Kulamadii Awliyada Jacaylka: Afar aroos iyo aas (4) – Khadar Cabdi Indhayare

KHADAR

‘Hagaag , waxaan rabaa in aan tago muquursi, doonida nasiibka?’ ‘dooni wadaha,’ ay ay u sheegtay. ‘ Nasiile  dooni wata.’ ‘ Sax. Aniguna imika waxan la joogayaa saaxiibo, gurigooda.  ‘alla maya, waxaan idhi guri, lakiin waa qalcad layaab leh…..’

‘ish,  waa maxay waxan oo xishood ahi – imaka waxaan joogayaa dooni wataha agtiisa. ‘ish!’ Charless baa sidaa yidhi, wuu yaabay  haddana. Tani waxay ahayd martiqaad run ah, lakiin si dhakhso ah ugma jawaabin. Isagu nasiib darro waa nin Ingiriis ah.

‘Hagaag, way fiicnayd in aan kula kulmay. Inkastoo aynaan weli si fiica u kulmin.’ Ayuu yidhi Charless. ‘ Waan jeclaaday hadalkaagii, waxa uu ahaa mid weyn.’ ‘ Waad mahad santahay, ay ay tidhi Carrie Charlessaw.   Isaga weli way ku adagtahay in uu waxa yidhaa, halkaasna waxay taagnayeen iyagoo aamusan waxoogaa. ‘ Anigu waan tagayaa,’ ay ay tidhi Carrie. ‘ Maya, sidaa hayeelin! Ma awoodnaa in aan mar kale kulanno? ‘ habeenkiibaa bilaamaya haatan.’

Waxay labadooduba eegeen dhanka teendhada, oo imika ah mid is dhex daadsan,quraarado ayaa ka buuxa, kuraasina waxa la dhigay oo la jiifiyay sagxada.

‘ Labadeenuba been ayaynu sheegaynaa, been weyn,’ ay ay tidhi Carrie, weyna iska dhaqaaday.

‘ Xumaa’, ayuu yidhi Charless.

Imika kooxdii, waxay joojiyeen ciyaartii, laakiin aroosada walaasheed iyo saxiibkeed waxay la noqdeen shareeradoodii. Hadda, afar ruux oo kaliya ayaa ciyaari raba, kuna ciyaari raba kamankooda, kaas oo aan fiicnay ama la jeclaysan Karin. Dadka qaar way is shuminayaan, qaar wax cabbayaan, qaarna  way seexdeenba! Lamaanyaasha is shuminaya waxa ka mid ah Bernard iyo Lydia. Si xamaasad leh bay isu dhuuqayaan, Lydia, way neef tuuraysaa.

‘ B ernard,’ yaab bay la ooyaysay. ‘ Maan garanayn in aan sidan noqon rabay.’

‘ Allah,’ ayuu yidhi Gareth, isagoo eegaya waxan is dhex daadsan. Waxa uu nacsan yahay kamankan la garaacayo. ‘ Waa maxay dhibaatadani! Waa xiligii qalacada. ‘ iska waran Tomaw, miyad wax cabtay? Gadhiga si nabad ah ma u wadi kartaa?

‘ Haa, dabcan, haa waan karaa,’ ayuu yidhi Tom. ‘ Waxaba ma cabin illaa fiidkii  oo dhan.’ Lakiin markii uu istaagay, waxa uu ku sigtay in uu dhaco. Waxa badan buu cabbay, mahin sida uu u malaynayay.

Kooxdii asxaabta ahayd wxay koreen gadhigii Tom, ee weynaa, ayagoo xagga miyiga u kacay. Waxa ay isku dayayaan in ay heesaan, lakiin waxay la kulmeen in kor fanashadu ay sii adakaanayso. Charless baa yidhi ‘ Tomaw, gaadhiga ma joojin kartaa?’ Tomna, is dhakhso ah buu biriiga u qabtay. ‘ waan ka xumay’  Charless baa raali galin ku bixiyay. ‘ Waxa aan moodayay in aan gaadhnay baarkii.’ ‘ Sababteena?  Waxa weydiiyay Tom. ‘ Ax – Charless raaxo ma darremayo haatan, waxa uu ku jawaabona muu garan haatan. Qof wailba waa xaraabaynayay.

