Suuradda al-Kahf – Cabdikariim Maxamed Nuuriye

al-Kahf

Waa habeen jimcaad saqdii dhexe, dadku waa wada hurdaa qaarkood waabay hurdo dhammaysteen balse aniga wax hurdo ah iguma soo dhicin. Sidii baan indhaha u kala hayaa furaash kayga yar ayaan kolba dhinac iskugu rogayaa waxa aan wakhtiga isku dhaafinayay mareegaha internet oo aan hadba bog cusub furanayay, intii hore waxa aan waday baraha bulashada ee facebook,whatsapp iwm balse asxaabtii oodhan ma joogaan cid khadka kujirto oo aan  la hadlo ma arkayo, waxa aan hadana u jeestay dhankale waxan aaday youtube xoogaa ayaan iska daawaday muuqaalo lasoo galiyay. Kumaan sii raagin waan ka wareegay waxa aan u wareegay dhankale oo ah xirfad aan xiiseeyo wax yar oo aqoon ah na aan u leeyey oo ah samaynta muuqaalada waxa aan iska furtay barnaamij kii aan ku samayn jiray laakiin wax dhadhan ah ma leh naga xidh isagana.

youtube ayaan hadana ku laabtay kolba muuqaal ayaa igasoo hor baxa maan sii eegayn kahor intii aanu iga soo hor bixin muuqaal kii habeenkayga oo dhan badalay, damiirkayga qalbigayga iyo maankayga ba qaatay waxa uu ahaa muuqaal aan muuqalada kale meelna kala sinayn gabi ahaan waa uu ka duwanaa. Qof kasta oo islaam ahi wuu ilamaynayaa hadii uu arko laakiin ilmo’da uu ilmaynayaa waxay yeelan doontaa wajiyo badan mar waxa uu la ilmayn doonaa farxda marna naxdin markalena wuu qiiroon.

muuqaalkani waxa uu habeenkaygii foosha xumaa u badalay mid aad u qurux badan, runtii waxa aan odhan karaa habeen iiga qurux badani imuu soo marin. Habeenkii foosha xumaa habeenkii wada caajis ka ahaa kii hurdoba ay iman wayday ee wax aan qabto ba aan garan la’aa waxa uu noqday mid aad u qurux badan markaliya ayyuu isu badaley mid aan waligii hore iisoo marin, daqiiqadihii aan raagsanayay dhicistooda ayaan haatan degdegsanayaa waxa aan leeyahay saacadu xaggee ayyay ku ordaysaa miyay qunyar iska socoto, iimay joojinayn iyadu shaqadeeda way garanaysaa. Anigu aad baan u faraxsanahay waxaabay naftu ileedahay haba seexane ma iska soo jeeddaaa oo ma fiirsataa muuqaal kan caawa oo dhan? Lkn hadana waan ku qasbanahay in aan dhawr saacadood yar seexdo. Haa imka waan seexan karaa oo tii  hurdo ahayd na way timid oo waxay sugaysaa aniga amar kayga oo kaliya, markii horeba way iska maqnayde bal may imkana iska maqnaanto? Waa xaasidade iska daa.

Hadii aan muuqaal kii usoo noqdo oo aan is idhaa dad ka u sharrax sida uu yahay, macaankiisa iyo quruxdiisa kaga gayoon maayo qoraal kooban ee waxay noqonaysaa in maxaadiro aaan u qabto. Muuqaal ku waxa uu yaallaa midka baraha bulshada kamid ka ah ee muuqaallada lasoo galiyo looguna yeedho Youtube. Waxaa soo galiyay mid kamida dad ka youtube ka muuqaalo soo galiya bogiisana uu ku dhigan yahay magacani: 
“Muhammad Atif
”. Waa bog aad u ballaadhan waxa la odhan karaa  waa  bogaga ugu waawayn ee caalamka islaam ka ah waxa lagu faafiyaa diinta siiba Qur’aan ka kariim ka ah.

Muuqaal ku waxa uu ahaa suurat Al-kahf oo uu codkiisa macaan ka badan ku akhrinayay qaariga wayn ee Mishary Rashid Alafasy. Markii aan daaray dareenkayga oodhan ayuu  soo jiitay caajiskii oodhan ayaa iga duulay waxa aan usoo jeestay dhagaysi waxa aan soo qaatay xadhiga dhagaha la gashado ee wax lagu dhagaysto cod ka ayaan wada dallacay maan doonayn in ay kalmadi i dhaafto jawiga oo degganaa dartii waxa iisii macaanaadey dhagaysigii suuradda illaa aan ku ceshado markasta oo ay dhammaato ba. Waxa layaab lahaa markii uu marayay aayadaha u danbeeya in ay si aada qalbigayga u taabanayeen. Waxa aad dareemaysaa marka aad dhagaysanayso naxariis,farxad iyo degganaan waxkale inay kaa ag dhaqaaqaan dooni maysid.

Diinteenu macaanaa oo wanaagsanaa waxa ay lamid tahay malab i leh i cun oo i cab innagiina ay naan uba jeedin. Waxa aan kugu dhiiri galinayaa akhriste inaad dhagaysato oo ila eegto macaanka suurada oo aad akhrido iskuna daydo inaad fahanto macnaha iyo xikmada aayad walba kujira.

Halkan ayaad ka dhagaysan kartaa adoo gujinaya link ga : https://www.youtube.com/watch?v=1KKR_FrUuH8

Mahadsanid

W/Q: Abdikarim Mohamed (Nuuriye)

Cabdikareem1998@gmail.com

Hargeisa.

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here