ANTIKHIRIISTOOS (6) : Guurtidii Reer Sahyoonoow 

Freemasons

ANTIKHIRIISTOOS (6) : Guurtidii Reer Sahyoonoow
( 1900 C.D)
**** Qaybtii 6aad

Sheekada soo socotaa ma aha sheeko, balse waa muxaadaro, waxa goobjoog ka ahaa 388 nin oo ka mid ah ragga ugu hodansan Sahyuuniyadda. Waa rag dhammaantood gaadhay heerka 33aad ee Maasooniyadda. Waa waxyar ka dib kacaankii Faransiiska iyo wax yar ka hor kacaankii Ruushka. Qofka muxaadarada jeedinaya waxa la yidhaahdaa ‘Tiyoodar Hertisal’ kana mid ah waaweynka Sahyuuniyadda. Waxa ay muxaadaradani caan noqotay markii duubisteeda laga qoray buug ka mid ah kuwa ugu khatarsan oo loo yaqaanno ‘ Borotakoollada Guurtida Reer Sahyoon’ . Muxaadaradani waa mid dheer oo qaadatay 3 cisho oo isku xiga, balse waa aan kuu soo koobay. Waxa aan ka jaray wixii dhurmid ah oo dhan, waxa aanan kuu soo reebay hadalka intiisa nuxurka leh oo qudha.

Ii raac imika magaalada Baal ee Iswiisarland, waa maxfal ka mid ah maxaafisha Masooniyadda ee waaweyn ee magaalada ku yaalla. Aynu dhex fadhiisanno waaweynka meesha fadhiya oo aynu dhagaysanno Hertisal, oo iyaga la hadlaya. Waxa aan kugu boorrinayaa in aad khudbadda dhowr jeer dib u dhuuxdo, maxaa yeelay, waa hadal adag oo aanad sahal u fahmayn. Waxa laga yaabaa in hadalka uu ninkani jeedinayaa uu dhawyahay waxa dawladdaada ka dhacaya, xataa haddii aad cidhifka dunida ku nooshahay.

Maalintii 1aad.
***

Guurtidii reer Sahyoonoow, xulkii dadka dhulka joogayoow, hantiilayaashii dahabkoow: Eebbe waxa xaq ku ahayd in uu bulsho ahaan idinka idin doorto, waxa uu idinka dhex doortay bulshooyinka caalamka ee xoolaha ah ee xun xun (al-quuyiim), si aad dhulka uga taagtaan boqortooyada Eebbe ee weyn. Maanta waxa aynu ku kulannay maxfalkan, berri iyo saadanbena sidoo kale; gu’yaasha soo socdana sidaas oo kale ayaa aynu u kulmi doonnaa. Maanta waxa aynu isugu nimi si aan warbixin u kala qaadanno, innaga oo ka warramayna arrinka istiraatijiyaddeenna weyn ee dhammayska tiran, ee ay hore u bilaabeen awowyaasheen. Awowyaasheennii hore waxa ay u soo dhiibeen awowyaasheennii danbe, awowyaasheenni danbena innaga ayaa ay istiraatijiyaddan inoo soo gacan geliyeen, innnaguna waa in aynu facyowga danbe u sii gudbinnaa. Haddii aynu arrinkaa ka leexanno waxa aynu burburinnay hawl qarniyo badan la soo waday, sidaa darteed digtoonaada reer bani Israa’iiloow.

Waa aad wada garaneysaan dhammaantiin salka uu ku taagan yahay qorsheheennu. Waa aad wada garanaysaan hawsha baaxadda leh ee malagga soo degay ee Baafomiid uu dadkeenna u qabtay. Waa aad xasuusan tihiin hawsha laxaadka leh ee uu inoo qabtay isaga oo wax ka beddelay khariiradda dunida malagga soo degay ee Siirbenti. Ma habboona in aan sii galo faahfaahin taariikheed oo aad dhammaantiin kor ka qaybsan tihiin. Guurtidii reer Sahyoonoow waxa la gaadhay xilligii aynu innaguna kaalin ka qaadan lahayn sheekadan mugga leh ee socota. Waa in aynu ka ridno dhabarkeenna wax kasta oo culaysiyay oo aynu hore u dhaqaaqno. Waa in aynu u kacno sidii aynu dunida ugu jeedin lahayn dhanka aynu doonno.

