Maalmahaygii Muqdisho – Axmed Karaama

Xamar

Habeenkii oo dhan ma seexan. Waxaan ka fikiraayay magaaladaan tagaayo sidey
u eegtahay. Kolba hummaag ayaa i hormaraayay. Magaaladu waa Xamar. Haa, waa Xamar! Waxaan anoo da’yar dadka waa weyn ka maqli jirey “Xamareey xeeladdaa badan.” Se waxaa igu mudan oo aan maanka ku hayaa; maahmaahdii kale ee ahayd “Nimaan dhul marine dhaayo-la.” Inaan magaceeda maqlo mooyaane- indho iyo baaltoona maan saarin ka hor. Mararka qaar aan Muqdisho iyo Xamar laba maagalo oo kala duwan u yaqaannayna-way jirtay. Carruurnimo waa ciil laga weynaado! Soomaalidu qofka aan kambalka gurigiisa dhaafin- waxay odhan jireen; hebel waa Jiir haan ku weynaaday. Dalbarasho, dadbarasho iyo aniga oo ka warcelinayaa inaan ku sifoobo odhaahdan sare ; ayaa u gu weynaa safarkayga aan u gu baqoolay Muqdisho.

Maalin Sabti ah oo bishu tahay 02, December, 2017, Saacadduna tahay 10:30 subaxnimo, ayaan ku qornaa diyaaradda Air Jabbuuti. Hoosta ayaan ka lee yahay“Tollaay oo tollaay ma maanta ayaad Jabbuuti diyaarad magaceedu ku xardhan yahay aad raacaysa.” !Way dhacday oo waan raacay oo weliba i geysay magaaladii aan muddo badan u muraaqoonaayay. Isla diyaaradaas mid la mid ah, waxaa dhawr cisho kaddib Jabbuuti u fuulay Madaxweyne Muuse Biixi.

Markay soo cagodhigatay diyaaraddii garoonkii aan in badan ka maqli jirey idaacadaha iyo tiifiyada- waxay indhahaygu markii ba qabteen boodhkiisa bilacsan ee ay ku qoran tahay Aadan-Cadde Airport. Aadan-Cadde, waa madaxweynihii
u gu horreeyay ee Soomaaliya yeelato. Waxaan maqli jirey tan iyo tii
Aadan -Cadde ayaan soo shaqaynaayay oo aan joogay!

Intii aanan ka soo degin diyaaradda waxyaalaha la yaabka leh ee aan arkay waxaa ka mid ahaa: in diyaaraddu markii ay rabtay iney soo degto bad na la soo dulmartay. Maan se garanayan baddaas. Goor danbe ayaan se arkay in garoonka qudhiisu badda dacal- ka–saraan- yahay. Intaas kadib; waxaan u soo dhaqaaqay xaggaas iyo gudaha garoonka. Waxay indhahaygu ku dhaceen shaqaale Turki ah oo gudaha ka shaqaynaaya. Waxaan ogaaday iney iyagu gudaha garoonka ka masuul yiihin oo ay maamulaan. Sidaan hore u sii maqlayna ma soo galo gaadhi aan la garanayn gudaha garoonka. Dibadda garoonka waxaa ilaaladiisa qaabilsan ciidanka Amisom, gaar ahaan, Ugaandhiiska. In badan, ayaan idaacadaha ka maqlay- Amisom iyo Alshabaab ayaa halkaas iyo halkaas isku hoobtay.

Garoonka waxaa igu yimid nin aan saaxiib dhaw isku nahay oo Cabdiwahaab Xasan Dhafe la yidhaahdo.Waan isa soo raacnay. Indahaygu ka may jeesan inay jeedaliyaan magaalada kolba intey arkayaan. Cabdiwahaab intii aan sii soconnay oo dhan – wuxuu iga saaraayay buufin uu iska qabo inta badan qofka ka yimaadda magaalo kale. Taas oo ah : inuu qofku cabsado marka uu yimaaddo magaaladan.
Magaalo cimiladeedu iska meel dhexaad tahay se huur yar jiro ayay ahayd markaas. Gadiid bulsheedka u badani waa Bajaaj. Guuxeeda ayaan jeclaystay ba. Xilli qado ku beegan ayaan imid magaalada.
Waan iska qubaystay, qadeeyay, oo aan tukaday salaaddii duhur.
Waxaan u qaadan waayay inaan Muqdisho oo aan idaacadaha aan ka maqli jirey- dhexjiifo. Mucjiso ayay igu noqotay runtii. Magaalada siddeed iyo laabatan cisho ayaan joogay. Dhinac walba oo nolosha ahna waan ka eegay. Sidii aan ka aaminsanaa ee aan idaacadaha ka dhegaystay, waxbaa ka dhaboobay- wax bandanna waa beenoobeen! Meel laysku qasho oo bahallogaleena ayay iga dhigeen darkaasi. Waa sababta dad badan fikirro khaldan u ga aaminsan yihiin illaa immika. Dhanka wanaagsan soo tebintoodu waa ku taagdaran yihiin!

