Bakhti-afuuf – Cabduwahaab Saqa.

Saqa

Ninkan weyn sidani waa u caado. Maya e wuu ku khasban yahay aan niraahno. Kollay ba ma leh garasho iyo aqoon uu naftiisa sidan ugu dhaamo, iyo xitaa tol ka naxa oo hanuuniya midna.

Maskaxdiisa, farihiisa iyo afkiisa qurmuun oo kali ah ayaa jirkiisa oo idil ka nuuxnuuxsanaya. Wuu hawaaraa. Raggii ay wada qayilayeen oo dhami mar hore ayay meesha ka huleeleen. Isaga se dhowr laamood ayaa u haray oo uu ku dul fekerayaa. Hugun dhinaca magaalada ka imanaya ayaa dhagabarjeeyay, haddii uu hees qaraami ah iska xijin lahaana caawa rikoorkii xumaa ee marfashku waa bilaa bateri, sida uu isagu ba bilaa farxad u yahay. Eedaankii salaadda cishe ayaa korkiisa ka baxaya. Balse lixdii sanno ee ugu dambaysay ma uu tukan, caawana ma uu tukan doono sida u qorshaysan.

Maskaxdiisa oo xaraaroonaysa ayaa xasuusyo dhawaa soo furfurtay. Kii xumaa ee istubidka ahaa ee fuustada hortiisa ah soo fadhiyay ee galabta la murmayay ee mirqaanka ka jiirayay ee reer Kadabshiir ayaa ku soo maaxday. Waligii ba ninkaa wuu necbaa oo intaa wuu nacladaa, balse ma cilmiyayn karo sababta uu ku nacay. Dhowr jeer ayay isa ga hor yimaadeen dagaallo reerahooda dhex maray oo ay gacmaha iyo xabbadaha ba isla waayeen, haddana ma kala fogaadaan. Toddobaadkii ba labo ama saddex jeer ayay meheraddan isugu yimaadaan oo ku wada qayilaan oo is nacladaan oo isu hanjabaan oo ugu danbaynta isu soo faro baxsadaan.

Beri fog ayuu midkood ba nadar ku galay in uu kan kale wadnaha kaga shiilo tareeso ololaysa, si uu murankiisa uga raysto, balse qorshahaasi midkood na weli uma uu fulin. In aad tareeso ololaysa wadnaha kaga shiisho qof waa xeeladda ugu qaayaha ee la isu dhaafiyo haddii aad si uun isu diiddeen qofkaa, markii Caabudwaaq la joogo. Sidooda kale se labadoodu waa isku meherad. Camal la’aanta, jaahilnimada, fataalnimada iyo qurunka oo dhan ayay wadaagaan. Sina uma kala maqnaadaan.

Galabta murankoodu meel fog oo fog ayuu gaaray. Taariikho hore oo dagaallo iyo xasarad miiran ahaa oo reerahooda dhex maray ayay ka murmeen. Dabadeedna kan hawaara ee maskaxdiisu xaraaroonayso ayaa xanaaqay ka dib markii uu loo sheegay dhacdo uusan waligii maqal. Show awoowgii siddeed iyo tobnaad waxaa dilay reer Kadabshiir, waliba geeljire kan uu neceb yahay awoowe ugu aaddan ayaa awlaxiisa ku dooxay oo dabadeedna hilibkiisii kidfay. Ilbiriqsiyadii uu warkaasi dhagihiisa galayay jirkiisu dhiig ma lahayn. Aad ayuu u caraysnaa oo naftiisa iyo dadnimadiisa ba u hiifayay. Nin ay godobi ka maqan tahay oo aan xitaa ku baraarugsanayn ayuu isu arkay. Waxa uu la yaabay sababta uu taariikhdaas xanuunka badan u maqli waayay. In dhacdadaa ka xanaajisay loo sheegay waxaa loogu daray fulaynimo iyo liidasho lagu tilmaamay reerkooda. Dabadeedna wuu sii karkaray oo sii labo qarxay. Xasuustaas gurracan ayaa weli maskaxdiisa gubaysa, salkiisana dhulka u diiddan.