Habka ugu wanaagsan ee lagu burburiyo mabda ama fac, ha ahaado mid diineed ama mid bulsho e, ma aha in la tirtiro ama la buriyo mabda’aas, balse waa in laga leexiyo dhabbadiisa, waana in loo sameeyo fasiraad ka duwan tii ay ugu talagaleen dadkii dhigay. Sidaa darteed, waxa nala shaqeysay barakada rooxaanta maska Siirbenti, si uu u dhalanrogo seeska diinta Masiixiga, taas oo uu ka soo saaray wax cusub oo aan ahayn sidii loo soo dejiyay. Sidoo kale Islaamka Shiicada ee dhalanrogan, ayaa aanu u jeedinnay dhan ka weecsan Islaamkii Nebi Maxamed. Iska ba dhaafe waxa aanu ka dhignay mid la dagaallama Islaamka, oo soo bahaysta cadawga Islaamka si uu u burburiyo. Tani waa maskax badnaanta Yuhuudda oo is muujisay.

Waxa laga yaabaa in aanu qorshaha ku soo darno waxyaabo aan damiir ahaan wanaagsanayn, oo aanu ku qasbannahay in aanu sameyno. Xusuusnaada mar kasta in arrimahani ay damiir ahaan u bannaan yihiin shacab sida shacabkeena oo kale ah, oo dul iyo hoosba loola dirirayo. Waxa kale oo aad xusuusnaataan in xilligan la galay uu sharku yahay waddada qudha ee khayrka lagu gaadhi karo. Awooddeennu waa ay ka weyn tahay tamar kasta, maxaa yeelay waa ay qarsoonaan doontaa illaa aynu ka gaadhayno heer aanay ka hor iman karin awood kale ama qorshe dhagareed oo kale. Dhab ahaantii awoodda dahsooni waa tamarta ugu weyn, yaa awoodda in uu baabiiyo awood qarsoon oo aan muuqan.

Haa, reer Sahyoonoow inkasta oo aynu nahay bulsho kala firidhsan, haddana kala fogaanteennu waa sirta tamarteenna. Maxaa yeelay, waxa aynu awood u leennahay in aynu dhex galno dhammaan dhismaha shucuubta caalamka ee kala duwan, innaga oo gacanta ku dhigayna meelaha halbawlaha ah ee bulshadaasi leedahay. Sidaa ayaa ay tamarta bulshooyinka dunidu u noqotay wax labadeenna gacmood ku kala dhex jira oo aynu u jeedin karno meesha aynu doonno. Waxa la gaadhay xilligii aynu jihayn lahayn bulshooyinka adduunka, waa aanu dhammaaday xilligii dhuumashadu.

Waxa aanu ku guuleysannay in aanu shidno dabkii kacaankii Faransiiska, annaga ayaa ay ahaayeen dadkii ku dhawaaqayay: gobonnimo, walaalnimo, sinnaan. Waa weedho mar kasta oo ay dadku ku celceliyaan xorriyaddooda la sii dabrayay. Waxa jirta weedh liidata oo markasta lagu soo celceliyo: dimoqraaddiyad. Ma jiro wax la yidhaahdo dimoqraaddiyad ama xorriyad iyo wax la mid ahi, waxaas oo dhami waa dhalanteed. Annaga ayuun baa garanayna in waxaasi uu yahay dhalanteed, waxa aanu garanaynaa marka aanu dhalanteedkaa ka dhigayno dheef si aanu dadka safkayaga ugu soo biirinno. Marka hore waa in aad maanka ku haysaan in dhammaan bulshooyinku ay yihiin jaantaa-rogan bahalo ah,oo indho la’ oo u baahan awood muquunisa. Awoodda bulshooyinka bahalaha ah muquunin kartaana waa diktaatooriyadda kelitaliska ah oo qudha, ama waa dimoqraaddiyad la hoos geeyay wax loo yaqaanno xeer (qaanuun), oo dadka oo dhami u hoggaansan yihiin.