Dad tiro ahaan aan u maleeyay laba milyan iyo badh ayaa ku nool magaalada.
Dadka magaaladu waa dad muruq-ku-xoogsiga iyo xeelad- ku- xoogsigaba yaqaan. Dhismayaal dhaadheer oo cusub ayaa magaalada ka mudh yidhi markaas. Qaar baa se weli dhulka la siman illaa wakhtigii Siyaad Barre. Dagaalladii kala dandanbeeyay ee midba u jeeddada lahaa ayaa saameeyay. Meeye meelihii caanka ahaa sida :huteelkii Jubba, Curubo iyo gurigii hooyooyinku?
Meeye goobihii qaranka quruxda u ahaa sida: tiyaatarkii qaranka¬ iyo maktabaddii qaranka? Weli way burbursan yihiin dhankoodana dib looma fiirin. Taallooyin badan oo xasuus lahaa ayaa iyana laga takhallusay. Keliya intaan arkay waxaa ka fayoobayd taalladii Daljirka Dahsoon. Guryo in shacab lee yahay aan u maleeyayna iyana waa la muunad tiray. Waxbaa se i gu leh; marka dadka maskaxdoodu iyo wacyigoodu dhismaan-danba way u dhismi dhismayaashaasi.

Si sibiq ah ayaa loogu sii siqaaya horumarka. Shalay bay ahayd; markii qof Kasta qorigiisa la dhexmaraayay magaalada dhexdeeda- sida lay sheegay.
Maanta se sidii waa ka geddisnayd. Hub ururin aan hufnayn weli ayaa dhacday. Waa Eebbe mahaddii intaas ba la ma hayn. Hore se in magaaladu u socoto waxaa ku caddaynaynsa-sida shacbigu aanay isku dhiibayn.

Waxaan tagay oo aan dulistaagay halkii qaraxii Soobbe ee dhibka badnaa ka dhacay. Dhibtii waa ka sii muuqmuuqatay meesha se waa la ga soo kabtay.
Dhismayaashii qaar baa dib markiiba loo dhammeeyay. Se qalbigii dadka weli kama idlaan dhagartii halkaas lagu geystay. Qalbiga ayaan ka idhi; maalin ba maalin ha kuu dhiibto Muqdishooy! Maalin waa lagugu dhexmurugoon.
Maalina waa lagugu dhexfarxi. Adduunkaba sidaas iska ah.

Waxaan se ogaaday, intaan joogey, in wararka idaacadahu dhib weyn ku hayaan magaalada. Badanaa oo tayo xumaa! Waxaan isweyddiiyey, waar toloow ma sidii geelii ayaa laysku fanaa xeradood ba’day?! Reer walba idaacad u gooniya oo dantooda iyo masiirkooda ka hadasha ayuu samaystay. Sidaas ayaan ka fahmay farahooda. Illeen hadal ma dhammaado!

Dadka Magaalada jooga markaan eego, waxaan odhan karaa; shantii Soomaliyeed wixii laysku odhan jirey, ayaa iskugu yimid. Qabiil Soomaaliyeed oo aan cidi ka joogin way iska yar tahay. Waa lagu kala badan yahay uun magaalada. “Xaggeed ka timi?” “Qolomaad tahay?’’ “Maxaad u socotay?”
Xaggeed deggan tahay? Maxaad ka shaqaysaa…..”? waa su’aalaha ay yar tahay in lagu weyddiiyo XAMAR. Se haddana lahjaddaada ayaa kugu marag furaysa deegaankaad ka timid. Markaba waxaa lagu odhan; waa hebel reer Waqooyi ah, haddaan laguguba kaftamin “Qawdhanoow”!

Gaadhiga oo ah shay lagu raaxaysto oo layskugu faano meeshaan ka imid –halkan waa dhagarqabe weyn. Kan saaran ayaa ka shakisan inuu ku qarxo,
ka u dhawna hadalkiisaba daa! Bilaayo ku fuushay oo ku soo dhawaatay dheh!

