Majaajilayste, Ismaaciil Cabdi Ibraahin (Basbaas) – Jimcaale Jaamac ‘Sharcidoon’

Basbaas

Majaajilayste, Ismaaciil Cabdi Ibraahin (Basbaas)
W/Q. Jimcaale Jaamac Muxumed (Sharcidoon)

Gawaadhidaa la sii galbinayo waxa saaran maydka Ismaaciil Cabdi Ibraahin oo dadku u yaqaaneen Basbaas. Wuxuu fanka soomaaliyeed ku jirey kow iyo lixdan sannadood. Sannadkii. 1942kii ayuu ku dhashay kuna barbaaray benderka Oodwayne iyo agagaarkiisa. Barbaarnimadiisii wuxuu noqday dabogeel oo marka uu magaalo tago, mid kale ayuu u sii dhaafi jirey. Noloshii miyiga ayuu ka doorbiday noloshii magaalada! Dhowr goor markii Berbera la ga soo celiyey ee miyiga la keenay ee uu haddana dib ugu noqday, ayuu abtigii kaxeeyey oo hudheel ku yaal Berbera ka shaqaalaysiiyey. Muddo ayuu hudheelkaas xaabi jiray oo marka cuntada la siiyo, kula diriri jirey oo hiiifi jirey qof kasta oo damca in uu la cuno ama ka cuno. Waa halka naanaysta Basbaas ka raacday.

Muddo kaddib, ayuu Basbaas tagay magaalada Baydhabo. Hibadii uu Ilaahay ku galladaystay ayaa halkaas ku soo bannaanbaxday. Sheekooyin maaddays ah iyo geeraaro hufan, ayuu suuqa ku soo daadiyey. Bulshadii ayaa la dhaygagtay hal-abuurnimada ku sallaysan dhaqanka iyo hiddaha soomaalida ee maaddu ka ladhan tahay. 1957Kii, ayay bahdii fanka ee xilligaas joogtay la dhaceen hibada uu lee yahay Ismaaciil Cabdi Ibraahim (Basbaas) oo uu yeedheen, waxaana ka mid ahaa, Cali Fayruus, Cismaan Beenaale, Cismaan Gacalow iyo Maxamed Axmed.

Ismaaciil Cabdi Ibraahin wuxuu u kitimay dhankaa iyo Cadan oo uu lix bilood joogay oo dabadeed laga soo tarxiilay, kaddib markii uu gabayo u tiriyey dad ay is ku qoys yihiin. Riwaayadii ugu horreysay ee uu fanka soomaalida ku soo galay wax ay ahayd, “Isku tuura ana haatan la ii tali”, taasi oo curinteedu ku dhisnayd mala-awaal ka soo askumay maskaxda majaajilaystaha. Riwaayadii labaad wax uu ku soo bandhiggay dalka Jabuuti. Dib ayuu u soo noqday oo inta uu riwaayad jajaabo ah sameeyey oo ay ku jiraan abwaan Dacar, Xuseen Cali Kaahin iyo Cumar Dhuule u kacay dhankaa iyo Xamar 1959Kii. Markii ay sii marayeen magaalada Gaalkacyo ayaa la joojiyey oo la wayddiiyey warqad dal ku gal ah.
“Miyaynaan is ku soomaali ahayn?, ayay wayddiiyeen maamulkii magaalada.
“May! Soomaali Ingiriis iyo soomaali Talyaani ayaynnu kala nahay”, ayuu maamulkii ugu halceliyey.

Afar iyo toban cisho kaddib, ayaa loo oggolaaday in ay gudaha magaalada galaan. Nin ka mid ahaa madaxdii daakhiliga oo la gu magacaabi jirey Muuse ayaa labo bilood oo dal joog ah siiyey. Sidoo kale, abwaanku wuxuu sameeyey kana qaybgalay riwaayado badan iyo heeso badan, waxaana ka mid ah heesta hordhaca u ahaan jirtay idaacaddii ummadda soomaaliyeed imikana hordhaca u ah wararka idaacadda Muqdisho iyo telefishanka Qaranka Soomaaliya (SNTV)
Ismaaciil Cabdi Ibraahin (Babaas) wuxuu ahaa shakhsi Ilaahay hibo u siiyey curin madaddaalo suugaanaysan oo firixdu kaa dhammaanayso marka aad dhugatid. Wuxuu ka mid ahaa dadkii farokutirirka ahaa ee masraxa fanka soomaalida ifiyey ee nalka ka shiday. Wuxuuna ka mid ahaa rukunnaddii u gu waaweynaa ee kooxdii hobollada Waaberi, dhanka masrixiyadda.

Ismaaciil Cabdi Ibraahin (Basbaas) dhowrkii sanno ee u dambeeyey wuxuu ahaa bukaansocod aan daryeel ka helin bulshadii uu ku dhex noolaa iyo dawladdii ka masuulka ahayd ba. Bishii saddexaad afarteedii, gu’gii 2018Ka ayuu xaqii u yimid oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa.
Alle ha u naxariisto marxuum Abwaan Ismaaciil Cabdi Ibraahin (Basbaas).

_________________
TIXR- Xusuus qorkan kooban ee majaajileyste Ismaaciil Cabdi Ibraahin (Basbaas) la ga qoray, waxa la ga diyaariyey barnaamijyo daawasho ah oo la gu waraystay majaajilaystaha, intii uu noolaa.

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here