Taariikhda Heesta Soomaalida – Fadli Bashiir Diiriye

Fadli Bashiir

Xogta buuggan [Jiib iyo Jaan] ku kaydsan inteeda ugu badani waa ciyaaro-dhaqameedyo jiib iyo jaan leh. Ciyaarahaas jiibta iyo jaanta leh si loo ciyaaro waxaa lagamamaarmaan noqonaysa in la helo wax ciyaarta bila, qurxiya oo dadka illowsiiya daalka. Waxyaalo badan ayaa loo adeegsan jiray in daalka la isku illowsiiyo oo ciyaarta lagu bilo, balse waxaa ugu xoogganaa heesta.
Marka la ciyaarayo, heestu ujeedda ahaan, waxa ay qaban jirtay laba shay: waa marka koowaad e, waxa ay qaabayn jirtay hab-u-socodka ciyaarta, oo heesta, durbaanka, sacabka iyo jaanta oo la isla helo ayaa ay qayb weyn ka qaadan jirtay. Jeer kalena, waxa ay ahayd qalabka ugu xooggan ee ay dadku isku illowsiin jireen daalka. Labadaas arrimood oo qura looma adeegsan jirin, balse waa ay ugu xoogganaayeen. Haddaba haddii aynnu ciyaar ka hadlaynno waxaa lagamamaarmaan ah in aynnu heesta wax ka yara niraahno; wax aan badnayn.
Inta la hayo taariikhda, heestu ma ahayn qaab ka mid ah qaababkii ay raggii hore u maansoon jireen. Hal’abuurradii hore waxa ay doorbidi jireen gabayga iyo geeraarka. Laakiin taas macnaheedu ma ahan in aan hab kale oo loo maansoodaa jiri jirin. Wuu jiray oo heesta ayaa lagu curin jiray erayo aad u qurux badan, waxaana adeegsigeeda ku badnaa hal-abuurradii racii labaad.
Heestu waa ay ka fududdahay oo ka hawl yar tahay gabayga iyo geeraarka, samayn ahaan. Waxaana la oran karaa waataas sababta keentay in aan raggii hore aad u adeegsan jirin, waayo, raggaasi waxa ay isugu faani jireen oo sharaf ahayd ninba ninka uu ka gabay dheer yahay, macna ahaanna gabaygiisu ka adag yahay. Maadaama heestu ka kooban tahay gabayga, oo ahaa nooca maanso ee raggii hore inta ugu badan ay adeegsan jireen, ayna isku xujayn jireen qofku in uu xifdiyo gabay dheer oo hal mar loo tiriyay, waa halkii Sayidku ka lahaaye: “Xuseenoow ninkii laab leh baan luminin weedhay e”. Heesta iyada si sahal aha ayaa loo xifdin karaa.
Raggaas hore qudhooda lama wada oran karo ma heesi jirin. Xaashaa. Way heesi jireen balse aad ayaa ay ugu yarayd. Marka gabay la soo qaado waxaa qof walba oo Soomaali ah maskaxdiisa ku soo dhacaya rag ay ka mid yihiin: Sayid Maxamed, Qamaan Bulxan, Salaan Carrabay, Cali-dhuux Aadan iyo raggii la ayniga ahaa, dhammidood Alle ha u naxariistee. Sayidka oo raggaas ugu sii foolaadsanaa diiwaankiisa hal hees ayaa laga helay, heestaasna waliba munaasibad ayaa keentay, sida Idaajaa wariyo.
Waxaa la yiri Sayidka oo Alle ha u naxariistee aqalkiisa ku jira qur’aanna akhrisanaya ayaa maqlay hal cabaadaysa, isagoo kitaabkii gacanta ku haysta ayaa uu soo baxay, markaas buu yiri “war hasha maxaa ku dhacay?”. Waxaa loo sheegay in hasha la rabo in la qalo, lana dabrayo. Waxaa loo raaciyay sababta, oo ahayd in nin daraawiishta ka mid ah oo ooridiisii ummushay, wax uu siiyana waayay, sidaasna hasha loo qalayo. Sayidku arrintaas waa uu ka carooday, waxa uuna yiri ha la iigu yeero ninka. Kolkii uu wayddiiyay waxa uu hasha u qalayo na, waxa uu ku jawaabay sidii raggii hore wax ugu sheegeen. Sayidka oo xerta daraawiishta aad u ilaashan jiray ayaa ninkii xoolo siiyay hashiina sii daa ku yiri.
Markaas ka hor inta uu Sayidku aqalka ku jiray ayuu maqlayay dumar kabdo samaynaya oo hees kabdeed qaadaya, deedna luuqdii dumarka ayaa uu la raacay. Markaas ayaa uu yiri:
Guulloow Eebbahayoow
Geel nimaan dhaqin
Faciis gacanta haw galin.