Magaalada quwado qarsoon iyo qaar qayaxan ayaa ku hirdamaaya. Siyaasado isddiidan ayaa ka jira. Taas ayay la kala safteen shacabkii iyo siyaasiyiintii Soomaliyeed qaar ka mid ahi. Waa sababta aan illaa hadda xal waara loo hayn. Waxaa u sii dheer isddiidooyinkaa-siyaasadeed mid diimeed. Waa laba cudur oo in la daweeyaa ay adag tahay; se muruq iyo maskax u baahan.

Magaaladu meelo badan oo dhibkaas laga soo nasan karo ayay lee dahay. Waxaanad tegin xeebta Liido habeen caddo ah, islamarkaana dayaxu uu hirarka badda toos u hayo, markaas baanay indhahaagu ku ashqaraarin mawjadaha baddu soo tuurayso. Laydh udgoon oo macaan ayaan sanka la raacay.
Habeenkii igu horreysay, waxyaallo badan oo aan illaaway ayaan ku soo xasuustay jewigaas dartiis. Ladh iyo laamaddood ayay u gu abuurtay; markii aan badda xeeligeeda fadhiisatay- anoo koob kofajiinaa sita. Habeennadu way badnaayeen e—kaas ba habeen dheh!
Meelaha kale ee iyana laga shaqeeyay waxaa ka mid ah: BEERTA NABADDA. Magaalo aan beer lagu nasto lahayni waa sidii dhul bilaa bustaan ah.
Dhallinyaro iskaashatay ayaa sameysay ganacsigaas qurxoon. Way ku faa’ideen dadkoodiina uga faai’deeyeen. Carrruurta, xaasaska, wayeelka, dhallinyarada halkaas ku baashalaysa-kaalay arag! Mararka qaar ayuu shaydaanku kugu odhanayaa; xattaa hadday dhintaan iyagoo halkaas jooga oo farxasan caadabu qabri ma laha—markasaad goor danbe ogaanaysaa inaad umuurihii Ilaahay aad dhex dabbaalatay oo aad Istaqfurullaysanaysaa!

Magaalada waddooyinkeedu waa qaar waa weyn, marka loo eego, maagalooyinka Soomaalida. Way dhisnaayeen badankoodu-ciddii doonto ha dhistee. Waxyaalaha I cajab geliyay waxaa ka mid ahaa: in dhirtii lagu beeray xilligii Kacaanka ay weli ku beeran yihiin hareeraha waddooyinka. Qurux iyo qaab ayay ku soo kordhiyeen.

Ganacsiga magaaladu waa wanaagsanaa. Se waxaa ka muuqday kalatag baahsan. Dabaqado ayaa samaysmay. Huteellada qaar 500 $ ayaa lagu seexdaa habeenkii. Halka qaar kale na lagu seexdo 10 Dollar. Amniga ayaa laga bidayaa goobahaas qaaaliga se lama hubo in lagu ammaan gelaayo.
Guryaha magaaladu waa qaali. Qolalka u gu jaban 100$ ayaa lagu kireeyaa. Meelaha qaar korontada iyo biyaha ayaa la socda. Magaaalo socotadu ku badan tahay, amnigana la iibiyo ayaan u fahmay!

Danyarta oo dhan inuu suuqani u furan yahay ayaad mooddaa. Suuqa Bakaaraha weeye. Waa suuq weyn oo si wanaagsan loo dhisey markii hore—se hadda dayac badan ka muuqdo. Suuqaqa geeska AFRIKA u gu waa weyn ayaa lagu tirin jirey-haddaanu ahayn kii u gu weynaaba! Qiimo jaban ayaa isaga wax lagu iibiyaa.

Sidoo kale, waxaa magaalada buuxa oo aad ka helaysaa meel walba oo aad fadhiisato cabbitaan macaan. Waa khudaartii oo idil, islamarkaana, sharaab laga sameeyay. Canbayaashii, muuskii, xabxabkii, iyo dhammaan liintii oo idil –marka laga reebo liin macaanta. La gama cabbo magaalada. Inaaney u soo bixin iyo inaan la soo iibgeyn ayaan kala garan waayay. Dhawr jeer oo aan dalbadayna;
waan ku hungoobay oo Liin banbeello ayaa lay keenay. Halkaas ganacsi ayaa ku jira sow maaha. Waydinkaa!!

Dhanka dhaqankooda dadku weli waa ku sii dhegganaayeen. Marka laga eego xagga afka, agabka, cuntooyinka iyo ciyaaraha.
Waxa u gu yar ee aan tusaale ka soo qaaadan karnaa; qof kastaa oo aad weyddiiso lambarka teleefoonkiisa- afsoomali ayuu kuugu sheegayaa. I yaba waa guul.
I yada oo ay sidaas tahay, haddana dadka badankoodu waa dad laba luuqadood yaqaanna! Carabida ayaa kow ka ah! In kasta oo, masaajiddadu magaalada ku yar yihiin, marka loo eggo : Hargeysa oo aan ka imid.

