ANTIKHIRIISTOOS (7)Taliyahayaga iyo Wiilka Taliyahayaga

Anti Christ

ANTIKHIRIISTOOS (7)Taliyahayaga iyo Wiilka Taliyahayaga
(1800 C.H – 20 C.D)
*** Dhammaad

Waa kuma Antikhiriistoos? qaybtan ayaa aad ku ogaan doontaa.

‘‘ Shan baanu ahayn, waxa nagu lix ahaa Luusifar.
Lix baanu ahayn, waxa nagu toddobada ahaa taliyahayaga iyo wiilka taliyahayaga.
Annaga mooye cid kale ma garanayso arrinta taliyahayaga iyo wiilka taliyahayaga.’’

Sheekadayadii ugu danbaysay, ee adigana kuugu danbaysay dhagayso. Waxa kuu warramaya jinka Yuhuudiga ah ee Maastiim. Wuxu yidhi:

Waxa ii sharaf ahayd in aan goobjoog ka noqdo dhalashada taliyahayga, barbaariddii taliyahayga iyo maskax badnaantii taliyahayga, intaaba goobjoog ayaa aan u ahaa. Taliyahayga waa Antikhiriistoos.

Waxa aan kormeerayay guryaha qoysaskii reer bani Israa’iil xilligii Fircoonkii Muuse. Guryaha reer bani Israa’iil waxa ay ahaayeen qaar danyar iyo saboolnimo laga dareemayo. Hal sannad waxa uu Fircoon dili jirey dhammaan wiilasha reer bani Israa’iil, sannadna waa uu dayn jirey, si aanay tafiirtoodu u go’in; waayo waxa ay u ahaayeen shaqaale. Waxa ay ahayd sannadkii wiilasha la deynayay, waxa aan gaafwareegayay aniga oo cabbaayad xidhan guri ka mid ah guryaha Yuhuudda ee saboolka ah, gurigaas si gaar ah ayaa aan u danaynayay. Gurigaasi waxa uu ahaa mid ku barakaysan qalbigayga, waxa uu ahaa gurgii ay ka dhacday dhalashada taliyahaygu iyo wiilka taliyahaygu: waa dhalashadii Antikhiriistoos.

Aabbihii waxa uu ahaa nin Yuhuudi ah, oo leh sandheer oo mudac la moodo, hooyadiina waxa ay ahayd gabadh Yuhuudiyad ah oo buuran, gacmo dhaadheer oo laab weyn. Waxa ay is qabeen soddon sanno wax carruur ahna isuma ay dhalin. Waa ay ka quusteen in ay yeeshaan wax carruur ah, oo rejadi waa ay ka dhammaatay. Ma habboona in aan kuu sheego faahfaahin aan loo baahnayn in aad ogaataa, balse waxa kugu filan ay gabadhaa buurani sariirta is-rogrogaysay iyada caajisan oo luloolaynaysa, ka dib waxa ay aragtay waxa uu arko qofka riyoonayaa: sidii oo uu nin shisheeye ahi u imanayo, ma ay garan illaa uu riximkeeda ku tuuray wax ay moodaysay dhinbiil dab ah. Anigu se xaqiiqda oo dhan waa aan ogaa.

Dhabtu waxa ay tahay gabadhaa buurani waxa hurudday sariirteeda halka uu ninkeeda sanka dheeri uu taagnaa sariirta agteeda, waxa uu qolka ka buuxiyay tafaaful, duco iyo hab maamuus shaydaan u yeedhid ah oo aanay waxba kaaga faa’ido ahayn in laguu sheegaa. Wixii dhacay hab maamuuskaa ka dib waa mid aanay rumaysan karin dadka kula mid ka ahi. Saacad ka dib markii uu ninkii wax akhriyay isaga oo daallan, waxa soo dagay taliyahayga, isaga oo aad haybadda iyo maamuuska ka muuqda aanad sawiran karin. Waxa soo degay taliyahayga Luusifar (Ibliis) oo yimi gurigaa barakaysan, waxa aanu eegay riximkaa barakaysan, waxa aanu ku tuuray dhibic barakaysan, ka dibna waa uu iskaga tagay hab milgo leh. Waxa uu dhammeeyay ninkii sanka dheeraa wixii uu waday, waxa aanu meeshii ka qaaday wax kasta oo muujin kara raad in cid kale timi. Gabadhii buurnayd ee Yuhuudda ahayd hurdadii waa ay ka gudubtay waxa aanay gashay heer kale, waa suuxdin barakaysan.

Sidaa ayaa ay u dhacday galmadii barakaysnayd, ee dhex martay taliyahayga weyn ee Luusifar iyo gabadha Yuhuudiyadda ah. Gabadhi waxa ay qaadday uur ay u malaynayso in uu ilmaheedii yahay, balse waxa uu ahaa dhashiii shaydaanka -Antikhiriistoos. Waxa uu ahaa uurkii ugu dhibta badnaa ee ay gabadhi qaaddo weligeed, waxa ay sidday 12 bilood oo dhammaystiran. Waxa uu ahaa sidkii ugu dheeraa, ugu dhibta badnaa ee ugu foosha kululaa. Markii ay dhashay cadaab, qaylo iyo dhiig ka dib, waxa uu ka soo baxay isaga oo qurux iyo barakaba wata. Waa ay eegtay, waxa aanay ishiisa ku aragtay wax ay fahmi weyday, balse waxaas ba waxa illowsiiyay qaylada ka imanaysa dibadda. Buuqa baxaya waa ay garanaysaa, waa ciidankii Fircoon; waxa la gaadhay sannadkii ubadka la leyn jirey, dhammaan guryaha Yuhuudda waa ay soo galayaan ciidankaasi.

