Muqdishooy, ku mee? – Jimcaale Jaamac ‘Sharcidoon’

Sharcidoon

Awoowo Jibbaar, ayaa inta uu fadhiistay jardiimo yar oo ka soo horjeedda guri la moodo dargad waahore la ga qaxay oo madfac xiimaya la liqsiiyey, biibitooyin yar yar na dhanka bari ka soo eegayaan, gacmaha kor u taagay oo yidhi, “Ilaahow nabad ha ka dhigin Muqdisho, sow haddii kale i ga go’i mayso lacagtan faraha badan ee aan ka qaato dowladahan faraha badan ee aan xilalka faraha badan u hayo. Ilaahow nabad ha ka dhigin Muqdisho, sow ciidankayga Kiiniyaanka, Burundiga, Ugaandhiiska, Jabuutiyaanka iyo Itoobiyaanka ah i ga gaajoon maayaan, xaggeen u ga keenaa gasiin?. Ilaahow nabad ha ka dhigin Muqdisho, sow mashruuca malaayiinka dollar ku kacaya ee la gu nafaqaynayo carruurta ay abaartu saamaysay i ga go’imayso. Ilaahow nabad ha ka dhigin, iyagaa doortay in ay is cunaan anna aan cuno. Masha Allah!. Ilaahow nabad ha ka dhigin Muqdisho, sow haddii kale ubadkayga aan yurub ku geeyey waddanka aan xilka ka hayo waa bilaa ammaan ee caruurta ii kaxeeya, aniguna aan halkan ku dhinto, la soo celin maayo. Ilaahow nabad ha ka dhigin, illeen ka mashruuca fulinaya iyo ka lagu fulinayaaba sow Soomaali ma aha?. Haa. Ilaahow nabad ha ka dhigin Muqdisho. Ilaahow waad ogayd markii Mashruucii Itixaadku dhammaaday wuxuu is-ku-beddelay mashruuc cusub oo la magac baxay “Maxaakiimta Islaamiga ah”, kaasina markii uu dhammaaday, wuxuu is-ku-rogay mashruuc qaali ah oo la magac baxay “Alshabaab”. Maanta kaasi waa gabegabo, waxa aannu doonaynaa in aannu soo qaadano mashruuc waligii soconaya ee Ilaahow nabad ha ka dhigin inta aannu mashruucaas soo saxeexayno.
Haddii ay muqdisho nabad noqoto sow ganacsigayga shan iyo labaatanka sanno socday cashuur qudhun ah la wayddiin maayo. Haa, waa la gu wayddiinayaa. Illaahow nabad ha ka dhigin Muqdisho!. Waayo?. Sidan ayaa aniga iyo shacabka u dan ah, waxa ay helayaan cuntooyin iyo dawooyin bilaa cashuur ah, taasina waxa ay sababaysaa in lacag raqiis ah laga siiyo maadaama markii hore aan la soo cashuurin badeecadahaas. Ilaahow nabad ha ka dhigin Muqdisho!.

Haddii magacaygu Jibbaar yahay, sow ma yihi ninka kaliyaata ee dadkii Soomaaliyeed dhaxalsiiyey dhimasho aan la tiro koobi Karin?. Haa. Maxay kale?. dhaawac xanuun badan iyo barakac baahsan oo kallifay in dadkii xididka iyo xigaalka isu ahaa u kala qaxaan dacallada dunida. Shacabka intii qalbigoodu soojeedday ee u dhug lahaa dhaqankaaga wuxuushta ah sow hurdo macaan iyo deggananaan nafsiyadeed ma kala tagin?. Sow waxa dhacaya la ma socdaan?. Maxaa iiga gidhiisha, waxa dhacaya ee ay la socdaan?. Sow waligay ba dantayda ma raacan jirin?. Haa!. Fariid farxalan.
Ayeeyo Cudbi oo salli ku fadhida, tusbax dheerna labo rogaysa ayaa maqashay habaarkan uu daldalayo Jibbaar, inta ay kor u hiqatay ayey tidhi , “Ilaahow ha ka aqbalin ducadaas, dhiig bini’aadam ayuu ku wayddiisanayaa. Ilaahow adiga ayaa og Soomaalidu siday soo ahaan jirtay!, sida ay haddda tahay!, sida ay ahaan doonto!, sida ay ahaan lahayd haddii aanay ahaan lahayn sida ay tahay!, ee maatidaas ku dhex-dhimanaysa mashruucyadaas kala geddisan u gargaar. Ilaahow, siyaasi xumaha xayndaab nagaga xayir. Ilaahow, ganacsadaha dhiig-miiradka ah dhufayska u gal oo dhiigga iyo dheecaanka shacabka ka badbaadi. Ilaahow wadaad-xumaha wiswiska ah ee ku shaqaysanaysa diintaada, ku ololi khamiiska cad iyo cumaamad-carbeedka uu ku jeeniqaaran yahay. Ilaahow adiga oo kaliyaata ayaannu ku beryaynaa. Haa, adiga oo kaliyaata ayaannu ku tuugaynaa. Bes!.

