Maalmahaygii Masqad – Cayni Muxiddiin Maxamed

Masqad

Run ayaa uu sheegay St. Augustine, marka uu yiri “dunidu waa sida buug. Kuwa aanan socdaalinna, waxa ay akhriyaan keliya hal bog oo buuggaas ka mid ah”.

Muddo aan dheerayn ka hor ayaa ay ii billaabatay duni cusub, taas oo ii furtay albaabbo badan oo aan gelitaankooda ka helay xog iyo xaqiiqooyin xoog ku biiriyay keydka ogaalka iyo aqoonta ee aan leeyahay. Dunidan cusubi waa tan safarka. Waa dunida socdaalka, oo –sida uu Augustine hadalka aan soo xigtay ku xusayba- ah buug aad maalinba bog cusub ka akhrinayso.

Masqad, waa caasimadda dalka Cumaan. Waa magaalo xarun u ah dal ku yaalla galbeedka qaaradda Aasiya. Xagga badka uu ku fadhiyo marka laga eego, Cumaan waa dalka saddexaad ee ugu badka weyn Lama-degaan-u-ekaha Carabta. Waxaana lagu tiriyaa mid ka mida dalalka ugu wanaagsan Carabta, marka laga fiiriyo dhismaha iyo xasilloonida!

Horraantii sannadkan ayaa aan socod ku tegay Masqad. Ma ahayn mid la mida socdaallada aan marar hore ku tegay meelo kale. Waxa uu ahaa socdaal ku salaysan booqasho qoys. Sidaas oo ay tahayse, ruuxdeyda oo qabatintay wax-ka-kororsiga waayaha, ayaa waxa ay indho xog-doon ah ku kala furtay dhulkan ay soo martiday!

Garoomada diyaaraduhu waa mid ka mida albaabbada ugu muhiimsan ee laga soo galo dalalka. Sida albaabbada guryaha laga galo ay muuqaal uga bixin karaan qaabka ay guryaha gudahoodu u eg yihiin iyo dadka ku jiraba, ayaa ay garoomada diyaaraduhuna muuqaal uga bixin karaan qaabka ay dalka iyo dadkiisuba u eg yihiin. Garoonka diyaaradaha ee Masqad (Muscat International Airport), oo hore loogu aqoon jiray Seeba International Airport, ayaa ah garoonka rasmiga ah ee ay magaala-madaxdu leedahay. Waxa uu jiraa bannaanka magaalada, waxaase magaalada ku xirta waddada weyn ee Suldaan Qaaboos (Sultan Qaboos Highway) oo –sidoo kale- isku xirta Masqad iyo magaalada u dhaw ee Seeba.

Garoonku u ma mashqul badna sida garooma badan oo aan hore u soo arkay, oo qaarkood ay gobalka iyo dalalka u dhaw-dhaw ku yaallaan. Sidaas oo ay tahayna, waa meel ay shaqa culus ka socoto, oo waxaa ka duula, soona dega, diyaarado kala duwan oo meela kala duwan u baxa, amase ka yimaada.

Dad aad u xasilan, oo haweenka iyo ragguba ay-sida badan- lebbis dhaqameed aad loo naqshadeeyay ku xarrooganaayn ayaa indhahaaga ku soo dhaweynaya dalka. Arrimaha aan ugu horreynba la dhacay oo ay dadka Cumaaniyiintu Soomaalida uga eg yihiin waxaa ka mid ah in mar kasta oo la joogo goob ay dadku ka adeeganayaan, ay waajib tahay in marka hore loo adeego haweenka, ka hor inta aan loo gudbin ragga.

Taas beddeldkeeda, marka la joogo goobaha shaqada, dumarka iyo raggu waxa ay –inta badan- helaan fursado aan kala badnayn oo shaqada ah. Waxaa badan in aad dalka Cumaan ku aragto gabdho iyo wiilal xafiisyo iyo gooba kale ka shaqaynaya oo aan tiro ahaan kala yarayn. Tan, waxa ay ka duwan tahay meela badan oo dalalka gobalka ku yaalla. Soomaaliya-na maba ku sii jirto!

Shaqada iyo shaqaalaha

Sida dalalka Carbeed ee gobalka ku yaalla ay u badan yihiinba, Cumaan waxaa jooga shisheeye tiro badan oo u so shaqa-tegay. Waxaase uu dalkaan kaga duwan yahay qaar dalalka kale ee Carabta ah ka mida, in shaqooyinka dowladda iyo kuwa danta guud ay ku badan yihiin shaqaale dalka u dhashay, in kasta oo ay shisheeye tiro badan ka shaqeeyaan qaybo badan oo shaqooyinka dalka ka socda ka mida, haba u badnaadeen shaqooyinka gaarka ah.

Dowladda

Cumaan waxaa ka jira dowlad uu maamulkeedu habka boqortooyada u samaysan yahay. Waxaa ka taliya hoggaamiye xilkiisa loo yaqaan Suldaan. Waa Qaabuus Ina Saciid Ina Taymuur Ina Faysal Aala-Saciid oo 46 sano ka hor la wareegay talada dalkaas. Waa wiilka keliya ah ee uu dhalay Suldaan Siciidkii isaga talada ugaga horreeyay. Qaabuus, oo 77 jir ah, waa suldaankii 9-aad ee ka soo jeeda qoyska Reer Buu-Saciid oo dalka ka talinayay muddo dheer. Waa ninka ugu muddada dheer ee dal Carbeed ka soo taliyay oo welina xukunka haaya. Sidaas oo kalena, waa ninka saddexaad ee ugu muddada dheer oo dal dunida ka mid ah ka soo taliyay oo welina talinaya!

