ANTIKHIRIISTOOS(5): Sagaal Aanu Siinnay Ilayska!

Baafomiid

ANTIKHIRIISTOOS(5): Sagaal Aanu Siinnay Ilayska!
( 950-kii C. H – 1300 C.D)
**** Qaybtii 5aad.

Sida aynu hore u soo aragnay ‘Inaana’ ama Faynuus waa ay diiwaangelisay dhammaan wixii ay bareen Haaruud iyo Maaruud, wixii ay qortayna waxa uu gacanta u galay sixirroolayaashii Baabil. Waxa ay sixirroolayaashi bilaabeen in ay u adeegsadaan xirsi-xidhkii iyo ducooyinkii labada malag hawlo sixir. Waa ay horumariyeen, waxna waa ay ku dareen ka dibna waxa ay u adeegsadeen ujeeddooyin gurracan. Haddaba sixirku waa laba jaad, jaad uu Ibliis baray Namruud iyo sixir ay Haaruud iyo Maaruud bareen reer Baabil. Sixirkan danbe wax badan oo ka mid ah ayaa soo gaadhay dadkii sixirka hore yaqaannay, ka dibna waa ay isku dareen oo ujeeddooyin xun xun ayaa ay u adeegsadeen. Tani waa sirtii labaad ee aan doonayo in aad ogaato. Halla yaabin sida aan ku ogaaday anigu, waayo, waxa aan ahaa sixirroole hore.

Inta aynaan gudagelin in aynu ciya
arno dheesheennii waraaqaha, hal wax ayaa aan kuu sheegayaa, ma nihin keligeen, ee waa la inagu weheliyaa qolka. Waxa inala jooga toddoba shaydaan oo ina soo eegaysa, aniga ayaa ay i soo eegayaan aniga oo sheekaynaya, adigana waa ay ku soo eegayaan adiga oo akhriyaya sheekadan. Iyada oo ay taasi jirto haddana ha cabsan, waayo, waxa jira xirsi-xidh iyo ducooyin badan oo aan qolka ku akhriyay, inkasta oo aanu xirsi-xidhkani wax badan ka tarayn shayaadiintan toddobada ah, balse, waxa uu i siinayaa saacado dheeraad ah oo aan sheekada kuugu dhammaystiro. I ogolow in aan rogo waraaqahan nacdalan, waxa aan ku tusayaa hadda qaybtii 3aad. Waa afar warqadood oo keliya.

Waraaqda koowaad: waa warqadda faaliyaha, waxaana ka muuqda faaliyeyaal xidhan cabbaayado madow, oo leh koofiyad ay madaxooda qarinaysa.
Waraaqda labaad: waa warqadda fardo-fuulka, waxaana ka muuqda hummaagga fardo-fuul ka mid ah ‘Fardo-fuulkii Macatabka’ ee qarniyadii dhexe. Waxa uu xidhan yahay maryihii cadcaddaa ee ay caanka ku ahaayeen Fardo-fuulkii Macatabku, oo uu dhexda kaga xardhan yahay macatab cas oo weyn.
Waraaqda saddexaad: waa waraaqda siraha, aan la ogolayn in dadka caadiga ahi ogaadaan. Waxa ka muuqda sawirka weji nin yaabban, oo la mooddo in uu wax ka yaabiyay helay.
Waraaqda afraad: waa waraaqda Jimcaha 13aad. Waxa ka muuqda sawirro farriin gudbinaya madow, oo sheegaya kaltirsiga furan ee Jimcaha 13aad.

***

Waxa ugu habboon ee aad samayn kartaa waa in aad iga iibiso ruuxdaada. Wax kasta aniga ayaa gacanta ku haya. Dadka aniga ayaa hantiyay, caqligooda aniga ayaa hantiyay iyo qalbigoodaba. Waxa aan anigu kuu furayaa irridaha, irridaha oo dhan. Halkee ayaa aad doonaysaa in aad gaadho? Ma lacag, ma talis, ma magac mise caannimo. Anigu si bilaa xisaab ah ayaa aan wax u bixiya. Wax bixin degdega oo la taaban karo. Anigu waxa aan ahay kii la abuuray markii waqtiga la abuuray, waxa aanan noolaan doonaa illaa waqtigu ka dhammaanayo. Magacyga waa ay kaa qarinayaan, waxa ay kuu sheegayaan in aan xumahay,waxa ay doonayaan in ay keegga kelidoon cunaan. Iska dhaaf waxa aan kuu dubi doonaa keegaaga gaarka ah. Iga daba dheh, oo waxba haka cabsan: Baafomiid. Magacayga weyni waa Baafomiid. Waxa laga yaabaa in aad rabtid in aad i aragto, weli uma aad bislaan in aad i aragto. Wax nusqaan ah ma lihid jaalle, taasi kaa dheer balse qalbigaaga dhibirsani waxa laga yaabaa in uu kala daato marka uu arko weynaanta muuqaalkayga.