‘ Maya ayuu Charlsess si dareen leh u yidhi. ‘ Anigu waxan rabaa in aan wax ka qoro baarkan leh magaca ‘ Boat’,  buugayguna waxa uu noqon rabaa ka ugu horeeyay ee khuseeya arintan. ‘ same waxa aad rabto.’ Ayuu yidhi Tom, Charless na wuuba ka booday gaadhigii! Isagu hadda waxa uu dhex taagan yahay madawga, meel wadada dhexdeeda ah, oo xaggaas miyga ah. Hadda waxa uu dareemayaa kali. Waxa uu ka fikirayaa sidii uu heli lahaa baarka.

‘ Haax haax, go’aan gaado’, ayuu naftiisa kula shawray. Waxa uu u leexday jiho kal, raacayna wado kale oo dhex marta miyiga. Waxa uu rabaa in uu helo wado tagta baarka, lakiin wakhtiga uu yimid, waa hala saac oo aroornimo ah. Waxaanay u eegtahay xilli degen, marka la eego xilligaa  uu mesha dhex marayay. Charless, imika waa in uu garaacaa beelka “ jelas ka, kaas oo yaal miis xaga hore yaal, markaas uun buu arkay Carrie, iyadoo si raaxo leh isugu balaadhisay kursi weyn.  ‘ Haa’ ayuu yidhi Charless. Way soo eegtay iyadoo indhaha fariin uga dirtay, lakiin way dhoolo caddaysay sidoo kale.

‘ Hala ‘

‘ May jirin qolol ku filan ruux walba.’Charless, taas oo been ah buu ku hadaaqay. ‘ Waxad igu tidhi waa qasri ,’ sidaas bay xasuusay Carrie. ‘ Ma sidaas baan kugu idhi?’ Haa, waa run taasi waa qasri. Laakiin waa mid kooban. Hal qol baa kur loo fantaa, hal qolna hoos baa loogu degaa – tani waa arin yar dhicitaankeedu!

Labadooduba waxay la dhaceen kaftankaas. Adeegihi, ayaa hatan u yim, waxanu Charless weydiiyay, ‘ cabitaan ma jeclaan lahayd mudane?’ Charless na waxa uu faray cabitaan isaga iyo mid Carrie ay leedahay. Lakiin, markii uu dhinaca soo eegay, Carrie, maba joogto.  —– oo ,xagay bay tagtay? Waxa yar ka dib George ayaa ka soo daadegay jeranjerada. Waa nin caajis badan, kaas oo kor wax uga dhex qaadaya kiniisada dhexdeeda. Waa uu foodhyayaa, waxaanu  u eeg yahay mid faraxsan. Charless, waa uu fahmay. ‘ Oo adna sidoo kale ma halkan baad joogtay ! ayuu yidhi  Georage.  ‘ Haldal’ ayuu yidhi Charless. ‘ Adigu maad arag Carrie, miyad aragtayna?’ George, ayaa sidaa yidhi, laakiin weli wuu iska sii hadalyaa si sare. ‘ Tuma?’ ayuu yidhi Charless asagoo aad u fekeraya.

‘ Carrie. Gabadhii marykanka ahayd, ee lugaha san lahayd. Martidii arrooska. Udgoon badan. ‘ Maya, waan ka xumay.’ Ayuu Charless ku jawaabay. ‘ Uf, waxan ku fikiray in aan nasiib u helay iyada!’ Si lama filaan ah, Carrie waxay ka muuqatay qaaciga dushiisa, halkaas oo ay isku qarinaysay. Waxay shidatay weji urursan si ay u tusiso in aany rabin ama se  aany wakhti u hayn isaga gabi ahaanba!’ Nasiib wanaag, Charless oo kaliya ayuun baa arki karayay. ‘ Eeg, haddii aad aragto, ma u sheegi kartaa in aan joogo qolkayaga?’ Goerge ayaa sidaa weydiiyay, isagoon farxasanayn. ‘ Haa, haa heey,’ ayuu  C harless  yidhi isagoo filay in uu u tegi doono si dhakhso ah. Laakiin, waxoogaa yar kadib waxa soo noqday mudalabkii oo sidaa labdii cabitaan. ‘ Mid adigaa  ayaa leh mudane,’ ayuu yidhi, ‘kakalana  –   ‘’’’’’’’’’ ‘ kakalana wadada!’ ayuu yidhi Charless si furan, intii aanu odhan mudalabku ‘ gabadha’. ‘ Xaqiiqdii, waxaan jeclaan lahaa in aan cabbo ana sidoo kale!’ ‘ Ma idla soo fadhiisan karaa?’ ‘ Haa, waa fikrada fiican,’ ayuu Charless yidhi isagoon la dhacsanayn. ‘ Cabbitaan kale iyo xabad sigaar ah! Goerge waxa uu u yeedhay  mudalabkii. ‘ Maya, noo keen  quraaradba! Waxaanu cabbi ilaa  waagee, Charlasaw saw sidaas maaha?