Raggii meesha kula qayilayay midkaa uu neceb yahay iyo mid kale ayaa reer Kadabshiir ka ahaa. Haddana markii dhacdada la sheegay way ku wada qosleen oo cabbaar warkii sii jiidjiideen. Xeerka marfishka ayaa sidaa qaba oo ninkii carooda waa lagu hoobtaa. Dabadeedna wuu is-hayn kari waayay, dulqaadkii ayaa ka dhammaaday. Isaga oo aan is ogayn ayuu bakeeri shaah ku jiray oo hortiisa yaallay ku halgaaday kii uu nebcaa oo raggii kale dhacdadii u sii balballaarinaya. Laabta ah ayuu kala helay, shaahiina kaga qubay. Kiina ma uu sii fadhin e bud hortiisa yaallay ayuu isla soo malmalay. Dabadeedna meeshii oo idil ayaa buuq iyo dagaal isu rogtay. Raggii kale ayaa kala dhex galay oo go’aamiyay in isaga meesha looga tago, ninka kalena goobta laga wado. Foolxumadaas ayaa galabta lagu kala carraabay.

***

Marfishka uu ku qayilayaayi waa sandaqad ciriiri ah oo fuustooyin bir ah oo la jeexjeexay iyo alwaaxyo ka samaysan. Magaalada bartankeeda ayuu ku yaallaa, dadka sidiisa oo kale u macno daran ayaana gala ama ku qayila. Gudihiisu caawa waa mugdi, gabadhii ragga u adeegaysay ee faynuusta u shidi lahaydna isaga ayay ka baqday oo bannaanka ayay fadhidaa, maaddaama oo ay ogayd in uu galabta dagaal galay.

Dhowrkii laamood ee qaadka uga harsanaa ayuu ka dhex halay fekrad uu degdeg ugu bogay. Hal mar ayuu kor u booday, sidii aar hurdo qar ku jiray oo laga nixiyay. Tarmuus hortiisa yaallay ayuu shanta farood ee lugta midige ku darbeeyay. Isaga oo kubbaysan ayuu kadinkii dhuubnaa ee marfishka ka booday. Macawiis uu jiidayay oo aan dhab ugu guntanayn ayaa faraqa musbaar la gashay, dabadeed xooggii uu ku socday dartii illaa bartamaha dillaacday, isna wuu kufi gaaray. Waxaase uma uu joojin e dhagaha ayuu sii nabay, sidii dameer qooqan. Gabadhii meheradda lahayd oo gadaashiisa mar cowdubillaysanaysa, mar kalena lacagtii shaaha wayddiinaysa, iyana dib uma uu fiirin. Bakhaar uu ina adeerki leeyahay ayuu u sii xiimayaa.

Ina adeerkii waa nin ganacsi fiican leh oo reerihiisa tirada badan iska biisha oo masaajidka aan ka oollanayn, qaraabadana u roon. Balse dhaqanxumo weyn oo uu tolkii ku jecel yahay ayuu leeyahay. Dagaallada, qalalaasaha iyo hoogga uu tolkii degaanka ka dhigo taageero dhaqaaleed iyo mid hubeed ba wuu u fidiyaa, waa na sababtaas tan uu ninka marqaarsani meheraddiisa ugu soo xiimayo. Ninkii jifadiisa ah ee qori u baahda isaga ayuu isku soo qaadaa, aalaabana kama waayo. Waa nin calool kuusan, dadka qaar wadaad ayay u haystaan, maaddaama oo ay sujuuddu madow dahay, timaha garka uusan jarin, surwaalkuna u gaaban yahay. Dadkaasi waxa aysan aqoon in “wadaad” la yiraahdo qof isku darsaday aqoon diineed oo saamayn leh iyo xiriir wanaagsan oo isla aqoontaa diineed ku dhisan oo uu la leeyahay Ilaahay iyo makhluuqiisa. Haddii uu qofku xiriir wanaagsan Ilaahay la leeyahay, balse uu makhluuqiisa dhibo oo nolosha u dacareeyo, wadaad ma aha.

Maygaag waxaa ka go’an in uu bakhaarka ina adeerkii ka qaato qori dabolaab ah oo uu ugu aaro awowgii siddeed iyo tobnaad, Colaad Weerar Duullane. Xilka ugu weyn ee aamminsan yahay in tolkii ku leeyahay ama ku yeelan karo ayuu caawa gudo is leeyahay. Xilkaasi waa dhiig ama dakano ama aano ama godob ama xaq kale oo tolkii ka maqan oo uu si uun u soo celiyo. Balse yuu ugu aaraa awoowgii? Qof sidiisii u magac dhiifoon oo geeljirenimo, dagaalyahannimo iyo qaatilnimo ku caanbaxay miyaa reer Kadabshiir laga helayaa maanta? Su’aashaa ayaa maskaxdiisa xaraaradaysan walaaqaysa xilligan oo uu weli sii maqiiqan yahay.

