Ilbaxnimada Islaamka – Cabdicasiis Cabdillaahi ‘Abaabul’

Xirsi

 Xadaaraddu macne ahaan waa ilbaxnimo iyo reer magaalnimo waxana lagu qeexaa waxqabad iyo horumarka kala gedisan ee aadamuhu gaadhay dhammaan dhinacyada nolosha. Hadday tahay caqli ahaan, dhaqaale ahaan, siyaasad ahaan iyo mabda’a ahaan; ruuxdana lagu  kobcin la’haa, diinta iyo dhaqankana  lagu xoojiyo.

Waxa aynu odhan karnaa Haddii loo tiiriyo ilbaxnimo bulsho ummaddaha ka mid ah ama se dawlad dawlaha ka mid ah. Taasi waa u nisbayn loo tiirinayo dawladdaas. Xadaaradda haddii loo sii kuur galo, waa ilbaxnimo xadhiga goosatay. Taasoo tibaaxaysa firfircooni ay leeyihiin bulsho qadiim ahi oo gayaysiisay inay si weyn u ilbaxaan, hor socod na sameeyaan.

Sida ay aqoonto in bareysona  xadaaradda ay ummad ummadaha ka mid ah yeelataa waxay ka shiidaal qaadataa mabaadii’da iyo caqiidada ay rumaysnayd iyo sida ay u arkaan muuqaalka dunida. Sidaas awgeed ayay u yeelatay ilbaxnimo kastaa summad lagu soo sooco, kana dhigta wax-ku-ool, oo ka saamayn iyo sarrayn badan xadaaraddihii ay ka dhimbiil qaadatay.

Dhamaan dunidu waxay isku tahay xubin qudha isna dhammaystiraysa, midna midda kale na saamayn ku leedahay hadday tahay; ganacsi ahaan, farsamo ahaan iyo siyaasad ahaan ba. Xidhiidhi iyo wada shaqayn joogto ah ayey dunidu leedahay. Waxa maanta fududaatay qofka jooga cadceed ka soo baxa inuu tago cadceed ka dhaca, kuna soo wareego dunida ammin kooban iyo inaad saacado yar daafaha caalamka la xidhiidho si dhakhso ah.

Haddaba xidhiidhkaa waxa ka dhashay inay isa saameeyaan ilbaxnimooyinkii quruumaha dunida wadaaga is na dhex qaadaan oo ay is na shiiqiyaan, balse saamaynta ay isku yeelanayaan ilbaxnimada bulshooyinku way kala derajo sarraynayaan marka loo eego hor u socod, dib u dhac ba, awood ahaan iyo taag darrida sida ay u kala geddisan yihiin ummuduhu.

Waayo dadyawga ilbaxnimadoodu kooban tahay ee hoosaysaa waxa duufsada oo shiiqiya kuwa xadaaraddoodu tunka wayn tahay. saynisyahankii weynaa ee Ibnu Khalduun waxa uu yidhi ‘bulshada awoodda daran ee jabtay waxa la jeclaysiiyaa ku dayashada cidda xooga leh, oo ay kaga dayanayaan astaantooda, dhaqankooda, dharkooda iyo dhammaan hab dhaqankooda inay ku daydaan oo ku yoto’aan[1]’’

Waxa la hubaa oo laga wada dheragsanyahay Islaamku waxa uu lahaa xidhiidhka iyo saamaynta ugu weyn dunida, xadaaraddaha kale na shiiqiya ahna ka lagu daydo ee calanka u sida. Ilaa markii ay qayliyeen Boobabkii ugu waaweynaa Kiristaku iyagoo ka wacdiyaya in dhaqankoodii iyo afkoodii ka sii socdaan una jeedaan dhaqankii Islaamka, isaga oo Boobkii jeediyay khudbad ay mid ahaayeen ‘’Maxay ubadkeenii u xidhanayaan Khamiiska Islaamka afka Carabidana ugu faanaan ku hadalkeeda’’ iyaga oo markii taas ay si weyn u dareemeen u guddoonsaday sidii ay uga gaashaaman lahaayeen.

Ilbaxnimada Islaamku waxay gaadhay inay hoos u dhac weyni ku yimaaddo oo ay la kuf  noqdaan xadaaraddihii ay hoggaamin jirtay. Balse, Islaamku fagaaraha kama fogaan marnaba, jeeroo la soo gaadhay qaran jabkii muslimiinta qarnigii 19aad, madaxana ay  la soo kaceen kacaankii wershadaha reer Galbeedku, cududdana ay yeesheen.