Waxa aan ku tusi doonaa tusaalahayga, waa tusaala hoos yimaadda xeerarka caalamkaaga oo aanan hore u arag duni sidaa u weyn. Kaalay i raac jaalle, kaalay oo ha cabsan, kaalay soo gal kiniisaddan. Gacmaha fidi oo albaabka iska fur, waa aan kugu dhex sugayaa. Albaabka xoog u fur, oo labadaada lugood ta aad doonto soo horreysii. Waxba ha eegin nimanka qaawan ee is fuulfuulaya, isha ka qarso dhiigga afkooda iyo jidhkooda qariyay; waxaas oo dhan iska dhaaf oo soo soco. Ku soo dhowaw miiska weyn ee halkaa yaalla. Ma i aragtaa imika? Waa aniga dhexda taagan. Waa i kaa ‘Baafomiid’ waxkasta waa aan kuu sheegi doonaa. Xaq baa aad u leedahay in aad wax kasta ogaato, kaalay ii raac Quddus. Ma aha Quddusta maanta. Waa Quddus kun sanno ka hor. Quddus ma ay ahayn Quddus, balse waxa ay ahayd dhiig qulqulaya sida webiga, dhiig qulqulaya oo gaadhaya jilbaha fardaha. Waxa uu ahaa dhiigga muslimiinta; waxa uu ahaa dhiiggii fardofuulkooda, carruurtooda, dummarkooda iyo waayeelkooda. Muslimiintu waa dad xun sida aan gadaal kaaga sheegi doono, laakiin taasi dooddeena ma aha maanta. Kama sheekayn doonno webiyadii cascasaa ee qulqulaysay waddooyinka Quddus, ee la mooday webi Furaad oo kale ah oo khariiradda adduunka ku soo biiray, Furaad cas oo dhiig ah.

Kama sheekayn doono dumarkii ay ‘Fardooleyda Macatabku’ ay kufsadeen. Kama sheekayn doonno carruurtaa yaryar ee ay madaxooga googoogeeyn fadalka farduhu. Kama sheekayn doonno dheriyada waaweyn ee ay Fardooleyda Macatabku inta ay karkariyaan ay ku dhex guri jireen ragga, dummarka iyo carruurta muslimiinta. Waxaas oo dhan kaaga sheekayn maayo, ee waxa aan kaaga warrami doonaa Quddus markii uu dhiiggaasi ka qallalay, balse dhiiggu waxa uu weli ka sii tif lahaa quluubta muslimiintii degganaa. Waa Quddustii la haystay, haa waa Quddustii la haystay; maxaa yeelay, markii ay dhacdooyinkaasi dhaceen waxa qabsaday Masiixiyiinta, oo markii ugu horreysay kala wareegay Muslimiinta. Aniga aragtidayda midkoodna xaq uma laha, ee annaga ayaa xaq u leh. Annagu yaa aanu nahay? Waa i kan kaaga sheekaynaya arrinkaa.

Aniga ayaa marka hore isku kaa sheegi doonaa. Waxa aan buugaag duug ah ku iibin jiray magaalada Quddus. Ha la yaabin arrinkaa, oo ha i weyddiin wixii aad ku aragtay miiskii kiniisadda aan ku geliyay. Taasi waa su’aal waqtigeedii ka soo hor maraysa. Waxa aan ahaa duq, badi ilkahaygu waa ay iga daateen, gadhkaygana waxa ku hadhsanaa dhawr miiq oo teelteel ah. Aniga oo qaarka sare qaawan ayaa aan fadhiyay xamaam ka mid ah kuwa Quddus, oo caan ah –xamaamkii Calaa al-Diin. Xamaam waxa casrigaa loo yaqaannay dhisme weyn oo islaami ah, oo saddex hool leh, oo ay dadku u iman jireen in ay ku maydhaan. Waxa aan ku jiray qolka is-kulaylinta, uumiguna waxa uu diirinayay jidhkayga gaboobay. Indhaha kama aan qaadin mar qudha wiilkaa murqaha kuusan, ee meel ii dhow fadhiyay isaga oo baxsan. Maalmo badan ayaa aan daba-socday, waa tan fursaddii dahabiga ahayd ee aan ugu warrami lahaa. Magaca wiilkani waa magacii uu wax kastaaba ku bilaabmay, magaciisu waa Hiyuu Baayuun. Waa fardo-fuul ka mid ah ‘Fardooleyda Macatabka’ oo asalkiisu yahay Yuhuudi. Waxa aan kaa rabaa in aad xasuusnaato isirkiisa Yuhuudiga ah, si fiican.

– Hiyuu Baayuun, miyaa ay ogaatay xaaskaagii ‘Kaatriin’ arrimihii foosha xumaa ee aad ku samaysay dummarka Carabta?

Wuu soo jeedsaday ‘Hiyuu’ oo waa uu i soo eegay, isaga oo la moodo in ay abeeso qaniintay. Waxa uu yidhi:
– Maxay … Maxaa aad ku hadlaysaa waar? Yaa aad tahay, sidee ayaa aad ku ogaatay magaca xaaskayga?

Waxa aan ku idhi, aniga oo codkayga la moodo abeesadii qaniintay:
– ‘Kaatriin Kaleer’ … Xaaskaagu waa ay ogaatay wax kasta oo aad sameysay. Gabadh kasta oo aad kufsatay, ka dibna aad jidhkeeda jarjartay. Waxa ay ogaatay in aad xanuunsanayso ‘Baayuun’ . Waxa aan hadda maqlayaa codkeeda iyada oo xigtadaadii muxaafidka ahayd oo dhan u sheegaysa wixii aad samaysay.

Hiyuu oo yaabka indhaha galka ka saaray, ayaa yidhi:
– Maxay dee.. Sidee ayaa aad waxaa u odhan kartaa. Yaa aad tahay duqyahow asaasaqay?

Indhihiisii yaabbanaa inta aan eegay ayaa aan ku idhi:
– Waxa aan ahay camalkaagii xumaa ‘ Baayuun’. Waxa aan ahay wejigaagii madoobaa, ee aad dadka ka qarinayso, adiga oo iska dhigaya dagaalyahan diin leh.