Dibadda ayaa ay u baxday gabadhii buurnayd iyada oo maryaheeda ku qarinaysa cunuggeedii, waxa aanay u kacday dhanka buuraha. Waxa ay kortay buur aan la islahayn qof sideeda u buuran ayaa kori karaya, waxa aanay aragtay god ay filaysay in uu ammaan yahay, halkaas ayaa aanay dhigtay ilmaheedii. Waxa ay goosatay in ay xilli kasta soo booqato si ay u quudiso.

Halkaas ayaa ay ilmihii yaraa kaga tagtay, markii ay hoggii ku soo noqotayna ma ay helin. Waa ay oyday oo waa ay barooratay. Ma ay filan in malaggu uu u qaaday goob ka aammin badan hogga, halkaas ayaa uu ku quudin jiray malaggu, waxa aanu siin jirey caano, malab iyo subag. Sidii ayaa uu u korin jirey illaa uu weynaaday oo uu koray, waxa aanu noqday wiil barbaar ah. Alla weynidaa taliyahaygoow, alla barakaysanidaa.

Waxa uu yidhi Daraakoola, shaydaanka insiga ee caanka ahi:

Nasiib uma aan yeelan in aan la socdo oo aan ka warhayo taariikhda taliyahayga sida ay shayaadiinta kale sameeyaan, balse waxa ii sharaf ah in aan anigu dhawr jeer arkay. Maadaama aan ahay nin kasmo badan oo ildheer, waxa aan ahay qofka ugu habboon ee u sifayn kara qof aan arag, ee u xiisa qaba in uu arko daymadiisa barakaysan:

Waxa uu ahaa nin xoogweyn, oo garbo waaweyn, ma uu dheerayn mana uu gaabnayn, balse gaabnida ayaa uu xigay. Waa nin cas sida caynka Qooqaasiyiinta cadcad. Waxa uu leeyahay timo madow oo duuduuban oo dhaadheer, oo aad isugu cufan. Waxa uu ahaa nin leh lugo kala fog, dhammaan sifooyinka jinka iyo kuwa insiga waa uu lahaa. Sidaas ayaa u socdaalkiisa dhulku u noqday sida dabaysha duufaanka ah. Waxa uu arki karaa jinka, insiga iyo malaa’igtaba, iyaguna dhammaantood waa ay arki karaan. Ma qabtaan isaga xeerarka waqtigu, waxa uu nool yahay illaa xilligii Fircoon, waxa aanu noolaan doonaa illaa aakhiru sabaanka. Ma weynaado mana gaboobo, waa taliyaha jinka iyo taliyaha shayaadiintaba, aabbihii Luusifar mooye isaga cid kale uma taliso; waxa aanu noqon doonaa taliyaha insiga aakhiru sabaanka.

Madaxiisu waxa uu leeyahay muuqaal aad sheedda ka garanayso, waxa la moodaa madaxiisa madaxii maska, ma garanayo si aan muuqaalkiisa kuugu sifeeyo laakiin madaxiisu sidaas ayaa uu iigu muuqday aniga.

Waxa uu yidhi shaydaanka Baafomiid, ee ay caabudaan Fardooleydii Haykalku:

Waxa uu noolaa taliyahaygu maalmii Faraacinadu ay Masar haysteen, waxa aanu bartay kasmo iyo aqoon aanu qaadi karin caqliga aadamaha iyo ka jinku toona, waa aqoon aanu qaadi karin garaadka sayidkayga mooyaane. Waxa wax baray aabbihii Luusifar iyo murtimaalka jinka. Kaagama sheekayn karo noloshii uu ku noola taliyahaygu xilligii masar, waxa keliya ee aan kuu sheegi karaa markii uu bartay sida doonyaha loo kexeeyo waxa uu go’aansaday in uu ka tago Masaratii Faraacinada, oo uu soo indha-indheeyo dunida ku hareeraysan. Waxa uu dhex qaaday bulshooyinka iyo dalalka isaga oo wax ka baranaya, ugu danbayntiinna waxa uu salka dhigtay Yaman. Waxa uu ku xidhay jasiirad magac fajac ah leh, waa jasiiradda Xaniish ee Badda Cas, Xaniish waxa ay la macne tahay maska. Waxa uu ka doortay jasiirad qudha oo saldhigiisa noqon doonta illaa dhammaadka xilliga.

Waxa dhacday xilligaas in ay Faraacinadii Masaaridu diyaariyeen doon weyn, oo u dhaqaaqi doonta socdaal badeed oo dheer. Waxa doontaa loo diyaariyay shan boqol oo nin oo ka mid ah kuwii ugu geesisanaa Masar, waxa aanay ahaayeen kuwii ugu maskaxda badanaa ee arrimaha baddana yaqaannay. Markii ay badda badhtaneeka marayeen raggaasi waxa doontoodii ku dhabatay dabayl duufaan ah. Kol ba dhan ayaa ay u kaxaynaysay dabayshu doonta, markii danbena dhagax weyn ayaa ay doonti ku dhacday. Dhammaan dadkii doonta la socday waa ay qarqoomeen, marka laga reebo nin keliya, oo qabsaday loox doonta ka jabay. Hirarka ayaa qaaday, waxa aanay siteen saddex cisho iyo saddex habeen oo xidhiidha, markii danbena hirki waxa uu ku tuuray xeelliga jasiirad.

