Gorfaynta buugga: Sicirbararka Fatwada (2) – Cabdiqani Cabdillaahi Aadan

Cabdiqani Cabdillaahi Aadan

Qaybta labaad: gorfaynta mawduuca buugga

Mawduuca buuggu ku wareegayaa waa fatwada wadaaddadu soo saaraan ee aan jihada lahayn, aqoon iyo xikmad na ku fadhiyin inteeda badan, taasi oo waxwalba la galiyay illaa qofkii muslinka ahaa dhan walba oo uu is yidhaahdo eeg ba fatwo la ga ga soo ooday; dhan kale na, fatwadaas oo aan xalaalayn iyo xaaraantinnimayn wax ka dhexeeya ba lahayn, lana dhigay boos aan la ga hadli karin, la naqdin karin oo aan wax la iska wayddiin karin – derejo lamataabtaannimo.

In waxkasta oo wadaaddadu yidhaahdaan ama qoraan ba la ga dhigo wax aan loo dhawaan Karin oo la gu qasban yahay, waxa keenaysa derejada wadaaddadu is gaadhsiiyeen ee wakiillo Alle. Qof Alle ka wakiil ah, waxa uu sidaa waa wixii uu Alle u ga wakiil ahaa oo waa in loo hoggaansamaa baa ay noqonaysaa. Waxa ay dejisteen qaaciidooyin marka la ga yimaaddo derejooyinka ay is dhigeen, tusaale ahaan, waxa caan baxday odhaahda tidhaahda “hilibka culimadu wuu sumaysan yahay,” taasi oo la gu baqogalinayo ruux kasta oo damacsan in uu wadaad wax ku soo celiyo. Dugsiyada Quraanka ka soo bilow, macaahidda diinta iyo illaa jaamacadaha culimadu haysata ba, ardayda dhigata waa la ga tallaalay waxa su’aasha la yidhaahdo iyo in uu khilaafi karo wax sheekhu yidhaahdo ama ba hadal sheekhu yidhaahdo uu naqdi ku samayn karo.

Isugaynta derejada wadaaddadu is dhigeen iyo sida ay ummadda u ga dhaadhiciyeen in hilbahoodu sumaysan yihiin oo ay wax af ka weyn tahay in wax la gu soo celiyaa, waxa ay sababtay in waxkasta ba markaa ay ka soo saaraan fatwo, fatwadaasi mid wax baahi loo qabo ku aaddan ha noqoto, mid dan cid gaar ah loo gu adeegayo ha ahaato, mid caqliga ummadda cay ku ah ha noqoto, mid danahooda ay ku ilaashanayaan wadaaddadu ha noqoto, waxkasta oo ay noqota ba, waxa ay noqdeen wadaaddadu kuwo aan diinta Alle iyo ummaddiisa toona ka xishoon, marar badan iyo intooda badan toona.

Wadaadku waa ibnu aadan, ibnu aadanka na gef lagama waayi karo, “Ibnu aadan kastaa waa gefaa, kuwa gefa na waxa u gu khayr badan inta ka soo laabata ee ka toobadkeenta,” waa xadiis nabiga la ga soo weriyo[[1]]. Wadaaddadu sida ay iyagu I su arkaan marka la ga yimaaddo kama baxsana ibnu aadanka oo sida ay u gefayaan dadka kale, wax u xadi karaan, u sinaysan karaan, been u sheegi karaan, loo laaluushi karo, loo iibsan karo, baa ay kala mid yihiin.

Ilaa dhaaxo, ka soo bilow sannadihii u gu horreeyay ee dhimashadii nabiga, si aad ah baa ay marba marka ka danbaysay isu soo tarayeen ku danayshada diinta iyo fataawooyinka iyo xadiisyada nabiga loo tiiriyo ee beenabuurka ah ee sida daadka u soo rogmanayaa. Wadaaddadu waxa ay noqdeen hubka dawladuhu isu adeegsadaan, dadkooda na u adeegsadaan, ganacsatadu adeegsato, dan kasta oo la lee yahay, adeegsiga wadaadku kama maqnayn muslimiinta dhexdooda; dabcan, wadaaddadu na rasaasta keli ah ee ay ridaan waa fatwada.