Inta uu kacay isaga oo xanaaqsan, ayaa uu qoorta i qabtay, waxa aanu yidhi:
– Yaa aad tahay carabyahow liitaa, sidee ayaa aad ugu dhiirran kartaa in aad ku hadasho hadalkan xun. Waxa kan oo dhanna yaa kuu sheegay?

Qof kasta oo xamaamka joogay waa uu joojiyay dhaqdhaqaaqii, oo waxa uu soo eegay xaggii ay qayladu ka baxaysay. Waxa ay arkeen Hiyuu Baayuun, oo kacsan oo qaylinaya, waxa uu haystay, oo uu ku qaylinayay tiir ka mid tiirarkii xamaamka. Hiyuu ayaa dhankoodii eegay, ka dibna dhankaygii ayaa uu soo eegay, mise maba joogo. Isaga oo la moodo in uu waalan yahay, oo hareeraha eeg eegaya , oo aniga i deydayaya, ayaa uu eegay dadkii soo eegayay isaga oo yaabban:
– Laakiin, laakiin halkan ayaa uu joogay. Odaygaa duqda ah, ee asaasaqay, miyaa aanu midkiinna arag?
***

Ciidda Saytuuna ee Masiixiyiinta ayaa aanu mar kale ku kulanay Hiyuu Baayuun. Waxa isku soo ururay Masiixiyiin badan oo sita laamaha Saytuunka, waxa aanay isugu yimaaddeen xaramka barakaysan ee Quddus. Waxa meesha ku soo xoomay Muslimiin badan oo daawasho u yimid. Dadka daawanaya dabbaaldegga ayaa aan dhex qaadayay. Hiyuu Baayuun dadkaas dabbaaldegaya ayaa uu ku jiray. Inta aan u soo dhowaaday, ayaa aan ku dhego hadlay:

– Nacasyadani ma garanayaan in ay iska dawaafayaan, hoostoodana uu ku jiro kayd (kinsi) qofkii helaa uu adduunka oo dhan hantiyayo, qofkii waayaana uu dunida oo dhan waayay.

Si anfariir leh ayaa uu ‘Hiyuu’ ii soo eegay, ka dibna yaabkiisi waxa uu isu rogay cadho, waxa aanu yidhi:
– Waaryaa i maqal. Haddii aad iga hordhaqaaqi weydo, ifkaba waxa aan kaa tirtiri doonaa gacantayda oo qudha.
– Maya i maqal ‘Baayuun’, warqad ayaa gabbal-dhaca kaaga iman doonta xaaskaagii Faransiiska joogtay, waxa ay kaaga warrami doontaa riyo ay aragtay oo ku soo noqnoqotay, oo hurdada u diidday habeen kasta. Waxa ay kuu sifayn doontaa nin. Haddii ay dhaci waayaan waxa aan kuu sheegayaa, iigu kaalay dukaankayga buugaagta oo qoorta ii dheeree. Haddii ay dhacaan waxa aan kuu sheegayaana iigu kaalay isla dukaankayga, waa aan kuu warrami doonaaye.

-Maxaa aad iigu warrami doontaa xashiish cabyahow? Maxaa aad leedahay, maxaa se kaa galay xaaskayga uskagyahow?

Dad badan ayaa na soo kala dhex galay, oo na kala qariyay aniga iyo Hiyuu. Galabnimadii waxa u timi Hiyuu farriin xaaskiisii ka timi, oo ku leh waxa aan arkaa riyo i wareerisay oo habeenkasta i hor timaadda. Waxa ay aragtaa nin duq ah oo ilka la’, oo gaafwareegaya Qubbada Sakhra ee barakaysan, waxa aanay ku aragtaa barxadda Qubbada Hiyuu oo u galmoonaya gabadh madow oo madax go’an, seeftiisuna ay ag taallo.

– Ma sixiroole ayaa aad tahay kanoow?

Aniga oo buugaagtaydii ku dhex jira ayaa aan eegay, waxa aanan ku idhi:
– Waxa aan ahay mid gada buugaagta duugowday sida aad arkayso.
– Sidee ayaa aad ku garatay magaca xaaskayga, waxyahow nacdalan, riyada ay aragtana yaa kuu sheegay?
– Riyadeedu maa ay kaa xanaajisay? Miyaa aad doonaysaa in ay aragto wixii aad gabdhaha kale ku samaysay?
– Sidee ayaa aad waxan oo dhan u garanaysaa? Yaa aad tahay adigu shakhsi ahaan?
– Baafomiid.
– Maxaa aad tidhi?

Waxa aan u dhaqaaqay dhinaca rako buugaag saaran yihiin, waxa aanan soo qaaday mid uu ku sawiran yahay Xaramka barakaysan ee Quddus. Waxa aan dhigay sawirkii miis hortiisa yaallay, waxa aanan ku idhi:

– Anigu waxa aan akhriyayaa caqligaaga sida buug furan, Baayuunoow. Imika waxa aad ku fikiraysaa in aad xamaantaada ka urursato Quddus, oo aad magaalada Shaambiin aad ku noqotid. Waxa aad ku fikiraysaa in aanad dagaal danbe ka qayb gelin, maxaa yeelay xiisihii iyo xamaasaddii aad ka heshay dagaalkii Macatablayaasha ayaa aad ka dharagtay.

– Yaa aad tahay?
– Waxa aan ahay Baafomiid. Baafomiidkii kuu rogi lahaa ninka ugu hanti badan Yurub oo dhan, maya dunida oo dhan.
– Maxaa aad iga rabtaa aniga? Ma ihi nooca iska rumaysta khuraafaadka faaliyayaasha.
– Waa runtaa. Waxa aad u tagtay Juuliyaan, sixirroolaha Kolomoont jooga.