Markaa ayey Muslimiintii bilaabeen inay soo guuriyaan ilbaxnimadii hore looga dhacay ee ay ka timi tiknoolajiyadda maanta dunida hagta. Si Islaamku wax uga ogaado aqoontaa, waxa uu diray kooxo arday ah oo u soo kuur gala arrintaas. Halkaa waxa ka dhacay in ardaydii la diray ay soo laabtaan iyada oo mabda’ii laga bedelay oo dabadhilif u noqday reer Galbeedka, xalna uga dhigay dalalkii Muslimiinta ahaa ku jujuubaan Mabda’ii reer galbeedka oon biyo is marin. Shay kasta in af reer galbeed ay ka fursan-waa ka dhigeen. Boodh kasta iyo bar kastaana ilaa erayo qalaad lagu qoraa ay ilbaxnimo noqotay[2].

Ganacsigii, siyaasaddii, maamulkii, sharcigii iyo aqoontiiba magan looga noqdo reer galbeed ayay ku booriyeen barbaartii la igmaday, taasoo noqotay tii uu qaasin lahaa ‘’Daab gudin na sooma jarin, wiilashaan diray’’

Ururradii u ololaynayey reer galbeedaynta nolosha aad baa loogu farxay, kuwaasoo iyagu dadkii u sheegay guulaha ay reer galbeedku gaadheen indhahoodiina ashqaraar dhalanteeda ku riday. Sida aaladdaha casriga ee ay sameeyeen.waxayna ku fureen mowjado tilmaamaya farsamo wanaagga reer galbeedka oo dadkii  looga dhigay lagama maarmaan, dawga guushuna taas tahay.

Waxa wax laga subxaanalaysto noqotay markii la riday dawladdo Islaama oo awood badnaa lana hoos keenay gacanta gumaystaha. Maalintaas ayay ilbaxnimadii reer galbeed is tustay inay yeelatay awood ay ku shiiqiso haybaddii dunida islaamka iyo xadaaraddoodii soo jireen ahayd, iyadoo buul ka dul dhisatay. Waajib na ay kaga dhigeen dawladdihii Islaamka inay bartaan afkooda, dhaqankooda, xukunkooda iyo nidaamkooda iyagoo ku nool mabaadiiduu jideeyay. Si ay ugu milanto hab-dhaqannadooda oo dhan.

 

 

Qeybaha ay dadku  uga qeybsameen  iyo aragtiyaha kala duwan ee laga istaagay  ilbaxnimada reer galbeed waxa aynu ku soo koobi karnaa seddex heerar oo kal gadisan                                                                                                     Kama baxsana saddex aragtiyood oo kala ah  ku wana

  • Mowqif colaadin
  • Mowqif ku dayashada indhaha la’
  • Iyo mowqif haadis, hirgelin iyo horumarin.

 

  • Mowqif colaadin

 

Gebi ahaan inuu ka ugaadhoobo oo gaashaanka u daruuro isaga oo u haysta balaayo lagu hodmayo, kana istaago mowqif colaadin iyo caadifad fogayn ah. Isaga oo waxna ka faa’iidin ogolayn na in la barto cilmiyada cusub. Hadday tahay waaya-aragnimada ummadduhu kala ergaystaan oo aanu soo waaridan ama samaysan farsamada casriga ah noocay doontaba ha ahaatee. Aragtida iyo fikirkaas oo la qaataa waa waxyeello iyo dib u dhac weyn sababna u ah hoosayn, gebi ahaan na nolosha laga dhaco kana dhigaysa inuu wax walba marti uga noqdo shisheeye. Taasina waa aragti ka hor imanaysa ujeedadii saxda ahayd ee Alle u abuuray dadka.

Caqliga wanaagsani ma qaadan karo diintuna ma aqbalayso dib u dhacaas, waxana lagu tiriyaa mid Islaamka meel ka dhac weyn ku ah iyo in diintii si qaldan loo fahmay. Waayo. Islaamku waxa uu ku boorinayaa in qofku u adeegsado caliga adduunyada sida ku xusan suuradda All-cimraan. Gedda kale waxa Islaamku ku baaqayaan in la kasbado wax kasta oo nafci leh meeshuu doono ha ka soo baxee lana raacdeeyo sida ku xusan xadiiskan uu weriyey Tarmiidi (wixii wanaagsan ee xikmada ah waa baadida qofka Muslimka ahi leeyahay, meeshuu ku soo gaadhana isagaa u mudan) waa sida xadiis u dhigna.

