Loollanka u dhexeeya Fekerka iyo Xorriyadda: Daariq Ramadaan Muunad ahaan – Cabdirisaaq Sandheere

Cabdirisaaq Sandheere

Maanta Yurub, waliba gaar ahaan Faransiiska waxaa ka jira loollan u dhexeeya fekerka iyo xorriyadda. Waxaanna ku loollamaya mid ka mid ah haldoorka oo ah Barasare Daariq Ramadaan; oo u dhashey Swiss, asal ahaanna ah Masaari, kana mid ah ragga ugu qalinka fiican Yurub, iyo ragga mufakiriinta ah ee ugu waaweyn Muslimiinta casrigan. Sidoo kale wuxuu matalaa Faransiiska oo ah dawlad isa saaran, lehna wanaag iyo xumaanba. Waxa kale oo ay leedahay: Caddaalad, dulmi,  Saqaafad heersare ah oo holcaysa , iyo saqaafad dhaqaneed oo seefaysan (afeysan).

Faransiisku maanta wuu diidey xorriyaddii uu laha fekeraagaasi (Mufekerkaasi) waxaynna doonasaa in fekeraaga Islaamku noqdo fekeraa (Mufakir) reer Galbeed. Daatadiisii iska siibey, oo ah fekeraa reer Galbeed. Islaamkana kaliya akhriyaya isaga oo aan u dhuundaloolin. Taasina waata ay la doonayaan fekeraaga Al-Jeriyaanka ah ee Maxamed Arkoon, iyo fekeraagga Swiss ee Masaariga ah Daariq Ramadaan.

Dr Daariq Ramadaan, wuxuu khad cagaaran u matalaa fekeraaga Islaamka ah ee dhex muquurtey taariikhda iyo Juqraafiga Islaamka (Caalamka Islaamka), shabakaddana gudaha u galey.

Dr Daariq Ramadaan, wuxuu si hordhac ah u gudagaley mashruuc  kakan oo khatar ah, oo ay la socoto caddeymo fekereed. Wuunna sameeyey dhammaantood intii uu dhex quusey fekerka reer Galbeedka ka dib. Wuxuu bartey Falsafadda reer Galbeedka, waxa kaluu si wanaagsan u bartey luuqadda faransiiska, oo lagu tiriyo in ay tahay muhiim laguna fahmo muuqaalka kore ee reer Galbeedka: Waqtigii tagey, ka joogga, iyo ka soo socdaba (Mustaqbalka). Halkaa kuma joojin, balse wuxuu sii dhex dabbaashey ilbaxnimada islaamka. Wuxuunna bartey  fekerka Diiniga ah ee cusub, siduu u bartey Fiqiga iyo Usuusha, gaar ahaan cilmiga maqaasida. Waxa kaluu qaatey koorasyo aqooneed, wuxunna ka qaatey Al-Azhar Ash-shariif.   Waxa kale oo uu kusoo hanaqaadey gacanta Sheekh Digtoor iyo culmo kale oo ka mid ah culimada [Jaamacadda] Al-Azhar. Wuunna iska laabtey markuu ka dhargey (bartey)  feker iyo Fiqiga.

Dr Daariq Ramadaan, waxaa lagu tiriyaa tiriigyada fariiddada ah ee ka soo dhex baxey taariikhda fekerka Islaamka ee cusub.  Wuxuu luuqadda Faransiiska ku qoraa fekerka Islaamka. Dadkana wuxuu kula hadlaa aqoontooda. Ku qoridda luuqadda Faransiisku kaliya maaha in uu u minguuriyo uun luuqada kale oo ay  ka madhantahay dhadhan saqaafadeed, balse, wuxuu fekerka ugu qoraa luuqadda Faransiiska si ay la socoto dhadhan ruuxeed. Waa Yurubiyaan la hadla reer Galbeedka. Waanna kii la loollami lahaa dabaqada wax baratey ee doonasa fahanka kaliya ee ay Diinta ka qaataan wadanka aaminsan Calmaaniyadda, sida uu Musayrii, kutubtiisa ku sheegay, gaar ahaan kitaabkiisa (العلمانية الشاملة ، والعلمانية الجزئية )─oo ah labo majallo.

Ninkani markuu ku hadlayo luuqadda Faransiiska wuxuu ugu hadlaa sidii luuqad cusub. Waa geesi, balse, wuxuu noolyahay waqti aan waqtighiisii aheyn. Waxaa jira Muslimiin badan oo aan fahmeyn luuqaddiisa aqooneed iyo fekereedba. Balse, agtooda ay yaallaan kumanaan tallaabo. Dad badan ma samaynayaan, sabobta oo ah geeddigu waxa uu qorsheysanayaa muqtaqbalka feker ahaan. Waxaynna ku mashquulsanyihiin arrimahoogii maalinlaha ahaa. Reer Galbeedku waxa ay wadaan dacwad aan ka madhneyn sababo manhajeed, xubin kama aha urur diimeed. Iyada oo intaasiba jirto haddana reer Galbeedku waxa ay wataan wararka Warbaahinta, maxaa yeelay waa inankii (Al-Bannaa)─Allah ha u naxariistee.

Faransiisku, maanta wuxuu ku noolyaha ilbidhiqsi cabsiyeed, wuxuunna ka cabsanayaa fididda (Faafinta) Islaamka, [waxaanna haya] (Islaam-ka-cabsi~ Islamophobia)─Cabsidanna waa caddeyn, waayo khadkii Jihaadka aan jirini wuu sii fidayaa. Dawladdana waxaa ku waajib ah in ay u dhug yeelato oo ay ilaaliso ammaanka muwaadinka. Balse, waa in aynna isku khaldin fekerka dhexdhexaadka ah ee Daariq Ramadaan, iyo fekerka Jihaadka ee Daariq Ramadaan u arka in uu gaalyahay, mutaysanayana in la dilo!