Ninki waxa uu soo miiraabay isaga oo jiifa xeelliga jasiirad ciid kulul, balse waxa ay ahayd jasiirad hodan ah, oo aanu iyada oo kale hore u arag. Waxa uu ahaa badmareen jasiirado badan cagta dhigay, balse jasiiraddani waxa ay ahayd mid ka duwan kuwii hore oo dhan; jasiiraddan waxa ka buuxay xayawaan kala duwan, midho badan ayaa aanay dhirteedu lahayd. Waxa uu ugaadhsan jirey xayawaanka hilibka leh, waa aanu karsan jirey, isaga oo sidoo kale duban jirey kalluunka. Waxa uu wax u gawrici jirey qurbaan ahaan Ilaahyadii Masaarida ee uu caabudi jirey, isaga oo ugu mahad naqaya sida ay u badbaadiyeen.
Dhulkii ayaa si kedis ah u gariiray, dhirtiina waa ay dhaqdhaqaaqday, waxaana ku soo baxay nin xidhan dhar dahabi ah oo qurux badan. Badmareenki waa uu argagaxay waa aanu anfariiray. Ma uu garanayn ninkan badmareenka Masriga ahi in uu yahay qofkii ugu horreeyay ee cagaha soo dhigay jasiiradda taliyahayga, jasiiradda Antikhiriistoos.
Waxa uu cod sare taliyahaygu ugu yidhi:
– Dhulkee ayaa aad ka timi?
Isaga oo badmareenkii la yaabban tamarta iyo awoodda taliyahayga ayuu ku yidhi:
– Waxa aan ka imi dhulka Masar. Waxa aan ku jiray badda aniga oo la socda koox saaxiibbadey ah, badda ayaa nagu cadhooday oo dhagax ku dhufatay doontayadadii, waa aanay burburtay dadkiina waa ay wada dhinteen oo aniga oo qudha ayaa ka soo hadhay.

Si xikmad leh ayaa uu taliyahaygii ugu yidhi:
– Ha cabsan Masriyahow, amni ayaa aad ku joogaysaa jasiiraddayda. Waxa aad tahay mid la doortay oo ka badbaaday halaaggii dhacay, ee ay ku hoobteen rag badan oo waaweynkii Masar ahi. Waxa aad tahay mid la doortay Masriyahow.

Waxa uu ku yidhi badmareenkii, isaga oo nafisay:
– Xaggee ayaa aad ka timi ninyahow xoogga weyni?

waxa uu ku yidhi taliyahaygii Antikhiriistoos:
– Kuma khusayso xagga aan ka imid, waxa aad iigu yeedhi kartaa maska. Waxa halkan igula noolaa toddobaatan jaalkayga ka mid ah, balse waxa danab cirka laga soo ganay ayaa dhammaantood gubtay, aniga oo qudha ayaana ka badbaaday, iyo gabadh yar oo kale.

Waxa uu yidhi badmareenki:
– Waxa aad tahay mid nasiib leh masyahow.
Waa uu dhoolla-caddeeyay taliyahaygii waxa aanu yidhi:
– Waxa aan leeyahay awoodda aan wax ku saadin karo, afar bilood ka dib waxa halkan imanaya doon kale oo kugu celin doonta dhulkaagii.

Waa uu farxay badmareenkii waxa aanu yidhi:
– ma dhabbaa mudane? waxa aad tahay nin wanaagsan.
Haddii ay sidaasi dhacdo waxa aan Masar kaaga keeni doonaa hadiyado badan sida cadar, dahab, udug iyo qurbaan.

Waa uu qoslay taliyahayga Antikhiriistoos waxa aanu yidhi:
– Jasiiraddaydu uma baahna wax aad u keentid. Ogow Masriyahow haddii aad jasiiraddayda mar ka baxdo kuma soo noqon kartid, maxaa yeelay jasiiraddaydani badda ayaa ay ku qarsoomi doontaaa, waxa aanay mar labaad u soo muuqan doontaa qodka lumay ee soo anbada sidaada oo kale.

Waxa uu yidhi Antikhiriistoos:
– Balse Masriyahow marka aad sidaa ugu noqotid dalkaagii, ma habboona in aad u sheegto in aad qof insi ah halkan kula kulantay, waxa aad ku tidhaahdaa waxa aan la kulmay mas. Ha ku rumaysato ciddii doontaa, hana ku beeniso ciddii doontaa.

Waxa uu yidhi ninkii:
– Sida aad jeceshay masyahow.

Afar bilood ka dib waxa soo gaadhay jasiiraddii doon ka timi Masar, waxa aanu taliyahaygii Antikhiriistoos uu siiyay badmareenkii Masriga ahaa hadiyado iyo dheef fara badan sida fool maroodi, indho-kuul, cadar, udug, xawaash, looxyo, dahab, maar iyo xayawaan kala duwan sida garanuug, daanyeer si uu Masar ugu qaato. Waxa uu sii saarnaa badmareenkii doontii cusbayd laba bilood, waxa aanu ahaa mid sii eegaya jasiiraddii Antikhiriistoos, waxa aanay ahayd mid marba marka ka danbaysa sii baaba’aysa, illaa ay wada qarsoontay.