Ari gun baa dhaqatoo
Garo naf laga waa
Hadduu saban gadiidsado
Gooha reen badaneey
Goor xun dananaay
Hal baan abid gabloolayn
Guri bilaay gaari la moodyeey
Illayn waa gob xoolaad
Luqun gardhaaleey gucuri wayneey
Karuur ku ruguncaaleey
Kuguc maroorleey good qabiilooy
Ninkii gawracaa ba’ay.
Heestu wakhtigaas waxa ay ku iman jirtay qaabab dhawr ah. Qaababkaas waxaa ka mid ahaa, in ay hawl ku timaaddo, oo kolkaas loogu yeero hees-hawleed. Waxaa iyana dhici jirtay in ay ciyaar ku curato, oo iyadana hees-ciyaareed ayaa loogu wanqalaa. Haddii aynnu damacno in aynnu mid walba tusaalaynno, waan karnaa. Aynnu ku horraynno hees-hawleedda.
Sideedaba Soomaalidii miyiga ku dhaqnayd waa ay kala lahayd hawsha, oo wiilka kurayga ah, inanta gashaantida ah, odayga reerka iyo hooyadu, mid walbaaba shaqa u goonniya ayaa uu lahaa. Si guud dumarku hawl bay lahaayeen u goonniya, ragguna sidoo kale. Wixii geel la xidhiidha ragga ayaa ku hawllanaa; lisiddiisa, ilaalintiisa, dhicintiisa, daawayntiisa iyo waraabintiisa. Wixii kabo la xidho jiray ragga ayaa toli jiray, oo ka toli jiray saamo. Sidoo kale wixii geed laga qoro ragga ayaa qori jiray, oo quddaha, fandhaalka, saqafta iyo doobiga; xeedhada, iyo koorta geela lagu xidho, intaas ba samayntooda ragga ayaa ku shuqul lahaa. Meesiga ariga la yiraahdo dumarka ayaa u badnaa, oo inta badan ka shaqayn jiray. Dhismaha hoyga oo ahaa culuum inteeda le’eg isaga na dumarka ayaa ku hawlanaa, barbaarinta iyo tarbiyaynta carruurta siiba gabdhaha iyana waxa ay ahayd shaqa hooyo. Gaawaha iyo gorofka geela lagu maalo, qarbid iyo sibraar biya qabow; kodho iyo dhiil caano lagu lulo, intaana hablaha ayaa samayn jiray.
Howlaha sidaas u badan kolka la qabanayo ayaa hees howleedda la adeegsan jiray. Sababtuna waxa ay ahayd in uu qofku ku madadaasho oo howsha hortaalla culayskeeda isku dhaafiyo. Sidaas ayey hees-howleeddu ugu curataa howl markaas gacanta lagu hayo.
Hees-hawleedda malaha waxaa ugu badan, uguna xikmad badnaa, heesaha geela loo tiriyo. Taas waxaa lagu sababayn karaa: soomaalidii xilligaas oo geela iyo aftahammadu boos weyn ka joogeen. Jeerka labadaasi kulmaanna waa maangal in ay soo baxaan wax aad u qurux badan. Xilliyada kale ee hees-hawleedda la curiyo ama la adeegsado waxaa ka mid ah: marka caanaha la lulayo, marka kebadda la tolayo, marka awrta iyo dameeraha la rarayo ee reerku geeddiga yahay iyo walibana kolka hooyadu carruurteeda ay seexinayso ama ciyaarsiinayso. Aynnu ku horrayno hees-hawleedda geela, waxaana ka mid ah kuwan hoose:
Geesi gacantiyo garbahaa wayn
Gaari guudkiyo gambadaa wayn
Goray gudihiyo gumbadaa wayn
***
Anoo suub iyo
Soobir maalan
Seexan waayaye
Sac nin maaliyo
Sagaaraystiyo
Sabool ari luhu
Sebenkii dheer
See u nool yahay!

Marka la waraabinayo geela, kolka ay sheedda ka arkaan wiilasha waday waxa ay ugu heesaan:
Sidii sagal roob
Oo si san u da’ay
Waan sugaynnee
Maysa soo shubay

Geela la waraabinayo waa la kala horaa oo kolba qayb ayaa darka loo sii daayaa. Marka hasha u horraysa ay afka saarto biyaha geeljiruhu waxa ay ku heesaan:

Wax shidaadiyo
Sharba necebeey
Shifo ku af saar
Oo shar kuuma leh.

Hees-hawleedda kuwooda ugu sii cajiibsan waxaa iyana ka mid ah, heesaha kebadda iyo tan haanta lagu lulo. Heesta kebedda aynnu ku horraynno. Kebdaha waa la isla sameeyaa, oo geed inta laga soo laalaadiyo ayaa dumarka ood wadaagta ahiba wada sameeyaan. Hadba gabadh ayaa loo sameeyaa, oo lala shaqeeyaa. Intaas ay kebeddu xidhan tahay waxaa la rabaa in ay gabadhu kebadda lihi soorto dumarka la shaqaynaya. Haddii ay yara daalaan ama gaajoodaan dumurka shaqaynaya, gabadhuna ay dareemi waydo ayaa ay oran jireen:
Naagta kabedda laheey
Kaalin daraneey
Adaan kayd usii dhiganeey
Koronkor cuni maynnoo
Kariba maynnee
Karuur geel ma la hayaa!
***
Xaabsatooy kabadeey
Xarig ma reebaay
Allow bilis xilkeed qariyey
Xaabadii tiil bay
Iga xanbaartaaye
Allow bilis xilkeed qariyeey
***
Geedba geedka u dheer
Laga garaacyey
Galool muray mullaaxdiiseey
Geesi geel keeniyo
Gabadha diirtaa
Galool loogu daahaayey.
***
Heesta haanta
Hoobaalayoy heedhee
Haaneey Bullooy ii bax