Charless, waxa uu ku fadhiisatay qaaciga dushiisa, Goerge na waxa uu ku fadhiisatay kursi. Charless, wuu ogaa in Carrie ay qaaciga dabadiisa  ku jirto. Iyaduna waxay isku dayaysay in ay fakato. ‘ Aroos wacan buu ahaa,’ ayuu yidhi Goerge. ‘ Haa heey, ayuu yidhi Charless isagoo  ka yaaban  sida uu u tagi lahaa. ‘ Dugsiaga ayaan la joognay Angus walaalkii, Buffy,  waa ruux fiican, in kastoo uu ciyaalka jeclaa ilaa xad, weli, waxay ibartay wax yar oo cashar nololeed ah. Xagee baad ogaty in ay ka yiaadeen arooska iyo aroosadu? ‘ Ma Angus iyo Laura? Ax, waxay ka yimaadeen jaamacad,’ ayuu ku jawaabay Charless. Kumana raaxaysanyo wada hadalkooda.

‘ Iga raali noqo mudane.’ Mudalabkii baa soo noqday mar kale. Fariin buu u sidaa Charless. ‘ Gabadhaadii ayaa kugu tidhi dusha u soo bax mar qudha. Qolka 12 aad. Waxay tidhi waxa laga yaabaa in aad xoog wax u cabtay si aad u xasuusato numberka. ‘ Ma gabadhaydii?’ ayaa uu weydiiyay asagoo yaaban. ‘ Haa, mudane,; ayuu ku jawaabay mudalabkii. ‘ Ah – haa, dabacan waa gabadhaydii! Charless baa sidaa yidhi, markii uu fahmay. ‘ Iska sharaab!’ ayuu Goerge yidhi. ‘ Maba garan kartid in aad xaas lahaydba!’

‘  Haa, ma iga raali noqon kartaa?’ ‘ Alla, haa, waad iska tegi kartaa! ‘ Nasiib roon! Hagaag,  anigu gabadh ma hasyto, sidaa darted waa in aan u tagaa gabadhaas Katie.

Carrie ayaa tidhi ‘ Charlessaw’ ‘ Haa, waa qofkii, inantii wanaagsanayd. Waxan qabaa in aan nasiib badnahay halkan.’ Charless, waxa uu fantay kor, isagoo garaacay albaabka qolka 12 aad. Waa uu yar naxsanyhay. Carrie baa k afurtay. ‘ Hala’, ayay tidhi.’  Haa, heey, waan ka xumay arintaas.’ ‘ Maya,  taasi ma xuma, in aad ka takhalusto isagu way adkayd. ‘ Haa, sidaas baa laga yaabaa!, lakiin waa in aynu iyar halkan iska nafis naa, kadib na aa hoo su dhaadhacnaa. ‘ Taasi waa fikirad ,’ ayay Carrie tidhi. ‘ Iskama nafisoba inta badan, lakiin mararka qaar waa sameeyaa haddii aan u baahdo. ‘ Adigu miyaad In badan sidaa samysaa?’ ay ay kula kafatanaty isaga.’May’ ayuu yidhi Charless isagoo yara naxsan weli. ‘May, inta badan , inadabna ma sameeyo. ‘ Hagaag,’ ay ay tidhi Carrie ‘ Maxad u soo socon la’dahay oo aad u yara nafsi la’dahay, kadibna weynu eegi?’ Waxay u soo waday xagga qolka. ‘ Layaab bay ahyd,’ ay tidhi. ‘ Arooska iyo aroosadu, iskumay shumin kiniisada dhexdeeda. ‘ Halkii, aan ka imi, shumintu waa wax caadi ah. ‘ Ma sidaas baa?’ Haa, waxan filayaa in aad saxantay.’  Ayuu yidhi Charless. Hadda, si dhakhso ah buu u hadlayaa.  ‘ waxa filayaa in dadka reer Egland ay yihiin ku xishood badan.’ ‘ Waan warwaraa,’ ay ay ku sii hadalysay Carrie, ‘ waxaan tegi rabaa meel ka fog kiniisada, adna taas waad ogathay, meel ka fog halkii.’xafalda arooska, halka ay isku shumin karaan aroosada iyo aroosku.’ Waxa laga yaabaa in aanan joojin shuminta. ‘ Oo intay fogtahay? Ayuu charless weydiiyay, isagoo ku soo dhawaan raba.  ‘ Ala ! garanmaayo.’ Waxay bilawday in ay si qunayr ah gadhka uga shumiso. ‘ Taas baa saxnaan lahayd.’ Ayuu yidhi Charless.’ ‘ Lagayaabaa in aanay kugu filanayn,’ ay ay tidhi Carrie. ‘ Tan baa dhaanta ayay tidhi,’ markaas bay afka ka shumisay.  ‘ Haa. Lakiin waa khatar haddi aay kula dheerato.’ Ayuu yidhi C harless. Isagoo kacsan.