Markii uu ninkaasi Masar ku noqday waxa uu sheekadii uga sheekeeyay wasiir reer Masar ah, wasiirkiina waxa uu arrinkii u sheegay Fircoon. Waxa uu faray Fircoon xoghayntii qoraalka Aammuun Ammuuna in uu dhacdadan ku xardho Burdiga. Waxa kale oo xil sare laga siiyay badmareenka qasriga Fircoon, si looga abaalmariyo geesinnimadiisa iyo nafhurnimadiisa.

Waxa laga yaabaa in aad sheekada ninkan badmareenka ah aad akhriday, waxa imika loo yaqaannaa ‘Sheekada Badmareenkii Hallaabay’ mana aad fahmin akhriste arrinka uu uga sheekeeyay Antikhriistoos ninkaas ee uu ku yidhi toddobaatan jaalle ayaa uu danab laayay oo ila socday. Kuwaasi waxa ay ahaayeen shayaadiin ka amar qaata Antikhiriistoos oo u shaqeeya. Waxa ay maalin u sheegeen in uu Eebbe soo dirayo nebi ka soo dhex baxa reer bani Israa’iil, oo weyn. Waa uu cadhooday taliyahaygu waxa aanu amray shayaadiintii u shaqaynaysay in ay cirka u baxaan oo ay soo dhagaystaan warka ku saabsan in nebi cusub la soo dirayo iyo xilliga uu soo baxayo. Markaas ayaa ay dhacday masiibada naxdinta lihi. Waxa sida roobka loogu soo daadiyay dhammaan jinkii danabyo ololaya, waa aanay gubteen dhammaantood. Tani waa sida dhacda markasta oo nebi la soo dirayo. Maalmo ka dib waxa dhashay nebi Muuse, Antikhiriistoosna waxa jasiiradda kula soo hadhay hal shaydaan oo keliya, waana tii uu badmareenku ku sheegay inanta yar. Tani waxa ay ahayd shaydaanaddda Basaasa (Spy), berigaasna waxa ay ahayd cunug yar.

Waxa uu yidhi Seerbenti, shaydaanka Yuhuudiga ahi:

Waxa aan hortiinna keeni doonaa muuqaal ka mid ah muuqaallada ugu yaabka badan ee dunida ka dhacay, waa muuqaalka nebi Muuse oo badda ushiisa ku kala jeexaya, badduna ay laba qaybood u kala jabayso oo bidix iyo mid ah, waxa aadab moodaysay biyo shub weyn oo sare u daadanaya. Waa muuqaal aynu u baahanayno si aan hortaada u keenno in ay isu yimaaddaan dhammaan filim soosaarayaasha Hollywood, si ay muuqaalkaas oo keliya u soo gudbiyaan. Muuse waxa uu horkacayay reer bani Israa’iil oo dhex maraya badda kala jeexantay, iyaga oo Muuse daba socda.

Waxa dhex socday reer bani Israa’iil taliyahayga weyn ee Antikhiriistoos. Waxa aan arkayay isaga oo ku jira safka hore oo Muuse ku xiga. Markii uu taliyahaygu ogaaday in nebiga la soo diray uu yahay Muuse waxa uu goostay in uu kula loollamo qoomkiisa dhexdiisa.

Waxa aan dhex gurguuranayay lugaha reer bani Israa’iil, markii uu dhacayay arrinkaa weyni. Waxa aan arkayay Antikhiriistoos oo arrin yaableh samaynaya. Waxa uu arkayay malag Jibriil oo fuushan faraskiisii oo badda kale jeexaya, oo uu Muusena daba socdo, reer bani Israa’iilna ay sii daba socdaan. Waxa uu arkay Antikhiriistoos in uu raadka faraska Jibriil uu meesha huruudda ah ee uu cagta dhigaba uu u rogayo cagaar. Antikhiriistoos waxa uu ahaa qofka kaliya ee arkaya Jibriil, waxa uu arkayay raadka faraskiisa oo dhulka cagaar u rogaya. Waa uu foorarsaday Antikhiriistoos waxa aanu cantoobsaday raadkii cagaarnaa ee faraska Jibriil. Waxa uu raadkaa barakaysan ku riday alaabtiisa dhexdeeda. Waxa uu ogaaday in ay sir kale ku jirto raadka.

Markii ay dhammaan dadkii ka gudbeen baddii waxa ay dhex mareen saxarihii iyaga oo ku sii jeeda Falastiin. Markii ay dhexda sii socdeen waxa ay arkeen qolo caabudaysa dibi, waxa aanay Muuse ku yidhaahdeen
– Muusoow noo samee Ilaah sida ay iyaguba Ilaahyo u leeyihiin.

Muuse isaga oo cadhaysan ayaa uu ku yidhi:
– Waxa aad tihiin dad juhalo ah. Ilaahay waa uu burinayaa camalka qoladaas, oo waa uu halaagayaa. Ma cid aan Ilaahay ahayn ayaa aad doonaysaa in aad Ilaah ka dhigayaan, isaga oo dadka oo dhan idinka sarreysiiyay, oo hadda uun reer Fircoon idinka soo badbaadiyay?

