Saacadihii Noloshayda Beddelay- Axmed Maxamed Cabdiqaadir

Axmed Maxamed

Waa goor galabnimo casarliiq ah oo cadceeddu godkeeda inay gasho ay waxyar u jirto. Jawigu waa mid aad u macaan. Dhaxandhaxan baa jirta wadnahayga dareen galisay. Buundada yar ee xaafaddayada ku taalla baan kolba dhinac u gu soconayaa.  Waxa aan kolkaa sugayaa saaxiibkay oo qorshahayagu yahay in aanu filin soo wada daawanno. Kolba sidaan dhan u gu dhaqaaqay buundada dhexdeeda, baa markeli ah indhaygu qabteen gashaanti joog iyo qurux ba Alle u dhammeeyay oo naftaydu isku qabatay: ma dadkii kitaabkiyo diinteennu sheegtee deggenaa firdowsoo soo daahiraa?!

Laafyoodkeeda iyo deggenida ay tallaabada u qaadayso baa ashaqaraar kale I gu ridday. Wax aan daawado iyadu na soo laafyootaba, meel waxoogaa ii jirta baa ay istaagtay. Qiyaastii qasdigeedu ba waxa uu ahaa in ay neecawda macaan ee buundada ka dhacaysa u gu soo raaxayso nafta.

Sidii qof shoog qabsaday baa aan ahay. Waxa ay jidhkayga u saaqday si aanan cabbiri Karin. Wax aan illaaway wixii aan u taagnaa, bal e, anigii ayaa is illaaway ba. ‘la hadal’ iyo ‘mayee ha la hadlin’ baa ay naftaydu ku doodaysaa. In aan la hadlo baa ay naftu doontay oo go’aansatay. Sidee se u la hadli haddaba? Halkee ka bilaabi doontaa hadal? Maxaad kala kulmi? Iyo wayddiimo la mid ah baa ay naftaydu hadda na iswayddiinaysaa.

Goor aan u dhaqaaqayba, dhankeeda aniga oo u sii jeeda baa aan is arkay. Waa aan soo ag istaagay iyada oo baqasho badanina igu jirto. Naf la wato baa aan ahay, dhan ka baqaysa, dhan la ashqaraarsan quruxda iyo nuurka xuuralcayntan, ‘hadal’ baa ay naftu I lee dahay. Halkeen se ka bilaabaa? Waa wayddiinta wali aanan u jawaabhelin. Aniga oo dhanka kale ee buundada fiirinaya, baa aan holladay hadal:

  • Salam… side tahay abbaayo?
  • Waa aan fiican ahay.
  • “{…} waa ba gabar wanaagsan haddii ay ii jawaabtay.” Mooge ayaa la yidhaahdaa abbaayo.
  • Haa, Muxubo abboowe.
  • Muxubo, magac dheh! Abbaayo yaa aad ku sugaysaa halkan?
  • Yaa!! Maxaa aad tidhi?
  • Een… een… een… waxba abbaayo. Ma cid baad sugaysaa?
  • Haa, aabbahay.
  • Haa, codkaagu sida wajigaaga ayuu u qurux badan yahay abbaayo… een….een…
  • Een…een… hee?
  • Waxba abbaayo.

Intaa markii aan is waydaarsannay baa ay iga dhaqaaqday. Qof la wato baa aan ahay e, saaxiibkay inta aan illaaway baa aan dabagalay iyadii. Mar keli ah baa ay dhankeeda danbe dib u soo jaleecday.

  • Maxaa jira ee aad ii daba socotaa?
  • Ma soo wada cabnaa coffee abbaayo?
  • Ugu yaraan aynnu shaah soo cabno hadda ba?
  • Miyaa aad waalan tahay.

Hadalkaas waxa ay Igu tidhi iyada oo dhoollacadaynaysa.

  • Fadlan, fadlan, aynnu shaah soo wada cabno?
  • Haye, waa yahay.
  • Mahadsanid abbaayo. Ina mari.

Waa aannu isa sii barbarsoconnay intii aannu ku sii soconnay goobtii shaaha. Waxa naftaydu si hoose ii lahay ‘maanta waa aad heshay qoftii aad nolosha la qaybsan lahayd’. Waxa aan holladay hadal kale, si aan wax badan uga sii ogaado.

