Xorriyadda Go’aan Qaadashada – Maxamed C. Maxamed ‘Guutaale’

Guutaale

Xorriyadda Go’aan Qaadashada ama Iktiyaarku (free will) Ma Jirtaa?

Qofku in uu leeyahay xorriyad go’aan qaadasho ama iktiyaar (free will) oo uu wax walba sameeyo isaga oo aannay saamaynayn caqabad gudeed iyo mid dibadeed, waa waxa ugu weyn ee uu aaminsanyahay. Tusaale ahaan ninka geel jiraha waxa uu aaminsayahay inuu doorashadiisa uu wax walba ku sameeyo, naagta maskiinada ah ee guriga hooyadeed ama qaraabadeed bariiska ka cuntaa marka ay is-guursadaan nin ay Faysbuugga iska barteen waxa ay saaxibadeed iyo nafteedaba ugu sheekaysaa aaminsantahayna in ay doorashadeeda iyo ikhtiyaarkeeda (her free will) ku raacday ninka.

Ninka shaqo yar ka shaqaysta oo naag guursada waxa uu aaminsanyahay in uu ikhtiyaarkiisa iyo doorashadiisha uu ku doortay gabadhaa; ninka siyaasiga ah ee go’aan gaara waxa uu aaminsanyahay in uu isagu uu go’aankaa uu ku sameeyey doorashadiisa; ninka iyo naagta is jecel waxa ay aaminsanyihiin in ay doorashadooda isku jeclaadeen. Horta ma jiraa qof ikhtiyaarkiisa (free will) iyo dootashadiisa xor u ah oo sax ma tahay go’aanada aynnu gaarno in ay ku yimaadaan doorashadeena?

Dooda xorriyada go’aan qaadashada ama ikhtiyaarka (free will) waa dood u muuqata mid sahlan ama su’aal haddii laga dhigo waxa ay u muuqataa su’aal si dhib yar looga jawaabi karo. Balse mar walba oo aad baaritaan ku samaysid, waxaad oggaanaysaa in doodaasi adag tahay ama aan laga gaarayn jawaab dhinac uun u dhacda oo innoo kala cadaysa in ikhtiyaar (free will) ay jirto iyo in aannay jirin.

Saynisyahanno badan waxa ay qabaan in aannay jirin wax xorriyad go’aan qaadasho ah ama ikhtiyaar ah (free will), waxayna go’aankaa gaareen daraasado iyo tijaabooyin kala duwan kadib; waxa ay doodoodu tahay in shay walba oo adduunka dul saaarni (physical world) ficiladiisa ay go’aamiso dhacdo iyada ko horreysay (determinism), tusaale ahaan haddii aad caag meel istaajiso kadibna aad dhagax ku tuurto, dhicida caaga waxaa sababay dhagaxa oo iyada ka horreeyey; sida oo kale dhulgariir haddii uu dhaco waxaa ka danbeeyey maatar ka dhaqaaqday halkeedii hore.

Qaammuuska Oxford kalmda saynisyahannadu ku doodayaan ee determinism waxa uu ku qeexayaa: “The belief that people are not free to choose what they are like or how they behave, becouse these things are decided by their surrounding and other things over which they have no control”. Balse dadka doodaa ka soo horjeeda baa ku dhaliila saynisyahannada in aan ikhtiyaarka (free will), si saynis ah loo darsin ee loo darso qaab bayloojiya (biological). Balse qoladan danbe qudhooda waxaa xiraysa oraahda, uu yidhi filosoofka John Searle ee ah: ” Human behaivor is part of the natural world”.

Tusaale ahaan qofka Isaaqa ah oo dhallinyarada ah oo maanta ku dhagan goonni-isu-taaga Soomaalilaan, waxaa sababay odayaashii Isaaq ee ko horeeeyey, sidoo kale qofka Warsengeli ama Dhulbahante ee maanta raba midnimadii Soomaaliya waxa sababay odayaashii ay isku qabiilka ahaaayeen ka horreeyey, guud ahaan qabyaaladan Soomaaliya baabbi’say waxaa ka danbeeyey odaayshii hore, ee qofna ma dhalan isagoo qabyaaladiiste ah.

Peter Van Inwagen oo ah borofaysor falsafada ka dhiga jaamacadda Notre dame, isla markaasna ah cilmi-baare falsafadeed waxa uu doodiidiisa ku soo uruuriyey in ay xorriyada go’aan qaadashada ama ikhtiyaarku (free will) uu yahay wax aan la garanayn oo aan si dhab loo qeexi karin in ay jirto iyo in aannay jirin. John Searle oo kontan sanno in ka badan ah borofaysor falasafada ah, wakhtigana kaalinta kowaad kaga jira filosoofada wakhtigan nool, waxa ay isku dood dhowyihiin Inwagen waxa uu arkaa xorriyada go’aan qaadashada ama ikhtiyaarku (free will) nooc dhibaato ah.