Waxa uu la socday Antikhiriistoos arrinka dhacay, hoosta ayaa aanu sir ku haystay. Markii uu nebi Muuse tegay buurta Duur si uu Eebbe ula hadlo, ee uu tolkiisna u sheegay in uu soddon cisho ka dib soo noqonayo, waxa uu madax uga sii dhigay walaalkii Haaruun. Soddon cisho ayaa dhammaaday Muusena sooma uu noqon, habeenno badan ayaa sidii ku dhammaaday, oo aanu Muuse soo noqon. Halkaas ayaa uu Antikhiriistoos fursaddaa ka faa’idaystay si maskax badnaan leh, waxa uu ku yidhi tolkii:
– Tolkayoow ii soo ururiya dahabkii ay idin amaahiyeen Masaaridu, kaas oo aad danbi ku dareemaysaan siditaankiisa, aniga ayaa idin dhaafinaya e’.

Tolkii waxa ay u soo ururiyeen dahabkii, ka dibna waa uu dhalaaliyay, waxa aanu ka sameeyay dibi dahabi ah oo wacan. Ma aan garanayn in taliyahayga Antikhiriistoos uu yahay farshaxan weyn, runtii waa farsamayaqaan weyn. Ka dib waxa uu taliyahaygu ka soo dhex saaray alaabtiisii raadkii uu ka qabtay faraskii Jibriil. Waxa uu raadkii ku tuuray dibigii dahabiga ahaa, waxa aanu isu dooriyay dibigii dibi dahab ah oo nool. Waxa uu ahaa muuqaal anfariir leh oo aniga laftayda iga yaabiyay, reer bani Israa’iil oo dhan ayuu arrinkani ka yaabiyay oo madaxa ayaa ay qabsadeen, iyaga oo fajacsan ayaa uu taliyahaygu ku yidhi:

– Waa uu iska tagay Muuse, waxa aanu halkan ku illaabay Ilaahiisii, kani waa Ilaahiinnii weynaa, waana Ilaahaygii iyo Ilaahii Muuse.

Ka dib waa ay u sujuudeen oo waa ay caabudeen iyaga oo ku dul dawaafaya, oo ku faraxsan kuna faanaya. Haaruun waa uu naxay waxa aanu ku yidhi:
– Tolkayoow maxaa idinku dhacay, Ilaahay ka baqa. Iskaga taga waxan oo kaalaya aniga i raaca oo i addeeca.

Waxa ay ku yidhaahdeen:
– Maya ee halkan ayaa aanu iska joogaynaa, waa aanan ictikaafaynaa inta uu Muuse ka soo noqonayo.

Si kedis ah ayaa uu nebi Muuse u soo noqday, waxaana fajaciso ku noqotay markii uu arkay tolkii oo u sujuudaya dibi dahab ah. Muuse si daran ayaa uu u cadhooy, waxa aanu dhulka ku tuuray looxyo ay Tawraadi ku qoran tahay oo Eebbe u soo waxyooday markii uu tagay buurta Duur, dhammaantood dhulka ayaa uu ku tuuray. Waa uu ku qayliyay tolkiisii waxa aanu ku yidhi:
– Maxaa idin helay tolkayoow. Miyaa aanu Eebbe idiin sameyn balanqaad wacan? Ma ballantii ayaa idinku dheeraatay, mise waxa aad doorbiddeen in ay cadho Alle idinku dhacdo?

Waxa ay ku yidhaahdeen tolkii:
– Maya ee waxa aanu soo urursannay dahabkii Masaarida, waxa aanan u dhiibnay nin Saamiriga ah, ka dibna waa uu na lumiyay.

Muuse waxa uu gadhka iyo madaxa si adag u qabtay walaalkii Haaruun, waxa aanu ku yidhi:
– Maxaa ku helay Haaruunoow? Maxaa aad ugu diidi weyday markii ay lumeen, miyaa aad caasiday arrinkaygii Haaruunoow?
Haaruun waxa uu ku yidhi:
-Walaalo gadhka iyo madaxa toona ha i qaban, cadawga ha ii jabin. Waxa aan ka cabsaday in aad i tidhaahdo waxa uu kala qaybiyay reer bani Israa’iil markii aad tagtay.

Muuse waa uu ka tagay Haaruun waxa aanu u kacay dhanka Antikhiriistoos, kaas oo ay u bixiyeen reer bani Israa’iil Saamiri. Saamiri waxa loo yaqaanna qofka qalaad, waxa kale oo loo yaqaanna qofka dadka lumiya. Tani waxa ay ahayd loolankii dhex mari lahaa Muuse iyo Antikhiriistoos, aad ayaa aanan u xiisaynayay in aan arko waxa dhici doona:
Muuse ayaa si deggan oo aan laga filayn ugu yidhi:
– Maxaa aad u jeeddaa Saamiriyoow?

Saamiri ayaa si qabow ugu yidhi:
– Waxa aan arkay wax aanay arkayn dadku maalinkii aynu badda ka soo gudubnay. Waxa aan arkay Jibriil oo faraskiisii wata, waxa aanan qabtay raadkii faraskiisa, qabashadiina waxa aan ku tuuray faraskan dahabka ah, sidaas ayaa aanay ii qurxisay naftaydu.
Waxa aan filayay in uu nebi Muuse oo ku caan ahaa cadhadu uu ku xanaaqi doono, balse Muuse si deggan ayaa uu ugu yidhi:
– Iska tag Saamiriyoow. Waxa aad leedahay nolosha ballan aanad dhaafayn e, Ilaahaagii aad dadkayga ku lumisayna waxa aad arki doontaa annaga oo gubnay, danbaskiisiini badda ku shubnay.