Ina adeerkii bakhaarka hore ayuu u xiraa. Alwaaxyo, jiingado, dubbeyaal, masaabbiir, safiitooyin, riinjiyo, shamiito iyo agabyo kale oo guryaha lagu dhisto ayaa bakhaarka uga buuxa oo uu gadaa, reeraha ka biishaa, tolkana ka nooleeyaa. Salaadda cishe marka uu aadayo ayuu meheradda sii qufulaa, haddii aysan jirin shaqo uu habeenkaa tolka u qabanayo oo hub ama dhaqaale siin ah na wuu sii rawaxaa. Balse salaaddii cishe weli lama galin. Ina adeerkii bakhaarka wuu ku gaari doonaa e, Maygaag yuu dhegta dhiigga u daraa caawa oo qalbigiisa iyo dhagahiisa ka nadiifiya warkii uu galabta maqlay? Ma yaqaan. Dhowr qof ayaa se maskaxdiisa ku soo dhacdhacaya: mid sargaal ah oo muddo dheer shaqadaa ku soo jiray oo ciidanka magac-u-yaalka ah ee degmada ku amar-ku-taagleeya; mid wadaad ah oo masaajid iyo malcaamad isku dhexyaalla maamula oo dadku qaddiriyaan; mid kalkaaliye caafimaad ah oo maalin Muqdisho u dhoofa, maalin kalena ka yimaada oo kibir badan; mid ganacsade ah oo dukaammo dhowr ah iyo gawaari waaweyn leh oo calool buuran; mid… mid… balse raggaas oo idili way is ilaaliyaan oo jaanis uu ku gorfiyo heli maayo. Qof Caabudwaaq ku nool ee ay magaciisa ama muuqiisa yaqaannaan soddon qof, wuu is ilaaliyaa ama waa la ilaaliyaa. Maxaa yeelay, wuxuu ka baqayaa oo halis ugu jiraa in loogu aaro ilmo qixii uu gaari maray ama geeljire beri fog kibirkiisa ku baxay oo uusan shuqul ku lahayn.

Maygaag intaa uu reer Kadabshiir kala doordooranayo marna maskaxdiisa kuma uu soo dhicin kii uu nebcaa ee galabta ka xanaajiyay. Maba aha in uu soo xasuusto. Xeer ay dhagarqabayaasha iyo dhagarwadayaasha Caabudwaaq wada okobban yihiin ayuu jabinayaa haddii uu ninkaa soo xasuusto. Xeerku waa qofkii qori soo qaata ee soo cabbaysta ee soo koongaraysta ee naftiisa ka dhaadhiciya in ay naf la mid ah disho ee aan naf qiimo leh oo bulshada kaalin kaga jirta dilin, waxba ma uu tarin. Sababtaa darteed ayuu xasuusta uga raadinayaa qofka ugu qiimaha badan reer Kadabshiir, si uu nafta uga gooyo oo awowgii ugu aaro. Sababtaa darteed ayuusan u soo xasuusanayn kii uu nebcaa ee galabta ka xanaajiyay.

***

Reer Kadabshiir iyo reer Kabajaan, labada tol ee ay labadan is necebi ka dhasheen, dorraad maalintii ka horraysay ayay heshiiyeen. Shir aad loo agaasimay oo ay qurbojoog badani ka soo qayb gashay ayay ku wada xaajoodeen. In ay is nabadgeliyaan oo laynta iyo qurgooyada dhextaalla si wadajir ah u joojiyaan ayay gadaalkii isku af garteen. Balse waligoodba sidan way yeeli jireen. Markii ay doonaan ayay geed hoostii ama qol weyn dhexdii isugu tagi jireen, dabadeedna isku wacdin jireen in ay is nabadgeliyaan. Maalmo yar ka dib, haddana way is layn jireen oo dagaallami jireen.