Sidoo kale, waxa uu Islaamku ina farayaa in la diyaariyo awood Milateri, mid dhaqaale, mid siyaasadeed, mid aqooneed iyo in la qaado ujeeddooyinkii suura gelin lahaa difaaca diinta, dalka iyo dadkaba, nacabkana jebin lahaa.

Bulsho ma noolaan karto in qof walba ka indho qabsado isagoo iska arag tiraya waayaha ku gedaaman, ee ay ka mid yihiin duulaan maskaxda ee loo qorsheeyey si loo bedelo; dhaqanka iyo afkaarta ummaddi leedahay, kana dhigaan mabda’ooda uga dhigaan mid ugu jirta halka cuntada iyo cabidda si loogu daba faylo. Qofkastaana uu arday u noqdo  aan hadal ka soo celin wixii loo yeedhiyaba.

 

  • Mowqif ku dayashada indhaha la’

Waa inuu qofku istaago mowqif iyo kaalin ku dayasho indho la’ isna dhiibo oo xaaladdiisu noqoto dameeri dhaan raacday, una duloobo isaga oo qalbiga u furay dhaqanka reer galbeed oo u hoggaamsamay isagoo oodihiisa wata. Isaga oo la sharaabsiiyay afkaartooda, mabda’ooda, manhajkooda, falsafaddooda iyo nidaamkooda oo dhan. Kuwaas oo ku sal leh deegaan ka fog halka uu ku noolyihiin duulka u dulloobay arrintaas. Taas oo jaah wareer ku ridday dadkii loo soo waariday. Iyadoo geyaysiisay baa’ba iyo burbur jiritaanka bulshadaas dun iyo dacal ba. Bulshaduna ay ka siibatay qiimaheedii dhaladka ahaa ee ay kaga soocnayd uumiyaha kale ab ka ab.

Sida ay u noqtoo xoog badnaantu muruq iyo muquunin, awoodna  ciidan na la isugu gumaysto ayaa si la mid ah ama ka daran ayaa la isugu muquuniyaa awoodda maskaxeed iyo ta fikir ahaaneed. Waxaana daran ta dambe. Walaw haba ahaato, ummad xor ah oo madaxbannaani qaadatay, xoriyadna ku naaloonaysa, sida badan qaar ka mid ah dawladdaha Afrika iyo Aasiyo xoriyaddii way qaateen ammin hore, haseyeeshee, waxa weli dul sudhan heeryadii gumaysiga oo maanka iyo maskaxda ayuu ka maamulaa, macne ahaan iyo fikir ahaan na hantiyey isagaana u jaan gooya masiirkooda.

Ilaa iminka nolosha Soomaaliyeed kamay bixin xeerarkii uu gumaystuhu dejiyey iyo inay daaqaan soonaha xuduudihii uu cayimay iyo inay isku xukumaan baanel koodhkii uu u soo qorqoray. Isaga oo markii uu tegay soo igmaday hay’ado wakiillo uga noqda fulinta afkaartiisa oo ilaa maanta aad maqlayso aqoonyahanka iyo hormuudka bulshada oo ka qayb gelaya mashaariicda hay’ada wadaan iyo qorshahooda.

Waxa kaloo ay mulkiyeen inay dejiyaan manhajkii waxbarashada, taasoo u sahashay inay nafaha dadka mukiyaan oo dhaqankooda iyo afkaartooda ku rartaan. arintaasi dhaxalsiisay inay bulshadeena inay horumarkasta iyo wanaag oo dhan lagu cabbiro aragtida reer galbeedka, iyadoon la iska shaandhayn caqiido ahaan iyo dhaqan ahaan.

Hay’addahaas oo ku baaqaya una ololaynaya oo hadh iyo habeen ba u taagan siday u abqaali lahaayeen dad iyaga metela, uguna guulaysan lahaayeen in la isku dhiibo. Xadaaraddoodana lala ashqaraaro laguna lumo muuqaalladooda oo qofku nafsad ahaan u jabo dareemana itaal daro, kalsoonidiisa jiritaaneed na ka dhimato, dabadeedna oo u soo gacan galay isla markaan ku suganyahay xaaladiiso cilaalsan[3] markaas isaga oo la mid ah sida qofka indhaha la’ loo hago una daba tukubo

 

 

  • Iyo mowqif haadis, hirgelin iyo horumarin.