Haantii qoryoy kala jab
Laba qaalin kula buubtay
Laba qaar laguu kala dhig
Geed dheer lagaa soo lul
Geel-jire ku qooraansay!
***
Awr fakatay baan doonay
Ari fiigay baan raadshay
Ma fayoobide ogiye
Ma furkaa lagaa nuugay
***
Dibigeenna ina Daalis
Waxa dabada loo gooyay
Waa subag daraaddiiye
Silicdooy sadkaa aaway?

Reeraha magaaleystay
Oo wada maroyo cad goostay
Waa subag daraaddiiye
Silicdooy sadkaa aaway?

Waxaa iyana jiri jirtay heesta ugaarta, oo waxaa qaadi jiray ama ku heesi jiray raggii dabatada ahaa. Heesta ugaarta waxaa la yiraahdaa mayabo. Gariga, baciidka, deerada, sagaarada iyo gorayaduba waa qaybo ka mid ah ugaarta ay daban jirtay, dabatada Soomaalidu. Ragga dabatada ahi kolka ay dagayaan ugaarta ayaa ay ku heesi jireen. Waxa ayna yiraahdaan ugaartu kolka ay heestaas maqasho ninka baydariga ah ee toogan doona kama cararto e, way istaagtaaa. Run ahaanteedase Allaa og.
Gabraaratu, waxa ay ahaayeen dad ku hawlan ugaarsiga ugaarta. Waxa ay ahayd meherad ay dad badan oo Soomaaliyeed noloshooda ku maarayn jireen. Heesaha oo badidoodu lumay, maadaama hadda ay yaraatay gabraaratadii, waxaa ka mid ahaa:
Sagaal midab suuniyaaloow
Agaalkuba wada silloonoow
Suuniyaaloow sararawaynoow
Ku meeh!
Geesa wayne biciidoow
Gaalibkaas socodkaygiyo
Gabraaratada ku raagee
Gog baan kaa rugayaa
Gaashaan aan ku sameeyo.
Soomaalidii hore laba qolo ayaa ay u qayb sanaayeen; qolo xoola dhaqato ahaa, oo reer guuraana loogu yeeri jiray iyo, qolo beerallay ahaa, oo iyagu aan sida kuwa kale guurguurid badnayn. Qolada hore ayaa ay soomaalidu u badnayn, oo badanaa hees hawleeddoodu waa ay ina soo gaartaa, balse qolada kale ee beerallayda ahiba waa ay lahayd hees-hawleed ay falidda, goynta iyo walibana kolka ay tumayaan waxa uga soo go’a beerahooda ay qaadi jireen. Iyaga oo aad mooddid in ay la dardarmayaan qofka beerta falaya, ayaa ay oran jireen:
Xufta yaambo ha yeerto
Balka yay xidid goosan
Xashiish yaanay ku dhaafin
Marka xiinku yimaaddo
Xagna yaanay u liicin.

Hees-ciyaareed
Hees-ciyaaraddu iyadu waa tan aynnu buuggaan kaga hadli doonno, oo ciyaar walba iyo qayb ka mid ah heesaheeda waxa aynnu ugu tagi donna buugga. Hees-ciyaareed, waa hees lagu curiyay gole ciyaari ka oogan tahay.
Waa hees kolkaas la rabo in ay ciyaarta qurux iyo qaabba u siyaadiso. Badanaa hees walba waxaa loogu magac daraa ciyaarta ay ku curato, oo haddii jaandheer la ciyaarayo, hees-ciyaareeddaas waxaa loogu yeeraa hees jaandheer ah.