Haddii uu gefo iyo haddii aanu gefin ba wadaadku waa wadaad. Waxa sooyaalka muslimiinta ku taxan, sida buuggu na ka hadlayo, in hal wadaad laba fatwo oo kala duwan oo isku liddi ah soo saaro, dabadeed na, la yidhaahdo markan iyo markii hore ba waa wuu saxan yahay oo ajar buu u xaadirayaa. Tani waa ceeb iyo foolxumo weyn oo kuu caddaynaysa uun sida wadaaddadu magefayaal nafahooda u gu arkaan isu gu na sharraxeen derejada malaa’igta. Waa marka se cudurkaasi yahay, sida ay badankoodu u adeegsadaan ee ay isku ilaalinayaan, sida wadaadka caanka ah ee Maxamed Cabdi Umal gaalaysiintii uu gaalaysiiyay xukuumadihii Cabdillaahi uu u gu dafiray dalka Zambia 2015kii. Waxa uu naftii na kala weynnaaday wadaadku in ay gefi karto oo uu yidhaahdo “markaas waan gefsanaa.”

Marka ay wadaaddadu u dhurteen dhinaca danta shakhsiga ah, waxa meesha ka baxday gebi ahaan ba, kaalintii aqoonayahanka diinta ee muslimiinta dhaxdooda. Marka aad ka timaaddo fatwooyinka danaha ganacsi ku fadhiya ama tu siyaasadeed ku fadhiya, xataa wadaaddadu fataawooyinkooda caamka ah, sida nuxurka buuggu ina tusayo, waa kuwo ka leexday waaqica iyo danaha ummadda iyo diinta. Waa fataawooyin ka badhan aqoon, xikmad iyo xilkasnimo diineed. Waxaa na ay noqdeen culimadu kuwo ku fashilma jihayn feker ee muslimiinta.

Si kasta oo loo kulayliyo hadalka wadaaddada ku waajahan, hadda na, ka Cabdiqani ahaan ma qabo in aanay jirin culimo dhawrsan iyaga iyo waxa ay qoraan ama fatwoodaan ba oo xilkasnimo, xikmad iyo aqoon ba ku duugan yihiin.

Isku wada xooriyoo si guud marka loo eego, mawduuca buuggu si wanaagsan oo kooban buu u ga hadlay oo tusaalayaal cadcad na wadata. Hayeeshe e, buuggu kama ilaashana gef. Waxa buugga ku jira gefaf kooban, laakiin miisaan ahaan weyn oo aynnu cutubyada dhexdooda ku gorfayn doonno. Gefafkaasi kuwo aqoondarro dhanka mawduuca ah waan u sababayn karaa, mana odhan karo kuwo loo badheedhay ma jiraan. Afar cutub baa uu buuggu u kala qaybsan yahay oo cutub waliba wax mawduuca ka mid ah uu ka hadlayo.

Cutubka koowaad:

Cutubkan waxa uu buuggu ka hadlayaa, u gu horraynba, qeexitaanka ereyga fatwo kolka la joogo dhanka afka (afka carabiga) iyo dhanka ereybixinta diineed. Si baxsan buu u qeexayaa in fatwadu af ahaan la odhan karo, waxa ay la micne tahay “caddayn” iyo “aqoonkordhin”; marka ereybixinta diineed joogta na, la yidhaahdo “dadka oo loo ga warramo xukunka sharciga Eebbe iyada oo la keenayo caddayn diineed.”