Dimoqraadiyaddu waxa ay la macno tahay fawdo, sidee ayaa aad ugu kalsoonaan kartaa xeerarka bulsho jaantaa-rogan ah oo ku fooggan muran iyo dood madhalays ah. Waxa suurto-gal ah in murankaa iyo dooddaas lagu buriyo muran iyo dood ka liidata oo haddana lagu qancayo oo dhalanteed dadka u sawirraysa. Muranku waa uu fiican yahay maxaa yeelay waxa uu arrimaha u rogayaa qaar ka leexda garashada dhabta, oo u leexda doonida muranka laftiisa. Bulshooyinka dabbaalka ahi waxa ay daba ordaan muranka iyo doodaha madadhalayska ah, taas oo ka hor istaagta xataa in ay ku heshiiyaan doodaha saxda ah.

Haddii ay mar kasta raacaan rayiga aqlabiyadda, waxa uu noqonayaa rayi jahli ka buuxo, jahli ka dhan ah siyaasadda. Taasi waa waxa aasaya iniinta fawdada iyo fadqalalada xukuumadeed, ee ka jirta dawladaha sheegta dimoqraaddiyadda. Sidaas ayaa aanu u hoos gelinay dawladaha ma-yeedhaanka ah ee (quuyiimka) in ay ku faanaan dimoqraaddiyadda, iyaga oo sheeganaya in ay yihiin talisyada ugu heerka sarreeya dhanka fikirka aadamaha.

Kelitalisnimada oo qudha ayaa xaddaarad dhidibada u taagta. Ma suurto-gal ayaa in qorshe u qayb qaybsan garaadka kala duwan ee dadkii sameeyay uu ilbaxnimo taago? Maya waa wax aan suurto-gal ahayn. Inta badan waxa rayiga la wadaago ka soo baxda ilbaxnimo dabacsan , oo bilaa anshax ah; maxaa yeelay shacabku dabeecad ahaan waa mid bahalo ah, mar kasta oo aad
xorriyad siisid na fadqalallo ayaa ay u rogayaan. Qofka tamarta leh ayaa mar kasta wax maamula, ka daciifka ahina waa hoggaansame. Sidaas ayaa uu aabbuhu markasta ugu guulaystaa in uu tarbiyadeeyo inankiisa yar, halka uu wiilkiisa weyn awoodi waayo in uu tarbiyadeeyo. Xukuumadeenna waxa waajib ku ah in ay tirtirto oo ay muquuniso fallaago kasta oo ka hor timaadda.

Siyaasadda iyo anshaxu ma aha laba meelna iska soo gala, taliyaha anshaxa dhawraa ma aha siyaasi wacan, inta badanna taliskiisu ma waaro. Waxa qasab ku ah qofka in uu wax hoggaamiyo doonaya in u yeesho is-tusnimo, munaafaqad iyo dhagar badnaan. kal-soornaanta, gobonnimada iyo amaanadu waa u foolxumo siyaasadda, waxa aanay inta badan ka qaybqaataan burburinta taliska, halkii ay ka adkayn lahaayeen.

