Hoggaamiyaha Loo Hammuun Qabo Puntland – Aadam Salaad ‘Badiic’

Badiic

ARAR:

In kastoo adduunka oo dhammi baahi weyn u qabo fahanka hoggaaminta, haddana, Soomaalidu, baahi ka badan baahida ummadaha kale u qabaan ayay u qabtaa. Waayo; dhammaan dhibaatooyinkii soo maray Soomaaliya waxay salka ku hayeen hoggaanxumo. Tusaale ahaan, soogelitaankii gumaysiga iyo qaybqaybintii geyiga Soomaalida labadaba waxaa saldhig u ahaa hoosudhac ku yimid tayadii hoggaamiyayaasha Soomaalida. Sidoo kale, faqriga, gaajada, jahliga, inxiraafka caqiiddada, dagaallada micnadarrada ah, miyirgaddoonka bulshada, xaalufinta degaammada, qashinka lagu aasayo dhulka Soomaalida, heshiisyada sharcidarrada ah, musuqmaasuqa; dhammaan waxaa mas’uul ka ah dad aan u qalmin hoggaamin ummadeed, dad aan samayn karin hiraal qaran—dad aan mabaadi’ siyaasadeed lahayn oo gacanta loo geliyay masiirkii ummadda.

HOGGAAMIYAHA LOO HAMMUUN QABO PUNTLAND 2019
• Dadka badankiis waxa ay is weyddiinayaan, waa kuma hoggaamiyaha Puntland ka saari doona qabyaaladda, is nacaybka, xinka iyo xasadka? Waa kuma hoggaamiyaha u horseedi doona barwaaqada iyo baraaraha, kana xorayn doona dhacadiidka baararka iyo fadhikudirirka?
• Hoggaamiyaha loo hammuun qabo Puntland, waa hoggaamiye noocee ah?
Haddaba anigoo ka jawaabaya weyddiimahaas iyo guuxaas hoose ee bulshada reer Puntland isla dhex marayso, ayaa waxa aan ku tilmaamay hoggaamiyahaasi in uu yahay:
Hoggaamiye leh aqoon la xiriirta shaqadiisa hoggaamiyannimo (task-relevant knowledge). Puntland waxey u baahan tahay hoggaamiye og xaaladda dhabta ah ee ay ku sugan yihiin reer Puntland (situational leader), dareemi karana baahiyahooda iyo sida ay u kala horreeyaan—isla markaasna tixgeliya rabitaankooda. Hoggaamiyaha aan dooneynno, waa mid xambaarsan rejo; waa hoggaamiye ka duulaaya mabaadi’ siyaasadeed oo qotadheer, xambaarsanna farriin cad, isla markaasna raba in uu ka guul gaaro yool mug weyn.
Hoggaamiyaha aan doonaynno, waa in uu yahay mid leh karti iyo firfircooni uu kaga miradhaliyo qorshihiisa, kuna caanbaxay aaminnimo.
Ilaahay (SWT) wuxuu yiri: (Wuxuu ku yiri Nebigoodii: Eebbe wuxuu idiin ku soo bixiyey (idiin kaga dhigay) boqor Dhaaluut. Say dheheen: Sidee buu noogu noqon karaa boqor annagaaba uga xaq lehe—lamana siin xoolo badane. Wuxuu ku yiri: Ilaahay baa u doortay korkiinna (madaxweynihiinna), wuxuuna u kordhiyey waasacnimo cilmi iyo jismi [karti]). Al-baqra: 247.
Hoggaamiyaha aan doonaynno, waa hoggaamiye aan ku mashquulsanayn baahiyaha markaas taagan oo qura, balse waa mid leh hiraal fog iyo ujeeddo cad. Waxaan dooneynnaa, hoggaamiye fekerkiisa, go’aammadiisa, hadalkiisa, socdaalkiisa, iyo waxqabadkiisuba ka turjumayaan rabitaankeenna iyo baahiyaheenna. Waxaan u baahannay, hoggaamiye bulshadiisa u horseeda isbeddel togan (positive change).
Puntland, uma baahna aqoonyahan aan farriin xambaarsanayn. Uma baahna cornel/general dareenka bulshada uga faa’iidaysta kicin, dagaal hurin, iyo kala fogaynta bulshada walaallaha ah. Uma baahnin hoggaamiye muuqaalkiisa la arko maalinta doorashada (danayste). Uma baahnin hoggaamiye aqoontiisa iyo waaya’aragnimadiisu ku qotonto afkaar iyo aragtiyo ka arradan baahiyaha dhabta ah ee bulshada reer Puntland.
Isku soo wada duuboo, Puntland waxey u baahan tahay hoggaamiye ku tilmaaman:

• Dulqaad iyo adkaysi.
• Karti iyo awood waxqabad.
• Aqoon uu ku fahmo dhacdooyinka iyo geeddisocodka adduunyada.
• La tashi iyo talaqaadasho.
• Mabaadi’ siyaasadeed oo qotadheer.

