Gumaystaha la Gumaysto – Xoosh Docol Curdan

Xoosh Docol Curdan

Xilliyaal is biirsaday aadunuhu waxa ay ahaayeen kuwo ku nool nolol lahaansho, xaqiraad, kala adkaan iyo isboorid adiyad iyo anafo ku seen qaaban, taas oo ku qotonka utummo waaweyn oo isu biirsaday caadooyin soo jireen ah iyo aamminaad diimeed. Imaanshihii diinteenna suubban ee Islaamku isla markii ba ma aysan laalin caadooyinkii is lahaanshaha, taas beddelkeedna waxa ay qaadday tillaabooyin lagu midab goynayo is lahaanshaha aadanaha dhexdooda ah, iyada oo islahaanshihii kusoo koobtay in Eebbe oo qur ah uu lahaan karo aadanaha, aysanna jirin cid Eebbe isku dhererin karta dhan walba, walow ay kuwo soo baxeen! Ka quuso adduun!

Qaniimada iyo furashooyinka dagaalka ka dhexeeyey Muslimiinta iyo Macatablayaashu wuxuu ahaa kii ugu weynaa ee dad lagu lahaado taariikhda la hayo. Waxaa se ka sii darnaa kuwii reer Yurub ay ku duuleen kuna qabsadeen inta badan uumanaha Eebbe uumay, taas oo u darbanayd abuuridda islahaansho cusub iyo kala sarrayn, “Ku lahaaday mooyee, kan lahaw ma soo marin”.

La sal guuri, lagana toobad keen wixii is lahaansho ahaa ee ka dhacay kownkaan korkiisa qarnigii islahaanshaha ee 20-aad. Waxa ayse ahayd riwaayad loo dhigayey indho ku garaadleyaasha, lana dareensiinayey xaddaarad ay indhuhu qabanayaan qalbigu se diidayo! Waa xaddaaraddii la maldahay lahaanshaha aadanaha ee laga soo guuriyey dadyowgii ku sabcanaa is lahaanshaha, lahaanshaha labo addinle waxa uu adduunka ka noqday kan ugu qaalisan xilliyo gaar ah, waa uummiyihii unkay is lahaanshaha xeeladaysan, “Nimaan quud la soo bixin, ama qaanta bixin karin, qawlkiisu qorid ma leh, miro la iska qaatiyo, qaayiyo wanaag iyo ma leh qaabsanaan guud!”.

In wax lagu daro dhaqan lana beddelo ma ahan mid dhif ku ah adduunkaan ay buuxisay carada alle, ka gadaal markii Eebbe lagu adyooday, Waxaa la tirtiray dhaqammadii ay abuureen diimihii qaddiimka ahaa ee Sabuur, Tawreed iyo Injiil, Furqaanna biyo raacisay loo na beddelay nin walba sida uu jeclaa, maxaa ka dhashay is weyddii?! Wax loo lama harin dhaqammadii liicsanaa, iyaga oo ay ka kor mareen dhaqammo liita, dhaqammada liita waa kuwo sii waaraya had iyo jeeraalana ilaaladooda loo okobban yahay, “Naftu waxay jeclaataa, meel aan jeelku ugu jirin, Jannama salkeeday ka jibaadi doontaa!”, Waa dhaqammada beddelay wejigii hore ee adduunkaan kana dhigay kuwo si dadban la isu leeyahay, wacad iyo waraadana lagu maray in ilaaladooda loo faylodhuubto, howl iyo hawkarr kastana loo maro.

Ruuxii dedaal badan u hura, howshi loo diro ba

Ee aan ka door bidin, waxaan duxi ka raacaynnin

Wax dubaaqa geli, maalin uu daafta mariyaaye!

Dawarsiga nin diidaa jiroo, gaajo daa’imo e!

 

Is lahaanshihii diirka ka caddaa waxaa lagu beddelay mid dadban, “Allahoyow, nin ii daran maxaan daafta hore seexshay, Nin I daaqsanaayana maxaan daafiada u kariyey, Qosol aan dibnaha jirin maxaan ugu dalleensiiyey” – Maxamed Nuur Fadal, EHUN, waa adduun uu cabbir ka bixiyey gabaygani, waa adduun la kala sooci waayey sir iyo caad, waa adduun kii ku sirayaa saaxiibkaa uu yahay,  laandeyrta kuu taalla ay kaa laalan tahay, mooyee waa adduun si ah!

Gumeysteyaasha la gumeysto, waa ilays cabbir xagal qumman ah uga soo baxaya liifad, waa ileys laga soo laliyey ubucda luki sidii danabkii u labo kaclaynasa, ilays ay waddo jeegaan ay ku xardhan yihiin midabbo badan, qoraal far madowna uu ku sii dhex jiro jeegaanta midabkeeda madow, waa qoraal far qarsoon ku qoran oo leh “Tayda raac, ama waad tegin!”, waa dhaqan ka soo baxaya qalbiyada kuwii jeclaa in ay mar kale soo celiyaan is lahaanshihii tooska ahaa, balse maxay ku falayaan mid dadban bay ka door bideene!