Waxa aan doonayaa in aan idiin sheego arrin weyn, sidee ayaa aad u addoonsan kartaa dawlad weyn sida Ruushka. Marka koowaad xumaan kala dhex dhig oo kala fogee shacabka indhaha la’ iyo dawladda nacasta ah, nacaybka dhexdooda yaallana sii kordhi. Mar kasta oo ay xukuumaddu nacdo shacabka waxa ay si qaab daran u adeegsan doontaa awoodda dawladnimo, waxa aanay baalmari doontaa xeerarka dimoqraaddiyadda ee uraya. Mar kasta oo u kordho nacaybka uu shacabku u hayo taliskuna waa ay ka fallaagoobi doonaan xeerarka xukuumadda ee inta ay dhigtay ay iyaduba iska baal martay.
Marka aad dawladdii iyo shacabkii kala fogayso, ayaa aanu annagu weerar qaadaynaa. Waxa aanu kacdoon ama inqilaab u samaynaynaa taliska jira iyo nidaamkiisa oo dhan. Waxa aanu ku tuuraynaa xeerarkii dawladdana guddaafadda ugu dhow, waxa aanan samaynaynaa xeerar iyo laamo cusub. Sidaa ayaa aad ku noqonaysaa diktaytar madaxa kaga fadhiya xukuumad tamarteedii iyadu iska tuurtay oo adiga kugu soo wareejisay.

Marka ay dawladdu gacanteenna ku soo dhacdo, innaga oo ah Yuhuud ahna hantiilayaasha qudha ee dahabka adduunka, dawladda waxa aynu u dhiibbi doonnaa xadhig ay ku dhagto, xadhigaasina waa lacag. Marka ay xadhigaa qabsato waxa ay inoo noqotay addoon innaga, haddii ay sii deysana waa ay qarqoomaysaa. Dahabku waa mishiinka dhaqaajiya dawlad kasta, markasta oo aynu innaga oo qudhu haysannana dhaqdhaqaaqa xukuumad kasta waa aynu joojin karaa, marka aynu doonno.

Haddii aynu Yuhuud nahay innaga oo qudha ayaa gacanta ku hayna dhaqaalaha adduunka. Aqoonta dhaqaaluhu waa boqortooyadeenna, waxa nagu hareeraysan ciidan dhan oo dhaqaale yahan ah, badankooduna maanta waa ay inala joogaan: waxa aad tihiin hubka ugu khatarsan hubabka aanu haysanno, noqda madaxda bangiyada, ama warshedleyda ama dadka milyanneerka ah ba.

Haddii ay dawladi gacanteenna ku soo dhacdo waxa aanu u dhiibnaa xilalka madaxtooyada iyo wasaaradahaba dadka leh taariikh nololeedka xun, ee laga qoray bogagga badan ee dhibcaha madow ku ah noloshooda, kuwaas oo ka baqanaya in la ogaado. Haddii ay naga hor yimaaddaan waxa aanu ku furnaa maxkamad waana la xidhaa. Sidaa darteed, waxa ay illaa marka ugu danbaysa dufaaacaan maslaxaddayada. Xukuumadaha qaar ayaa muujiya in ay mucaarid nagu yihiin annaga, balse falalkoodu waa kuwo dul iyo hoos ba annaga noo xaglinaya.

Waxa aanu u samaynaa bulsho kasta haayado aanu ku rinjiyeynayn rinji gobonnimo doon, oo leh aftahanno ku sixra bulshada hadalkooda xeesha dheer, balse waa hadal aanay wax falal ahi la socon dhab ahaantii. Waa uu sixrayaa hadalkaasi oo waa ay iska rumaysanayaan iyaga oo diiddan quusta, oo qaba rejo isbeddel. Markasta oo aanu kordhinno mushaharka shaqaalaha waxa aanu kordhinnaa sicirka badeecadaha. Waxa aanu ku daalinnaa warshedleyda in ay mushaharka shaqaalaha kordhiyaan, halka aanu shaqaalahana ku daalinno sicir-bararka. Cid na wax ma faa’idayso waa la isku daba-daalayaa uun.

Waxa aanu hayaankeenna ka bilaabi doonaa Ruushka, ka dibna waxa aanu la gurguuran doonna sida uu u gurguurto masta Siirbenti, annaga oo silsilado aan jabin ku xidhayna Yurub oo dhan. Waxa aynu waajihi doonnaa marxalad adag oo xasaasi ah, waa Imbiraadooriyadda Cismaaniyiinta ee weyn, waxa ku degi doona Siirbenti, annana waa aanu ka daba tegi doonnaa. Waa aanu burburin doonnaa burbur aanay ka soo kabsan. Ka dib Siirbenti waxa uu u duuli doonnaa Quddus, annana waa aanu raaci doonnaa. Halkaas waxa aanu ka dhisi doonna dawladeenna, halkaas ayaa uu ku dhammaan doontaa kala filiqsanaanteenna dunidu.