Waxa ay ahayd arrin fajaciso ah in uu Muuse sidan deggan ula dhaqmo Antikhiriistoos , laakiin waxa ay u muuqataa in uu Muuse gartay Antikhiriistoos. Waxa uu gartay in xilliga lala diriraya Antikhiriistoos in aanay hadda ahayn, ee waa xilli danbe. Waa xilli aanay joogin Muuse iyo Fircoon toona, waana xilli la qorayo labadii tuduc ee ugu danbeeyay taariikhda aadamaha.

Waxa ay tidhi shaydaamadda Basaasa (Spy):

Haddii aan naftayda idiinka warramo waxa aan ahay shaydaamad aanay garanayn dadka dhulka ku nool oo dhami, halka aan anigu ka garanayo dadka dhulka ku nool oo dhan. Waxa aan ahay basaasad, waxa aan basaasaa wararka dhulka dadka. Waxa aan deggenahay taliyahayga weyn ee Antikhiriistoos agtiisa, jasiiradda maska. Maalintii ay dhacday masiibadii ay ku gubteen dhammaan shayaadiintii ku sugnaa jasiiraddu xilligii Muuse, aniga waxba ima ay soo gaadhin. Maxaa yeelay, anigu waxa aan u xil saaranahay in aan basaaso dadka dhulka ku nool, ee shaqo kuma lihi waxa cirka ka jira. Waxa aan samaynayo wax ka wanaagsan jin iyo insi toona ma sameeyo. Qaabkayga shaydaaniga ah dadku waa ay arki karaan, illaa xilligan casriga ah ee lagu jirana waa ay i arkaan. Annagu waxa aanu nahay qolo shayaadiin ah oo qaabkayga u wada samaysan, wax yar haba ku kala duwanaadaane. Qolodaydu waxa ay deggan tahay kaymaha adduunka oo dhan, haddii aad doonayso in aad qaabkayga aragto sawirro uun daanyeerka Qoriilaha, ka dibna Qoriilaha ku ded timo badan oo wejigiisa oo dhan qarinaya, sidaas ayaa aan u eegahay, sidaas ayaa aanu annaguna u eeg nahay. Qoladayda waxa aad u bixiseen magac cajiib ah oo ah ‘Cag-weyn’ (Big Foot) magaciinaasina waxa uu tusayaa doqonniimada iyo aqoondarrada dadka.

Haddii aad i weydiiso sida aan dadka u basaaso? Taasi waa wax aan dhacayn in aan sheego. Keliya waxa aad ogaataa in aan ogahay, oo aan wax ilaaliyo. Qoladaydu ilama mid aha, hawshooda ayaa ay wataan anna hawshayda ayaa aan wataa. Noloshaydu aniga waxa ay ku xidhan tahay ta taliyahayga, waana hoggaamiyahayga iyo hoggaamiyaha cid kasta.

Laba jeer ayaa uu dad cagta soo dhigay jasiiradda maska. Mar waxa uu ahaa xilligii nebi Muuse, waana badmareenkii hallaabay. Midda kale waxa ay ahayd xilligii Maxamed (NNKH) nebiga aakhiru-sabaanka. Waa tan qisadaasi:

Habeen uu duufan dhacayay badda Yaman, waxa jirtay doon ay hirarku ku dheelayeen, illaa ay garan waayeen badmareenkii meel ay joogaan. Meel kasta oo ay eegaan madowga badda ayuun baa u muuqanayay. Waxa ay doonayeen badmareenku in ay ku dagaan xeelliga berri ee ugu dhow, laakiin waa ay ka quusteen taana. Duufaan iyo hirar ayaa kolba dhan u kaxaynayay doonta, illaa ay si kedis ah doontii u timi xeelliga jasiiradda, tani waxa ay ahayd jasiiraddayda, jasiiradda maska. Kuwa badmareenka ahi waxa ay ahaayeen qolo masiixiyiin ah oo Carab ah, tiradooduna waxa ay dhammayd 30 qof. Waxa ka mid ahaa nin la yidhaahdo Tamiim al-Daari. Xeelliga ayaa ay fadhiisteen illaa ay qorraxdi ka dhacaysay oo uu shaacii madoobaaday, ka dibna jasiiradda ayaa ay soo galeen. Markii ay sidaas u soo galeen ayaa aan annigu la kulmay. Muuqaalkaygu waxa uu ahaa mid iyaga ku cusub, waxa ay ii maleeyeen xayawaan waxa aanay ii bixiyeen daabbad. Iyaga oo yaabban ayaa ay igu yidhaahdeen:
-Hoogto, yaa aad tahay adigu?

Af Carabi ayaa aan ku idhi:
– Waxa aan ahay basaasadda.

Waxa ay igu yidhaahdeen:
-Waa maxay basaasaddu (al-Jasaasa)?
Waa aan iska dhegotiraya weydiintoodii waxa aanan ku idhi:
– Waar raggoow, kaalay ii raaca deyrkaas, waxa jooga nin warkiinna xiiso u qaba e’.