“Ee na ga aamus!”, ayuu Jibbaar ku yidhi Cudbi oo hadal daldalaysa. “Afkayga miyaad i la lee dahay, waxa aan doono ayaan ku hadlayaa kaadi-nijaasyahow dhakada wayn leh”, inta ay ku tidhi ayey hadalkeedii is ka sii wadatay : Waa rogmad iyo rafaad la doonayo in ay galaan ummaddeenu, qolo dhiigmiirato ah ayaa u shaqo yimid dalkeenna iyo dadkeennaba. Siyaasi-xume,wadaad-xume iyo ganacasade dhiig-mirad ah, ayaa u heshiiyey. Ma jiraa qof ka hadli kara arintaas? Waa maya!. Ma jiraa qof yaqaan tirada dadka ay gacantooda ku dileen?.Waa maya!. Ma jirtaa cid ka hadashay dadka dhibkan la ma illaawanka ah geysanaya?. Waa maya!. Yaa la ga sugayaa inay la xisaabtamaan dadkan? Mise waynnu is illowsiinaa sidii ay kuwii hore ba isku illowsiiyeen?. Waxaad is weyddiisanaysaa maxay dadkani u sameeyaan ficilladan wuxuush ta ah? Sababta waa ay fududahay: waxa ay og-yihiin in wax walba oo ay sameeyaan aan xisaab ka dambeysaa jirin Inta ay adduunka guudkiisa joogaan. Waxa aad is wayddiinaysaa maxay shacabku u gu dhiidhiyi waayeen gumaadkan iyo halaagan la gu hayo?. Sababtu waa ay fududahay : waxa ay noqdeen dad qaayiba dulmiga iyo dugaagnimada.