Marka ay salka dhigato dawladeennu , waxa aynu noqon doonna dawlad ka mid ah kuwa ugu awoodda badan caalamka. Haddii ay cidi ina soo weerarto waxa jiri doona dawlado inoo hiiliya. Markaas ayuun baa aynu bilaabi karnaa in aynu caalamka u diyaarinno soo dhawaynta boqorkeenna weyn ee dunida oo dhan maamuli doona ‘Antikhiriistoos’

Maalintii 2aad.
****

Guurtidii reer Sahyoonoow, maanta waxa ay gaadhay awooddeennu heer heshiis kasta oo dunida ka dhacaya aynu ku lug leennahay. Awooddeennu waxa ay gaadhay heer aynu innagu jaangoyno ciqaabta, qofka aynu doonno waa aynu daldalnaa, ka aynu doonna waa aynu sii daynaa. Halkaa waxa aynu ku gaadhnay waayo Eebbe waxa uu ina siiyay maskax badnaan aanu siinnin shacab ka mid ah shucuubta caalamka.

Maanta waa maalintii labaad, berrina waa maalintii saddexaad ee ugu danbaysay kulankeenna taariikhiga ah. Waxa waajib ku ah qof kasta oo kulanka jooga in uu garto aniga oo aan u sheegin, in xog kasta oo halkan la isku weydaarsanayaa ay ahaato mid qarsoon oo sir ah.

Maanta waxa aan ka hadli doonaa ‘Nidaamka Jamhuuriga’ ah oo aynu ku beddeli doonno taliska boqortooyada ah ee hadda dunida ka jira. Boqorka nidaamka boqortooyada waxa aynu beddeli doonna wax ruwaayad ah oo loo yaqaanno madaxweyne. Waxa aanu u dooran doonnaa xilkan nin leh fadeexad hoose, oo aanu annagu garanayno, ha ahaato mid anshax, mid galmo ama mid laaluush. Waxa uu inta ugu badan xukunkiisa ku qaadan doonaa isaga oo ka baqanaya in la shaaciyo fadeexaddiisa. Waxa aanu gacanta u gelin doonnaa madaxweynaha koox jilicsan oo la yidhaahdo ‘Golaha Shacabka’ waa koox dad ah oo bulshadu dooranayso si ay iyaga u metelaan. Waxa aanu ka hoos saari doonnaa golahan awoodda xeer gedinta, madaxweynaha ayuun baa yeelan doona awood dhammaystiran.

Waxa aanu ka dhex abuuri doonnaa fadqalallo joogta ah madaxweynaha iyo shacabka, dhaqaale ahaan ayaanu cunaha u qaban doonnaa dawlad kasta. Waxa ay shucuubta adduunku maalin uun ku kici doonaan madaxdooda dhammaan, waxa aanay dooni doonaan hoggaamiye keliya oo dunida oo dhan xukuma, oo dadka adduunka oo dhanna mideeya – Antikhiriistoos.

Annaga oo keliya ayaa og sirta Maasooniyadda oo hoggaamina. Sidee ayaa ay bulshooyinka xoolaha ah (quuyiim) u fahmi karaan dulucda iyo ujeeddooyinka Maasooniyadda waaba ma-yeedhaan aan garaad lahayne. Waxa waajib innagu ah in aynu laba jibbaarno unugyada Maasooniyadda iyo maxfalladeeda dalalka dunida oo dhan. Waxa aanu soo jiidan doonna qofkasta oo lagu tuhmo in uu leeyahay ruux caannimo. Dhammaan unugyadani waxa ay leeyihiin hal hoggaamiye oo madaxdeenna ka mid ah. Waxa aanu soo jiidan doonnaa oo aynu ku dari doonnaa xubnaheenna dhammaan laamaha sirdoonka ee dalalka caalamka, maxaa yeelay iyaga oo qudha ayaa daaha ka faydi kara waxa aynu rabno, oo burburin kara buuq kasta oo madax xannuun inagu keenaya. Waxa inagu soo biiri doonna cid kasta oo naftii-hallig ah oo doonaya in ay noqdaan hantiile degdeg ah, annaga ayuun baa u hayna hanti degdeg ah.