Indhaha ayaa ballaadhay Hiyuu, cabsi iyo anfariir. Waxa aan uga warramay dhacdooyin aanu garanayn noole ifka ku nooli. Waxa aan u sheegay siro aanu naftiisa mooyee isagu cid kale u sheegin. Hadalkiisi waxa uu iska beddelay mid kacsan oo dagaalsan, waxa aanu iila hadlay sidii mid ila xaajoonaya oo ila ashqaraarsan.
Taasi waa wixii aan doonayay, in uu igu kalsoonaado. Qofka kugu kalsooni waa sidii xanjo aad calaashanayso oo kale, oo sida aad doonto aad u galayso. Waa aan calaaliyay Hiyuu, waxa aanan u qaabeeyay sidi kubbad aan u laadi karo dhanka aan doono. Markii koowaad waxa aan u laagay dhanka magaalada Shaambiin ee Faransiiska ku taalla. Waxa uu halkaa ka soo fulin doonaa waxa aan rabo in uu ka soo fuliyo.

Waxa uu u socdaalay ‘Hiyuu Baayuun’ magaalada Shaambiin ee Faransiiska. Waxa uu halkaa ka soo kexeeyay siddeed nin oo ay qaarna walaalo yihiin qaarna ilmaadeer; dhammaantood waxa ay ahaayeen qaar isirkoodu yahay Yuhuud, maxaa yeelay qoys qudha ayaa ay ka soo wada jeedeen. Dhammaantood waxa ay yimaaddeen magaalada Quddus. Waxa ay u tageen boqor Baaldowiinkii Labaad, boqorkii Quddus ee Masiixiga ahaa. Waxa uu Hiyuu ku qanciyay boqorka in uu u ogolaado in ay sameystaan guuto gaar ah oo ka mid ah fardooleyda, si ay u ilaaliyaan xujayd Masiixiyiinta ah ee Quddus imanaya, kuwaas oo dhac iyo boob ay u gaystaan Muslimiintu. Inkasta oo uu boqor Baaldowiin arrinkaa ku qancay, haddana Hiyuu been ayaa uu sheegayay. Muslimiintu ma ay ahayn kuwo dilaya cidna , ee waxa dadka dhacayay waxa dhuljiif mujrimiin ah, hasayeeshee Hiyuu si yaableh ayaa uu boqorka u dhaadhiciyay arrinka, waana sidii aan ku waaniyay.

Sidaa ayaa ay u aasaasmeen fardooleydu, ‘Fardooleyda Haykalku’! Waxa magacan loogu bixiyay maxaa yeelay boqorka ayaa ka siiyay fadhiisin u gaar ah dhinaca qasriga boqorka ee buurta Haykalka. Buurta Haykalku waa weedh Yuhuudi ah oo la macne ah Xaramka Barakaysan; maxaa yeelay Xaramka Barakaysan ee Quddus waxa uu ka dul dhisan yahay hadhaagii Haykalkii Nebi Saleebaan, ee ay Yuhuuddu Alle ku caabudijireen.
Waxa uu fadhiisin ka siiyay boqorku meel u dhaw Masaajidka al-Aqsa, waana halkii aan rabay in ay degaan.

Ii ogolow in aan hal arrin kuu sheego inta aanan kuu sii wadin sheekada fardooleyda. Sida aad is tidhiba waxa aan ahayn anigu shaydaan. Shaydaan haddii aan ahay waxa aan dhex raacaa dhiigga aadamaha, waxa aan helaa afkaartiisa oo la moodo buug aan akhriyayo, bog kasta waa aan u rogi karaa. Sidaas oo qudha ma aha inta aan afkaartiisa rogo ayaa aan qofka la doodi karaa, oo aan wax ku qancin karaa. Waa ay fududayd Hiyuu in uu ku qanco hadalkayga, sidaas oo kale ayaa ay u fududayd in uu boqorkuna ku sii qanco hadalka Hiyuu. Waxaas oo dhami waa ii fudayd maxaa yeelay waxa aan ahay Baafomiid, waa ii fudayd waayo waxa aan ahay shaydaan.

Taariikhdu ma ay xusin mar keliyaata oo ay Fardooleydu ilaaliyeen xujeyda Quddus imanaysa. Maalmihii ugu horreeyay waxa ay bilaabeen in ay faagaan, in ay faagaan oo ay qodaan Xaramka Barakaysan hoostiisa.

– Kaalay duqyahow xumi. Maxaa aad u soo dhowaan la’dahay si aad u eegto hogaga aanu qodayno. Maxaa aad meeshaa durugsan la taagan tahay?

– Aniga ha igu mashquulin, wad waxa aad qodayso. Haddii aad weydo kaalay oo i dil aniga.
– Maya, dhiiggaaga ayaa aan cabbi doonaa Baafomiidoow. Hadalkaaga dabbaalnimada ah waa aan iska rumaystay.

Anigu uma aan soo dhowaan karayn goobta Xaramka. Haddii aan u soo dhowaado waa aan gubanayay, sida ay shayaadiintu u gubato. Labadaydii indhood ee gaboobay waa ay yaryaraadeen, waxa aanan xasuustay maalmo, maalmo aad u qadhaadhaa.