“Islaantan yar bal eega, iska seexo hadal kari maysidee”, ayuu Jibbaar mar labaad ku hiifay ayeeyo Cudbi. Inta ay tusbixii dheeraa barkimada hoos galisay, ayey ku tidhi, “Inta aan xumaantiina arkayo aamus i ga dheer”. “ Islaantan yar, yaa naga qabta”?. “Carkee, wallaahi in aan malaas kula dhici, waan hadlayaa”. Oo maxaad ku hadli?”. Muqdisho waa magaalo ay ka buuxaan bahalo iyo boholo aan wehel lahayn oo baabi’iyey sharcigii iyo qaynuunkii ka dabri lahaa dhiigga iyo dheecaanka qofka. Niyadjab xun, welwel iyo walbahaar ayaa laga qaaday dowladnimadii ummadda badan la gu taamayey ee la is lahaa mar uun bay ka dhalan Muqdisho. Shacabkii uu kala qobqobmay, reer kastaaba isaga ayaa is ku madaxwayne ah. Imisa dagaal sokeeye iyo dirir qabiil dhacay?. Ma waxaan dowlad la’aan iyo nidaamxumo ahayn ayaa sababtay?. Meeday dowladnimadan hadh iyo habeen lagu qaylinayo jiritaankeeda?. Sow ta xafiiska madaxweynaha soo dhaafi la’ ?. Meesha dowladda la yidhaahdo miyey kala jiraan dadnimo iyo dugaagnnimmo. Xaaran iyo xalaal. Dhac iyo dhaqasho. Dulmi iyo daacadnimmo. Fadhiidnimo iyo waxqabad. Maxaa ka galay waxa jira? Waa taa dadkii oo dhan sidii waylo dhooqa gashay dhan walba u walaaqeen dawladnimadii. Waa taa qiimo la yeelan wayday nolosha bini’aadamka ee qudha lagaaga jarayo sabab la’aan. Waa taa aan la kala jeclayn dowladnimo iyo dowlad la’aan. Waa taa loo soo hirdamayo sidii looga dhigi lahaa goobo la gu socodsiiyo hubka. Hoggaan iyo shacab ba, ma cid baa dan ka leh?. Dan maxaya?. Mid kastaaba sow kuma fooggana dantiisa yar ee xuubka caarada ka qiimo jaban. Maxaa meesha maati ku madhanaysa?. Kuwa dalka khalkhalinaya ee dhaqanka saqajaannimada leh, sow xaasaskooda iyo ubadkooda umay daad-gurayn dalalka qalaad?.Haa, way u dhoofiyeen. Ma nacas yaa marka ay dadkooda ku eegayaan magaaladan ololaysa ee hoogga iyo halaaggu ka socdo?. Rag i ga dheh. Dambigiina Alle ma dhaafo oo meel baas ka dhaca. Waar sida islaamaha ha habaartamin. Maxaannu u habaartami waynay, waxani miyaanay dambi ahayn?. Dambi maxaya?. Yaa dambi dan ka leh?. Mid kastaaba waxaas dhacaya dambi kuma lihid ayuu is lee yahay, oo qof suubban oo wanaagsan ayuu is ku qancinayaa. Hoggaanku wax kasta oo xumaan ah oo ka dhasha hoggaamintiisa, dambigeeda uu lee yahay. Shacabkuna in ay raalli ka noqdaan dulmigaas ayey dambi ku lee yihiin.

Dowladda diciifka ah ee Muqdisho ka jirta. Caddaalad darrada iyo sinaan la’aanta dadka iyo dalka u baahday. Rejaxumada da’yarta haysata. Qaraxyada is daba jooga ah. Dhiigga bini’aadamka ah ee la gu qubaysanayo. Kufsi-wadareedada hadh beelay. Haybsooca xanuunka badan. Saboolnimada cimriga dheeraatay. Cudurada nafsiga ah ee tirada beelay iyo boqolaalka balaayo ee dhulkeenna susumaya, waxa sabab u ah siyaasi xume, wadaad-xume, ganacsade dhiig-miirad ah iyo shacabka huursan ee qaayibay dulmigaas ay wadaan dugaagga diirka bini’aadamka leh. Haa, way la qabsadeen. Maxay u ga dhiidhiyi waayeen?.
“Naa, moojiye tasbiixdaada iyo tigrigaaga is ka wado”, inta uu awoowo Jibbaar ku yidhi ayeeyo Cudbi oo sidii u daldalmaysa, yuus na ku dartay, ayuu orod isa siidaayey oo dhankaa iyo waqooyi afka saaray. Cabbaar ayaa sii lugaynaye. Maqaaxida ay haysato Faadumo-gaabo ayuu hor istaagay, dhanka bari ayuu waddada u ga tagay, suryo gaaban ayuu ka dusay, dhanka beri ayuu u leexday, biibitooyin yar yar ayuu dhex jibaaxay, illaa hadda magaalada Muqdisho ayuu ku dhex jiraa.
“Kun nin aan dab hurin Karin, maxaa duul ka wada beeray”
“Maxaa dug iyo beer idinka dhigay, dux iyo jiir waayey”
“Hohey nimaan ku diirsado, maxaa duge idiin diiday”.

Aw Muuse Ismaaciil.

W/Q. Jimcaale Jaamac Mux’ed (Sharcidoon).

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here