Waa arragtida ay waajib tahay inay ka fahmaan ilbaxnimada bulshooyinka muslinka ahi, waayo xadaaraddu waxay ka biyo cabtaa aragtida caqiideed oo falsafaddu ka sii burqatay iyo mabda’a noloshooda ay ka aaminsan yihiin iyo waaya-aragnimo ku salaysan deegaankooda. Waxayna noqon karaan waxyaalahaa ay xadaaraddu madaxa u sidataa laba dhinac oo aasaasiya;

  1. Dhinaca baadhitaanka cilmiyeed sida culuumta waaya-aragnimada ku dhisan iyo hirgelinta cilmiyeed. Technology, wax soo saarka wershadaha iyo dhammaan noocyadeeda kala duwan.

Waxa habboon inay ka faa’iidaystaan muslimiintu oo ay ummaddana wax ugu qabtaan, wax dhisaan, hirgeliyaan oo horumariyaan, hormoodna ka noqdaan walxaha xadaaradda.

Waayo aqoontu waa dhaxal ka dhexeeya aadamaha gebi ahaantoodba, oo ay ummad waliba kaga qayb qaadato qaybteeda qarni ilaa qarni, jiil ilaa jiil kii soo kacaaba adduunka aqoon buu ku soo kordhinayay oo ma aha aqoontu waxa cid keliyi mulkiday.

 

Intaa waxa caddeeyey qoraagii bare Maxamed Asad sida ku cad kitaabkiisa Dawgii Makka. ‘’kasbashada afkaarta iyo hababka cilmiyeed ma aha wax u xayiran cid oo ciddaa laga daydo, sida la hubana cilmigu ma aha wax ay qoom qudhi leeyihiin. Aqoontu ma aha reer bari reer bogoxna ma aha. Cilmiyada la daah-furaa waxa weeyaan uun aqoon daba taxnayd oo xalqad xalqad iyo silsilad taxane ahayd ku sugnayd dhammaanshana aan lahayn, oo ku qotoma caqliyadda aadamaha. Silsiladdahaa aqooneed waxa ka soo qayb qaadanayey jinsiyadaha aadamaha oo midiba casri wax ku biirinayay, waana dedaal meel isugu geeyay aadamuhu oo ay wada leeyihiin.

 

Run ahaantii dunidu waxa ay dhisan tahay aasaaska iyo seeska ay ku qotomeen kuwii ka horeeyey, waxqabadkoodii, dadkoodii, dhulkoodii iyo aqoontoodii waxay bar bilow u tahay dadka ka dambeeya. Haddaba ha ahaadaan kuwaa dhisayaa ummaddiisa ama ummad kale ha dhistaane, hawlgallada, dhismaha iyo horumarku waa mid soo jireen ahaa muddo qarniyo ahna soo socotay, isagoo isagasoo gooshaya aadame ilaa aadame kale. Iyaga oo daah-furayay casri goonniya, hawlgallo cilmiyeed waawayn oo horleh.    Suuragal na ma aha in la yidhaado waxa ay qusaysaa aqoontaasi una noqotaa waagaa iyo meeshaa, waayo waxa dhacda wakhtiyada dami[4] laga joogo iyo xilliyada qaar inay ummaddi wax ku darsato. Ummaddaas oo ka go’aan badan kana han sarraysa bulshooyinkii qayrkood ahaa, qayb weyn na ku darsato sanduuqa cilmiga. Iskana soo goyso qaadhaanka ugu weyn ee cilmi loo guro. Balse, labada qoloba waxay wadaagaan xilliga ay joogeen, si saxana marka loo eego waxqabadkaa cilmiyeed waa u dhex.