“Maxaa sira la qaybsaday, safsaf la isu kala maray, siraad la isu wada shiday, la isi sogordahayaa, la iskuna samraayaa, salaan aan niya ahayn, gacmo la isu saaraa, la isi soo dhaweeyaa, runta laga siqaayaa, ee inta sacabka loo tumay, adduunyadan sir iyo caad, ninba sida dantiisa ah, uu sitaa saqaafaha, saamo la isu jiidaa, la isu wada sanqanayaa, siddi qabaxi dabo taal, afka subag la mariyaa, calooshuna sun jiiftaa, sancaalaha gumeysigu, hubka ay sameeystaan, haddaanay dhiig ku socodsiin, siduu ugu gadmaayaa?! Waxa tahay su’aashii, kolba labo sokeeyaa, saaxiiboo walaalo ah, la isku soo diraayaa, kolkii labo saf loo go’ee, saanaddii dhammaatee, soo qayshado la dagihii, soori waannu ka xunnahay, siliciyo dhibtiinnba, siintii way dhammaatee, sawaariikhda naga gada, sahal loo yiraahdaa, waa sidaa ujeeddadu!” – Singub 1974.

Calamadda ay ku xardhan yihiin, faraha/qoraallada qarsoon ee is lahaanshaha casrigaan sir iyo caadka aan la kala saafin, waxaa salka dambe ka riixaya kuwo marna ba aysan dani ugu jirin haynta usha dheer ee calanka bishaarada is lahaanashaha, kuwa sida  waa kuwii dad kuu xigay, waana kuwa joogi heddaada maalin ay ahaata ba. Sirta waannu fahannaye waa sidee ujeeddadu?!

Berkeda saaruq saro maray, biyo saaxiyaa xiga! dadkeenna waxaa ka soo saro maray intii ay ku xirnaayeen silsiladaha dhaadheer ee gumeystuhu, “Silsilada baa majaha kaaga xidhan, suufiyahow waalan!”. Wuxuu waddanka ka baxaya isaga oo abkiis iyo isirkiis aysan berina dheeco ku sheegin, wuxuu soo laabanayaa isaga oo nacladan! Ninka Masar u aada waxbarashada, ganacsi ama wadiiqadu la gasho waxa uu imaanayaa isaga oo Masriyeysan, kan sucuudiga u aadana isaga oo reer Aalasucuud ah, gaalaysiinta iyo fatwaduna afka ka saaran tahay, kan galbeed aadana xaddaarad ishuwan oo ah jeegaan aan la aqoon bar bilowgeed iyo dhammaadkeeda toonna taas oo huwan buste duntiisu tahay khayaano iyo dan la caabudo!

Waayaha is dhalan rogay, wacad baan lahaynoo, weli waan ballamaynaa! Muddo dheer hirarka waayuhu waxa ay soo garaancaba, adduunkaan noloshiisu waxa ay ku soo gaabisay in ay noqoto mid carrabka kula hadlayaa erayada ka soo baxaya ay yihiin kuwo ka macaan malabka la quuto, carrabka ay ka soo butaacayaanna uu yahay midka ka qodax iyo gucundho badan balligii Gaxandhaale, kana cagaag badan dushii Geelqariso, kana af badan mindiyo tumaal sanceeyey, waa yaab adduun!

Gumeysteyaasha la gumeysto, garta u mudan waa in la maqlo lana dhagaysto, warkoodana laga dhigo mid aan labo eray la iska weyddiin. Ninka gumeyste ah, oo isaga laf ahaantiisa la gumeysanayo! Waxa ay ku tusinaysaa xeel dheerida laga gaaray noloshaan adduunka ee ku kooban waayaha gaaban, waa nolol ninkii sii raaca ay u muuqanayso salkeeda dambe, waa nolol ninkii sii baarbaara ay usoo baxayaan nolol ka geddisan middii shalay uu malaynayey, waa nolol adiga saaxiibkaa ah, cadowgaana soorta, midna way bixisaa midna way sirqisaa!

Caadadaan haddii aan laga hor tegin waxa ay weji kale u samaynasaa Soomaalida, markii nin Carabaysan oo faraha fiiddooda ku sita fadwo, gaalaysiin iyo jihaad quraanyo isku jaf ah, iyaguna ay kala hor tagaan diidmo Soomaaliyeysan, bal cabbir cagaagga ka dhalan doona! Mid kale Galbeedaysan wuxuu la roorayaa calan dheer oo ay ka babbanayso DIMURAADIYAD, DUMARAYN, XORRIYADA HADAL, BINU-AADANNIMO aan carrabka iyo dib dhahayaa aqoon sanayn, wax magaratadana lagu jaahwareerinayo. Waxa imaanaya waa midda maanta taagan, in 27 sano dalkeennu dib isu taagi waayo, markii mid dhammaado mid kale oo carcartiisii qaba yaa budulka soo tuura, mid kale sii liicayey waxaa lagu soo toosiyaa udbo ka xoog roon, iyada oo la ruqo kicinayo. “Soori waannu ka xunnahay siliciyo dhibtiinnaba – kolkaas lagu yiraahdaa!”.

Sida ugu wanaagsan ee lagu sal goyn karo waa in la yareeyo baahida loo qabo, dadyowgaan dhammaantood sita kaarka gumeystaha, jecelna in ay ku jiitaan ciddii uu ugu jiidmi karo, in laga tabaabushaysto gumeystaha, la gumeysteyaasha wax gumeysta annaga oo ka guurayna godkii uu nagu ogaa!

Dadkeennii waxa ay noqdeen kuwo dululaati maran inta madaxa loo geliyey, ka dibna lagu qafilay furiina la qaatay – Haddee waa ciddii kaa furta, maanta oo dhan firiglee!

 

Xoosh Docol Curdan

#IsBaro

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here