Aalaaba wax aan sidaa u sii ridnayn ama weynayn ayaa heshiisyadooda burburiya. Tusaale ahaan, heshiiskii ka horreeyay kii dorraad labada reer dhex maray waxaa buriyay labo nin oo tubaako isku af dhaafay, dabadeedna is caayay oo isu gacan qaaday. Dhawaan bulshada Caabudwaaq qaarkeed ayaa ku baraarugay heshiisyada beelaha dhex mara ee odayadu agaasimaan in ay mashaariic laga qadeeyo yihiin. Odayaal fidnada iyo qalalaasaha degaanka ka dhaca ka gaboobay oo busaaradaystay ayaa dagaallada ooga, dabadeedna nabadayn iyo dib-u-heshiisiin wax la yiraahdo oo ay lufluf iyo qado ka dhex raadiyaan sameeya.

Balse shirkii maalintii dhawayd si walba wuu uga duwanaa shirarkii hore ee mashaariicda ahaa ama u ekaa. Ugu horrayn, hindisihiisa iyo agaasinkiisa waxaa lahaa wiilal iyo gabdho meelo kale ka yimid oo aragti ku midaysan oo wacyigoodu sarreeyo oo jaamacado soo wada dhammeeyay. Muddo sannad ah ayay dhallinyaradaasi ka arrinsanayeen sidii xal waara loo dhex dhigi lahaa beelaha nolosha iyo nabadda isu dacariyay ee gaajada iyo aqoondarrada ugu le’anaya Caabudwaaq. Intaa oo kali ah kama ay arrinsanayn ee qorshayaal kalana way ka garab wadeen. Qorshayaashaa waxaa ka mid ahaa in ay hindisayeen jawi xiiso badan oo nabdoon oo ay dhallinyarada Caabudwaaq ku nooli kaga jeestaan xintanka baas ee beelahooda dhex yaalla. Sidoo kale, maamulka maqaarsaarka ah ee degmada ayay qorshaynayeen in ay galaan oo xubno ku dhex yeeshaan oo ugu danbaynta gabigiisa ba dhalan rogaan, halkaana maamul xilkas ah ka dhaliyaan.

Dhallinyaradaa waxaa hormuud u ahaa Warsame oo Kenya ku soo barbaaray, waxna ku soo bartay. Warsame waa soddon jir nolosha quruxdeeda iyo wanaaggeeda u ololeeya. Isaga oo toddoba jir ah ayaa Caabudwaaq laga kaxeeyay, balse duruufaheeda si joogto ah ayuu ugu toog hayay intii uu Kenya joogay. Maanta oo uu ku soo noqday, si dhow ayuu ula socdaa dareenka, wacyiga iyo xaaladda dhabta ah ee Caabudwaaq taalla. Naxli kasta iyo dhaqanxumo walba oo bulshada ku dhex jira waxa uu u hayaa farsamo lagu tirtiri karo oo looga raysan karo. Tusaale ahaan, waxa uu aammisan yahay sababta dhallinyarada ku riixda in ay dagaal beeleedyo isaga hor yimaadaan ay tahay shaqo la’aan baahsan iyo wacyigooda oo seeska tolnimada ku eg. Labadaas arrimood haddii meesha laga saaro waxa uu qabaa in ay iyana meesha baxayso in la arko qof dhallinyaro ah oo ku jira dagaal beelo u dhexeeya.

Warsame labo sano ka hor ayuu Caabudwaaq soo degay. Muddadaa ka hor Muqdisho ayuu saddex sano ku noolaa oo ka shaqaynayay. Labo hay’adood oo kuwa “samafalka” ka shaqeeya ka mid ah ayuu jagooyin fiican ka hayay, dugsi sarena xiisad ayuu ka bixin jiray. Habeen madow ayuu go’aan ku gaaray in uu Caabudwaaq u soo guuro oo shaqooyinkiisa ka tago. Dad badan ayaa kula taliyay in uusan sidaas yeelin, balse wuu ka dhago adaygay. Waxa uu aaminsanaa in haddii uu hayo wax uun talo, awood ama aqoon ah ay waajib ku tahay in uu nolosha bulshadiisa ku horumariyo, qaybta bulshadiisa ugu sii xaq lehna bulshada Caabudwaaq ayuu u arkay. Qof wax bartay oo calooshiisa iyo qoyskiisa oo kali ah ka fekera xoolaha la dhaqdo in uu waxyar garasho dhaamo ayuu u haystay.