Waxa uu ku doodayaa in ay jiraan aragtiyo kala duwan oo laga haysto xorriyada go’aan qaadashada ama ikhtiyaarka (free will), aragti walbana ay xoojinayaan cadaymo, balse aannay jirin mid la dooran karo, waxa ay doodiisu ku soo uruuraysa in ay jiri karto xorriyad go’aan qaadasho oo qofka ama ay noqon karto Khiyaali (Illusion) iyada oo loo eegayo xaaladaha.

Roy Baumeister oo borofaysar Phychology ah jaamacadda Florida State waxa uu qabaa in ay jirto xorriyad doorasho (free will) oo ay tahay nooc kamid ah dabeecadaha ay maamulaan soona saaraan dadku, waxa doodiisa ku soo uruurinayaa in doorashada go’aanka ama ikhtiyaarku ay kamid tahay waxyaalaha asaasiga ah ee dadka.

Cilmi baaraha u dhashay dalka Maraykanka Josoph Price waxa uu ku qeexay ikhtiyaar (free will): “awooodda uu qofku ku doorto in uu shay ku qabto ama iska daayo isagoo aannay haysan caqabad gudeed iyo caqabad dibaddeed”. Sidoo kale waxaa qeexid taa ka duwan siinaya qaammuuska Oxford, in kasta oo filoosoforo badan diidanyihiin qeexidaa, balse haddii aynnu qeexidan qaadano, badanka dadku waxa ay noqonayaan kuwo aan doorasho iyo ikhtiyaarkooda (free will) aan go’aan ku gaarin.

Filosofooro kale baa iyanna qaba in aannay jirin wax xorriyad go’aan qaadasho ah ama ikhtiyaar (free will), Charles Darwin waxa uu ku dooday in aannay dadka baarin ujeedooyinkooda ay wax u qabanayaan; isla jeerkaasna ay wax iska qabtaan iyagoo aan ka fekerin. 1838-dii, Darwin waxa ku dooday in aannay jirin wax ikhtiyaar ah (free will) oo tahay dhalanteed (Delusion). Tusaale ahaan maanta haddii aad waydiiso arday jaamacad dhigta sababta uu jaamacadda u galay iyo weliba qaybta uu ka doortay waxa uu u doortay, si kuu qanciyo buu qofkaasi waxa uu kuu soo tirinaya sababo, balse xaqiiqdii been ah amaba runtuu kuu sheegaya oo waxa uu ku oronayaa waan iska galay ama caqabad gudeed ama dibaddeed oo ku riixday buu kuu sheegaya.

Filosoofkii Spinoza ma aaminsanayn in ay jirto wax ikhtiyaar ah oo uu qofku leeyahay, waxa uu ku dooday oo yidhi: “cunugga yar waxa uu aaminsanyahay in uu ikhtiyaarkiisa ku cabo caanaha naaska hooyadii ama caanaha la siiyo, kurayga ciishooda ee aan waxba ka fiirsan (hot-headed) waxa uu aaminsnyahay in ikhtiyaarkiisa (free will) uu ku aarsaday (vegeance), ninka iska hadla oo ku dhaco xanuunka loo yaqaan darandooriga ee uu qofku iska hadlo (delirious) iyo naagta isku daranta oo uu ku dhaco isla xanuunkaasi (garrulous) waxa ay aaminsanyihiin in ay ikhtiyaarkooda ku hadlayaan, iyaga oo aan awoodayn in ay hadalkooda haystaan ama aamusaan; wax xorriyad doorasha ah ma jirto, waa dhalanteed (illusion)”.

Cilmiga lagu barto habdhiska dareen wadayaasha ama dareemayaasha jidhka (Neurobiology) ayaa cadaynaya in aannay jirin ikhtiyaar (free will) dhammaystiran (absolute freedom), qofkana labo waxyaabood baa noloshiisa saamayn weyn ku leh, sameeyana inta badan noloshiisa: kow, cunsurka hidasidayaasha qofka (genetic factor) iyo cunsurka deegaanka (Environment factor), tusaale ahaan ma jiro qof doorta nooca jinsi oo noqonaya, adigu inaad naag tahay ama inaad tahay nin waa lagu dooray oo wax go’aan ah kuma lihid, qawmiyadda aad ka dhalatay adigu ma dooran ee waa laguu dooray, dhiigaagu nooca uu yahay waa laguu dooray, balse adigu ma dooran, hooyada iyo aabbaha ma dooran, reero faqiir ah iyo reer taajir ah inaad ka dhalatay, adigu ma dooran ee waa laguu dooray.