Warbaahinta … waxa waajib ah in aynu meesha ka saarno warbaahin kasta oo farogelinaysa awooddeenna. Balse, mararka qaarkood waa in aynu weerar innagu isku soo qaado, weerarkaasi waxa uu beegsanayaa meelaha u baahan in wax laga beddelo siyaasaddeenna, taasina waa maskaxbadnaan heer sarreysa. Mucaarid kasta oo aynu samaysannaa waa mucaarid fudud, oo aan u dhawaan karin arrimaha muhiimka ah.
Waa in aynu innagu gacanta ku dhignaa wararka oo dhan. Waxa aad garanaysaan in wararka adduunka ay gacanta ku hayaan dhawr wakaaladood, kuwaas oo warbaahinta dunida warka u qaybiya. Haddaba marka aynu taliska qabsanno waxa aynu gacanta ku dhigi doonnaa dhammaan wakaaladahaas, mana ogolaan doonno in la baahiyo wixii aynaan ogolaannin innagu.

Waa in aynu iibsanno inta ugu badan ee wargeyso ah saddexdeeda noocba. Warbaahinta dawladdu waa in ay maslaxaddeenna ka shaqayso, warbaahinta rasmigu u janjeedhaanna waa in ay soo jiidato quluubta dadka dhexdhexaadka ah. Warbaahinta mucaaridka ahi waa jaadka saddexaad waxa aanay iska dhigi doontaa in ay innaga inagu kacsan tahay, waxa ay soo jiidan doontaa dhammaan dadka inagu kacsan, si ay ugu afrogaan afkaartooda inaga dhanka ah, sidaas ayaa aanu ku ogaanaynaa waraaqaha ay adeegsanayaan iyagu.

Faafreebka… Faafreebka waxa la daabacayo waa in aynu u samayno haayad maamusha, oo diidda ama ogolaata waxa ay doonto; ha noqdo waxaasi buugaag, filimo ama wargeysyo. Haayadani waa in ay gacanteenna ku jirtaa, si aan u maamulno dhammaan wixii la baahinayo meel kasta oo adduunka ka mid ah. Suugaanta iyo aqoontu waa hubka ugu halista badan ee kacdoon kasta oo bulsho, markasta oo ay labadaasi gacanteenna ku jiraanna xaalku waa uu deggen yahay weli.
Si aynu dadka uga fogaynno in ay arrimaha waaweyn ka doodaan, ama ay furdaamiyaan masallooyinka noloshooda taabanaya, waxa aanu markasta u abuuri doonnaa dhibaatooyin mashquuliya. Waxa aynu u abuuri doonnaa mushkilado dhaqaale iyo kuwo siyaasadeed oo dalkooda ka dhaca. Si aanu u mashquullino garaadkooda waa in aynu madaddaalo u furnaa: sida tartanka ciyaaraha, tartanka fanka iyo tartanno kale oo badan.
Bulshooyinka fooraraa waa sida cunugga yar oo kale, marka uu ilmaha yari kaa doono wax, hadii aad ku tidhaahdo eeg shinbirkaa, waa uu eegayaa shinbirka isaga oo illaabaya wixii hore ee uu kaa doonay ba.

Qofka lagu yidhaahdo wax kasta annaga ( Yuhuud) ayaa kacanta ku hayna waa uu yaabayaa, waxa aanu odhanayaa taasi suurto-gal maha, maxaa yeelay, qofna ma awoodo in uu isku dubbarido hawsha aanu qabannay oo dhan. Annagu waxa aanu gacanta ku haynaa dahabka iyo dhaqaalaha oo dhan, waxa aanu nahay dadka ugu hodansan dunida, qofka dhaqaale haystaana isaga ayaa u taliya adduunkan.