Warsame kolkii uu Caabudwaaq yimid durbadiiba hay’ad kuwii uu hore ula shaqayn jiray la mid ah iyo labo dugsi sare oo magaalada ku yaalla ayuu shaqo ka helay. Laakiin shaqadii hay’adda kuma uu raagin ee durba wuu ka tagay, ka dib markii uu arkay in shaqaalahii hay’addu ku mashquulsan yihiin musuq iyo dibindaabyo ka dhan ah hantidii “samafalka” ahayd ee danyarta loogu talo galay. Warsame waa reer Kadabshiir tol ahaan, balse wacyi ahaan waa nin aadami ah oo beri hore ka xoroobay ciriiriga tolnimada.

***

Maygaag, isaga oo aan dhimin xawaarihii uu marfishka uga soo baxay ayuu galay bakhaarkii ina adeerkii. Ilbiriqsigii uu ina adeerkii hor istaagay waxaa xasuustiisa ku jiray Warsame. Balse wuu quursanayay. In uusan u qalmin in uu awowgii ugu aaro ayay naftiisu u sheegaysay. Waxa uu u arkayay ilmo yar oo wareeray oo nolosha iyo dagaalka iyo ragannimada ka dhacsan.

Dorraad markii uu shirku socday ayuu aad ugu carooday. Dhowr jeer oo isu dhowdhow ayuu maqlay isaga oo ku celcelinaya dalalka horumaray in ay ku caano maaleen nabadgalyo, mar Warsame hadal laga siiyay madashii shirka. Horumar… waxbarasho… nidaam… dowladnimo… xasillooni… sinnaan… nabadgalyo… erayadaa oo uu Warsame ku dheeraysanayay maalintaa isagu wuu ku diiqoonayay. Waxa uu u arkayay in ay yihiin marmarsiiyo ay dadka taagta yari uga dhuuntaan gudashada waajibka tolnimo iyo nolosha soomaaliyeed ee qallafsan. Maygaag, isagu figta ugu sarraysa ee horumarka, nabadgelyada iyo aqoontu gaari karaan waxa uu u yaqaannaa reerkiisa oo reeraha kale oo dhan xasuuqa, dabadeedna hub badan iyo geel cammaarkaa ah tabcada. Balse ayaamahan oo dhan waxa uu garan la’ yahay sababta wiilka yar lagu jeclaaday ee ay bulshadu ugu wada okobban tahay. Xitaa kan uu neceb yahay ee galabta ka caraysiiyay intaa Warsame wuu hadal hayaa ama wuu la socdaa. Waxa uu yaqiinsaday in uu leeyahay qiimo uusan isagu fahmi karin.

Maygaag waxa uu ina adeerkii ka dhaadhiciyay in uu siiyo qori dabolaab ah iyo soddon xabbadood oo ay toban ka mid ahi tareeso yihiin. Hanashada qalabkaas si fudud ugu ma uu suuragalin. Aroos baaddiye baan aadayaa ayuu ugu sheekeeyay, colaad ama jidgooyo uu waddada kala kulmi karana wuu xasuusiyay. Marmarsiinyahaa qof walba oo Caabudwaaq jooga wuu ka garaabi lahaa, waayo, ma jiro dhinac magaalada looga baxo iyada oo aan wax uun laga baqayn. Sidaa oo ay tahay, ina adeerkii wuu shakiyay. In uu been u sheegayo ayuu u maleeyay. Muuqaalkiisa ayuu judhiiba ka yaabay. Sababta uu qaadka uga soo luqluqan waayay, waxa macawiistiisa sida arxan darrada ah u dillaaciyay iyo sida daran ee uu u neef tuurayo ayaa maankiisa gaday.

Maygaag si walba oo uu wajigiisa u furfurayay cadowtooyada iyo dhirifka laabtiisa buuxiyay ayuu ka ba’in waayay. Ina adeerkii waxa uu isku dayay oo ku dedaalay in uu qoriga u diido oo is dhaafiyo, balse wuu ka tagi waayay. Su’aalo arooska ku aaddan ayuu dabadeed wayddiiyay, isaguna been hore ugu diyaarsanayd oo uu dhowr jeer oo hore qoryo ku amaahday ayuu u sheegay.