Noloshu waa biyo. Biyo-ku-filan ayay heshaa magaaladu. Maalinkii shan jeer iyo wax ka badan ayaan qubaysan jiray. Waxaa se suurtogal ah; inaan sidii islaantii Abwaan Cabdi Iidaan Faarax AHN, sheegay ee tidhi; “Daad wararac” inaan anna noqday. Allaa se xaal og!

Dhanka akhriska iyo qoraalka haddaynu eegno, waxaynu ognahay; in iyaga iyo horumarku wada socdaan. Akhrisku bulshadu waa farabadnaa se lama falgelin nolosha. Qalinkuna hadda uun buu madax la kacay – se mooji goor uu kaalinqaadi.
Madalaha lagu hayo wax ku saabsan aqoon—waxay ahaayeen qaar cammiran. Dhallinyaro qalinka iyo akhriska hiil u ah; ayaan soo arkay. Kooxda IFIYE ayaan ka xusi karnaa. Waa koox u istaagtay inay magalaada oo dhanka akhriska ka qaawanayd maryo u ga xidhaaan. Iftiin bay shideen wax badan iftiimiyay.

Maalin Arbaca ah; baan booqday maktabadda Ifiye. Waxay yidhaahdaan;
“AKHRIS-WADAREED”, ayay lahaayeen. Buug aanan magaciisa xasuusan ayaa u qalnaa maalinkaas. Waan dhugtay oo aan weliba ku dheygagay waxa meesha ka socday. Wax wanaagsan oo ku deyasho mudan ayay magaalada u qabteen qarankana u qabteen. Haa, xattaa qaranka way u qabteen. Maktabaddii Qaranka ayay booskeedii buuxiyeen. Ha socoto oo ha samaato ayaan lee yahay!

Dhallinyaradu waa ubucda waddanka. Tiro ahaan ayagaa u tun weynaa magaalada. Se tayadoodu waa taagdarnayd. Qofqof ahaan iyagaa hormood ahaa. Se quwaddii iskaashiga iyo iskuduubnaanta ayaa la qiimo tiray!
Meelo mug iyo miisan leh; ayay se qaranka u ga shaqeeyaan. Se waa quwad qarsoon. Door sidaas u weynna siyaasadda kuma laha oo weli odayaashii ayaa taliya. In dhallinyaradu ka riixdaanna booskaas way rabaan markaan la sheekaystay—se u ma rooraan. Iyagii ayaa la kala safan kuwii sadqeeyay.
Intay sidaas yihiinna—guuli waa weli!

Arrimihii i soo jiitay waxaa ka mid ahaa: inaad si yar oo fudud aad u la kulmi karto labeentii bulshada. Halka u gu sarreysa illaa halka u gu hoosaysa. ‘”Birifisoor hebel weeye ninkaniye ee iska baro ayaa lagu odhan”, Waa nin aad in badan aad ka maqli jirtey idaacadaha. Ninkan maad garan? “Waa xildhibaan aqalka saraa ee isna iska baro”, Dad isdhuldhigid badan weeye. Nin sarta u gu dheer leh magaalada ayaa laga yabaa inuu macawis iyo shaadh yar iska xidhan yahay- oo uu kugu hodo! Waxay ii gu darnayd; markii lay baray qaarna sheedda layga tusey hoggaamiye-kooxddadii intii noolayd oo hadda qarankooda u shaqaynayaa, kana shaqaysanayaa. I yaba waa taariikh wax lagu qaato! Si kasta oo amnigu u xun yahay XAMAR –haddana la sheekaysiga iyo la kulanka madaxdu waa fududdahay! Sirtuna waa martisoorka iyo madaxda oo weli dadkooda ka maarmin!

Waxaan ka imid; magaaladii Muqdisho oo bulshadeedii ku leh”Anigu dhimanmaayo illaa qiyaamuhu dhaco”, se idinka uun baa dhiman”!
Sidoo kale anigu waan gaadhi dhiggaygee- adigu iga dhaaf dhibkaaga”

U gu danbeyntii waa halkii Cali Ileeyee: ’’Waxaan isla waayay nolosha Muqdisho iyo nabadda Hargeysa.” Raadinta labadaas waxaan u maleeyay uun Nabadda iyo Nolosha halhayska u ah- xukuumadda FARMAAJO!!

Waxa Qoray : Axmed Karaama

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here