Inaad madowga sharka ah tahay ama inaad tahay midabyada kale waa laguu dooray ee adigu ma dooran, inaad nin dheer noqoto ama gaabnaanta masiibada ah adigu ma dooran ee waa laguu dooray, guud ahaan qaab dhismeedkaaga iyo cidda aad tahay: qabiil ahaan iyo qowmiyad ahaan waa laguu dooray wax xorriyad doorasha ah kuma lihid, inaad sidaas aqbashana waad ku khasban tahay oo wax ikhtiyaar ah ma lihid.

Waxadan kaloo aadan dooran deegaanka aad ku dhalanayso, afka lagaga hadlo, asalka dadka iyo waxa ay aaminsanyihiin. Qofku labadaa arrimood oo aynu kor ku soo xusnay baa noloshiisa saamayn weyn ku yeesha, aqoonyahanno badan iyagoo taa ka duulaya go’aan walba oo uu qofku gaaro waxa ay sabab uga dhigaan saamayn banaanka kaga timid ama mid gudeed oo deeggaankiisa ka dhaxlay oo uu ku khasbanyahay. Tusaale ahaan adoo meel iska fadhiya oo aan dagaal diyaar u ahayn, baa nin candhuuf kugu tufay, kadib baa la dagaalantay nabar xuna gaarsiisay. Dhibta iyo dagaalka waxa kugu khasbay waa saamayn banaanka kaaga timid.

Labadaa arrimood ee abuurka qofka iyo hidesidyaashiisa (genetic factor) iyo cunsurka deegaanka (environment factor) marka laga yimaado diimaha samaawigu, khaasatan diinta Islaamku waxa ay qabtaa: in qofka loo qoray risiqiisa, janno iyo naar waxa uu ku danbayn doono, mid hooga iyo mid wanaagsan iyo inta uu noolaanayo (cimrigiisa) marka qofka intaas loo qoray aqoonyahannadaasi waxa ay ku doodaan in aannay jirin wax ikhtiyaar ah (free will) oo uu qofku leeyahay.

Aqoonyahanno badan oo ku kala aragti duwan doorashada in qofku wax walba uu ikhtiyaar (free will) u leeyahay baase isku raacsan in aannu qofna dooran, maamulina karin aragtiyaha ku soo dhacaya maskaxdiisa, tusaal ahaan filosoofkii reer Jarmal Nietzsche waxaa uu leeyahay: “A thought comes when “it” wants, not when “I” want”. Waxa sidan ku raacsan filosoofkan reer Jarmal, Dr-Yasir Fazaga oo ah aqoonyahan diinta Islaamka ah darsa, kana mid ah aqoonyahanka wax ka jeediya muuqaal baahiyaha, faafiya dacwada Islaamka ee Peace TV.

Garaadka dahsoon iyo go’aan qaadashada.

Garaadka dahsoon (subconscious) waxa uu dowr ka qataa go’aanka qofka, balse waa in marka hore garaadkaas lagu quudiyaa xog badan, tusaale ahaan ilmo yar haddii aabbihii garaaco ama hooyadii garaacdo go’aanka uu garaadka dahsoon siin karo waa in ooyo uun, balse ma garan karo ka carar oo guriga ama magaalada uga tag, waayo weli garaadkiisii xog badan kuma jirto. Saysnisyahanka saxafiga ah ee Malcolm Gladwell buuggiisa “Blink”, waxa ku jira sawir soo jiidasho leh oo ka turjumaya waxyaalaha muhiimka ah iyo waxyaalo adag oo garaadka dahsoon qaato labo daqiiqo gudahood, iyadoo aannay maskaxdeennu go’aanka ka qayb gelin.

Garaadka dahsoon ee qaadanaya go’aano masiiri ah, iyadoo maskaxda aannay ka qayb qaadan go’aanada waxa ay la mid tahay diyaarad aannan duuliye wadin, maanta waxa aynnu aragnaa diyaarad aannan duuliye wadin, taas macnaheedu waa in garaadka dahsoon uu gaaro go’aan bilaa duuliye ah oo aannay maskaxda ka qayb qaadan. Tusaale ahaan haddii aad nin doob ah aad tusto sawirro qaawan oo rag iyo dumar ah isugu jira, markiiba ninku waxa uu isha la raacaya sawirka dumar, uma baahna in uu ka fekero, waayo garaadka dahsoon baa go’aaminaya, naag gashaanti ah oo nin doon ah haddii sawiradaa iyadana la tuso isla daqiiqadiiba waxa ay indhaheedu aadayaan sawirka ragga uma baahna ka feker iyo go’aan laga fiirsado.