Hees-faneed
Fanka, waxaa la isku yiraahdaa dhawr shaqo oo isku tagay: waa habayn, nidaamin, iyo soo bandhigidda, heesaha, riwaayadaha iyo ciyaaraha ay ummadi leedahay.
Haddii aynnu ka soo sheekaynnay in aan raggii hore heesaha u badnayn, oo aynnu soo sheegnay in heesaha ay Soomaalidu taqaannay ay ahaayeen laba uun: hees-ciyaareed iyo hees-hawleed. Waxaa imanaysa wayddiin maangal ah, oo oranaysa: goorma ayaa ay bilaabmeen heesaha aynnu hadda dhegaysanno?
Aakeedba wax qofka guba oo dhiba oo dhiirrigeliya oo hal’abuur uusan horay isugu ogayn ka keena, dareenka jacaylka ayaa u sarreeya oo ugu sii fog. Hillaada 1940-kii ayaa nin reer Boorama ahaa oo Cabdi-Sinimoo Deeqsi Warfaa la oran jiray iyo gabar Khadiija Cige Dharaar (Khadiija-Balwo) la oran jiray jacayl dhex maray. Dabadeedna, jacaylkoodii waa uu sii ballaartay oo meel wanaagsan gaaray. Arageeda iyo daawashada quruxdeeda ayuu aad laabta uga jeclaaday. Lajirkeeda iyo weheshigeeda ayuu nolosha qayb muhiim ah uga dhigay. Iyada oo sidaas ah ayaa Cabdi-Sinimoo oo darawal ahaa safar ku yimid. Gaari in uu Jabuuti u kaxeeyo ayey arrintii ka fursan wayday. Isna waa uu yeelay oo gaadhigii waddada Jabuuti afka u saaray. Se nasiib xumo, gaarigii ayaa meel dhexe kula jabay oo dhinacna u dhaqaaqi waayey. Baabuurta xilligaasi jirtay oo yarayd ayey noqotay in muddo ba waddada cidi soo mari waydo. Farsamada cillad bixinta birta oo aanu wax badan ka aqoon ayaa iyana khasabtay in uu meeshii cidlo ku ahaado oo farsamo yaqaan sugo. Se sugiddaasi wax walba waa ay kaga darnayd. Cidlada iyo wehel la’aanta ayuu hiifay. Quruxdii iyo xasuustii Khadiijo ayuu ka ladi waayey. Jiif iyo joogba waa uu kaga fekeray. Waxa uu ku hammiyey Khadiijo araggeeda iyo in uu mar uun agteeda tago. Mase dhicin oo, wax waddada soo maraba waa la waayey. Dabadeedna, teneggii bir-qalaxda baabuurku ugu jirtay inta dhabta ku qabsaday ayuu madaxa ka garaacay. Meerisyo calaacal ah oo aad u kulul oo uu baabuurka ku hiifayo xaaladdiisana kaga calaacalayo ayuu tiriyey, meerisyada waxaa ka mid ahaa:
Laylaay laylay lalalay…
Laylaay laylay lalalay,
Laymuun caawa laylku dheeraayey
Laylaay laylay lalalay
Haddii quruxdaada layga qarshoo,
Khadiijo-Balwooy qac baan oranee
Laylaay laylay lalalay,
Laymuun caawa laylku dheeraayey.
Laymuun iyo laylka gaabaneey,
Maxay nin ladnaa luggooyeeneey.
Laylaay laylay lalalay
Laylaay laylay lalalay,
Laymuun caawa laylku dheeraayey.
Laylaay laylay lalalay!
Iyo..
Balwooy balwooy hoy balwooy
Beergaal iyo boyga looraniseey,
waxaa i baleeyey baabuureey.
Balwooy balwooy hoy balwooy
Waxaa I baleeyay Boorama
Balwooy balwooy hoy balwooy
Waxa I baleeyay beerguba.
Ereyadaas calaacalka ah ayuu habeennadii cidlada badnaa isku dhaafiyey. Daasaddii bir-qalaxdana wehel uga dhigtay. Intii yarad waxa ay noqotay la hal-abuur cusub oo uu aad uga helay. Kadibna magaalada Boorama ayuu keenay oo dhallinyaradii ka hor tumay. Iyagiina sidaas oo kale ayey ugu haleen oo ugu riyaaqeen. Islamarkiiba intii yarayd waa la isu wada sheegay oo magaalada ayey wada gaadhay. Islamarkiiba dhallinyaradii ayaa kusoo jabtay oo shaqo kaleba qaban wayday. Islamarkiiba waxa ay noqotay farsamo cusub iyo hab casri ah oo loo madadaasho. Durbadiiba cawayskii habeen-barka la qaban jiray oo hablaha lala sugi jiray ayaa laga raystay. Balwadii ayaa subax iyo galab iyo habeen ba la tuntay. Sidaas ayay balwadu ku noqatay hooyada heesaha Soomaalida ee casriga ah, qalabka muusigana lagu tumo. Se ujeeddada Balwadu jacaylkii lagu bilaabay ayey dhaafi wayday. Ereyadii calaacalka ahaa ee Cabdi ku bilaabay iyo kuwo la mid ah ayey ku ekaatay. Heesihii Balwada ee calaacalka ku suntanaa waxaa kale oo ka mid ahaa:
Hillaac badwayn ka biligyiriyoow
Xaggay Basri caawa joogtaa!
Iyo…
Sidii hoorrimaad hillaac ku jiraad
Habeenkii iftiimisaa Herar!
Iyo…
Timaha madaxayga tintaan u jeclaa
Een hadba taabto baad tahay!
Markii dambe kooxo Balwada barta ayaa la asaasay. Kooxahaas waxaa ugu horraysay (Balwo Band) oo 1944-tii uu Cabdi-Sinimoo magaalada Boorama ka asaasay. Kooxda Balwo Band waxaa ka mid ahaa:
Cabdi Deeqsi (Sinimo)
Koobaali caashaad
Xuseen Aare Miicaad
Xaashi Warsame
Khadiijo Cige Dharaar (Khadiija-Blawo)
Nuuriya Catiiq.
Khadiijo-Balwo, oo iyana ahayd dadka Balwada aadka usoo shaacsaaray, erayo badanna curisay ayaa waxaa la wariyaa in nin Xaaji ah oo la oran jiray Xaaji Axmed Naaleeye ay sheeko dhex martay erayo balwo ah ka curisay. Xaajigu reer Hargaysa ayaa uu ahaa, kolka uu Boorama yimaado oo kooxda la fariisto ayaa ay Khadiijo ciyaari jirtay. Inta ay ciyaarta ku guda jirto ayaa uu xaajigu lacag dusha kaga daadin jiray. Khadiijo ayaa kolkaas erayo tirisay ay ka mid ahaayeen:
Wuxuu Ingiriis ka xoogsaday iyo
Xajkii ma ka saaray Xaajiga.
Intaas wixii ka dambeeyey Balwadu xargaha ayey goosatay. Miyi iyo magaalaba warkeeda ayaa laga maqlay. Muddo kadibna waaba ay sii baahday oo bari ayey gaadhay. Se goor la joogaba bini’aadanku waa isaga isbeddela oo sii hormara oo wax cusub isku daya. Durbadiiba Balwadii waa la casriyeeyey. Tixo iyada la miisaan ah ase ka laxan duwan ayaa loo beddeshay. Habkaan cusub waxaa loogu yeeray “Heello”. Haddii ay Balwadu yara gaagaabnayd oo meerisyo goosgoos ah ahayd markaan heeso iskudhan ayaa soo baxay. Ujeeddo ahaan Heelladu iyada oo jacaylkeedii iyo rafaadkii joogta ayaa lasii qurxiyey. Qalab cusub oo gumaystuhu keenay ayaa la tuntay oo laxammo cusub la soo saaray. Laxammadii hirgalay ee illaa maanta aadka loo jecel yahay waxaa kamid ah laxanka Raaxeeye oo Axmed Ismaaciil Xudaydi soo saaray iyo Jawhara-Luula oo ereyadeeedu caynkaan ahaayeen:
Beryana tegay ceelashaa bariyoo
Buuhoodle Burcaan ka haybsadayoo
Biyaan dhuray birta Caynaba oo
Bardaan ku wareegay buur dhaaboo
Ka baaqay bannaanadii Hawdoo
Biimeeyay naftaan bogsiin jirayay
Layga kaa qaadyoo layna kala qariyeey
Alla qacdaan ku arkaan is qoonsadayeey
***
Allay baday caashaq waa bela oo
Ma buurna nin kuu bariinsadayoo
Jirkayguu beddeloo ka buuxsamayoo
Bogsiin kari waayay boog shidanoo
Burdahaan kuu dhammayn inuu baxo eey
Layga kaa qaadyoo layna kala qariyee
Alla qacdaan ku arkaan is qoonsadayeey!
Sidoo kale laxammadii berigaas aadka looga helay ilaa haddana aan dhegaha qofka soomaaliyeed ee fanka xiiseeyaa aanu illaaawin waxaa isaguna ka mid ahaa Beerdillacshe. Beerdillacshe, waxaa lahaa oo sameeyay Cabdullaahi Qarshe, Alla ha u naxariistee. Waxa uuna ku jiraa codadka ugu adag ee waayadaas la sameeyay, haddiiba aanu ugu adkayn. Waxaa lagu qaadi jiray meerisyo ay ka mid ahaayeen:

Wadnaha xididdada waraabinayaad
Wareentoo adaa wad ii noqon
****
Magaalada geed ku yaal muxibooy
Ayaad midabkiisi leedahay
***
Arooryada hore daruur onkoddiyo
Ufada roobku way udgoon tahayeey
***
Inaan miyirsaday ha moodina ee
Maankii iga raacay baa maqan
***
Maankiyo madaxaa I kala maqaneey
Idinna waygu maadsanaysaan
***

Bulshadii iyo Heellada
Waqti aan badnayn ba heelladii sida Balwadii ayey u faaftay. Hal-abuur aad loogu bogay ayey noqotay. Dhallinyaradii ayaa aad ugu daatay. Dardar tii balwada ka badan ayey la soo baxday. Waqti badan oo aan xisaab lahayn ayaa la galiyey. Rag iyo dumar ba waa laga wada qayb qaatay. Qalab cusub oo kabanka iyo dafku ugu horreeyaan ayaa dhulal shisheeye laga soo dhoofiyey, dabadeedna heeso calaacal ah lagu laray. Dhawaqa iyo hadal-haynta Heellada ayaa cid kasta ba gaartay.
Se sida la malayn karo bulshada qaybaheedu Heellada ma soo wada dhawayn. Cid ba sabab ha u qoonsatee, waxaa dhacday in qaybo bulshada ka mid ahi qoonsadeen Heellada. Dadka Heellada ku kacay waxaa ugu horreeyey uguna cod dheeraa abwaannadii xilligaasi joogay ee gabayada looga bartay. Abwaannadii hal-abuurka gabay lahaa aad ayey bulshada ugu dhex sharfanaayeen.
Gabyaaga goobaha iyo mararka aadka loogu baahan jiray isaguna uu awooddiisa ku muujin jiray waxaa ka mid ahaa: geedka shirka, gubaabinta colka, nabadaynta, golaha ciyaar-dhaqameedka iyo walibana madasha haasaawaha. Taas daraadeed ayay abwaannada Soomaalidu berigaas aad iyo aad isugu mahdiyeen. Arrintaas waxa aad si toos ah uga dareemi kartaa gabayadooda. Arar aad u dheer oo tookh iyo faan, run iyo been ba leh ayaa uu mid walba isku hawli jiray inta aanu ka gabyin ujeeddadiisa.
Iyaga oo abwaannada soomaaliyeed heerkaas bulshada ka joogaan ayaa waxaa soo baxday heesta casriga ah ee qalabka casriga ah loo tumo; heestu waa wax ka yar, ka fudud, kana macaan dhanka raaxaysiga dhegta, marka la barbar dhigo gabayga. Taas daraadeed ayaa dhallinyaro badani dhanka heesta ugu jabtay. Waxaa la arkay gabaygii macaanaa ee kaalin kasta oo suugaaneed bulshada Soomaalida u buuxin jiray in si fudud looga sii digo roganayo, oo heesta niyad wayn loo hayo. Abwaannada oo malahayga arrintaas diiddan, gabi ahaanna aan la dhacsanayn hal-abuurkaan cusub ee loo digo rogtay ayaa cambaareeyey arrintaas.
Isla waayadaas fanka casriga ahi uu aadka u kobcayay ayuu nin la oran jiray Hurre Aadan Muuse, tiriyay gabay uu uga jawaabay gabaygii Cumar Xuseen (Isteelliya), ee ahaa, “Ragga laxaha sii dhawrayoow dhaqasho waa geel.” Hurre, Cumar waa uu ka aragti duwanaa, oo waxa uu qabay in magaalada iyo camalkeedu yihiin wax la dhaqdo ama la isku hawlo waxa ugu wacan. Hurre inta aanu jawaabta gabaygaas u gelin ayaa uu araranayaa, oo walibana aragtidiisa ku aaddan fanka casriga ah ku araranayaa, waxa uuna oranayaa:
Waayadan gabaygii ma dhihin dheemmanka ahaaye
Dhawaaqi qaraamigu markuu dhaa ka bixi waayay
Dhallaan ooyayaa lagu masaala iina dhici waaye
Luuqdii horee loo dhashaan soo dhufanayaaye
Habluhu kay ku dhaantaynayaan hayga dhowrina e
Bal dhegayso Caliyoow murtida waan dhexgalayaaye
Ragga geeela sii dhawrayoow dhaqasho waa moode.

Abwaanku waxa uu heesta ku dhaliilay in ay dumarku qayb ka yihiin qaadista heellada, iyo in aysan waxtar badan lahayn e uun ay tahay cataab iyo calaacal. Gabaygana waxa uu ku tilmaamay dheemman. Dabcan abwaanku, hal’abuurka gabay waxa uu u arkayey hiddaha maanso ee Soomaalida kan ugu wanaagsan ee ugu sarreeya. Sidaas daraadeedna heesta waxa uu ku tilmaamay wax liita oo maansada gabayga in looga digo rogto ay tahay dhaawac iyo sharaf-dhac.
Sidoo kale abwaannaddii xilligaasi joogay waxaa ka mid ahaa Cabdullaahi Suldaan (Timacadde), Allah ha u naxariisto e, oo ahaa nin ka mid ah raggii ugu foolaadsanaa Suugaanlayda berigaas, aadna loogu xasuusto gabaydii uu gobannima-doonka ka tiriyey. Cabdullaahi waxa uu ka mid ahaa abwaannadii sida tooska ah uga soo horjeestay heesihii casriga ahaa. Isaga oo heesta ku dhaliilaya waxtar xumo iyo in aysan kaalin muuqata bulshada u buuxinayn ee ay uun tahay jacayl iyo cataab ayuu gabay ku darsaday meerisyadaan:
Indhowayd ba quruxdiisa gabay qaad isma lahayne
Wax waliba qisuu leeyihiyo qariyo maamuuse
Qawaaniinta maansaduna waa qalad la’aan sheege
Halkaan xarafku kuu qabanba waa laga qandoodshaaye
Maansada qaraamiga yaryare qayliyaa dilaye!