Maygaag qorigii oo la culus xabbadihii uu sheegtay ayuu degta soo saartay oo kadinkii bakhaarka kala soo baxay. Ina adeerkii oo daldalaya ballamo iyo talooyin uusan caawa oo kale u baahnayn ayuu ka soo dhaqaaqay. Dabadeed suuqa Caabudwaaq xaggiisa ayuu wajiga soo aaddiyay.

Magaalada Caabudwaaq oo idili way hubaysan tahay. Waa qof raba in uu qof kale dilo iyo qof iska ilaalinaya qof kale oo dila. Maygaag kama uu baqayo in laga shakiyo ama la ogaado waxa uu damacsan yahay. Lixdii sanno ee ugu dambaysay waa faro-ku-tiris inta jeer ee isaga oo aan hubaysnayn uu suuqa dhex maray. Waa Maygaag oo sidiisii qori ku xarragoonaya ayay dadka oo dhami is oran doonaan, ayuu is leeyahay. Maamul iyo dowlad iyana uu ka gabbado oo xumaanta caawa dubaaqiisa ku jirta hakiya inta uu xasuusan yahay Caabudwaaq ma ay yeelan. Dhagarwadaha magaalada ku nooli waxa uu doono ayuu sida uu doono goorta uu doono u sameeyaa. Maygaag da’ ahaan waa siddeed iyo labaatan jir, balse kibirka iyo cadaawadda laabtiisa caawa ka buuxa awoowgii Colaad Weerar Duullane ayay la da’ yihiin.

Masjid uu soo bartilmaameedsaday ayuu soo gaaray. Meel konton tallaabo u jirta ayuu ku hakaday. Darbi la talbiisay balse aan la nuuradayn ayuu isku tiiriyay. Rakcaddii labaad ee salaaddii cishe ayaa lagu jiraa. Suuradda Idaajaa ayaa lagu tukanayaa oo uu maqlayaa. Xoogaa markii uu taagnaa ayay naftiisu su’aal uu quursaday wayddiisay. Goortii ugu dambaysay ee uu Quraan akhriyo in uu u sheego ayay ka codsatay. Faduul in ay waddo naftiisu ayuu u arkay. Waxa uu se ugu sheekeeyay in uu muslim yahay oo wanaag badan Ilaahay ka filayo oo xitaa tolkii muslimiin yihiin. Haddana su’aal kale ayay wayddiisay. Sababta uu u tukan waayay ee u soomi waayay ee dadka u nabad gelin waayay ee Ilaahay marna u xasuusan waayay ayay waddiisay, haddii uu muslim yahay. NACALLAA! Kor buu u qaylin gaaray. Mar kaleba yeelkadeed e, caawa wacdi iyo baraarujin uma uu baahna. Caawa waajib tolnimo ayaa hor yaalla, waa in uu sidii uu u gudan lahaa ka fekero. Caawa awowgii siddeed iyo tobnaad ayuu xabaasha ugu raaxayn doonaa oo u aari doonaa… mar saddexaad ayuu kashiisa bulaan ka oogmay. Balse isaga oo aan naftiisa kadeedaysa su’aasheeda dhagaysan ayaa salaaddii laga baxay. Dabadeedna sidii ruux soo miiraabay ayuu indhaha marmartay.

Durba carruur ayaa masjidkii ka soo yaacday. Diyaargarow ayuu bilaabay. Ammaankii qoriga ayuu ugu horrayn xagal afartan iyo shan digrii ah wareejiyay. Dabadeedna labada indhood oo aan libiqsanayn ayuu kadinka masjidka ku aaddiyay. Caabudwaaq waa magaalo kooban, markii si loo eego. Dhowr qabiil oo xiriirka ugu saamaynta badan ee ka dhexeeyaayi dagaal yahay baa wada dega. Sidaa awgeed, dadka magaalada deggen oo idili way is muuq yaqaannaan ama way is abtirsi yaqaannaan. Maygaag na waligii magaalada wuu dhex taagnaa. Qof walba oo masaajidka ka soo baxaya xitaa haddii uu sii jeedo qadaadka ayuu ka aqoonsan karaa. Laakiin qof walba ma uu rabo. Nin immika foorara ee xargaha kabaha xiranaya ayuu rabaa.

*** ­­­  

Maygaag saddex iyo toban sanno ayuu jiray maalinkii uu dugsi Quraanka ka cararay. Hooyadii Siraad ayaa la yiraahdaa, isaga ayay ku curatay, aabbihii Guufe se guri-dambays ayuu u ahaa. Barqo kulul ayuu dunida yimid, aad baa loogu farxay, aabbihiina toban xabbadood ayuu cirka u riday.