Intaa, kadiab waxay bilaabeen in ay mudo si shumiyaan. ‘ In  ay dheeraatay baa laga yaabaa.’ Ayuu Charless yidhi. ‘Ma tani?’ ay ay weydiisay. Waxay ahayd in yar uun ka diba markii ay sariirta tageen, ayagoo jacayl abuurayay. ‘ Ma u malaynaysaa in wadaad yaruhu arintan ka warwari doono?’ ‘ Haa,’ ayuu yidhi Charless. ‘ In uu ka xumaado ayaa laga yaabaa.’ Waxay bilaabeen in ay is shumiyaan, waxanay wada qaateen habeenkii.

Baarku waxa uu ku yaalaa meel miyaga dhexdiisa ah. Waxaanu u eegyahay meel nabdoon subaxdii. Carrie,ayaa hor kacday subaxnimadii, weyna is diyaarinaysaa. Markii uu Charless, kacnay waxay xidhi rabtayba siibada shandadeeda. Wejigeedu, waxa uu u eekaa mid ifaya, marka lagu eego ifka subxadii ii widhwidhaya. ‘ Maxaa dhacayna?’ waxa weydiiyay Charless. ‘ waan tagayaa ,’ ayay ugu jawaabtay. ‘ Oo halkeena?’’ Xagaa iyo America.’ ‘ taasi waa masiibo,’ ayuu yidhi Charless.

‘ Lakiin, inta aanan tegin, hadma ayaad u sheegaysaa cid kasta?’ ay ay weydiisay Carrie. ‘ cid kaste u sheegaa?’ ayaa si layaab leh u weydiiayay.  ‘ Maxay u sheeg?’  ‘ Hagaag, waxaad u sheegi in aan is guursan rabno. ‘ Miyayna sidaa ahyn?’ ‘ guur aaaaa?! Wax buu dareemay. ‘ habeen hore waynu wada seexanay, jacaylna buurnay, taas macnaheedu miyaanu ahayn in aan is guursan rabno? ‘ Fiican, haa, alle qaali, miyaanay ahyn in aan ka fikirno, sidaas waad ogtee,’ ayuu yidhi isagoon faraxsanayn. Waxa uu si lama filaan ah u dareemmay in ay dhoolo cadynayso. ‘ Alla, haa, waad kaftamaysaa!  Ayuu yidhi. ‘ Alle ayaa mahad iska leh, waxoogaa buu amusay, waxaan ku fikairay in aan ku dhex suganhay filim xun.  Halka ay gabdhi nin habeen la qaadatay, kuna xumaanayso in aanu rabin in uu guursado. ‘ Maya,’ ay ay tidhi Carrie si fircooni leh. ‘ Inagu kuwaas ma nihin. Lakiin, waxaan ka fikairay in aynaan heli Karin fursada kale. Cidhib barako leh. Waxay ka baxday qolkii, isagoo Charless na jiifa sariirta dusheeda. Waxa uu u sii fiirsanayay si fiican, kana fikirayay asagoo layaaban

Lasoco qaybaha danbe

Khadar Cabdi indhayre

Tell: 0634514108

Saadaal4514108@hotmail.com

 

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here