Marka uu buuggu qeexitaanka ereyga fatwo ka soo gudbo, waxa uu ku xejinayaa shuruudaha u yaalla qofka arrin diineed ka fatwoonaya.  Si badheedh ah, aqoondarro weyni na ka muuqato buu buuggu u ga hadlayaa shuruudahaas. Waxa si cad loo ga arkayaa aragtida buugga oo ah in qof waliba ka fatwoon karo arrimaha diinta, dhammaan shuruudaha u yaallaa na yihiin “xadhko xeeladaysan[[2]]” waxa uu buuggu u gu yeedhay oo loo dejistay si kooto loo gu xidho fatwada[[3]], loo gu na jabsado maalka iyo maskaxda dadka! [[4]] Waxa uu buuggu odhanayaa isaga oo shuruudaha fatwada ka hadlaya:”{…} wadaaddo badani waxa ay aad u gu dadaaleen sidii ay u dejin lahaayeen shuruudo iyo xayndaab aan dhayal loo ga gudbi Karin, si ay u hubiyaan in awoodda fatwadu u damaanadqaadanto. Waxa buugaag badan la ga curiyay, oo hawl iyo hoo badan la geliyay, sidii dadka loo ga dhaadhacsiin lahaa in cid gaar ahi fatwoon karto  [[5]]” Waxa uu hadda na, mar kale odhanayaa :” {…} si ay u maleegaan xadhko xeeladaysan oo ay kooto u gashadaan awoodda fatwada, ayaa ay wadaaddada loo ga bartay fatwadu taxaan shuruudo loo ga baahan yahay qofka fatwoonaya. Markaas baa la arkay wadaaddo ka fatwoonaya cidda fatwoon karta. [[6]]

Intaa ka dib buuggu waxa uu soo guurinayaa afarta mad’hab (Xanafiga, Maalikiga, Xanbaliga iyo Shaaficiga) iyo shuruudaha ay u dhigeen qofka fatwoonaya oo ay u gu horreeyaan inuu yahay qof aqoon badan u leh diinta, oo fatwadiisa ku fadhiisinaya kitaabka Ilaahay iyo sunnada nabiga, qof aan khilaafayn wixii ay ku ijmaacaan culimadu, qaangaadh yahay, qof dhawrsoon yahay, iwm[[7]].

Caqliga, aqoonta iyo waxyigu ba[[8]], waxa ay ina farayaan in qof waliba wixii uu aqoon u lee yahay ka hadlo, waxaasi wixii ay doonaan ba ha noqdeen ama ahaadeen bee. Haddii ay diin tahay qofka ka hadlayaa waa in uu noqdaa qof aqoonteedii leh sida aqoon kasta ba ruuxa ka hadlayaa ay tahay in uu yahay mid aqoon u leh waxa uu ka hadlayo. Sida uu buuggu qoray ba, haddii in aqoon loo yeesho diinta, fatwada la gu fadhiisiyo kitaabka Ilaahay iyo sunnada nabiga shuruudaha ay ka midka yihiin uu u arko xeeladaysan, saw shaki la’aan noqon mayso in buuggu qabo in diintu tahay aqoon cid kastaa ba ka hadli karo (mid aqoon u leh iyo mid aan u lahayn ba)?

Shuruudaha fatwada u yaallaa waa shuruudo ay waajib tahay in qofkii fatwoonayaa ee doonaya in arriimaha diinta in uu ka hadlaaba uu buuxiyo, haddii ay tahay in uu aqoon u yeesho diinta, fatwadiisa kitaabka iyo sunnaha ku fadhiisiyo iyo shuruudaha kale ee la midka ah ba, waxa wayddiinta mudanka lihi odhanaysaa: haddii shuruudahani yihiin kuwo cid gaar ahi dejisatay si ay kooto u gu xidhato fatwada, waa ayo ciddaa gaarka ahi? Yaa se kooto la ga ga xidhay fatwada oo loo diiday in ay fatwoon karto?

Ma jirto meel kutubta diinta ay ka ga qoran tahay in cid gaar ahi fatwada xaq u lee dahay oo ay kooto u gu xidhan tahay, cido kale na aanay fatwada xaq u lahayn, haddii taasi jiri lahayd na, waxa la arki lahaa koox ka mid ah kooxaha muslimiinta oo keligeed sheegata in ay fatwoon karto; waxa se, laakiin, buugaagtaa ku qoran shuruudo cid kasta oo buuxisaa ay fatwoon karto oo ay xaq u lee dahay. Waxa keliyaata ee shuruudahaasi aanay u oggolayn in ay fatwoon karaani waa qofkasta oo aan diinta aqoon u lahayn, qaandhaagin iwm. Loo ma shardiyo cidda fatwoon karta, xataa, ragannimo ama dumarnimo oo jinsi uma xidhna; qof xor ah iyo mid addoon ah mid na uma xidhna sidoo kale[[9]] .