Sidoo kale, waxaa iyana heesta dhinacooda uga kacay wadaaddada oo arrinta dhanka diinta ka eegayey. Wadaaddadu, kaalin muuqata oo ilaalinta, fidinta, baridda iyo daryeelka diinta ah ayey bulshada ku dhex lahaayeen kuna maamuusnaayeen. Iyaga ayaa ducada laga dalban jiray habaarkoodana laga carari jiray. Hadba wixii cusub ee arrimaha diinta lid ku ah iyaga ayaa caammada kale u fatwoon jiray oo uga digi jiray cawaaqib xumada lagala kulmi karo haddii aan arrintaas wax laga qaban. Wadaadadu, si adag ayey ugu kaceen heesta iyo hooballada ba. Waxa ay durbadii ba sharaysteen qalabkii cusbaa ee Heellada lagu tumay ee dhanka waddamada carbeed gumaystuhu innaga soo gaarsiiyey iyo waqtiga faraha badan ee dhallinyaradu Heellada ku lumiso iyaga oo u arkayey wax aan adduun iyo aakhiro toonna raandhiis lahayn. Waxa ayse wadaaddadu furka tuureen oo qaylo afka ku shubteen kolkii dumarku qayb ka noqdeen Heellada iyo hooballadaba. Waxa ay arrintaas ku tilmaameen dhaqan xumo iyo Alle ka fogaansho aan indhaha laga qarsan karin oo in wax laga qabto u baahan. Dabadeedna, waxa ay fatwooyin badan ka soo saareen Heellada iyo hooballadaba, waxa aynna amreen in meel looga soo wada jeesto oo dadka laga dhex takooro. Waalidiintii dhalay ayey midmid ugu wacdiyeen oo ugu goodiyeen in uu cadaab adduun iyo mid aakhiro ba mudan doono haddii aysan ilmahooda qabsan, iyaga oo aayado iyo axaadiis cadaabka ku saabsan dusha ka marinaya. Kuwooda hal’abuurka maanso lehina uga faa’idaysteen in ay bulshada iyo diintaba suugaantooda ugu hiiliyaan, waa kii Shiikh Mannati lahaa:
Rasuulka nin raacay raaxa helyeey
Rabboow hana seejin aakhiro
Ninkii balwa iyo belaayo badshoow
Sided u badbaadi doontaa
Waxa ay kor iyo hoosba ugu sheegeen in ay xirxiraan intii waanada iyo wax-sheegga wax ku qaadan wayda. Halka ciddii xabsi lagala quusto ama gumaystuhu xiri waayo ay soo jeediyeen in la dayriyo oo magac iyo maal waxa ay leeyihiin ba lagala noqdo

Arrintaasi waxa ay keentay in waaliddiintii hooballada dhalay ee caamada ahaa ee waligood ba waddaadada u dhaga nuglaa, ay heesta meel adag kaga soo jeestaan. Dhallinyaradii heellada ku howlanayd na waxa ay noqdeen wax la xiro, wax la dayriyo iyo, wax laga quusto oo faraha laga qaado.
Hase ahaatee dadaalladii Heellada lagaga hortagayey ma guulaysan. Taas beddelkeeda waaba ay sii fidday oo waddanka wada gaadhay. Muddo kadibna horumarro waawayn ayey hal’abuurradii heelladu ku talaabsadeen. Waxa ay bilaabeen habab cusub oo maansooyinka loo curiyo.
Awal haddii dhowr laxan uun jireen Heellada na la wada lahaa oo ciddii rabtaa qaadi jirtay, markaan, hees walba laxan cusub ayaa loo sameeyey, hoobal gaar u lehna farta laga saaray. Hal’abuurkaas cusub Heeso ayaa loo bixiyey. Ujeeddo ahaan haddii Heelladu rafaad iyo saxariir iyo calaacal iyo jacayl dhinac maqan yahay ku koobnayd heesta cusubi waa ay ka duwanayd oo ka gudo waynayd. Waxa ay noqotay hal’abuur gudo ballaaran oo ay abwaannadu kaga hadlaan dhammaan dhinacyadii nolosha sida, gobannimada, siyaasadda; jacaylka, ammaanta iyo waddaniyadda. Muddo aan badnaynba waxaa la bilaabay in la sameeyo ruwaayado lagaga hadlayo dhinacyadaas oo ay heesuhu qayb ka yihiin. Sidii hal-abuuradii hore ayaa heesta loogu bogay oo madaxa loo wada ruxay. Durbadii ba waxaa loo adeegsaday kicinta ummadda, fikraddii madaxbannaanida iyo midnimadii Soomaalida. Markii gobannimadii la helayna waxaa la qaaday heesihii caanka ahaa ee ay ka mid ahaayeen “Maandeeq; aan maalno hasheenna” iyo kuwo kale.

Waxyar kadibna waxaa la gaaray casrigii dahabiga ahaa ee fanka Soomaalida; toddobaatanaadkii. Waxaa la isla helay abwaanno aqoon durugsan u leh aqoonta maadiga ah sida afka, xisaabaadka iyo luuqadaha ba, muusig casriya iyo, hooballo cod wanaagsan. Waxaa kale oo aan meesha ka maqnayn kaalintii uu kacaankii Maxamed Siyaad, ka qaatay dhiirrigelinta Heesaha. Intaas oo isku duubni waxa ay ku guulaysteen in ay dhisaan duni fanku wax walba ka yahay oo nolosha qofka dhan kasta ka saameeyo.
waxa ay soo saareen heeso taabo-gal ah oo waddaniyadda iyo hurumarka iyo waxbarashada iyo jacaylka ba kaalin wanaagsan ka galay. Dhanka waxbarashada waxaa tusaale wanaagsan inoogu ah heeskii caanka ahaa ee loo sameeyey dhiirrigelinta waxbarashada ee Maxamed Mooge Liibaan [Allah ha u naxariisto e] ku luuqaynayey. Waa heeskii“ Waxaan ahay waadiga dugsiiyada” ee ay ereyadiisa ka mid ahaayeen:
Waxaan ahay waadiga dugsiiyada
Waxaan ahay waanada macallinka
Waagii beryaba, ubax laga waraabshoo
Waxaan ku werweraynaa
Waddankiina wax u barta
Oo xambaara waajibkiisa!