Dhakhtarka cilmi nafsiga ee la dhaho Ed de Haan waxa uu lee yahay: “aad bay mararka qaar u wanaagsantahay in aynnu samayno go’aan dhaqaale oo muhiim ah, sida in aynnu iibsano guri iyada oo aannay maskaxdeennu ka fekerin.

Borofaysorka jaamacadda Harvaard Daniel Wegner oo ah dhakhtar cilmi-nafsi tijaabooyin badan oo uu sameeyey waxa ku ogaaday in aannay jirin wax ikhtiyaar oo doorasha oo uu qofku leeyahay oo ay tahay khiyaali; garaadka dahsoon waxa uu sameysaa go’aano wax ilbiriqsi ka yar, kuwaas oo salka ku haya dhacdooyinka inna sameeya, habka go’aaminta waxaa saameeya habkii maskaxdeena loo soo barbaariyey iyo wixii aynnu soo baranay. Isbeddalka baaxada leh ee ku socda deegaankeenna waxa ay ka dhigan tahay in aan la sadaalin karin nolosheenna, habka maskaxdeennu u korayso iyo deegaanka aynnu ku noolnahay waxyaabaha aynnu ka dhaxlayno waxa ay ka dhigan tahay in aynaan lahayn xorriyad doorosho oo dhammays tiran (complete free will) weli waxa aynnu aaminsanahay in aynu si joogta ah u samaynayno doorasho xor ah, waxa aynuna ku tilmaanaa ikhtiyaar (free will) waa khiyaali, sidan waxaa yidhi, Wegner.

Waxyaalaha muuqda (physical) iyo go’aan qaadashada.

Cunsurka waxyaalaha muuqda (physical factor) ayaa saamayn wayn ku leh go’aan qaadashada qofka, sida heer-kulka (temperature) iyo iftiinka (light) tusaale ahaan dagaalo si qiiro ah loo qaaday ama dagaalo qiireed gardarro ah oo dhacay waxay dhaceen xilliga xagaaga ah ee kulul (hot summers) daraasad lagu sameeyey 2,131 dagaal oo dhacay 3,500 sanno ee ugu danbeeyey waxa ay dhaceen xilli xagaa ah, dagaaladasina waxa ay ka dhaceen koonfur iyo waqooyi; halka waddanada u dhow dhul-baraha (equator) aannay saamayn xilliyadu. Dhammaan dagaalada waxaa go’aamiyey xilliga xagaaga ee kulul ee wax saamayn ah kuma lahayn doorasho iyo ikhtiyaarka bulshada.

Iftiinka ayaa isna saamayn ku leh go’aankeenna, tusaale ahaan haddii lammaane isqaba ninku jecelyahay in iftiinka ay wax walba ku dhammaystaan, gabadhuna ay jeceshahay in hawlahooga mugdiga u raaciyaan, haddii khilaaf dhaco ay isku fahmi waayaan kadibna uu qoyskaasi burburo waxaa saamayn dibadeed ku leh iftiinka, oo qoyska kala diray.

Deegaanka iyo go’aan qaadashada.

Go’aannada dadka waxaa saameyn weyn ku leh, deegaanka ay ku noolyihiin. Tusaale ahaan qofka maanta Soomaaliga ah waxaa la yaab ku noqonaya nin shukaansanaya nin kale iyo naag doonaysa naag kale, haddii qof Soomaali ah la yimaado dhaqankaasna dhammaan hal meel baa looga soo wada-horjeensanayaa; halka waddanada qaar uu ka yahay go’aan caadiya. Sidoo kale in qof Soomaali ah uu suuqa qaawanaan ku maraa, in dadka dhexdooda wax ku cunaa, in gabadh suuqa dhexdiisa isku qabsadaan oo isku dhunkadaan, in naag isqaawiso dhammaan bulashada Soomaaliyeed ka yeeliso, qofka garaadkiisu shaqaynayona taas ku dhici maayo, halka waddanada qaar ay caadi ka tahay, sababtu labada bulsho baa kala duway go’aanadooda ay gaarayaana waxaa saamayn ku leh deegaanka.