 

Run ahaantii waxa soo martay magaalooyinka muslimiinta wakhti ay ahayd ta ugu xoogga ee ka horaysa magaalooyin badan oo Yurub ka mid ah marka la eego daah-furka cilmiga iyo waxsoo saarka khayraadka dabiiciga ah. Badanaa mabaadiida iyo aragtidu waa sida dariiqooyinkii hore oo kale, saldhig na ay u yihiin cilmiga cusub iyo magaalada cusub, tiiyoo aan marna la ilduufayn aqoontii taxanaha ahayd. Iyadoo sidaa la qabo haddana daah-furkii cilmiyeed ee uu lahaa Jaabir Binu Xayaa Al-kiimaawi[5] ee uu aasaasay cilmiga Kimisteriga, taasi kamay dhigin Kimisterigii cilmi carbeed. Sidoo kale suuragal ma aha cilmiga xisaabta ee Al-gebra iyo saddex xagalka oo kala lahaayeen Khawaarsimi iyo Bataani oo daah-furay muslinna ahaa, kamay dhigin cilmi Carbeed.

Sidoo kale, waxaan suuragal ahayn inuu qofku yidhaado isagoo ka hadlaya cufasjiidadka dhulka inuu yidhaado waa aqoon Ingiriis. Walaw ha ahaado cilmi nin Ingiriisi uu daah-furay waana hawlgallo cilmiyeed waaweyn oo ah hanti ay wada leeyihiin jinsiyadda aadamuh gebi ahaantoo lana kala xigsan Karin.

 

Dhinaca labaad ee xadaaradda reer galbeed madaxa ku sidato

Fikirka, caqiidada, falsafaddooda iyo dhaqankooda bulsho ahaaneed waa wax lagu kala tegayo marka la barbardhigo ilbaxnimo dad kale. Waayo waxa kala duwanaanaya caqiidooyinka, dhaqanka iyo dhammaan nolosha guud ahaan. Dhinacani ma habboona in qof muslin ahi marti uga noqdo xadaaradda reer galbeed in yar mooyaane, taasoo aan ka hor imanayn caqliga saxda ah iyo diinta suuban iyo inaan lagaga dayan dhaqan ahaan, hab nololeedka iyo caqiidada. Arrintaas waxa lagaga guulaysanayaa hubinteeda marka si fiican loo naqdiyo, la baadho wixii la qaadanayo iyo wixii la iska tuurayo. Sababta la isaga baadhayaa waa xadaaradda reer galbeedka oo ku soo beegantay hanaqaadkeedii casri ay diintoodii ka fogaadeen, tiirarkii ay ku taagnaydna ay dhulka la simeen iyagoo muquuniyey wixii diin iyo dhaqan u nisbo sheegta, ka xoroobiddoodana waxay ka dhigeen mid faral ku ah dadka. Taas oo ay sanka ka geliyeen Dimuqraadiyad iyo xoriyaddo aan soohdin lahayn oo diinta iyo dadnimada duminaysa.

Xadaaradda waxay gadhwadeen uga dhigeen dabeecadda iyaga oo ku canqariyay cilmaaniyad, waxayna u jiheeyeen nolosha qiimaheedii maaddi, diintiina waa laga dayray oo laga awday nolosha. Markaasaa la kufsaday dhaqankii wanaagsanaa oo mag la’aan la bireeyay qiyamkii iyo akhlaaqdii saraysay. Diintiina waxay ka dhigeen nacabka keliya ee nolosha iyo ilbaxnimada. Taasina la yaab ma leh oo waa cadaadis ka dhashay Boobabkii kiniisadaha ka talin jiray ee cadaadiyay aqoonta iyo cilmiga.waxana ay sababtay in ay mulxidiin noqdaan oo ay diintooda iskaga baxaan  colaadiyaana qaar badane iyga ka mid ah.

[6]Hadday boobkii kiristanka ahaa ay aqoontii

Dadk xooreen fikirkii xorta ahaan aduunsadeen, tollowdiinta  islaamku halkeebay ka istaagtey aragtida ku aadanhormarinta adduunayda iyo u fikirideed. Bal aynu waxa isku sheego ma xumee.

aragtida oo kale  dadka qabaa waxay mooganyihiin oo aanay fahmin xaqiiqada islaamka iyo ummadda islaamka. Islaamku waxa uu ku baaqayaa aqoon gebi ahaanteed, waxa uu ina farayaa in faraqa laga buuxsado walxaha ilbaxnimadu ay ku dhisantahay gebi ahaanteed hadday tahay maaddi ahaan, caqli ahaan iyo nafsad ahaan ba, si uu u jiheeyo una kobciyo tiiyoo hadhsanaysa shareecad islaamka ee muqadaska ah. Waxa uu adeegsanayaa dhammaan awoodihiisa si uu u kor yeeli lahaa kelmada Alle (SW) iyo dadkoo laga saaro mugdiga nuurkana loo bixiyo, lagana xoreeyo caabuddida shilinka iyo maaddada Allena lagu xidho iyo samaynta bulsho suuban oo taageerta bini-Aadamnimada.

