Xoreyntii Addoomaha Madow iyo Xilkii Abraham – Muxiyodiin Cabdiraxmaan ‘Dabayl’

Dabeyl

Taariikhda dunnida waxa soo maray Hoggaamiyayaal wax ool ahaa. Islaamka ayaa
loo soo qaadan karaa kuwii ugu quruxda iyo saameynta badnaa intii adduunkani jirey.
Balse dunnidan casriga ah waxa ka dhex aloosan mashaakil soo jireen ah, oo qaarkood
isir ku leh midabka, Diinta, ilbaxnimada iyo aqoonta casriga ah. Dunnidan waxa soo
maray madax addoonisaga ciirsi mooday, gumeysigana awood biday. Sidoo kalena ku
kutagri falay xaquuqda bani-aadannimadana, oo dhulka la dhacay. Dhinaca kalena
hoggaamiyayaal dalalkooda xiddigaha dhaafiyay. Meelo fiicanna gaadhsiiyay. Waxa
aynnu maanta soo qaadan doonaa Madaxweyne Abraham Lincoln oo dalkiisa xilli
adag la soo maray. Waxa uu kala soo kifaaxay waqtigii addoonsiga dadka madow
jirey heerkii ugu darnaana ay ummadu ku jirtay.

Abraham Lincoln Waxa uu ahaa madaxweynihii 16-aad ee Maraykanka, waxa uu
bishii Feb. Sannadkii 1806-kii ku dhashay Hodgenvilla. Waxa uu ahaa hoggaamiye
guul badan u soo hooyay dalkiisa, Dagaallo sokeeye oo Maraykanka ka dhacay waxa
ka caawiyay in aanu qarankiisu dumin. Waxa uu qeyb weyn ka qaatay Maraxaladdii
kumeel gaadhka ahayd ee Thirteen. Taasi oo soo afjartay Addoonsigii Maraykanka ee
waqtigaas jirey, maadaama dadka madowga ahi xuquuq la mid ah kuwa Caddaanka
aanay haysan. Haddana taas beddalkeeda, markii uu dagaalkaasi dhammaaday
Lincoln waxa uu noqday madaweynihii ugu horreeyay ee lagu fuliyo dil
qorshaysan’’Assassinated Kill’’.

Haddaba, ka hor intii aanu dhiman, doorashaddii lagu doortay isaga
madaxweynimadiisa sannadkii 1860-kii, waxa uu ku shaqeyn jirey Xirfadda
Lawyernimada iyo u dooddida xuquuqda siyaasadda iyo garsoorka
maxkamadaha. Waxyaabaha lagu xasuusto waxa ka mid ahaa in uu sameeyay nidaam
lagu ururinayo qashinka. Dhammaan hadhaayada waa uu jaangooyay, mashaariic
badan ayaa uu ku fuliyay sidii loo xakameyn lahaa qashinka iyo hadhaagga ah.
Inakasta dhinaca kalena lagu xasuusto arrinka taariikhda u galay ee xoreynta dadkii
madowga ahaa iyo kala saariddii ummadii isku dul dulmaneyd.

Madaxweyne Linclon Waxa la sheegay in uu ahaa qof la nool xanuunka isku buuqa,
sidaas si la mid ah gurigiisa waa uu ka ilaalin jirey mindiyaha iyo hubka oo dhan.
Maadaama uu yaraantiisii ilaa xilligii koboca ee noloshiisa ku khasaaray ganacsiyo
badan iyo doorashooyin uu galay. Tani waxa ay ku dhalisay in uu ka niyad jabo guud
ahaan nolosha, Haddana Ilaahay marna iskuma sallidin isaga iyo naftiisii, oo waa kaas
ilaa heer madaxweyne gaadhay. Waxa ay taariikhdu sheegtay in ganacsi uu bilaabay
ka fashilmay, xaaskiisii geeriyootay iyo hawlo adduun oo boqol waji lehna iskugu soo
urureen taasina ay keentay in uu qaado xanuunka ISKU BUUQA.

Barnaamujkii Lincoln ee xoreynta addoomaha ku aaddanaa, waxa aad ugu kala
qeybsanaa dhammaan bulashadii Maraynka ku nooleyd. Qolyihii beeralayda ahaa
ayaa aad uga soo horjeestay, waxa ay aamineen haddii addoomaha la wada xoreeyo
suuqooda wax soo saar hoos u dhici doono. Maadama addoomaha aan lagu sii
shaqeysan karin haddii ay helaan xorriyad buuxda. Taasi waxa ay keentay gadood
badan oo ay bulshadu kala hor timaado ilaa uu madaxweyne Lincoln gacan bira kala
hor tagay. Waxa uu go’aansaday in aan loo joojin doonista ummada, ee ah in la sii
ahaado addoomo. Waxa uu jeclaystay in loo sinnaado caddaaladda iyo kala danbeynta
sharciga Maraykan ee waqtigaas socday.

Sannadkii 1863-kii, waxa Abraham soo saaray Qorshaha xabsiyada. Isaga oo
habaynaya sababta Dagaalkii Sokeeye ee ahaa in uu badbaadiyo midowga ummadiisa,
sidoo kale qorshaha ugu fogaa ee uu lahaa waa in uu tirtiro addoonsiga dhulkiisa ka
jiray ee xadhkaha goostay. Sannad iyo badhkii u horreeyay guuladaradii dagaalku
waxay ku keentay in uu ku adkeysto barnaamujkiisii dib u mideynta ummada ee isagu
masuuliyaddeeda uu lahaa. Ka dib Dagaalkii Fort Sumter, Lincoln wuxuu xaqiiqsaday
muhiimadda ay leedahay in si deg deg ah loo xakameeyo dagaalka, oo uu sameeyo
istiraatiijiyad lagu mideynayo millatariga, si loo yareeyo kacdoonka. Lincoln waqtigii
uu xilka hayay waxa uu la kulmay dhibaatooyin siyaasadeed oo aan horay loo arag,
waxa uu uga jawaabay si hal-adeygnimo leh isagoo ah taliyihii hoggaaminayay
nidaamka, isaga oo adeegsanaya awoodo aan horay loo arag. Wuxuu ballaadhiyay
awooddiisa dagaal, wuxuuna ku soo rogay xayiraad dhan. Waxa uu deddaal dhan u
galay si aan dagaalku u noqon mid heer caalami ah oo dunnida kale saameyn ku
yeesha.

Abraham isaga oo 9-jir ah ayaa ay Hooyadii u dhimatay xanuunka loo yaqaan Milk
sickness. Xanuunkan ayaa markii ugu horreysay la ogaaday qarnigii 19-aad, kadib
markii koox dad muhaajiriim ahi u socdaaleen Galbeedka Webiga Ohio River.
Halkaas oo Lo’ dii ay wateen daaq ahaan u siiyeen Caws ay Snakeroot ka baxay.
Abraham waxii dhimashadaas ka danbeeyay waxa uu ku soo koray nolol aad u adag
kadib markii uu Aabbihii guursaday Sarah Bush Janton oo u dhashay Saddex caruur
ah oo ay walaal kala hooyo ah noqdeen. Xikmado aad u badan ayaa lagu xasuustaa
Abraham, waxaanna ka mid ha ‘’I’m a slow walker, but I never walk back’’ oo
macno ahaan noqonaysa’’ Waxa aan ahay nin socod gaabiya, balse weligay dib uma
noqdo’’.

Waa Qalinkii :
Muxiyodiin C/raxmaan Xasan ‘’Dabeyl’’
Bachelor in Biomedical And Lab Science
Hargiesa Soomalailand
2018

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here