Tusaale kale, ninka reer galbeed haddii gabadh guursanayo isaga oo aan sabab isweydiin waxa uu ka beddalaa magaca, kadib marka uu guurku dhaco, go’aankaas waxaa saamayn ku leh deeganaaka; sidoo kale haddii nin iyo naag Soomaali ah is shukaansadaan ninka gabdhaha doonaya, gabadha ma dooni karto, go’aankaas waxaa saamayn ku leh deegaanka.

Xorriyada go’aan qaadasho ama iktiyaar (free will) iyo xanuunada maskaxda.

Xanuunada ku dhaca maskaxdu waxa ay keenaan in ay beddalaan xaalada caadiga (normal) ah ee qofka; qofka maskaxda ka jiran ma awooddo in uu xakameeyo ficiladiisa. Tusaale ahaan haddii hooyo waayeel ah xanuun maskaxda ka haleelo diin ahaan wax waajibaad ah oo saaran ma jiraan, waayo maskax ahaan ma fiyoobo. Dalka Holland sharciga dambiilaha (criminal Law) qofka maskax ahaan jiran wax danbi ah ma leh, dalal badan oo kale qofka maskaxda ka jiran waxba looma raaco. 2003-dii guri kalkaalisooyin, haweenay siddeetan iyo kow jir ah, oo la dhibtoonayd xanuun dhanka maskaxda waxa ay dishay wiilkeedii oo siddeed jir ah, kaas oo isna xanuun dhanka maskaxda ah la jiranaa.

1981-dii John Hinckley ayaa isku dayey in uu shirqool ku dilo madaxweynihii Maraykan ee Ronald Reagan; 2003-dii Mijailo Mijailović ayaa dilay wasiirkii arrimaha dibedda ee Swedan Anna Lindh, dilaagu waxa uu aaminsana in Ciise ku amaray dilkaa uu gaystay. Dad musliim ah baa jira oo iyagoo maskaxda ka jiran dhibaato u gaysta dadka kale iyagoo aaminsan in Eebbe sidaa ku amray. Dhammaan dadkaas aynnu soo tilmaanay iyo kuwa kaleba waa dad maskax ahaan u jiranaa.

Qofkasta oo garsho leh waxa uu aaminsanyahay in aannan waxba loo racayn oo aannu rabitaankiisa waxba ku samayn qof la ildaran xanuun maskaxeed. Tusaale ahaan nin maskaxda ka jiran haddii uu ilmo yar dhib u gaysto rabitaankiisa kuma samayn. Sidoo kale haddii hooyo iyo aabbo labaduba sigaarka cabaa ay dhalaan wiil xanuun maskaxda ah qaba, hooyadaasna iyadoo sigaarka cabta haddana ay nuujiso wiilkaa yar, markii uu weynaado dhibta uu gaysto ma isaga ka masuula oo ikhtiyaarkiisa iyo doorashadiisu ku qabtay, mise waalidkaa khaldan?

Haddii aabbo qaba xanuunka dilaaga ah Aids-ka haddii uu guursado naag maskiin ah oo aan ogayn, marka ay gabdhii uur qaado iyada iyo ilmahadeena ay qaadan xanuunkaas, gabadhiina xanuun maskaxda ah ha leelo, kadibna nacayb dartii xanuunkii u sii faafiso, ma aabbaha khaladka leh, ma dawladda mise naagtaa?

Ugu danbayn dooda jiritaanka xorriyada go’aan qaadasho (free will) wax jawaab ah lama gaarin, daraasado iyo tijaabooyin la sameeyey baa muuninya in aannay jirin wax xorriyad ah, qoloda ku doodaysa in ay jirto xorriyada iyanna waxa ay soo qaadanayaan cadaymo. Robert Lawrence Kuhn oo soo saara barnaamijka “Closer to truth”, ayaa baaritaan badan ku sameeyey arrintan waxa uu la kulmay aqoonyahanno, filosoofaro, dhakhaatiir cilmi-nafsi, cilmi-baarayaal iyo aqoonyahannada sayniska qaybohooda kala duwan, welina uma soo bixin jawaab xaqiijinaysa jirtaanka xorriyada go’aan qaadasho ama ikhtiyaar (free will) iyo sidoo kale in aannay jirin; sidoo kale borofaysor Dick Swaab buuggiisa “we are our brains”, waxa uu kaga hadlayaa cutub dhan jiritaanka xorriyada go’aan qaadashada (free will) in kasta oo uu cadaymo badan soo qaadanayo oo uu ku diidayo jiritaanka xorriyada go’aan qaadashada, haddana doodiisa weli maaha mid lagu qanci karo ama dhammaystiran.


                                                W.Q.: Maxamed C. Maxamed – Guutaale

                                                        Hargeysa, Soomaaliland

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here