950 C.H

Isla halkan ayaa aan taagnaa waagaas, laba kun oo sanno ka hor ayaa ay ahayd. Waxa ay ahayd maalmo ay jinka iyo shayaadiintuba waayeen wax kasta. Illaa bilowgii abuurta waxa aanu ahayn kuwo sameeya waxa ay doonaan, marka ay doonaan. Waxa aanu ku ciyaari jirnay dadka sidii oo ay yihiin Laadhuu, waxa aanu ugu dheeli jirney sida Jesta. Waxa aanu kaga iman jirnay midig, bixid, hore iyo gadaal ba, waxa aanu u kaxayn jirney sida doonyaha oo kale. Ilaa uu soo baxay nin insiga ka mid ah oo noo xakameeyay sida ayda afka xakamaha loogaga jiido.

Waa boqor aanu isaga hortii iyo gadaashii wax la awood ahi aanu iman. Waa nin ay ku magacaabaan Saleebaan. Waxa aan ahaa shaqaale ka mid ah jinka yaryar ee wax dhisa, kuwaasi waxa ay ahaayeen qaar uu Saleebaan u adeegsado in ay u dhisaan wax kasta oo aanay dadku dhisi karayn. Wixii ugu muhiimsanaa ee aanu dhisnay waxa uu ahaa qasriga , qasriga Saleebaan. Ma aanaan garanayn sida uu noo hantiyay ninkani ee uu noo maamulo. Sidee ayaa uu shinbiraha u la hadaa iyo qudhaanjada? Sidee ayaa ay lugahiisa ugu hoos sujuudaan boqorrada jinka, oo ay foodda dhulka ugu dhigaan? Annagu waxa aanu ahayn kuwii dadka sixirka baray. Annagu waxa aanu ahayn kuwa ay ka cabsadaan dadku ee ay dhintaan haddii ay muuqaalkooda arkaan. Maxaa uu sidan noogu galayaa? Sidee ayaa sida xoolaha naloogu hoggaaminayaa? Sidee ayaa uu qof keliyaati nagu cabsi gelinayaa adduunka oo dhan aragti qudha. Saleebaan ma uu ahayn boqor, mana uu ahayn sixirroole balse waxa uu ahaa nebi. Nebi diinta noogu yeedhay oo aanu ka gaalownay, markii aanu diidnayna waa uu na muquuniyay kaayaga u yar iyo kaayaga ugu weynba.

Waxa aan taagnaa cidhifka barxaddan, sida ay u taagnaayeen shayaadiinta kaleba. Haddii uu qof naga mid ahi u soo dhawaado kursiga Saleebaan waa uu gubanayay. Waa aan eegay isaga oo ku fadhiya kursigiisa weyn. Qofna lama siin boqortooyo la mid ah ta Saleebaan ama kursi la mid ah ka uu ku fadhiyay. Waa aan necbaa anugu isaga, cuqdad ayaa aan u qabay. Dhammaan waa aanu samaynay wax kasta oo aanu sameyn karaynay si aanu dhib u soo gaadhsiinno, balse nooma ay suurto gelin. Waxa uu haystay wax aannaan heysan, mana garanayno waxaasi waxa uu yahay, balse waa uu haystay. Si kedis ah waxa noogu bidhaantay rejo, rejada ah in aanu ka aargoosanno, iyo yididiilada ah in aanu kaga takhalusno.

Si kedis ah ayaa uu u xanuunsaday nebi Saleebaan. Waxa uu ahaa xanuun jidhkiisa oo idil ku faafay. Waxa uu ahaa xanuun ka dawakhiyay dhakhtarradii jinka iyo kuwii insigaba. Xataa shinbiraha ayaa meel kasta uga keenay dhir aan waxba u tarin.
Waxa uu xanuunku ka dhigay nebi Saleebaan mid ugu fadhiista kursiga sidii jidh bilaa ruux ah, waxaaba la mooday in uu dhintay heerka uu gaadhay xanuunkiisa iyo miyir la’aantiisu. Maalin ba maalinta ka danbaysa waa uu ku sii kordhayay xanuunkaasi , illaa uu ka noqday jidhkiisu mid iska wadhan oo aan far dhaqaajin karay. Tani waxa ay ahayd fursaddii aanu kaga aargoosan lahayn.

Ma aannaan awoodin in aanu kursigiisa u soo dhawaanno, arrintaana uma aannaan baahnaynba maxaa yeelay jidhkiisa waxa galay unug xanuun ah oo ku samaysay wax ay kari waayeen shayaadiinta oo dhami. Waa ay iska caddayd in xanuunkani uu dili doono hadda ama dhowaan ba, sidaa darteed, waxa aanu ku dhaqaaqnay aargoosi nooc kale ah, jaad shaydaan oo si kale ah. Waxa aanu dhex joognay barxadda Haykalka sidii oo la moodo in aanay waxba ka jirin. Waxa la moodayay in aanu dhisayno qasriga Saleebaan, balse dhab ahaantii waxa aanu qodaynay kursiga Saleebaan hoostiisa.

Waxa aanu soo kaxaysannay qoraayadii jinka kuwii ugu khatarsanaa, waxa aanu farnay in ay qoraan wax kasta oo ku saabsan sixirkii aanu dadka bari jirnay ah berigii hore. Waa sixirka madow oo haddii aad hal tuduc ka akhrido adiga oo aan u kasin ay dhibtiisu ku taabanaysay . Intaas oo keliyaata ma aha waxa aanu qornay dhammaan wixii aanu ka baranay Haaruud iyo Maaruud, sixirkaas oo sixirka madow ku soo kordhiyay fajaciso burisay. Waxa aanu u qornay hab annaga noo gaar ah si ujeeddooyinkayaga loogu adeegsado. Waxa aanu ku kordhinnay labadii sixir xog kasta oo uu jinku ka maqlay warka sammada ee dhulka ku saabsan. Haddii aad i weydiiso sababta aanu waxaas oo dhan u samaynayno, iyo waxa ka dhexeeya tan iyo aargoosiga Saleebaan? Aniga ayaa kaaga jawaabi doona.

