Caalami ! – Maxamed C. Jeyte

Maxamed C. Jeyte

Jaamcad caalami ah. Madaar caalami ah. Iskuul caalami ah. Isbitaal ay joogaan dhaqaatiir caalami ah…… caalami……..caalami …

Ummad kasta oo dunida ku nool waxay leedahay shuruuc iyo qawaaniin kala hagta. Marka ay lumaan xeerarkas a ma ay ku dhaqmi waayaan waxaa isku milma wanaaga iyo xumaha, runta iyo beenta. Waxaa meesha ka baxa run sheegidda, beenta ayaana noqota furaha kaliya ee ay maciin bidaan!

AFEEF
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa : Hadalkaada hortii afeef baa la dhigtaa, gurigaada hortiina ood weyn baa la dhigtaa.
Waxaan ka afeefanayaa in ujeedadaydu aysan ahayn, duridda koox gaar ah, balse, aan sheegayo oo kaliya wax ka jira deegaanka aan ku noolahay. Maqaalkaan waxa uu daaranyahay muujinta dhaqan aan hore u jiri jirin oo hadda ku soo badanaya dhammaan gayiga soomaalidu dagto, gaar ahaan muqdisho iyo magaalooyinka mataanaha la ah. Hadaba, waa maxay dhaqanka aan doonayo soo bandhigidiisa? Waa caalami!
Jaamacad baa la furayaa waxaa lagu til maamayaa caalami. Isbitaal ayaa la furiyaa waa calami. Ganacsi gaar loo lee yahay baa la furiyaa waxaa lagu suuq galinayaa waa caalami .
Hadaba maxaa caalami ah?
Ka hor inata aanan ka jawaabin su’aashaan, marka hore aan qeexno erayga caalami. Maxaad u taqaan caalami?
Qaamuuska af-soomaaliga, caalami waxa uu ku qeexay sida tan: Wax caalamka oo dhan ka dhexeeya ama wada yaqaan.
Marka aan eegno afka carabiga oo eraygu asal ahaan kasoo jeedo, waxaad ka helaysaa dhowr macno oo iska ag dhaw. Waxaa erayga asal ahaan laga keenay caalam . Mid kamid qaamuusyada af-cariga ,caalami, waxa uu ku fasiray sida tan:
.شيء شائع ومعروف في العالم كله .

Shay ku shaacsan macruufna ka ah dunida oo idil.

Qaamuuska afka ingirriska waxa uu ku qeexay sidan:
Wax quruumadu si wada jir ah ay u yaqaanaan.
Saddexda qaamuus, waxay ka mara kacayaan in erayga caalami loo adeegsan karo shay dunida oo dhan si isku mid ah looga yaqaan ama shay tayadiisu aad u sareyso dunida oo dhan na laga soo tiigsado.

Hadaba, jaamacadaha, isbitaalada, iskuulada iyo dhammaan waxyabaha aan caalamiga ku tilmaamno ma yihiin kuwa caalamka oo dhan laga yaqaan? Caalam yeelkiisa, ma yihiin kuwa ay nala yaqaanaan afrikaanka aanu jaarka nahay? Iska daa ummad kala e, soomaalida oo dhan ma yaqaanaan? Ma yihiin kuwa tayadoodu sareyso oo ummado kale ay soo tiigsadaan?
Si dhib yar u dheh : Maya. Waayo jaamacado ama goobo ganacsi oo xamar ku yaal ma ahan kuwa dunida laga yaqaan, mana ahan kuwa leh tayo waxtarta oo ay magacaas ku mudaysan karaan.

Muhiimadu ma ahan in shaygu ku yaal meel ka baxsan soomaaliya waase in uu la haadaa magac mug leh iyo tayo wanaagsan, si loogu sunto magaca caalami .

Soomaalidu erayga caalami waxay ka dhigteen mid ay ku caanbixiyaan ganacsigooda. Waxaaybaha ashqaraarka leh ee aad ku arkaysid suuqyada magaalooyinka soomaaliya waxaa kamid ah; In shay loogu yureero caalami iska daaye aanan mudnayn xitaa in ganacsi ahaan loo soo bandhigo tayo xumadiisa awgeegiis, oo caalami loo yaqaan.

Codbaahiya yaasha ama idaacadaha ay maamulaan soomaalidu waa kuwa xayeysiiya ganacsiga, laakiin kama eegaan waxa ay xayaysiinayaan tayadooda e, caalami ayay wax kasta ku xayaysiiyaan inkastoo aan maqlay hargaysa laga mamnuucay ii dhehada beenta ah iyo buubuunida , hadana muqdisho, ayay ku hartay. Muqdisho waxay noqotay meesha ugu badan ee laga xayaysiiyo ganacsi laguna tilmaamo caalami .
Beentu waxay ka mid tahay waxayaabaha xaaranta ah. Waa sheey mararka qaar lagu naar tago. Haddii aad sheey ku tilmaamto waxa uu san ahay, waxaad noqonaysaa beenlow. Cidkasta ee ku siranta shayga aad buubuunisayna danbi baa ka gashay.
Haddii aaan rabno in ganacsigeeyyna loogu yeero caalami. Marka hore aan iibsano ama aan furno shey caalami ah, si uu caalami u noqdo. Haddi aan awoodi Karin, been ma fiicno e, aan ka fogaano buunbuuninta bilaashaka ah.
Waa inaa ka fogaanaa buubuuninta dhib mooyee aan dheefta lahayn ee aan u samayno ganacsigayna, ama goobaha tacliinta.
W/Q: Maxamed C. Jeyte.

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here