In farxadda dhalashada xabbado loo rido waa dhaqan Caabudwaaq ka jira, kuma se eka. Qofka magaaladaa ku nooli aalaaba saddex xilli xabbad dhacaysa wuu maqlaa. Kolka uu ilmo dhalanayo, marka aroos la dhigayo iyo daqiiqadda uu qofi adduunka ka tagayo, saddexdaa xilli ba xabbad dhacaysa wuu maqlaa. Labada goor ee hore farxad darteed ayaa xabbadaha loo ridaa, kolka ugu danbeeya se xabbad ridista tiirka murugada ayaa lagu taagaa. Sababtaas ayay xabbadu mar u noqotaa tiirka farxadda ee qofka ama bulshada, mar kalena u noqotaa faas isla tiirkaa lagu jabiyo.

Maygaag adeerkii Jaamac-Aar oo hooyadii Siraad dumaalay ayaa koriyay. Saddex bilood ayuu dhabta hooyadii ku ahaa dharaartii la dilay aabbihii Guufe Xayle. Waxa uu ku dhintay dagaal uu aamminsanaa in uu ku difaacayo sharafta beeshiisa, isla jeerkaas na uu ku bi’inayo sharafta reer markaa ka soo hor jeeday. Guufe waxa uu ahaa nin aad u qayila oo aad naagaha u guursada oo mayal adag oo beeshiisa u tirsan. Astaamahaa uu aabbihii lahaa dartood ayuu Maygaag carruuraha kale uga karaamo badnaa xilligiisii dhallaannimo. Odayaasha beesha oo idil ayaa nacnac iyo shaxaad u dhiibi jiray, waxa ayna u sheegi jireen in uu aabbihii ahaa halyeey fool adag.

Ayaamihii hore odayaashaa wuu ka xishoon jiray oo khajilaad buu la dubaaxin jiray markii ay lacag u soo taagaan. Waayihii danbe se wuu qalo gooyay. Mar kasta oo uu busaaradsado odayaasha ayuu waddooyinka u istaagi jiray, si ay khamarjinimadii aabbihii u xasuustaan, u qiiroodaan, dabadeedna lufluf yar ugu dhiibaan. Aabbhii saddex dumar ah oo ay hooyadii ugu yar tahay iyo carruur kow iyo toban ah ayuu ka dhintay. Hooyadii se lix carruur ah oo isaga ka yaryar ayay u dhashay adeerkii Jaamac-Aar. Dhaqaale ahaan, qoyskoodu aad buu u liitay oo cayrnimo wax ba kama sokayn, balse islaamaha oo kali ah ayaa dareemi faqriga iyo kadeedka qoysaska haysta.

Maygaag siddeed sano ayuu jiray markii ugu horraysay ee uu dhiig aadane qubay. Wiil sidiisa agoon ahaa oo ay kubbad wada ciyaarayeen ayuu madaxa maanshaha ka dhigay. Dhagax guduud adayg badan oo garoonka dhiniciisa yaallay ayuu dhafoorka midige uga dhuftay, dabadeedna dhiigii ayaa la joojin waayay. Gef aan weynayn oo xeerka kubadda lagu xallin karayay ayuu wiilka ku dilay, waayo, aad buu u yasayay, sababo la xiriira reerka uu ka dashay wiilku dartood. Gaalkacyo ayaa wiilkii loola cararay oo magaaladu berigaa ma lahayn goobo caafimaad oo wax looga qaban karayay. Maygaag maalinkaa wixii ka danbeeyay caadi ayay isaga ahayd in uu dhiig aadane qubo, balse qof uu nafta ka gooyay ma uu xasuusto.

Maygaag markii uu sidaa u qaangaaray ayuu bilaabay in uu hub qaato ama jeclaado. Qoriga Adeerkii Jaamac-Aar ayuu marmar xaafadda ka qaadi jiray oo halka looga baahan yahay geyn jirey. Markii se ugu horraysay ee uu xabbad rido aroos baaddiye ka dhacayay ayuu joogay. Nin ina adeerkii ahaa ayaa qori dabajeex ah oo cusub u dhiibay, isaguna lix xabbadood ayuu arxan li’i cirka uga ganay.