Nebi Saleebaan waxa uu soo ururiyay dhammaan buugaagtii sixirka ee jirtay xilligii boqortooyadiisa, waa aanu gubay. Iska daa taase waxa uu dilay sixirroole kasta oo casrigiisii noolaa, iyo cid kasta oo sixirroole loo maleeyay. Waxa kale oo uu amray in qoorta loo dheereeyo jin kasta oo isku daya in uu warka sammada dhegayso, iyo qof kasta oo insi ah oo sheegsheega in jinku ay warka sammada og yihiin.
Nebi Saleebaan waxa uu buriyay camalkayagii oo dhan, waayo waa uu naga tamar badnaa. Sidaa darteed, waxa na hurranayd in aanu marka hore cilmigayaga meel ku kaydinno, maxaa yeeley, Saleebaan waxa uu naga mabnuucay in aanu insiga la xidhiidhno gebi ahaanba; waxa aan ka wadaa xidhiidhka tooska ah. Laakiin weli waa aanu awoodi jirnayn in aanu caqligooda dhex galno oo aanu ku waswaasinno waxa aanu doonno. Waxa kale oo aanu awood u lahayn in aanu dad iska dhigno ama xayawaan. Laakiin kuma aanu dhici jirin in aanu dhibno haddii aanu doonno, ama in aanu la xidhiidhno oo aanu barno wixii aanu doonno sida fanka aanu doonno, sidii aanu sameyn jirnay Saleebaan ka hor. Markii uu Saleebaan dilay Sixirroolayaashi, oo uu gubay buugaagtii sixirka madow, oo uu mabnuucay in uu xidhiidh dhex maro jinka iyo insiga; markaa wax sixirroole ahi kuma uu soo hadhin dhulka, marka laga reebo midhadh joogay tuulooyin fog fog. Sixirkii madoobaa ee reer Bani Israa’iil Saleebaan waa uu gubay dhammaantood.

Kutubtan sixirka ee aanu qornay annagu uma aanu baahnayn, maxaa yeelay, dunidayada buugaag lagama adeegsado. Kutubtan waxa aanu u qornay dadka, si uu u sii jiro xidhiidhka naga dhexeeya annaga iyo dadku. Saleebaan marka uu dhinto ee uu cudurkiisu dilo, waxa aanu ku waswaasin doonnaa dadka kuwa ugu sharka badan in ay la soo baxaan buugaagtaas aanu xasaynay. Waxa aanu u sheegi doonnaa in ay buugaagtaasi yihiin kuwii nabi Saleebaan, waxa aanan tusi doonnaa sida uu Saleebaan u ahaa sixirroole jiitay. Sidaas ayaa ay u nacdali doonaan illaa qiyaamuhu ka dhacayo, sidaas ayaa aan annaguna u ilaalinay aqoontayadii, oo aanu uga aargoosannay kii gubay, ee firkayagana bahdilay.

Waa aanu qodnay oo waa aanu qodnay, sidii oo aanu wadno hawshii dhismaha. Saleebaan ma uu dareemin waxa aanu wadno. Waxa aanu qodnay joog dheer. Joog dheer oo kursiga hoostiisa ah oo aannaan gubanayn haddii aanu galno. Hawshayadi si nabdoon ayaa ay u dhacday, qalbiyadayada shaydaaniga ah waa ay garaacayeen naxdin, maxaa yeelay, Saleebaan oo kale lama dhayalsan karo. Kursiga hoostiisa ayaa aanu dhisme ka dhisnay, kutubtii oo dhan ayaa aanu dhex dhignay. Ciid ayaa aanu ku rognay wixii aanu aasnay, oo meel caadiya ayaa aanu ka dhignay. Qorshahayagu si nabdoon ayaa uu ku dhammaaday, si nabdoon ayaa uu ku dhammaaday markii aanu bil dhan hawlgal shaydaani ah aanu ku jirnay, oo aan kala go’ lahayn. Cudurkii Saleebaan waxa uu qaatay toddoba cisho illaa uu si kedis ah uu u bogsaday. Waxa uu ka soo noqday cudurkiisii isaga oo ka awood badan sidii hore. Saleebaan waxa uu hantiyay dabaysha, oo uu sida uu doono uu u amri jiray. Waxa uu hantiyay jinka quusa, kaas oo luulka uga soo saari jirey iyo dhagaxaanta qaaliga ah badaha guntooda, si uu ugu qurxiyo dhismayaasha aanu u dhisnay.

Waxa uu mulkiyay nebi Saleebaan nooc kale oo jinka ka mid ah, waa jin uu silsilado ku xidhay sida bahalaha. Waa jin uu ku jiro hoggaamiyahayagii Luusifar, oo la xidhxidhay. Waxba waa aanu fahmi weynay, dhabtii waxba maa aanu fahansanayn. Waqti xileedkii Saleebaan waxa uu nagu ahaa waqti adag oo dhib badan. Si kedis ah ayaa uu u dhintay Saleebaan, oo aanu mar danbe ogaannay. Addoonnimadii waa aanu ka xorownay. Waxa aanu ahayn kuwo sugaya kooxdii ku habboonayd ee soo saari lahayd kutubtan, ee u adeegsan lahayd sida aanu annagu doonayno. Waa koox aanu waqti dheer sugnay runtii, illaa ay soo martay taariikhda koox Yuhuud ah, oo laabta ku haysata xumaan oo dhan, waana kooxdii aanu raadinaynay. Waa anigaa imika eegaya iyaga oo qodaya xaramka hoostiisa, si ay u gaadhaan kutubtii aanu berigii xasaynay. Waa kutubta sixirka madow.
***
1300 C.D
– Baafomiid kaalay eeg gidaar ayaa halkan ka muuqdee. Kaalay duqyahow.