Dhanka kale, waxaa meel fog laga gaaray samaynta maansooyin jacayl ah oo Soomaalidu ka arradnayd. Haddii Heelladu uun ahayd qof dhinac ka saxariirsan oo jacayl lagu cidleeyey la alaladaya, markaan waxaa la sameeyey kuwo talantaalli ah oo laba isjecel ama matalaysaayi wada qaadayaan. Heesaha jacaylka ah ee lala amakaagay waxa aynnu tusaale usoo qaadan karnaa heeskii “Sabaalo” ee uu Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise ( Singub) sameeyey, ee ay Aamina Cabdullaahi iyo Axmad Gacayte sida tallantaalliga ah u wada qaadayeen. Heeskii ay ereyadiisa ka mid ahaayeen:
Inaan kuu silloonahay
Si dhaba ii ogaatoo
Caad kaama saarnee
Sanaddaba waxaan ahaa
Nin jacayl ku sara degay
Seedaha jidhkiisee
Sanbabadaa i qalanoo
Wadnahaa i saranoo
Dhiigga saydhinaayee
Naf la saaqay baan
Siday tahay dhallaan
Sabaalaynayaayee
Hadduu samir wax tari laa
Ama uu sad noqon laa
Muddaan kaa dhursugayee!

Adoon saaca igu xidhin
Saranseerna igu ridin
Ama saydhin wacadkii
Ama sidaa ugu qaadoo
Haygu samir darnaanine
Adigoon sal fududaan
Oon saluugin waayaha
Aniguba saqiyo waa
Sidaan kuugu go’ayaa
Sahalkeeda hayaa
Kuma seexan waligay
Seddex igu wallaahiya
Siraan kugu dilaayee
Sahwiyoo jacaylkuna
Siduu adiga kugu yahay
Ayaan kuula simanahee

Saartiyo ishaartii
La isiiyay xalaybaa
Suurtoobi waydee
Salkuu dhigi ayaankuye
Samir aan lahaano

Xilligaas fanka soomaalidu gaar ahaanna heestu waxa uu gaaray fiinta sare; dibad iyo gudaba. Guulaha dibadda waxaa laga xusi karaa guushii ay kooxdii hoballada Waaberi kasoo hoyday bandhiggii waddanka Nayjeeriya ee ay kaalinta ugu sarreeya kaga galeen dhammaan fanka ummadaha midabka madoow “Black Skin Festival”.
Fanku in uu guulahaas gaaray, in uu galay boosas badan oo ay bulshadu u baahnayd iyo ugu dambayn in uu suugaanta soomaalida masraxyada caalamka geeyay oo guula soo hoyay, kama ay horjoogsan abwaannadii iyo culimmadii in ay dhaliilaan. Iyaga oo waxaas oo dhan arkaya ayaa ay haddana dhalliilsanaayeen. Abwaankii Abshir Bacaadle la oran jiray ee wadaadkana ahaa, Alle ha u raxmadee, ayaa 1992dii gabay uu tiriyay ku xusay muhiimadda uu gabaygu lahaa. Nolosha oo idil ayaa uu ka dhigay gabayga, waxa uu goconayaa ama uu si cad u sheegayaa waxyaala badan oo uu gabaygu qaban jiray. Waxa uu isla jeerkaas ceebaynayaa heesta, oo uu aad ugu darnaanayaa. Waxa uu yiri:

Gininiifta iyo muusiggaad gacal u haysaane
Suugaanta gabaygaa u asal ah garanna weydeene
Wixii geedka loo xaaran jirey gabaygu sow maaha
Waxay odayo goob kaga hadlaan gabaygu sow maaha
Wixii geela lagu qaybsan jirey gabaygu sow maaha
Gammaan faras wixii looga tegey gabaygu sow maaha
Wixii guurka loo dooran jirey gabaygu sow maaha
Guubaabo iyo nabadgelyaba gabaygu sow maaha
Guuleed fan-salax waxaan ku gubey, gabaygu sow maaha
Gantaalaha wixii kaga darraa, gabaygu sow maaha.
Tartan waxaanay heesuhu la gelin, gabaygu sow maaha
Waxaan gaadda-ka-cayaar lahayn, gabaygu sow maaha
Waxaan muusig loo gaawinayn, gabaygu sow maaha
Waxaan loo garaacayn gurbaan, gabaygu sow maaha
Waxaan dumarku qayb weyn ka galin, gabaygu sow maaha
Ilaahay waxuu nagu galladay, gabaygu sow maaha.
Murti waxa gorfeeyoo gudbiya, gabaygu sow maaha
Taariikhda waxa lagu guntado, gabaygu sow maaha.

Gebogabadii, fankii Soomaalidu burburkii wixii ka danbeeyay, waxa uu wax la qabay dhammaan hantida ummadda ee meel walba ku dhacantay. Ma dhiman oo ilaa maanta waa uu nool yahay laakiin wax badan ayaa ka khaldamay, oo saxid u baahan.

Waxa laga soo qaatay Mawduucan Buugga: Jiib iyo Jaan.
Waxa qoray: Fadli Bashiir Diiriye

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here