Raggi waa ay anfariireen, waa aanay iga tageen, waxa aanay u degdegeen dhanka meeshii aan u tilmaamay. Markii ay u galeen waxa ay arkeen nin xoog weyn, oo aanay weligood isaga oo kale aanay arag. Waxa yaabka leh ayaa ahaa in uu ku xidhxidhnaa silsilado waaweyn oo aanay hore u arag. Labadiisa gacmood waxa ay ku xidhnaayeen cunihiisa, biro ayaana lugaha kaga xidhnaa. Kani waxa uu ahaa taliyahayga Antikhikhiriistoos, waxa sidan loogu xidhxidhayna waa sheeko aanan adiga kuu sheegayn. Markii ay arkeen nimankii carbeed muuqaalka hortooda ka muuqda waa ay argagaxeen waxa aanay yidhaahdeen:

– Waar hooge, yaa aad tahay?
Waxa uu ku yidhi taliyahaygii Antikhiriistoos:
– Waa aan isu kiin sheegi doonaaye, idinku yaa aad tihiin?

Waxa ay ku yidhaahdeen:
– Waxa aanu nahay niman carab ah. Waxa aanu soo fuulnay doon, markii aanu badda ku dhex jirnay ayaa uu duufaan nagu kacay, oo hirarka ayaa nagu ciyaarayay bil dhan, illaa aanu jasiiraddaadan nimi. Markii aan meeshan nimidna waxa aanu la kulannay daabbad timo badan, oo aannaan sii jeedkeeda iyo soo jeedkeeda kala garan weynayn, timo badnaanteeda darteed. Waxa aanu warsannay cidda ay tahay, waxa aanay nagu tidhi u taga ninka dayrkaa ku jira isaga ayaa warkiinna xiiso u qaba e’ . Waa aanu argagaxnay waxa aanan filaynaa in ay shaydaamad ahayd.

Waxa uu ku yidhi taliyahayga Antikhiriistoos:
– Iiga warrama timirtii Baysaan, ee Falastiin, weli miyaa ay midho bixisaa?
Waxa ay ku yidhaahdeen:
– Haa, waa ay dhashaa.
Isaga oo yaabban ayaa uu ku yidhi:
– Waxa laga yaabaa in ay midho bixin weydo. Iiga warrama haradii Dabriya ee Falasdiin ee webiga Urdun. Biyo miyaa ay ku jireen?
Iyaga oo yaabban oo is eeg eegaya ayaa ay ku yidhaahdeen:
– Haa waa ay biyo badan tahay.
Waxa uu haddana ku yidhi:
– Waxa ay ku dhowdahay in ay biyaheedu gudhaan. Iigga warrama ishii Saqar ee Falasdiin, miyaa ay ishaa biyo ku jireen? Dadka deegaankuna ishaa miyaa ay wax ku beertaan?
Iyaga oo waxa kan oo weydiimo ah la yaabban ayaa ay ku yidhaahdeen:
– Haa waa ay buuxdaa, dadka deegaankuna biyaheeda ayaa ay wax ku beertaan.
Waxa uu ku yidhi Antikhiriistoos si aayar ah:
-Iiga warrama nebigii umiyiinta, maxaa uu sameeyay?

Waxa ay ku yidhaahdeen:
– Waxa uu ka soo baxay Maka, waxa aanu degay Madiina.
Waxa uu ku yidhi:
– Carabti miyaa ay la dagaallantay?
– Haa waa ay la dirireen
-Maxaa uu ku sameeyay.
-Waa uu ka guulaystay ciddii la dirirtay oo waa ay la heshiiyeen.
– Ma run baa taasi?
– Haa.
– Waxa u wanaagsan in ay addeecaan.

Ka dibna si xooggan ayaa uu u yidhi:
Imika ayaa aan arrinkayga idiin sheegayaa. Waxa aan ahay Dajaal Cawar. Waxa soo dhawaatay markii dhulka la igu sii deyn lahaa. Marka la i sii daayo tuulo kasta waa aan mari doonaa, waxaa aanan joogi dooonaa afartan habeen, marka laga reebo Maka iyo Madiina; labadooduba waa iga xaaraan in aan galaa. Markasta oo aan isku dayo in aan galo waxa iga soo celinaya malag seef sita, aag kasta oo ka mid ahna malaa’ig ayaa ilaalinaysa.

Waa ay argagaxeen nimankii, degdeg ayaa aanay jasiiraddii uga baxeen. Mid ka mid ah ayaa u tagay nebi Maxammed, ka dibna inta uu islaamay ayaa uu sheekadan uga sheekeeyay. Nebi Maxammedna inta uu farxay ayaa uu sheekadii asxaabtiisa u sheegay

Waxa uu yidhi Luusifar, weynaha shayaadiinta iyo sidaha ileyska weyni:

Waxa aad tahay inankii shaydaanka Antikhiriistoosoow, waxa aad tahay wiilkii Luusifar, waxa aad tahay inankii Ibliis. Waxa aad tahay kii siday dhibicda ileyska, adiga dartaa ayaa ay u dhaceen wixii fidno dhulka guudkiisa ka dhacday illaa laga gaadhayo qiyaamuhu. Insi iyo jin isku jira ayaa aad tahay adigu, waxa aad tahay mid jinku ku faano iyo mid insiguba ku faano, oo aabbihiina ku faano. Waxa aad ka abuuran tahay dhoobo iyo dab isu tagay, waxa aanad ku abuurantay riximka gabadh Yuhuudiyad ah. Dhulka insiga iyo jinkeeduba waxba kulama aha marka adiga laguu eego. Waxa soo dhawaatay xilligii lagu sii deyn lahaa, ee aad dhulka gaaf wareegi lahayd sidii aad horeba u samayn jirtey. Waxa aad ka soo bixi doontaa dhanka bariga, magaalada Asfahaan ee Iiraan. Waxa marka uugu horreysa ku raaci doona toddobaatan kun oo Yuhuud ah, oo uu midkastaa xidhan yahay shaal garbaha ka laalaada oo Daylasaan la yidhaahdo, waa shaalka ay xidhaan waaweynka Maasooniyadda, cidda gaadhay heerka 33aad. Waa cidda ah qolada 13 aad, ee reer bani Sahyuun. Waa ciidankaagii dhulka oo dhan u sii diyaariyay soo dhawayntaada; waa madaxda dawladaha iyo madaxda dhaqaalaha oo kuwaa ka sii sarreysa, waa madaxda sixirka. Waxa ay bilaabeen in ay dadka fajaciso tusaan muddo badan oo ay isqarinayeen ka dib. Ma jiri doono qof dhulka ku noolli, oo aan ku raacayni, marka laga reebo inyar mooyaane.

Dhanka bari ayaa aad ka soo bixi doontaa, iyada oo ay ku hor socdaan shayaadiin oo ay ku daba socdaan shayaadiin. Bidix iyo midigba shayaadiin ayaa kaa joogi doonta. Waa ciidankaaga sharfan ee jinka ah, dadka waxa ay la hadli doonaan marka aad fartid, waxa ku daba-gurguuranaya Siirbenti, waxa ku dul duulaya Maastiim. Cirka ayaa aad faraysaa in uu da’o oo waa uu da’ayaa, dhulka ayaa aad faraysaa oo wax baa uu soo bixinayaa, xoolaha waa aad amraysaa oo waa ay naaxayaan. Qofka aad doonto ayaa aad dilaysaa, cidda aad doontana waa aad noolaynaysaa. Jinka waxa aad faraysaa in ay kuu soo saaraan kaydka qaaliga ah ee dhulka hoostiisa ku jira sida malabka shinnida ayaa aanay kuu soo saari doonaan. Waxa ay jinka iyo insuguba kuu arki doonaan in aad tahay Ilaahooda, waa aanay kuu sujuudi doonaan. Waxa aad u sheegi doontaa in dhammaan waxa ay diimuhu fareen ay yihiin sheeko-baraley. Waxa aad ka sheekayn doontaa arrimo shaki geliya. Waxa aad wadataa janno cagaar ah oo webiyo leh iyo janno madow oo kulul. Jannada iyo naartaba indhahooda oo shan ah ayaa aad tusi doontaa.
Waxa aad u sheegi doontaa in qofka ku rumeeyaa uu janno degdeg ah geli doono, ma aha janno danbaysa oo aan la garanayn in ay dhab tahay.

Ha cabsan. Marka aad sidaa u tidhaahdo waxa aan ahay Ilaah, waxa kula dagaallami doonta cidda ay dadku Ilaah ahaan u caabudaan. Waxa uu masaxi doonaa il ka mid ah indhahaaga, waxa aanay noqon doontaa mid masaxan oo aan aad u muuqan, ishaada kalena waxa uu ka dhigi doonaa kuus buuran oo aan bu’deeda la arkayn, waxaana la moodi doonaa il quraarad cagaaran ah, oo la moodo canbe qaayisay. Markaas ayaa ay ku garan doonaan dadka Alle caabudaa, oo kuma raaci doonaan, laakiin waa dad yar oo aan waxba kuu dhimayn.

Waxa aad tahay Dajaal Cawar, waxa aad tahay Ilaaha jinka iyo insigaba , waxa aanad tahay inankaygii. Cidda ku caabudda anigana waa ay i caabudday, cidda ku weyneysaana waa ay i weynaysay. Qofka ku rumeeya waxa aan siin doonaa dheef aanu weligii heleen.

Soo deg Dajaaloow, tallaabo kasta oo aad qaaddo barako ayaa kaaga sugnaatay dhankayga. Soo deg oo baabii caqiiqada dadka, una samee caqiido keliyaata oo mid ah. U samee nidaam caalami ah oo aad adigu madax u tahay. Soo deg Dajaaloow oo rumee ballantii aan Ilaahay la galay toban kun oo sanno ka hor markii uu i fogeeyay anoo khayr la raba aadamaha. Waxa aan u balanqaaday in aan dadka oo dhan u fadhiisan doono jidka toosan , oo aan kor iyo hoos, bidix iyo midigba kaga iman doono, badidoodu ay ka gaaloobi doonaan diintiisa. Dhammaan dadku waxa ay ii raaci doonaan halkii uu igu tuuray, oo ah naarta Saciiira. Soo deg Dajaaloow, qofka aan qiimayn shaqada aad qabatay sannadahan oo dhan, uma qalmo in uu noolaado e’.

DHAMMAAD.

 (Sheekada oo dhammaytiran waxa aan ku soo saarayaa buug dhowaan soo baxaya)

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here