Nolosha Mala’awaalka ah – Jamaal Cabdinaasir

Dream life
Nolosha mala awaalka!
Nolosha waa mala awaal na loogu suureynayo wax jiro, kolba waxaan is dul taagnaa xaqiiqo gaaban oo aan isugu dhisnaa niyadda.
Maxay nolosha aragti sare Naga faham siisay taa oo aan lagaarin xaqiiqadeeda, waa la yaab salka manoo dhigna.
Haddii lagu weydiiyo “maxaad nolosha aragti ka leedahay?” Ruuxa wuu sal fadhiisanayaa oo wuu kugu dul kufaa wax aan xaqiiqo ku dhisnayn buu kuu sheegaa. Si lamid ah ruuxa wuxuu cabirtay dareenkiisa ruuxiyadeed oo uu ka wajihi Karo xaqiiqada mala awaal ka laakiin ruuxaas isagu ma gareysanayo in hirdanka uu ku halbeeg tirsanayo ay tahay caqliyadda mala awaal.
Seeska nolosha waxay bacrimisaa ujeedooyin mala awaal, taasoo Sara kicineysa dareenka taagan. Haddii aad ku hamineyso inaad guuleysato oo muuqaaga shaac baxo, kolba xaqiiqadeeda waxaa saldhiga dareen mala awaal, ileen wax aadan maanka ku suureysan oo dareenka laxadreyn ma noqonayaan ficil sameysmay.
Fikradaha mala awaal ku waxay il furan kaaga bilaabi kartaa xaqiiqo cusub. Nolosha waxaa ku lamaanan mala awaal loo kor yeelay sameyska niyad dhiska taa oo loo hirgiliyay aadamiga si noloshaan ku lamaanan dareen fog uu kaga raadsado cudur daar mala awaal.
Markii aad meel cidla ah aad joogtid oo indhahaagu iyo dareenkaaga Soo jeed ay eegayaan cad ceedda, muxuu maanku sawiranayaa? Waa su’aal jawaabteedu ku dhisan mala awaal noo suura galineyso xaaladda aynu taagannahay in aan ka janjeerno, si aan uraadsanno nolol kooban loo ekeysiisay xaqiiqo taagan. Waxaa isa Soo taraya dareemihii xasaasiga si ay kugu sawiraan nolol cusub kuna beegan xaaladda aad taagan tahay si ay kaaga jeediso nololosha kusoo ceyriday.
Waa sabab fog aadan ogeyn in mala awaal ku ka dhaw yahay xaqiiqada. Ileen aadmiga wuxuu la raad racayn karaa mala awaal ka taa soo dhib ku ah xaqiiqada. Waa suuragal lagu abtirsan Karo in xaqiiqada ay wax badan badali karto ama nusqaamin karto. Kolba dareenka lagu qaabilayo baa kala duwanaansho ku dhisan.
Hanaanka mala awaal ka wuxuu seefta uqaadanayaa si uu kaaga jeediyo dareenka aad ku taagan tahay Isla waqtigaas, si uu kuu tuso nolol u eg midda aad joogto. Waxaan arkay dadyow u hanqal taagayaa socodka yurub ayna u riyaaqeen noloshaas, ayagu waxay usacab tumayaan dareenkooda ku aadan yurub isla jeerkaa ma gareysanayaan in dareen uu jiro bacriminaya meesha ay u hanqal taagayaan waa dabiici meesha ay urog rogmayaan qaab quruxdeeda laakiin dareen waxaa jiro kuu samata bixinayo quruxdaas yurub, dareen ka qurux badan kaliya loo bidhaamiyo ujeedka aynu dooneyno innagoo usocod baran rafaad iyo wareer aan dareen ku dhisnayn.
Ka faa’ideysiga dareemaha xaqiiqiga ah kuuna sawirayaan nolol aad socod bareyso, waa falsafad loo hirgiliyay sameysanka nolosha aynu dooneyno inaynu bacriminno Isla jeerkaa naguma xadgudbeyso noloshaas bacriminta, waayo cidda dhistay waa innaga laakiin dareen baa jiro buurburinaya noloshaas waana asalka dareenka uu kasoo maaxay noloshaas mala awaalka.
15 February 2018
9:56
W/Q: Jamaal cabdinaasi

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here