aan ku noqdo sixirrooleydii Oorook, aniga iyo wixii aan bartayba.

Waxa aan doonayaa Haasaadhoow in aan boqorad noqdo, waxa aan madaxa ka qabsan doonaa dhammaan sixirroolayaasha, waxa aanay boqorrada iyo sixirroolayaashu ku hoos rukuuci doonaan labadayda lugood hoostooda. Waxa ay iigu yeedhaan Suhra, maxaa yeelay dhammaan haweenka adduunka waa aan ka qurux badanahay, sida meeraha Suhra uu uga nuur weynyahay toddobada meere ee kale. Labada nin sida Haaruud iyo Maaruud waa qasab in ay dareen leeyihiin sida ragga kale oo dhan, iyo sida dadka oo dhan.
Habeen habeennada ka mid Haasaadhoow, dhammaan dadkii hogga ku jiray waa ay hurdeen. Waxa aan ka soo baxay qolkaygii qorqornaa, aniga oo sita go’ yar oo khafiifa oo jidhkayga oo dhami ka dhex muuqdo. Faynuus ayaa soo socota, taliyihii lixda meera ayaa soo socota.

Waxa aan raacay liidkii godka, waxa aanan u kacay dhanka qolkii ay ku jireen Haaruud iyo Maaruud. Ma ay ahayn markii koowaad ee aan qolkooda arko, wax ku dhow sagaal bilood ayaa aan hoggan ku jiray. Balse waa markii ugu horreysay ee aan keligay xilligan danbe oo kale qolkooda tago. Ileys ayaa sudhna dhawr meelood oo hogga ka mid ah, oo qolkood iftiiminayay, lama kala garanayn in aanu habeen ku jirno iyo in ay dharaar tahay. Waxa aan u dhukusay dhanka qolqooda aniga oo dacalka haysta go’ii yaraa ee khafiifka ahaa. Markii aan u soo dhawaaday waxa aan maqlay iyaga oo akhriyay ducooyin, ay ku qaadayaan cod macaan. Maxaa ay ku hadlayaan labadan nin, afkee ayaa aanay ku hadlayaan. Inta aan neefta isku dhejiyay ayaa aan u galay:

– Miyaa laga mamcuunay dadka in ay ku tarmaan deegaankiinna?

Iyaga oo aan dan iga lahayn ay i soo eegeen, Eebboow! waxa ay i dareensiinayaa in aan ahay wax aan jirin. Go’ii aan sitay ayaa aan sii daayay, jidhkaygii oo ah sidii ay hooyaday igu dhashay ayaana u muuqday. Waxa aan ku idhi waxa aan idinka doonayaa in aan idinka qaato wax aanu bashar hore idinka qaadan. Wejigayga oo qudha ayaa ay eegayeen. Haaruud ayaa si deggen iigu yidhi:

– In aad iska baxdo ayaa kuu khayr roon, si aanu kuu nacdalin Ilaahay, oo aan lagugu darin kuwa naxariista laga dheereeyay.
– Ku noqo Oorook magaaladii ku taallay Furaad. Hana gaaloobin sidii ay tolkaa u gaaloobeen.

Anoo xanaaqsan ayaa aan ku idhi:
-Idinka waa aan idinka gaaloobay, Rabbigiinana waa aan ka gaaloobay, idinka waxa idin soo diray shaydaan.

Dhulkii ayaa mar qudha is beddeley, cirkii ayaa aan arkay markii ugu horreysay. Ma ay jirin godad, daloolo, mana ay joogin Haaruud iyo Maaruud. Tani waa sixir weyn, maya sixir maha, waa mucjiso weyn. Waxa aan u cararay dhanka Baabil, aniga oo go’yar oo khafiifa huwan. Haasaadh oo cadhaysan ayaa yidhi:
– Miyaa aanad sagaal bilood wax ka badan la joogin? Miyaa aad qortay wixii aad soo baratay?

Faynuus dhulkii ayaa ay ka kacday, Haasaadh ayaanay u eegtay si debecsan oo dheddignimo leh.
– Dad liita oo kula mid ah ayaa iga faa’idaystay, waa sixirroolayaashii Oorook. Wax kasta oo aan soo bartay waa ay iga qorteen. Markii ay iga dan gaadheenna qoorta ayaa ay iga jareen. Inta ay qaab foolxun isu doorisay ayaa ay tidhi:
– Waxa aan noqday mid nacdalan if iyo aakhiraba. Laba jeer ayaa la i nacdalay: mar waa markii aan isku deyay in aan fidneeyo labadii malag ee wacnaa, marna waa markii aan ka gaaloobay, ee wixii ay i bareenna aan baray dad liita sidaada, oo Oorook jooga.

Haasaadh dib ayaa uu u noqday, markii ay ku soo dhawaatay. Tani waxa ay ahayd fursaddeedii . Waa qasab in uu Nakroomaansar yeesho tamar uu ku xakameeyo rooxaanta uu u yeedhay, balse ma uu garanayn. Faynuus waa ay cadhaysnayd, oo waa ay nacdalnayd, naftiisiina waa ay jarjartay, oo waa ay dishay. Ruuxdiisi waxa ay cirka la kortay malaa’igta cadaabta. Sammada waxa habeenkaa ka bidhaamay meere cas oo qurux badan, waa meeraha Suhra.

Waxa turjumay: Cali Ileeye

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here