Waxa aan jalleecay dhankooda, waxa aanan u duulay sida ay shayaadiintu u duulaan, aniga oo ka fogaanaya iyaga iyo barxaddaba. Maya dunida insiga oo dhan waa aan ka fogaanayay, waxa aan u duulay xaggii aan ka tirsanaa. Waxa aan ka tagay Fardooleydii Haykalka oo duminaya gidaarkii ka soo horbaxay, si xamaasad leh. Waxa aan maanta fuliyay shaqo weyn, oo tolkay reer shaydaan qarniyo badan sugayeen, oo aanu u malaynaynay in aanay weligood naga idlaanayn.

Waxa ay heleen Fardooleydii Haykalku kutubtii ay shayaadiintu qariyeen laba kun soo sanno ka hor. Ma ay fahmin macnaha aan uga jeeday in ay buugaagtani yihiin kinsi ama kayd qaalli ah. Waxa ay filayeen kinsi dahab ah ama luul ah, laakiin taa lagama yaabo in la helo. Saleebaan waxa uu Rabbigiisa weydiistay uu baryi jiray, in aanu mulkigiisu cid kale gacanta u gelin. Waa uu dhammaan doonaa adduunku oo waa ay dhammaan doontaa taariikhdu iyada oo aanu qof dhulka ama cirka joogaa aanu heli gobol macdan ah oo ka mid ah hantidii Saleebaan. Mana iman doono boqor u hantiyay dhulka sidii uu Saleebaan u hantiyay.

Sidaas ayaa ay dhammaan aqoonta aadumuhu ugu guuldarraysatay in ay hesho wax raad ah oo ku saabsan boqortooyadii Saleebaan, illaa ay aqoonyahanka qaar sheegeen in Saleebaan iyo boqortooyadiisii ay ahaayeen sheeko-baraleyda diimaha. Sheeko-baraleyda ugu weyni se waa Haykalka Saleebaan.

Waxa jira dad adduunka qaylo ku wareeriyay, iyaga oo sheegaya in Haykalkii Saleebaan uu ku hoos jiro Xaramka Barakaysan ee Quddus. Laakiin dhabtu waxa ay tahay in haykalku uu la macne yahay macbad, Saleebaanna ma uu dhisin haykal ee waxa uu dhisay meel Alle lagu caabudo, waxa uu dhisi jiray masaajiddo.
Waxa uu rumaysnaa Eebbaha Ibraahim iyo Muuse ay rumaysnaayeen. Nebi Saleebaan waxa uu dhabarka nagu jebiyay dhismayaal kale, waxaana ka mid ahaa dib-u-dhiska masaajidka al-Aqsa, ee u nebi Ibraahiim seeska u taagay. Waxa ka mid ahaa dhismayaasha qasrigiisii ashqaraarka ahaa ee lagu xardhay quraarada heerka sarreeya, kani waxa uu ahaa waxa ugu sarreeya ee uu Saleebaan hantiyay.

Annaga ayuun baa garannayna meesha uu yaallo kaydkii qaaliga ahaa ee nebi Saleebaan, annaga ayaa garannayna halka uu ku danbeeyay qasrigiisii. Koox naga mid ah [jinka] oo rumeysan nebi Saleebaan, dacwaddiisana raacay ayaa ku xasaysay kaydkan dhulka salkiisa, qasrigiina waxa ay u qariyeen hab aanu caqliga aadumuhu rumaysan karin.
Kinsigi waxa uu ku jiraa gunta hoose ee dalal Bariga Dhexe ka mid ah, gaar ahaanna waqooyiga Jasiiradda Carabta. Waxa ilaaliya hantidan mid ka mid ah kuwa noogu khatarsan haddii aanu jinka nahay, waxa ilaaliya jin, sidaas ayaa aanay ahaan doontaa mid la ilaaliyay illaa inta dhulku ka dhammaanayo. Waa dahab, luul iyo marjaan; waa kaydad u widhwidhaya sida dayaxa iyo cadceedda, balse, jin iyo insi toona ma hantiyi doono Saleebaan ka dib.

Gebogebadii Fardooleydii Haykalku ma ay helin wax aan ka ahayn buugaagtii ay qoreen qoraayadayadu, kutubtaasi waxa ay ahayd kinsi qaali ah oo nooc kale ah. Kinsi aqoon ah oo oo beddeli doona wejiga taariikhda oo dhan. Waa kayd ay ku farayaraysteen gacmo shaydaan, caqliyo shaydaan, aqoonyahan shaydaan . Dadkii waa ay ka dhex baxeen Fardooleydii Haykalku, waxa aanay u banbaxeen in ay kutubtaa akhriyaan. Bog kasta oo ay rogaan waxa uuga soo dhex baxaysay xog ama sir ku saabsan adduunka, oo aanay habboonayn in uu qof insi ahi ogaado.

Haddii aynu ku soo noqonno kiniisaddii aan markii ugu horreysay sheekada ku geliyay, bal imika u fiirso wax kasta oo hareerahaaga ka muuqda. Kuwani waa Fardooleydii Haykalka. Ma waxa aad i weydiinaysaa sababta ay isu orgeynayaan ama isu fuulfuulayaan sidan xamaasadda leh? Mise waxa aad i weydiinaysaa maxaa ay dhiigga u cabbayaan? Waa maxay waxa kan oo summado ahi? Waxa kani waa maamuus diimeed, waxa laga yaaba in aad la yaabto, laakiin waxa ay ku gaadhsiinaysaa salka ileysa (nuurka).