Noloshu adduunyadu ma tii ugu dambaysay iyo yoolkii ugu dambeeyey ee la gaadho, balse waa marxalad uu aadamuhu ka dhoofayo si uu u dheefsado wixii uu meesha dhigtay dhib iyo dheef ba. Si uu u xaqiijiyo qofku guusha dhabta ah ee ka dambaysa, taasi waxay laasiminaysaa maadaama uu sido islaamku yoolkii iyo badhaadhihii ugu weynaa inuu xil iska saaro dhaqaale ahaan, wacyigelin ahaan, cudud ahaan iyo ciidan ahaan, maadaama ay ummadda islaamku yahay ka iska leh fariinta caalamiga ah iyo risaaladda sarraysa xilna ka saran yahay gaadhsiinta diinta barakaysan dunida. Haddaba ma habboona ummadda muqadaska ah inay ka istaagaan horumarka iyo waxqabsiga dacal dambe kuna noolaadaan nolol huubo ah, kuna raali noqdaan inay u daba fadhiistaan hoggaanka, horumarka, diidista iyo doonista, hal-abuuridda farsamooyinka kaga sugnaadaan ku dayasho indhala’ oo reer galbeedka u noqdaan dameeri dhaan raacday.  Balse, mowqifka looga baahan yahay ee saxda ahi waa mid xor ah oo gobonimo leh, awood iyo doonis na leh, la madaxbannaan wixii fikir ah, xulanayana wixii ilbaxnimo habboon ah dhawrayana jiritaankooda, awoodna u leh in aan wax walba sanka laga soo geli Karin, habayddoodana luminaya, baadisoocdoodana la habaabinayn sida uu Xadiiskani inoo timaamayo (Cidda cid isku ekaysiisa waa la mid)

Sidaasuu noqonayaa mowqifka qofka muslinka ahi. Ma aha xadaaraddu mid khayr keliya uun leh mana aha mid shar keliya wadata, balse waa shar iyo khayr isku jira. Hadalka odhanaya ‘’ha la iska daayo xadaaradda iyo ilbaxnimadu waa celis’’ ka odhanaya aynu wada qaadano oo yaan midna laga teginna waa celis.

Hadalka saxda ahi waa in aynu isku shaandhaynnaa wixii wacan waa in la qaato (aan dhaqanka iyo diinta ka hor imanayn) wixii kalena waynu ka tegaynaa. Waxaynu hindisaynaa horumar iyo hal-abuurnimo dhammaan farsamada ay noloshu u baahan tahay, inagoo maanka ku hayna tuducyada odhanaya;

Taariikhda dhererka leh[7]

Dhaxalkeed dhaladka ah

Dhitadii dadkii hore

Wixii horumar soo dhacay

Aadmigaa dhammaan waday

Dhinacaaga adiguna

Waxba yaanay kaa dhinmin!

 

Qalinkii Cabdicasiis Cabdillaahi Xirsi  (Abaabul)

 

[1][1][1] Dhaqan aanad lahayn oo aad ku dhegto una xusto si indho la’aan ah (sida maalinta faraxalka adduunka iyo ka hadala jinsiga (gender balance) mudaharaadka iyo dhibaatiyoon badan oo ina aafeeyey, oo aynu u haysanno ilbaxnimo.)

[2] Waa arinta uu timacade iyo abwaanadeeno ka qeylyeen  ( ninmankii manda reer galbeed magu madeedeeyey’ ninmankii  mugooguba ahaa maakin casuumo’’

[3] Waa daalaadhac, liicliicaya, salbabakhsan

[4] Dami waa wakhti fog ama waayo ka hor

[5] Waa ninkii kiimikada loogu magac daray soona saaray, kana qoray buug laga dhigto cilmiga Kimisteriga.

[6] Midhahee dimuqaraadiyada ka soo go’ay waxa ayn noqotay xoriyada xadhka  goosatay   oo diin iyo dadnimoba bireys a rageena  naageystay naagihiina rag ka dhigtay xeyndaab walbana jeedhay,

[7] Labada  hal tuduc abwaan kalaa lehinta kalena  waan ku sii daray

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here