Qarnigii tagey  konteemayadii (50th), Saaratari oo ah Faylasuuf fardafuul ah, ayaa  wuxuu u babacdhigey nidaamkii Faransiiska, wuxuunna la jirey  mudaharaadyadii Al-Jeeriyaddii doonasay xorriyadda waddankeeda. Wuunna diidey in uu xidho Madaxweynihii Faransiisku. Waxaanna caddaatey in ay ceeb ku tahay Faransiisku in uu xidho Faylasuuf Faransiis ah. Waxaaba la yidhi Saaratari wuuu ahaa Faransiis. Balse, maanta Faransiisku wuxuu xidhey caqligii qofka Muslinka ah ee Bini-aadanka ah.  Innagu waxaynnu ka suganaa Maxkamadda Faransiiska natiijo, waxaynannu ku ogeyn intii aynnu taariikhda dhex mushaaxeynay caddaalad.

Faransiisku, waa dawlad uu dhawaatey khadka sucuudiga iyo Iiraan u dhexeeya ee loollanka xorriyadda. Sidaa daraadeed, ka hadalka xorriyaddu ee reer Galbeedku wuxuu bilaabay in uu dib-u-noqdo, ka dib dhiciddii gidaarkii kala teedayey shacabka Jermalka.  Waxaabad moodaa in taariikhdu is taagaso. Balse, caqliga Galbeedku wuxuu xaqiijiyey nooc ka mid ah horumarka oo ah dhinaca xorriyadda. Caqligaasina umay suuragelin in uu  dib u noqdaa. Iyada oo ay intaasiba jirto, waxaynnu arkaynaa doorasho fekereed, ee fekerka nidaamka reer Galbeedka, iyaga oo ka caadodhiganaya Islaamka; oo illoobaya jacelkii ay u qabeen xorriyadda!

Reer Galbeedka waxaa jira kooxo wax doorta, waxa ay aad u taageeraan mufakir reer Swiss ee fekeraaga Islaamka Dr Daariq Ramadaan. Anna waxa aan arkey kuwa ugu badan ee taabacsani in ay yihiin mufakiriin reer Galbeed ah, waa aqoonyahanno, waxa ay sitaan shahaadooyin sarsare. Qaar ka mid ahi waxa ay yimaadaan muxaadarooyinkiisa [Muxaadarooyinka Dr Daariq Ramadaan]. Waayo waxa ay doonayaan in ay dhageystaan hadalkiisa kala geddisan, waana hadal aan Calmaani aheyn [Calmaani uuna odhaneyn]. Balse, wuxuu u fekeraa si aqooneysan oo mawdduuceysan. Waanna hadal aan caado uun aheyn, balse, wuxuu u fekeraa waddada aqoonyahanna aqoonta Usuusha oo kale.  Waanna hadal aan ka maqneyn Aydhiyooloji, balse, ay la socoto ruuxdii aydhiyoolajiyadu.

Xorriyaddu waxa ay ku noqotey dhibaato fekeraagaa Islaamka ee reer Swiss (Ramadaan), waayo wuxuu ogaa in xorriyaddu tahay tiir aasaas u ah fekerka Islaamka. Fekerka Diiniguna ma diidayo xorriyadda, agtiisa. Iyada oo ay taasi jirto, haddan wuxuu Daari Ramadaan wuxuu dhigey khaanad kaliya dhammaan kuwa xadgudba. Waanna aragti midigeed oo dilasa ikhtiraaca iyo xidhiidhka fiican ee u dhexeeya shacabka.

Daariq Ramadaa, laguma tirin karo shakhsiyad fekereed oo halbeeg leh, ama caadiga ah, basle, waa shakhsi aan caadi aheyn oo indheergarad feker Bini-aadmi ah. Sidaa daraadeed ma jecla kuwa nolosha ka eega xagasha siyaasadda. Waa Bini-aadan Qur’aanka ku indhakuusha. Maaha mufakir Islaami ah oo la nool reer Galbeedka. Sidaa daraadeed ayeyna u fahmi kareyn dadka leh fekerrada diyaarsani; ha ahaadaan Muslimiin ama Yurubiyiinba.

Waqtiga Imtixaanka ayuu soo baxaa mufakerka dhabta ahi, waxaanna soo muuqata dhakhsiyaddiisii dhabta aheyd. Markuu mufakerku ku galo ilbidhiqsiga imtixaanka qanaaco, jamaahiirtu waxa ay bilaabayaan in ay baadhbaadhaan fekradihiisa kana baadhaan buugtiisa dhexdeeda. Maalintaa ayey u bilaabmasaa waddo cusubi, mana ahaado sida uu ahaa intaa ka dib imtixaanku kii adkaa. Jidhkiisu isma baddelayo. Balse, waxa ay shaaca ka qaadasaa asalka fekraddihiisa marxaladdan cusub ee loo baahanyahay. Anna waxa aan rumeysanahay in saaxadu ubaahantahay ninkan, dushiisana ay ka muuqato fekrad fariidnimo (Shaqeynaysa).

W/Q: Cabdiraxmaan Bashiir (Af-Carabi)

W/T: Cabdirasaaq Sandheere (Af-Soomaali)

10-02-2018, G.H: 10:00- 02:00.

 

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here