Buuggu isaga ayaa shuruudaha fatwada duuduub u qiray isaga oo aan kala qaadin, Bilowga cinwaanka uu u bixiyay “Shuruudaha Fatwada: xadhko xeeladaysan”, waxa uu buuggu odhanayaa:”Fatwadu waa caddayn. Waxa wax caddayn kara cid kasta oo caddayntaa haysa. Waxaa na wax sheegi kart acid kasta oo waxsheegga haysa. Ciddaasi jinsi gaar ah, da’a gaar ah iyo muuqaal gaar ah midna ma laha\ma aha inay yeelato.” Aynnu is wayddiino haddii ba buuggu qiray in cid kasta oo wax caddayn karta ama waxsheeggii haysaa tahay cida fatwoon karta, maxaa ay noqon karaan caddayntaasi iyo waxsheeggaasi, haddii aanay ahayn aqoon uu qofkaasi u lee yahay waxa uu sheegayo ama caddaynayo iyo in uu yahay qof jooga xilligeedii oo buuxiyay shuruudihii loo ga baahnaa? Haddii caddaynhaynta iyo waxsheeg-garashadu aanay intaa ahayn, muxuu u yaqaannaa? Muxuu se u caddayn waayay?

Dhammaadka qaybtan cutubka koowaad ka tirsan ee buuggu shuruudaha fatwada ka ga hadlayo, waxa buuggu odhanayaa “{..} waxa se yaabku ka si joogaa, marka ay wadaaddadu ku soo daraan shuruudaha in muftigu arag la’aan karo, balse aanu dhego la’aan karin[[10]].” Dabedeed waxa uu buuggu ku sheegayaa in Ibnu Baaz oo ahaa muftigii Sucuudiga oo indho la’aa  ahaa ka fatwada soo saaray, taasi oo uu ku tolanayay shaadh leeg[[11]]! Subxaanallaah.

Marka u gu horraysa fatwadan soo baxday Sept/18/199kii ee mareegta Islamweb ku qoran, ma odhanayso qofka dhegaha la’ ma fatwoon karo e, waxa ay odhanaysaa haddii uu qoraalku suurtagal u yahay oo uu qori karo wuu fatwoon karaa, laakiin buuggu fatwada wuxuu ka soo goostay laynka hore oo keliya[[12]]. Marka labaad na, fatwadani waxa ay soo baxday 18kii bishii sept ee 1999kii, Ibnu Baa zoo uu buuggu ku durayo in uu shaadh leeg toshay oo fatwadan soo saaray na, waxa uu dhintay bishii May, 13keedii ee 1999kii. Waa saddex bilood ka hor marka ay fatwadani soo baxayso. Iswayddii bal, waa maxay sababta buuggu qof dhintay oo aan xilliga fatwadu soo baxayso noolayn uu u gu nabayo fatwada in uu soo saaray? Marka saddexaad na, fatwadan may soo saarin haayaddii Ibnu Baaz muftiga ka ahaa, degelka soo saaray waxa uu hoostagaa wasaaradda Awqaafta ee dalka Qadar oo la ga lee yahay mareegta islamweb[[13]].

La soco…..

Cabdiqani Cabdillaahi Aadan

Email:ccaaden@gmail.com

Kampala, Uganda.
—————————————————–

[[1]] Waxa soo saaray Ibnu Abii Shaybah 12/187, Axmed 3/198, Tirmidi 2499, Ibnu Maajah 4252, xaakim 4/272.

[[2]] Akhri bogga 36aad ee buugga.

[[3]] Akhri bogga 35aad ee buugga.

[[4]] Akhri bogga 35aad ee buugga.

[[5]] Buugga, bogga 35aad.

[[6]] Buugga, bogga 36aad.

[[7]] Buugga, bogga 37aad-38aad.

[[8]] (فاسألوا أهل الدكر ان كنتم لا تعلمون)

[[9]] Sharxu Almuntahaa 3/457, Iclaamu Almuwaqiciin 4/220, Xaashiyatu Ibnu Caabidayn 4/302, Almajmuuc Alfataawaa Ibnu Taymiya 1/75.

[[10]] Akhri bogga 39aad.

[[11]] Akhri bogga 39aad.

[[12]] Waxa aad eegtaa bogga Islamweb:”شروط المفتي” la faafiyay sept 18, 1999.

[[13]] http://fatwa.islamweb.net/fatwa/index.php?page=aboutfatwa

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here