MAXAA LAGA FILAYAA HOGGAAMIYAHA LOO HAMMUUN QABO PUNTLAND 2019.
1. Gaarsiinta dalka nidaamka hal qof iyo hal cod.
2. Kobcinta kaabayaasha dhaqaale iyo dhiirrigelinta maalgashiga dalka.
3. Hagidda iyo waliba maaraynta dhaqdhaqaaqa dhaqaale ee waddanka sida ugu wanaagsan.
4. La dagaallanka Musuqmaasuqa ragaadiyay bulshada nooc kasta uu yahay, si loo saxo fahanka khaldan ee bulshadu ka qaadatay dowladda iyo dowladnimadaba.
5. Dib u heshiisiin.
6. Dhisidda ciidammo tayo leh iyo adkaynta amniga.
7. Caddaalad iyo sinnaan.
8. Islaxisaabtan iyo hufnaan.
9. Hirgelinta sharciga iyo dowlad wanaagga.
10. Khayraadka dalka iyo fursadaha dowladda oo loo sinnaado, nooc kastaba ha noqdeene.

GUNAANAD:
Hoggaamiyihii loo hammuun qabayoow: Puntland waxey u diyaarsan tahay hoggaamintaada. Wakhtigu wuu dheeryahay, baahiduna way badan tahay; bulshaduna way hammuun qabtaa. Hoggaamiye: Waxa aan kaa sugaynno ka weyn ballanqaad aan afka dhaafsiisanayn, go’aammo aan fulin lahayn, dhaar aan dareen mas’uuliyadeed wadan, shirar badan oo aan miradhalayn lahayn, iyo khudbado ku dhisan qiiro iyo beerlaxawsi kuwaasoo isugu biyo shubta markii lagu doorto “ballankii shalay waan ka baa baxay”.

Reer Puntland waa:
“Dad saaran hal doon, rabana inay wabi weyn ka gudbaan /tallaabaan; waxaana khasab ah in ay doortaan naakhuude /dareewal ay ku kalsoon yihiin, isaguna daacad u ah, sifiicanna u yaqaanna wadidda iyo hagidda doonta, garasho dheerna u leh siday dadku wabiga uga tallaabi lahaayeen iyagoo nabad ah.”
Ugu danbayn, waxaan aaminsanahay midnimo Soomaaliyeed ayaa xooggii, dadnimadii, qabkii, iyo qarannimadii inooku soo laaban karaan. Waxaan aaminsanahay maammulgobolleedyada waddankeenna ka hirgalay oo duruuftu asaastay inay soo celin karaan rajadii qarannimadeennii duntay, waa haddii danta guud laga hormariyo tan gaarka ah, isla markaasna la helo hoggaamiyayaal nagu hoggaamiya hufnaan, xilkasnimo, iyo Alle kacabsi , kuwaasoo aan qayb ka ahayn burburkii qarannimadeena.
Ugu danbayntii, waxaan qormadayda ku soo afmeerayaa gabay uu tiriyey Abwaan Axmed Qorane, oo ah shakhsi mar walba u taagan baraarujinta bulshada, una tilmaama dowga iyo tubta toosan:
• Dadka lagama quustee mar bay wax iska doorshaane
• Bal inuu qalbigu soo debcoo dib uga waantoobo
• Duco iyo dedaal bay rabtaa daacad loo yahaye
• Ergo lagama daaliyo waxaad daw u leedahaye.

F.G.: Qoraalkakani ma ahan qoraal aan ku taageerayo musharrax gaar ah, balse waa qoraal aan ku tilmaamayo hoggaamiyaha ay u baahan tahay Puntland 2019. Si kale na haddaan u dhaho: kii ku habboonaan lahaa in uu noqdo Madaxweynaha Puntland 2019.
_______________________
Qalinkii: Aadam Salaad Maxamuud – Badiic
Ademsalad@gmail.com

|Doorashada #Puntland |2019

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here