Kulamadii Awliyada Jacaylka (5) : Afar Aroos iyo Aas – Khadar Indhayare

KHADAR

Arooskii labaad.

“Waxa lagugu marti qaaday arooska Bernard iyo Lydia ee qabsoomi doona duhurka, August kowdeeda, kana dhici doona kiniisada St Mary of F ields, Cripplegate, Londan EC2”

 

 

Waxay ahayd saddex bilood kadiba, Charless na saacadiisu weli ay iska garaacaysaa sariirtiisa agteeda. Charless, waxa uu kala bixiyay gacantiisa, waxaanu damiyay saacadii, huradana waa uu isakga noqday. Waxa uu jecel yahay in uu iska hurdo illaa duhurka, maalinta uu helo. Scarlett na waxay iska dhex hurudaa qolkeeda is dhexyaala. Waxaoogaa ka dib waxa baxay cod dheer oo dhanaka qolka Charless ka baxaya. Haatan kac, ugu danbayntii. ‘Ax, alla xumaa’

Waa uu booday,  xagga Scarlett na u cararay, isagoo xidhan nigis kali ah!! ‘ Ala xumaa!’ ay ay tidhi markii ay eegtay saacadeeda. Waxay ka soo yaaceen gurigoodii, ayagoon si fiican u xidhan dharkoodii arooska. Scarrlett, waxa ay isku dayaysaa in ay xidhato dhar soosali ah, oo aan fiicnayn, kaas oo ah kurdad, lakiin, si fiican umay xidhan. Maanta, iyadu waa milxiisada. ‘ Ma tagsii mise gaadhi?’ ayay weydiinaysaa iyadoo weli cararaysa. ‘ Tagsi,’ ayuu yidhi Charless. ‘Ma awoodi doonoin aanu gaadhiga meel ku yara leexino.’ Waxay u baxeen dhinaca kale ee wadada aygoo baadhaya tagsi. Lakiin, tagsiba ma joogo.  ‘ Malaa, gaadhiga ayaa ah fikrda fiican,’ ayuu yidhi Charless. Waxay u yaaceen dhinaca kale ee wadada, si  ay  u helaan gaadhigii Scarlett.  Lakiin, markii ay heleen, ma dhaqaaqayn. Scarlett, ayaa six un u baarkin garaysay, taayiraduna, way xidhmeen, oo  waxa qafilay ciidanka. ‘ ISH’   ay ay hal mar ku wada dhawaaqeen. Imika, waa in ay lugeeyaan. Way yaaceen sdii ugu dhakhsaha badanayd. ‘ hawluhu way bilaabmi doonaan inagoo aan weli gaadhin meesha,’  Charless nawaxa uu ka fikirayay dharka Scarlett, ee soosaliga ah, ee ay dabayshu isku soo laabayso, markastooy arodo, qayb kamid ahina wayka siibanysaba oo jeexanatay.  Charless, waxa uu isku dayayaa in uu joojiyo iyada, una xidho, lakiin, ayadu waxay leedhay ‘ iska daa cidna ogaan maysee!

Waxay u yaaceen xagaa iyo illaa kiniisada, markay soo dhawaadeen, waxay maqlayeen codka jeles ka kiniisada oo xoog u qaylin raba. Qaar asxaabtooda ka mid ah baa halkaa ku sugnaa intaa ka hor, Fiona, Matthew, Gareth iyo David. ‘ waan ka xumay, habsan baan ahay,’ ayuu Charless yidhi. ‘ tarifgu waa uu xumaa’. Dhamaantoodna, waxy soo wada eegen,  isaga cidna ma rumaysan. ‘ Haa, fiican   -‘ ayuu yidhi Charless, maantay, yaa guursan raba?’ waxa uu akhriyay kaadhadhkii arooska, isagoo iska dhigaya in aanu ogayn. Waxa ay dhamaan galeen kiniisada, halkaas oo ay xafaladu ka dhici rabtay. Wadaad yare ayaa yimi isagoo u eeg mid naxsan oo warwarsan. Waa aabe Gerald, kaas oo ay kula kulmeen arooskii hore soo dhaweyntiisii. Imika waxabarashadiisii wuu dhamaystay, waana wadaad yare toos ah.