Waxa ay cibaadadani kugu xidhaysaa dunidayada. Eeg mar kale miiskan , ee madaxa dul yaalla eeg. Waa madaxii Baafomiid; waa madax shaydaan, waa madaxa shaydaanka sheekada kuu wada hadda. Waa shaydaanka la hadla markasta oo ay maamuuskooda cibaado sameeyaan. Waxa ay ruuxdooda, jidhkooda iyo akhlaaqdooda ka iibiyeen shaydaanka Baafomiid.

Haddii aad i weydiiso maxaa ay heleen iyagu markii ay naftooda iibiyeen? Ma waxa aad rabtaa in aad waxooda oo kale aad hesho? Waxa ay heleen wax aanu hantiile dhulka ku nooli helin xilligoodii. Fardooleydii Haykalku waxa ay ku soo noqdeen Yurub. Waxa ay ahaayeen Fardooleey fuqaro ah, waxa aanay noqdeen dabaqadda ugu taajirsan Yurub, maya caalamka oo dhan iyaga ayaa ugu hodansanaa. Hantidoodu waxa ay gaadhay heer ay madaxda iyo boqorradu ay ka qaataan deymo. Sharaf iyo karaamona waxa ay noqdeen fardooleydii ugu maamuusnayd ee taariikhda Macatablayasha soo mara. Waxa ay ahaayeen guuto ciidan ah oo hoog iyo halaag dhadhansiiyay muslimiinta dagaalkii Macatablayaasha. Salaaxudiin mar uu maxaabiis ahaan u qabsaday iyaga, dhammaantood waa uu laayay, si ka duwan wixii uu ku sameyn jireyn maxaabiista kale. Dusha waxa ay ka ahaayeen kuwo wanaagsan, laakiin qofna ma uu ogayn sababta ay kiniisadahooda hoosta uga soo xidhan jireen. Annaga oo qudha ayaa ogayn waxa ay sidaas u samayn jireen; annaga ayaa siinnay nuurka, waa aanan siin doonnaa ileyska illaa ay ka gaadhsiinayaan hantiilaha nuurka; illaa ay ka gaadhsiinayaan Antikhiriistoos (Antichrist).

Wax kastaa waa ay kashifmeen, Yurub waxa ay ku soo toostay fadeexad ruxday; waa warka qabashada Fardooleydii Haykalka. Iyada oo aanu ogeysiis hore jirin ayaa uu soosaaray boqor Filib amar lagu xidhayo dhammaantood. Waxa uu raadinayay waddo uu iyaga kaga takhaluso markii ay noqdeen dadka ugu hantida badan Yurub, ee ay deymo ku yeesheen dhammaan madaxda Yurub, boqor Filib laftiisa ayaa ay lacag ku yeesheen. Waxa uu raadinayay sabab uu u baabiiyo iyaga. Waxa uu helay fadeexad daaha ka feyday Fardooleyda, oo sharaftoodiina tummaatiday: waxa soo gaadhay warka sheegaya in ay sixirka adeegsadaan oo ay macatbkana bahdilaan.

Waxa ay ahayd dhacdo taariikheed oo gilgishay Yurub, Jimcihii 13ka bisha waxa la qotomiyay tiirar dhammaan goobaha la isugu yimaaddo ee Baariis. Waxa tiirarkaa ka laalaaday jidhka Fardooleydii; Fardooley ay reer Yurub u haysteen in sharaf kastaa ay hoos timaaddo sharaftooda. Waa xiddigo imika mar qudhaata uun demaya. Waa tiirar lagu xidhxidhay madaxdii Fardooleyda. Dadkii oo dhan ayaa isugu soo baxay iyaga oo yaabban dhanna ka cadhaysan si ay u daawadaan waxa ku dhacay ciidankii sharafta lahaa. Waxa ay fuuleen barxadda tiirarkii lagu xidhxidhay Fardooleyda. Waxa lagu qabtay dab Fardooleydii.

Dadkii dhammaantood waa ay wada qayliyeen, iyada oo aan la garanayn waxa ay u jeedaan. Waxa uu go’aansaday boqor Filib in uu gubo dhammaan hoggaamiyayaashii Fardooleyda; waxa la gubay iyaga oo lagu eedeeyay in ay adeegsadeen Sixirka Madow, eedda ah in ay bahdileen macatabka, eedda ah in ay isku fuulfuuli jireen kiniisadaha dhexdooda, eedda ah in ay u yeedhan jireen rooxaanta iyo eedda ah in ay diideen in uu jiro Nebi Ciise.
Dhammaan eedahan waa ay qirteen, markii uu boqor Filib soo ururiyay ee uu jidhdilay, si arxan daran.

Fardooleydu waa ay qariyeen dhammaan buugaagtii ay Quddus kala yimaaddeen, waxa aanay ku xaseeyeen hogag. Intii uu boqor Filib qabtay waa ay ka yaraayeen kala badh Fardooleydii. Fardooleydii soo hadhay waa ay baxsadeen, waxa ay u baxsadeen meel kale, meel aanu joogin boqor Filib. Waxa ay u firdhadeen meel doonaysa in ay ka madax-bannaanaato Ingiriiska, oo uu hoggaaminayo Wilyam Waalaas. Waxa ay u baxsadeen Fardooleydi Haykalku Iskootland.

Waxa turjumay: Cali Ileeye.

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here