Waxa uu nagu caawiyay malagga soo dhacay ee Siirbenti in uu burburiyo dhammaan caqiidooyinka dadka aduunka, oo uu ka leexiyo sidii loogu talogalay. Dadku waxa ay curiyeen Talmuudka oo Tawraad ka danbeeyay, waxa aanay ka dhigeen Ciise inankii Ilaahay iyo Ilaah la mid ah Eebbe, halkii uu ka ahaa nebi Ilaahay soo diray. Inkasta oo aanu ku guuldarreysannay in aanu Islaamka burburinno sidii aanu u baabbiinay Masiixiyadda iyo diinta Yuhuudda, laakiin waxa aanu soo saarnayn wax loo yaqaanno Shiicada, waxa aanay muslimiinta dhadhansiiyeen hoog aanu cadawga Islaamku weligii dhadhansiin.

Waxa noo suurtogalay ma ay noo hagaageen haddii aannaan basaasiin ku dhex daadinnin bulshooyinka caalamka, waxa aanu farnay basaasiinta in ay bulshooyinka ku dhex milmaan, milan aan laga soo dhex sooci karin. Basaasiintaasi waxa ay noo soo diraan warbixinno faahfaahsan oo ku saabsan xaaladda bulshooyinkaas ee siyaasadeed, bulsho iyo kuwa diimeed ba.

Maalinta 3aad.

Hadalka idinkuma dheerayn doono maanta, waxa uu noqon doonaa wargelin qudhaata. Waxa aan filayaa in aad dhammaantiin muraajacayseen, oo aad qorateen oo aad fahanteed ama aad xafiddeen hadalkii hore. Madaxda dawlaha xoolaha ahi waxa ay ku qasbeen dawladahooda in ay lacag ka amaahdaan bangiyadeenna , waxa aanay ka amaahdeen lacag badan oo aanay iska bixin karahayn haddii ay qarniyo badan jiraan. Wax badan ayaa aanu u soo jeednay in ay sidaasi dhacdo, wax badan ayaa aanu ka fikirnay in aanu bulshooyinka oo dhan addoonsanno. Waxa aanu ku guuleysannay in aanu dhammaan dawladaha oo dhan kildhi madaxa u gellino, waxaana nagu waajib ah in aanu sidaa ku ilaalinno. Waxa aanu samaynay oo dhan waxa na faray taliyaheenna weyn: boqorkeenna adduunka ka maamuli doonna carshigii Daa’uud ee ah tafiirtii Daa’uud.

Haa innaga ayaa gacanta ku hayna dahabka, marka aynu doonno ayaa aynu inta aynu doonno oo dahab ah kala soo bixi karnaa kaydadkeenna qarsoon. Waa dahab aanu wax badan kaydinaynay. Ugu danbayntii waxa la idiin qaybin doonaa guurtiyeey warqad la idinka rabo in aad saxeexdaan. Waxa aynu soo marnay waddo dheer, horteennana waxa ah jid dheer oo dhib badan, sidaa darteed waa in aynu soo jeednaa.

Waxa warqaddii saxeexay dadkii matalayay Sahyuuniyadda ee heerka 33aad ee Masooniyadda ahaa.

F.G: Hadalkan waxa la jeediyay ka hor aasaaskii dawladda Israa’iil , berigaas ayaa ay ku fikirayeen in ay dawlad dhistaan, dalal badanna ay hoosta ka maamulayeen. Maanta qorshohoodii wax badan ayaa u hir galay, iyaga ayaa dhaqaallaha iyo warbaahinta adduunka gacanta ku haya. Quddus waa ay qabsadeen, qorshohoodii weynaa waxa u hadhay uun in uu soo baxo taliyahoodii weynaa Antikhiriistoos. Waa kuma Antikhiriistoos la soco qaybaha danbe.

Waxa turjumay: Cali Ileeye

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here