Maanta, Tom, yaa ah milxiiska.  Waxa uu keeni doonaa far- gashiga, mid arooska midna aroosada. Waxaanu ka keenay jeebadiis, waxaanu tusay Charless, isagoo isha ku qabtay, sidaa muraayada. Charless waa uu dhoolo caddeeyay, gacantana kor ugu taagay.

Markii dawankii arooska la bilaabay, aroosada iyo milxisadaheedu waxay soo galeen kiniisada. Aroosadu, dabcan waa Lydia, taas oo markiiba shumisay arooskeeda, Bernard oo ahaa soo dhaweeyihii arooskii hore. Afar milxiisadood ayaa jooga. Laba waa kuwo hablo yar yar ha, labana waa haween. Mid ka mid ahi waa Scarlett. Markii ay rooga maraysay,cid waliba waxay arki karaysay nigiskeeda midabka buluug ah leh. Qaybtii dharkeeda ka mid ahayd ee jeexantay ayaa ku samysay dalool weyn dhabarkeeda. Scarlett, illaa hadda waxay xidhan rabtaaa okiyalaheeda, waxayna u eegtahay qof layaab leh!  Way iska yara qaadaysaa marka ay gaadhao  wadaad yaraha. Bernard, waxa uu dhinac taagan yahay wadaad yaraha, isagoo sugaya aroosadiisa.

Aabe Gerald ayaa bilaabay in uu akhriyo eraydii hawsha guurka. Nasiib darro, waa uu naxsanaaye, eryadii qaar six un u akhri. Dhamaan dadkii qosol la daateen. ‘  waa markii ugu horaysay, ma arkaysaa,’ Matthew ayaa sidaa kula faqday charless. ‘ isagu waa saxiib qoyskayaga ahaaneed.’

‘Aaaaaaah. Wanaagsan ayuu Charless yidhi. Waa uu layaabay. Aabe Gerald waxa uu u yeedhay  Bernard ‘ Lydia yaay’ si khalad ah. Markii uu se saxay caruuska magaciisii, ma garanahayn sida uu u odhan lahaa magaca dhexe ee Bernard. Waayo waxa ay u qornayd sidan ‘ St John’ waxaanu ug dhawaaqay ‘Sinjun’. …………………….Bernard Geoffrey Sinjjjjjjjjjjjjjjjern Delaney ayuu yidhi aabe Gerlard si dhakhso ah. Qof wilba waa uu qoslay. Tani waa madadaalo. Imka, marka kaste oo uu wadaad yaruhu hadlo, waa in ay arooska  iyo aroosaduba ka daba hadlaan wadaadka, yidhaahdaana waxa uu leeyahy.

‘ Anigoo ah Bernald Delaney-‘ ayuu yidhi Gerald, isagoo ka tagay intii kale. ‘ waxa tidhaa, Lydia Jane Hibbott waxay noqon rabtaa gabadhyda xun ee aan guursaday.’  Sidani waa khalad gabi ahaanba, waayo waa uu naxsanyhay, markaas buu eryo isweydaarsan ku hadlay.’ Waxau noqon rabtaa gabadhayda sharciga ah ee aan guursaday,’ ayuu yidhi Bernard. Sidani waa sida saxda ah ee uu odhan lahaa aabe Gerald. ‘ sidaas baa sax ah, sidaas baa sax ah,’ ayuu yidhi Gerald. Si toos ah uma garanayo waxa uu hadda qabanayo, si kastaba ahaatee hawshii waxay ku dhawday dhamaad. ‘ Shaqo fiican!’ waxa ku qayliyay Gareth, waanu sacbiyay, dadkuan isagay ku daydeen. Waxay u eekaatay sida masraxa, markii hawshii ay dhamaatay, cid kastaaba waxay u hanbalyeeyeen wadaad yaraha. Gerald aad buu u faraxsanyahay, isuna qushuucay, waanu dhoolo caddaynayaa, hadda waxa waliba way dhamaadeen.

Lasoco qaybaha danbe

Khadar Cabdi indhayre

Tell: 0634514108

Saadaal4514108@hotmail.com

 

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here