Waxbarashada

Cumaan, waxa uu meel fiican uga jiraa dalalka Carbeed ee ku naaloonaya hay’ado waxbarasho oo dhaq-dhaqaaq fiican leh. Waxaa dalka ka shaqeeya xarumo waxbarasho oo dowladda hoos taga, iyo kuwa gaar loo leeyahay.

Waxbarashada dalka waxa ay u qaybsan tahay saddex marxaladood; waxbarashada aas-aasiga ah (10 sano oo dugsiga hoose iyo dhexe ah), waxbarashada aasaasiga ka dambeysa (laba sano oo dugsiga sare ah: fasalka 11-aad iyo midka 12-aad), iyo waxbarashada sare oo heerka Jaamacadda ah.

Dalka Cumaan waxaa ka shaqeeya Jaamacado ay dowladdu leedahay, iyo qaar gaar loo leeyahay, oo dhammaantood ay dhigtaan arday aad u tiro badan. Waxaana Jaamacadahaas, oo goballada dalka ku kala yaalla, ugu caansan:

1. Jaamacadda Suldaan Qaabuus (dowladda)
2. Jaamacadda Cumaan (dowladda)
3. Jaamacadda Dhafaar
4. Jaamacadda Saxaar
5. Jaamacadda Nazwi
6. Jaamacadda Alsharqiya
8. Jaamacadda Albarimi
9. Jaamacadda Jarmalka ee Tiknoloojiyadda
10. Jaamacadda Carbeed ee furan (Arab Open University)
Kuliyadaha iyagana ka jira dalkaas, ee takhasusyada gaarka ah lagu barto waxaa ka mid ah:
1. Kuliyadda Cumaan ee Caafimaadka
2. Kuliyadda Cusub
3. Kuliyadda Alzahraa
4. Kuliyadda Cumaan ee Dalxiiska
5. Kuliyadda Mazuun ee Heerka Jaamacadeed
8. Kuliyadda Cumaan ee Cilmiga Badda
9. Kuliyadda Sare ee Tiknoloojiyadda
10. Kuliyadda Culuumta Sharciga

Soomaalida iyo Cumaan

Dalka Cumaan, waxa uu ku jiraa dalalka taariikh ahaan xiriirka fog la leh dadka iyo dhulka Soomaaliyeed. Ka soke in ay taariikhaha qoran sheegaan in qarniyo badan ka hor ay jireen isku xir xagga maamulka ah iyo mid ganacsiga ah oo u dhexeeyay Soomaalida iyo Cumaan, waxaa raadadka muuqda ee arrintaas laga dheehan karo ugu weyn in ay jiraan qabiillo Soomaali ah oo maanta ku nool Cumaan, qaybna ka noqday dadka dalkaas u dhashay.

In kasta oo aanan nasiib u yeelan in aan tago, haddana gobalka Dhafar ayaa ka mida meelaha ugu badan ee ay ku nool yihiin Cumaaniyiinta asal ahaan Soomaalida ah. Dadka Cumaan oo –sida Carabta kaleba- nidaamka qabiillada aad ugu tiirsan, ayaa waxaa diiwaanka qabiillada dalka ku nool ee gobalkaas Dhafar deegaanka ku ah ka mida qabiil isku tegay oo magacooda la yiraa ‘Al-daaroodi’, kuwaas oo ka kooban jifooyin dhowr ah oo ka mida jifooyinka ay ka kooban tahay beesha Soomaaliyeed ee Daarood.

Si la mida dalal kale oo ay qabiillo iyo dad Soomaaliyeed deegaan ka yihiin (sida Kenya iyo Itoobiya), ayaa marka aad adiga oo Soomaali ah joogto Cumaan, waxaa laga yaabaa in aad aragto qof Cumaan u dhashay oo ku weyddiinaya in aad tahay Soomaalida Cumaan iyo in kale. Taas waxa ay muujinaysaa sida ay Soomaalidu qayb uga yihiin shacabka Cumaan. Qabiillada asalkoodu uu Soomaalida yahay ee dalkaas ku noolna, waxa ay u badan yihiin kuwa ku faana asalkooda, oo magacyadoodana laga dhex arki karo abtirsiga beelaha Soomaaliyeed ee ay asal ahaan ka soo jeedaan; sida Hebel Hebel Al-Sawaaqrooni, Hebel Hebel Al-Warsangeli, IKK.

Gunnaanad

Cumaan, sida aan kor ku soo sheegayba, waa dal xasilloon. Xasilloonidiisuna, waxa ay dad badan rumeysan yihiin in ay salka ku heyso shacabka oo aanan –badankiisa- la qabsan xiiseynta iyo ka-sheekaynta siyaasadda. Nidaamka saldanadda ee muddada dheer halkaas ak jirta, iyo hoggaanka waqtiga dheer dalka maamulayay, waxa uu dadka u jiheeyay dhabbo ay ugu mashquulaan arrimahooda gaarka ah, in ka badan inta ay ku mashquuli lahaayeen wax-iska-weyddiinta arrimaha guud.

Markii kacdoonka Carabta uu ka kacay waddamo badan oo gobalka ka mid ah, waxaa la sheegay in ay nuxnux iyo guux siyaasadeed ka billaabatay Cumaan. Hase ahaatee, saldanaddu waxa ay ku guuleysatay in ay salkeeda sii xoojisato. Dadkuna, sidii ay doonaan gudaha ha uga gunuunacaan e, muuqaalkooda kore waxa uu bixinayaa sawir hadlaya, oo leh “miro guntigaaga ku jira, kuwa geed saaran loo ma daadsho!”

W/Q: Cayni Muxiddiin Maxamed
Muqdisho- Soomaaliya

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here