***

Maygaag xasuustaa dhallaanimadiisa ka soo anbaqaadaysa afartan iyo siddeed ilbiriqsi ayuu ku soo naqtiimay. Wali se indhihiisu waxa ay dul yaallaan ninkii foorayay ee xargaha kabaha soohayay. Shaqada xusuusta waxaa soo qabatay maskaxdiisa xaraaroonaysa oo qura. Marakan masjidka dhowr qof oo tukanaya salaado aan cishe ahayn ayaa ku haray, dadkiina way ka huleeleen. Barxadda weyn ee masjidka ka horraysa waxaa ka muuqda ninkii buudka la keednaa iyo labo nin oo meel cabbaar u jirta taagan, isagana sugaya.

Ninkii fooraray qummaati ayuu isu taagay oo socod u holladay. Darbigii uu ku tiirsanaa ayuu isaguna ka soo dhaqaaqay. Tillaabooyin aan dareen lahayn ayuu ka soo daba qaaday. Maygaag waxaa ku dhalatay in uu ninka nafta dhaafiyo inta uusan gaarin ragga sugaya. Taladaa wuu u guuxay, wuu ku dhaqaaqay. Dhowr tallaabo markii uu ka dabo qaaday ayay jabaq la yaqaannaayi baxday. Qam… qam… qam… saddex xabbadood oo isku sharqan sameeyay ayuu madaxa uga dhuftay. Halhaleel ayuu sarajooggii uga dhacay, dhinaca midige ayuu u dillaamay, markii uu dhulka gaarayna geddicad ayuu isu rogay ninkii xariga kabaha soohanayay ilbiriqsiyo ka hor. Labadii nin ee wada taagnaa markii ay arkeen musiibada ku habsatay ninkii ay sugayeen ayay bakedeen, hortooda luuq ahaana ku carareen.

Maygaag, waa Warsame ninka uu dilay. Isaga oo dhulka geddicad u waran ayuu isa soo dul taagay. In uu nool yahay iyo in kale ayuu hubiyay. Waa meyd. Habaas iyo dhiig durba wajigiisa fuulay ayuu ilbiriqsiyio daawaday. Warqado cadcad oo jeebka shaarka ugu jiray oo dhiig dartii la sii casaanaya ayuu ilbiriqsiyo kale eegayay. Erayga “aqoonyahan” ayaa maskaxdiisa ku soo dhacay, dabadeedna wuu cararay.

Caabudwaaq waa magaalo aad iyo aad ugu horumartay dagaalka iyo culuumta ku saabsan. Arrinkaa waxa aad ku garan kartaa, carruuraha yaryari xitaa way kala yaqaannaan dhawaqyada kala duwan ee ay xabbadda qorigu samayso. Xabbad darbi ku dhacday, mid qof ka dhex dustay, mid qof ku joogsatay, mid biyo dhex tiimbatay iyo mid hawada sare xushay, intaba carruuruhu si fudud ayay u kala saaraan.

Durba dad ayaa meydkii soo dul dhoobtay. Durba waa la aqooday. Durba ninkii madoobaa ee dhuubnaa ee ninka dilay ee sii cararayay in uu Maygaag Guufe ahaa ayaa la isu sheegay. Durba Caabudwaaq oo dhan ayaa laga tumay dawankii dhiillada iyo dagaalka. Durba qoryo badan oo mus ku jiray baa la soo saaray oo la cabbeeyay oo la la soo orday si dhiig kale loo qubo. Durba dumarkii reer Kadabshiir ayaa baroor dhiirrigelin ah raggoodii la garab istaagay. Durba baabuur dagaal oo maalinkii shirka lagu heshiiyay teendhooyin la saaray ayaa dib loo istaaray. Durba Maygaag ayaa lagu qariyay guri ku yaalla daanta ay jifadiisu magaalada ka degto, ka dib markii gaari loogu qaaday meel aan waxba ka fogayn halkii uu Warsame ku dilay. Durba waxaa la bakhti’afuufay xasarad, qalalaase, fitno, qabyaalad, colaad, dhiig, gunnimo, gaajo… durba wax kasta oo xumaan ahaa oo Caabudwaaq in ay ka dhacaan ay suuragal ahayd ayaa la bakhti’afuufay!

Cabdiwahaab Cabdiqaadir ‘Saqa’
abduwahababdukadir@gmail.com

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here