  • Waxa aan rabaa in aan ku wayddiiyo abbaayo….
  • Hee, maxaa aad I wayddiin lahayd?
  • Een… een… waxba abbaayo, meesha aynnu ka shaahaynaynaa waa ay inoo soo dhaw dahay.
  • Laakiin wax baad I wayddiinaysay. Miyaa aad Igu ciyaaraysaa?

Intaa kolkii ay I tidhi, mar keli ah waxa dhegahayaga ku soo dhacday codka xabbad dhacday! Dadkii waddada marayay oo dhan baa orod bilaabay. Waxa aan soo qabtay gacanta Muxubo, si aan u wada orodno. Meel buundadii aan ka soo dhaqaaqnay ka shishaysa baa aannu orodkii ku soo gaadhnay.

  • Waa aad mahadsan tahay
  • Waa waajib abbaayo.

Cabbaar ka dib , markii dhawaaqii xabaddu joogsaday, baa dadkii wax gaadheen la gu soo wada xoomay. Waxa aan damcay in aan soo caawiyo dadka waxyeelloobay, dabadeed waxa aan ku idhi Muxubo:

  • Halkan sii joog, waxa aan soo caawinayaa dadkaas.
  • Waa aan ku raacayaa?
  • Maya, iska joog adigu.
  • Sabab?
  • Haddii wax ku soo gaadhaan………..
  • Hee…
  • Aniga ma…. Een….een….een…
  • Adiga ma……… maxaa ka waddaa? I dhegayso, aniga ibnu aadan baa aan ahay, sida aad u soo caawinayso baanan u soo caawinayaa dadkaas.
  • Haye, laakiin is ilaali.

Waxa aannu gaadhnay dadkii wax soo gaadheen. Qof walibana wixii uu qaban karayay buu ku aaday. Anigu waa aan illaaway ba sababtii aan goobta u imid iyo in aan caawiyo dadka. Maskaxdayda oo dhan iyo dareenkaygu ba iyadu ayuu ku maqan yahay oo aan daawanayaa. Mar keli ah baa aan si kedis ah u arkay, gaadhiga xawliga u soo socda ee ku soo beegan iyada. Waxa aan ku qayliyay ‘Muxubo…Muxuboo ka soo leexo waddadada, gaadhi baa kugu soo socdee’, waxaa ba xigtay jiqiiqdii bireega gaadhiga oo jiidhay iyadii na! Orod baan ku soo dhaqaaqay illaa aan soo dul istaagay. Waxa aa dhabta saaray madaxeeda.

  • Muxubo indhaha kala fur.
  • Mooge waxa aad rabtay markii u danbeeyay in aad wax ii sheegto, maxaad ii sheegaysay?
  • Muxubo horta aan ku qaado ee adkayso, dhakhtarkaan ku gaynayaa.
  • Ii sheeg horta wixii aad ii sheegaysay?
  • Runtii, markii aan ku arkay ba dareenkayga oo dhan adiga ayuu ku raacay. Aragtidii koowaad ba waa aan ku jeclaaday oo I qancisay.
  • Haddii aan noolaado waan kula noolaan…..

Intaa markii ay tidhi baa ay miyirbeeshay. Waxa I soo ag istaagay nin ‘Muxubo’ ku qaylinaya. Wuu iga qaaday, oo saaray gaadhi.

  • gabadhan miyaa aad garanaysaa?
  • Haa, aabbaheed baa aan ahay!

Waxa aan ku soo noqday buundadii dusheeda iyada oo ilmada iga socotayna ay shaadhkayga qoysay. Wakhti yar baa noloshayda qofi ku soo gashay, hadda na si qof loo waayo sida ugu xun aan u waayay. Alla maxaa buundada ku keenay! Alla maxaad shaaha ugu kaxaysay ee halkan isaga joogi wayddeen iyo kun hadal taag-waa bay naftaydu kolba mid I odhanaysaa. Waa saacaddo badalay noloshada.

AXMED MAXAMED CABDIQAADIR

Email: Lafole18@gmail.com

Accounting and Finance

Kampala International University

KAMPALA, UGANDA.

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here